Tuesday 9 July 2013

Derisigii Labaad Ee Ramadaanta Ku Saabsana Iyo Gabaygii Abwaan Cadceed

HORDHAC
Dhammaan Umada Muslimiiinta Waxaan leeyahay ramadaan kariim. Mar kale Waxaan Bogan(Xikmadmaal) idiinku soo gudbinayaa Maqaalo ku saabsan bisha ramadaan oo lagu qoray mareegta Somalitalk.com Oo uu Diyaariyey Walaaalkeen Calinuur Xoogsade.
Waxaan kaloo Bogan Xikmadmaal Idiin ku soo gudbinayaa suugaan dhumuciyo xikmad leh oo ay tiriyeen abwaaniin eebe siiyey murti dhaxgal leh. Halabuuradan ama Abwaaniintan waxay bishan ugu talogaleen suugaaniyo murti ku saabsan ramadaanta oo ay ku duugan tahay xikmad dhaxalgala.

Hadaba inta aan soo gudbin gabay ku saabsan ramadaanta waxaan ka horesiinayaa casharkii/darsigii labaad ee ka soo baxay mareegta somalitalk.com kaas oo ka hadlayay Ramadaantu waa fursad cimriga
Waxaa uu illaah (cw) noo sharciyeeyay inaan Soono Bishaan Barakeysan ee Ramadaan asagoo ula jeedada Soonkana ku sheegay in ay tahay inaan ka kororsano Taqwo(alle ka cabsi) iyo aadaabta oo la toosiyo ee ula jeedada Soonku ma aha inaan gaajoono ama haraadno sida dad badan oo cilmi laheyn u heestaan, taasoo keentay in ay ka dhowri waayaan Soonkooda waxyaabihii wax u dhimayay ulajeedadiisa ama in ay ka dhawri waayaan waxyaabihii gebi ahaanba Soonka burinayay, sidaa darteed waxaan soo gudbinayaa gafaf ay haboon tahay inuu ka digtoonaado ruuxa sooman ee doonayo inuu Soonkiisu noqdaa mid maalinta Qiyaame uu ku baxsado oo uu uga
badbaado Cadaabka Naarata hadii illaa u aqbalo, waxaana ka mid ah gafafkaas:-
1-in aysan dadka qaar ku baraarugsaneyn fadliga weyn iyo faaiidooyinka Soonku leeyahay,taasoo aad ka arkeyso sida aysan ugu faraxsaneyn Bilashada Bisha Ramadaan ama sida ay u soo dhaweynayaan oo ah in ay ku soo dhaweeyaan diyaarinta noocyada Cunada iyo Cabitaanada kala duwan ama in ay ku soo dhaweeyaan abuubulo ku saabsan kubad iyo turub iwm, halkii looga baahnaa in ay ku soo dhaweeyaan dadaal xaga Cibaadada ah sidii uu sameyn jiray Nabigeena (scw) oo ah inuu la yimaado dadaal dheeraad oo uusan la imaan jirin bilaha kasoo hara Ramadaanka.
2-Waxaa ka mid ah gafafka dadka qaar ka dhaca in aysan ku farxin Bilashada Bishaan oo ay ka murgoodaan ayagoo u heesta in ay tahay Ciqaab lagusoo rogay, taasoo keeneysa in ay dhamaadka Bisha ku sugaan Sabar la’aan kuna farxaan inuu ka dhamaaday ee aysan ku faraxsaneyn in ay dhameesteen.
Dadka noocaas ah ma macaansadaan Cibaadaadka ku dhex jira Bishaan mana ka faaiiideystaan maalmaha iyo Saacada bisha Ramadaan taasoo macnaheedu yahay in kuwaaasu ka khadeen nicmooyinkii iyo faaiidooyinkii Bishan xambaarsaneyd ayagoo ay dhici karto in ay ka soomeen Cunadii iyo Cabidii.
3-Waxaa kaloo gafafka ka mid ah dadka qaar ku dhacaan in aysan baranin Axkaamta Bishaan Ramadaan ama aysan su’aalo ka weydiin kuwa Cilmiga leh, taasoo ah in ay Cibaadeestaan ayagoon Cilmi ulaheyn kuna dhacaan gaabis iyo gafaf badan.
Marka waxaa ku waajib ah ruuxa u xilhaya Diinkiisa inuu waxa uu ku Ciabaadeysanayo Cilmi u yeesho si uusan Maalinta Qiyaame ula kulmin wax aan farax galin.
4-Waxaa ka mid ah qaladaadka ku dhex dhaca Bishaan in dadka qaar ayssan ka dhowrsan gafafka
taasoo ka dhigtay soonkoodii mid uun ah ka tagid Cuno iyo Cabid, ee uusan soonka ku xambaarin in ay xumaanta ka tagaan, nabigeena Suuban (scw) waxaa uu sheegay in Soonka aan loo jeediynin ka tagida Cunada iyo Cabida kaliya.
( من لم يدع قول الزور والعمل به فليس لله حاجة في أن يدع طعامه وشرابه ) رواه البخاري .
5-Gafafka dadka qaar ku dhacaan Bishaan Ramadaan waxaa ka mid ah in ay ka tagaan Sunooyinka qaar sida:-sandaarsiga marka la weyso qaadanayo ayagoo ka baqaayo in ay Biyaha ka galaan Gudaha jirka, laakiin arintaas sax ma aha oo waa la saandaarsadaa lana luqluqdaa marka la sooman yahay hadii aanan lagu xeel dheeraan.
( أسبغ الوضوء، وخلل بين الأصابع، وبالغ في الاستنشاق إلا أن تكون صائماً ) رواه الترمذي وغيره.
Xadiiskaan waxa uu tusayaa in marka la weeso qaadanayo in sanka qeybtiisa hore biyaha lagu nadiifiyo ayadoo aan lagu fogeyneynin gudaha Sanka, waxaana kaas la mid ah ka tagitaanka Cadayga galinka dambe maalmaha Soonka, maxaa yeelay mar walba Cadaygu waa Sunno.
6- Waxaa kaloo ka mid ah gafafka dadka Sooman qaarkood ku dhacaan in ay ka dhowraan afkooda wax Cundhuuf ah in ay ku soo dhacdo ama dhuuntoodaba gaarto taasoo noqoneysa inuu Ciqaabo ruuxaas naftiisa maadaama aysan suuro gal aheyn in laga dhowrsado Candhuufta ama aysan suuro gal aheyn in Candhuuftaas laga dhowro in ay dhuunta gaarto.
7-Waxaa kaloo kamid ah gafafka in aysan Soonka Habeenkii niyada ku qaban taasoo ka hor imaaneynysaa Xadiiskii u Nabiga (scw) ku sheegay inuusan Soomin ruuxii aan habeenkii niyeeysan Soonkiisa.
( من لم يبيت الصيام من الليل فلا صيام له ) رواه النسائي
وفي رواية: ( من لم يبيت الصيام قبل الفجر فلا صيام له
Waxaana iga xasuusin ah in Niyada aysan aheyn mid lagu dhawaaqo sida ay sameeyaan dadka qaar, maadaama uusan Nabiga Niyada la jahrin marka Xajka la joogo maahane.
8-Gafafka dhaca waxaa ka mid ah Cinitaanka cunada marka la Adimo ka dib Aadaanka Fajarka(salaada lagu dkado) ama inta uu socdo Aadaanka.waxaa haboon ruuxa doonaya Saxuurtaa inuu ka tigtoonaado in lagu dul Aadaamo oo uu ka hor ka faro xasho.
9-Waxaa kaloo ka mid ah qaladaadka dadka qaar ku dhacaan Bishaan Barakeysan in ay moodaan hadii ruuxa lagu dul Adimo asagoo Janaabo qaba inuusan soomi Karin maadaama uusan Daahir aheyn, laakiin waa arin qaldan maxaa yeelay Soonka Shuraadihiisa ka mid ma aha in uu Daahir ahaado ruuxa Soomaya, waxaana Nabiga Suuban laga soo sheegay inuu Soomi jiray ayadoo uu waaga u baryay asagoo Janaabadii uu reerkiisa kula kulmay qaba.
10-Waxaa gafafka dadka Sooma qaarkood ku dhacaan Dabeecada oo ka xumaata marka ay Soomaan oo gaajada qabato, taasoo ka hor imaaneysa dantii laga lahaa Soonka oo ah in uu toosiyo Aaadaabta kan sooma uu ku barto Dulqaad, waxaana la amray kan Sooman hadii la aflagaadeeyo ama lala dagaalo inuu yiraahdo waan Soomanahay waan Soomanahay!!
فإذا كان يوم صوم أحدكم فلا يرفث، ولا يصخب، فإن سابه أحد أو شاتمه فليقل: إني صائم رواه البخاري و مسلم .
11-Waxa kaloo gafafka dadka qaar ka dhaca waxaa ka mid ah in ay daadaal badan muujiyaan biloowga Bisha kadibna Caajisaan oo ku dhameestaan hurdo iyo sheeko, laakiin waxaa habooneyd in dadaalka la badiyo maalmaha dhamaadka Bisha lagaaro oo uu qofka Sooman Jibaaro Cibaadada sida uu sameyn jiray Nabiga Suuban(scw) oo kale .

Hadaba waxaan intaas ku soo koobayaa Maqaalkan aan Ka soo Minguuriyey SomaliTalk.com, Waxaana Maqaallkan Diyaariyey Calinuur Xoogsade.

Bishan Ramadaan madaaama ay tahay bil eebe barakeeyey, aya halabuurada iyo abwaaniinta soomaaliyeed suugaan iyo xikmada  qaaliga ahe ee Eebe siiyey ku tibaaxayaan barakada ay leedahay bisha barakaysan ee ramadaan, sidoo kalena waxay murtidooda ugu sooo gudbinayaa shacabka soomaaliyeed inay ka faaiideystaan bishan barakada badan ee ramadaan.

Hadaba waxaan halkaan idiin ku soo gudbinayaa Gabaygii labaad kaas oo la yiraaho RASAMAAL WEEYE  RAMADAANTU, waxaana  tiriyey Halabuurka/Abwaanka walaalkeen Cadceed Cadaysay, abwaanku wuxu ku  soo dhawaynayaa bisha ramadaan uguna bushaaaraynayaa umada soomaaliyeed bisha ramadaan, Wuxuuna yiri:-

√"Raadraaca maansada ma tiring, Mana risaalayne 
√"Ma raacdaynin maansooyinkan, Raacigood ahaye 
√"Raadkeeda wa taan ka hadhay, kumana raad joogin 
√"Rafaadna iguma ay ahee, Raalibaan ahaye 
√"Aan rakibo maantoo kalay, Raasamaal tahaye 
√"Afartaa rogaal celinta iyo, Raarki mansada dheh 
√"Erey aan ku raad goosaniyo, Raatib iyo faalo 
√"Soo dhawanta ramadaanta iyo, Raaxo iyo guul dheh 
√"Ridadii ismaacil miriyo, Raage iyo dhuux dheh
√"Risaalooyinki carab tirshiyo, Samatar reenkii dheh 
√"Rigaynti qamaan kadiye iyo, Reyfaklii dage dheh 
√"Raadraaca balaan sii wadoo, Rayskana aan dajo-e 
√"Inkastoo risaqa aad ka tagi, Ood rabi u jeesanayso 
√"Ooy maalintii reeban tahay, Rootidiyo quud la cunaaye
√"Ruqsad ruuxa haystaan ku jiraan, oo wax laga reebin
√"Haraad ruuga ku laaba oo jiilna kugu reeba 
√"Wixi reeban wixi raaliya iyo wixi la raad gooyo 
√"Hadii aad rafaad maalinimo, Raali ku ahaato 
√"Oo jidkii rasuulkeen na faray, Aad saxda Ku raacdayso 
√"Ramadaantu wa shay rasmiyo, Raaxo iyo doog ku ahee
√"Wa bil rasuulkii nafarayoo, khayrna laga raadshaaye 
√"Rabdad midha rucub iyo nimcaa, Laga raseystaaye
√"Raysiyo barwaaqiyo farxad, Bay kuu rakibaysaye 
√"Waxay kugu ridaysaa halkii, Raashidki maraye
√"Caafimaad rabaaniya bay, Ruuxdaada galisaaye
√"Riyadad jeclaydiyo janay, Raafka ku xidhaaye 
√"Raali galinta eebaa ku xidhan, Lagana raadshaaye 
√"Rafiiq waxay kaaga dhigtaa, Raaski nabigeeniiye 
√"Ramadaantu shay bilahayoo, Rasamaal ku ah weeye 
√"Rabiga weyn baan usoomayaayo, Raali ku ahaye 
√"Quraankod rafiiqi la tahay baa, Raasamaalka ahe 
√"Rumaygiyo salaadiyo digriga, Raasamaalka ahe 
√"Rubi aad sadqaysataa ah, Raasamaalka ahe 
√"Rooti aad miskiin siisid baa, Raasamaalka ahe 
√"Raxmadiyo wanaagod fashaa, Raasamaalka ahe 
√"Xurmo raaligalin waalid baa, Raasamaalka ahe 
√"Runtoo lagu nagaada ah, Raasamaalka ahe 
√"Hadalkii rabaayada ayaa, Raasamaalka ahe 
√"Rixinkood xidhiidhisa, Raasamaalka ahe 
√"Aan radeebo gabaygayga oo, Ruugana u xidho-e 
√"Mar hadii ibliis raafan yahayo, Xabsi ku raagaayo 
√"Ramadaanta oo idil isaga, Laydha laga reebaye 
√"Inaad raacdo shaydaanka, Ood raali galin siiso 
√"Rabdad naara bay kugu ridaa, Hadaad raali ku tahaye
√"Raxmaanow raxiimkayow, Adigaan raajic ku nahaye 
√"Adigaan rukuucdiyo tasbiix, kuugu rogaynaaye 
√"Rabow nagu sin ramadanta oo, khayrka nala raadi 
√"Rabow nagusin ramadaanta oo, Raaxadeeda na haleeshiiye 
√"Rabow nagusin ramadanta oo, Jano na raaci 
√"Raxmanow sharkana naga xijaab, Raacinimadeeda