Friday 5 April 2013

MIDNIMO


Midnimada dad badan baa u qeexa mid-ahaansho. Dhabtii, midnimadu waa mid-ku-ahaansho. Halka ay qeexdinta hore ka muujinayso wax mid ah, oo aan xitaa laba ahayn, waxay qeexdinta xigtaayi muujinaysaa wax ka badan mid, oo haddana isku xiran. Xiriirkan weeyi midnimadu. Waxa uuna xiriirkani muuq leeyahay marka isaga dartiis la’isugu yimaaddo—oo ay duulal kala yaallaayi isugu yimaaddaan in “xiriir ka dhaxeeyo.” Waana halkii uu Abwaan Saalax Xaashi Carab ka yiri, waxay sare u kaabtaa midnimo, duulal kala yaalle.
Soomaalidu mar hore iyo mar sokeba waxay ahayd duulal kala yaalla. Waxaa isu keenay gumeysi-la-dirirnimo. Waxaa isku kabay SYL iyo dhaqdhaqaaqyadii xoraynta dadka iyo dalkaba u sara-joogsaday. Waxay udubatay midnimo. Haddiiba ay isu talisay, waxay hilmaantay waxay isugu timid. Waxay ka warwareegtay inay dhammaystirto wixii ay ballanka ku gashay—inay isu soo hilowdo, oo isu wada timaaddo, sidaasna qaran ay ku wada midaysan tahay u seesto.
Way isa-saniftay, is-rigaaxday, isna baabbi’isay. Haddadeerna way isu calool xuntahay. In ay magaceeda Soomaaliyeed wada hoos dugsato waxay ka jeceshahay magacyo ay kala yeelatay. Waxay hoos badweyn u sii mukhuurataba, waxay maraysaa in Soomaalinnimo ay ku baddalato afnimo, isuna taqaanno: “dadka af-Soomaaliga ku hadla!” Qayb kamid ihi waxay isu yaaqaanniin Itoobiyaan. Kuwa kalena Kiinyaan. Kuwa kalena Jabuutiyaan. Kuwa kalena konton magac oo dalal- amma goballo-iidaaman.
Iyadoy sidaa tahay, haddana Soomaalidu way isa soo raadsataa, iskuna raadjoogtaa. Waxay goobtaa waxay ahayd, waxay ahaan karayso. Haddii ay is hesho, heshiis maxay ku noqon kartaa? Haddii ay heshiiso sidee bay waligeed isu dul-iyo-hoos joogi kartaa? Sideebay isu hareer arki kartaa? Sidee bay isu daba fariisan kartaa? Miyey tahay midnimo waxa ka dhiman? Miyey aqoonsan tahay midnimo waxay tahay?
Dhabtii, waa weydiimo ay ka wada warcelisay Soomaalidu. Waxay ogaatay in midnimadu tahay wax iyadaba ilaalis u baahan. Hasayeeshee, in ay midnimadu tahay wax wada-ilaalsi u baahan ma aqoonsana. Ma aqoonsana in midnimadu tahay wax isu kaba, oo aan kala kabin. Ma aqoonsana xitaa in waxa midnimadoodu ku jirto, ee ah geyiga ay ku nooshahay, ay wada-yeeshaan; waa in ay kala yeeshaan! Damacweyni kuma jirto iyo dhul-bursi. Wayba isasii hagaasisay, oo waxay la soo idhcaddahay, “Afka uun baan mid ka nahay.”
Haddaba, midnimaa midnimo dhasha. Soomaalida maanta ku midaysan ceelka, waxaa dhacaysa in ay ciiddana ku midoobaan. Cilladdu waa hoggaanka. Haddii aan hoggaan baasi kala qoqobin, kuna kala shaqaysan, Soomaalidu waysu calool-xaaran tahay. Soomaalidu way baratay in midnimo la dhawrto, yaase u hoggaan ah, oo u muujin kara in ay midnimo ugu macaantahay marka la wada dhawrto, ee aan goonni goonni loo kala dhawran?

No comments:

Post a Comment