Tuesday 14 April 2015

GABAY (KHAYR-DOON)-- ABWAANAD CULIMO CUMAR JAAMAC

GABAY (KHAYR-DOON) WAXAA CURISEY 
QARYAD CULIMO CUMAR JAAMAC(LUUL)

Khayr-Doon waa gabay soo baxay bisha Maarso 30kii guga 2015. Gabaygani waxaa tirisay halabuurada hibadda maanso sida gaarka loogu xudumay ee la yiraahdo Qaryad Culimo Cumar Jaamac Wadaad(Culimo Luul). Tixdan oo ah mid laxni la' oo midhiyo hanaan farshaxani idimka Eebe ku idishahay, ayaa waxay ka kooban tahay boqol iyo labaatan iyo labo meeris oo inba tiro kooban meerisyadeedu isu tuducsanayso. 

Miidda iyo mucda murtiyeed ee tixdan ku duugan anigoon waxba idiinka sii bashiicin waxaad ruudeeda murtiyeed sida jaan karuur u fuusan doonta   markaad min bar bilow ilaa meeriska ugu dambeeyaan si guro fog oo degan ula raacraacdaan kuna akhrisaan indho iyo qalbi u jeelan dawo-maanseedkii ugu hagar bixi jiray halabuurka Soomaaliyeed ee bulshada sebenkan u maansooda. Dheegasho iyo ka bogosho wacan.

Abwaanad Qaryad Culimo Cumar waxay tiri:

--Suugaantu inay door tahoo, laga dawaafaynin
--Dafiraad hidduhu aanu galin, cidina duugaynin
--Diiwaanka maansada gashana, laga daliil qaato 
--Oo dhaqanku duugoobi karin, waa mid daahira e
--Ana maansadii  debecsanayd dhawr kal, maan dayine 

--Degel aan in badan roob ku di'in, oon la dubatoobay 
--Raxmadana dadkii dhawrayaan, lana ducaynaayo
--Oo cirkii daruureeyay oo, fadadka soo daayay 
--Oo hogol ka daan iyo ka daan,dininigtii yeedhay 
--Onkod iyo dayaanka is qabsaday, daadna mulacyeeyay

--Sida loogu doogsado nafluhu, ugu damaashaado
--Ana gabyga maantaan damcee, diirada uqaato
--Waa laygu wada diirsadaan, lana durduurtaaye 
--Dibnahayga aan furo maanta  waa, dhibicdii dayreede
--Dadkaygiyo dalkiisaan intaa, sama u doonaayee 

--Waataan dabiibkooda waday, doqoni waa mooge 
--Duhur iyo habeen waxaan lahaa, daaci u ahaw e
--Wax badan baan dardaaran u akhriyey, dux iyo iidaane
--Wax badan baan digniin iyo u qoray, deeley iyo laane 

--Dheg daman, damiin iyo dad aan, hadalba deeqaynin
--Ayuun baan ku daalaa intaa, lana dedaalaa e 
--Haddase waan ducayn inuu Illaah, daawo noo furo e
--Aamiin ka daba dheha tixd baan, soo dawinayaaye

--Wakhti doora Soomaalidii, daayac baa helaye
--Diif iyo dhibaataa in badan, duudka noo sudhan
--Shanta dacalba dakharada ka siman, duraysidiisiiye
--Kala daadsaanbaa jirtiyo, doc iyo reer-reere 
--Kala dide oo kala dude, oo way kala dawaafeene

--Shisheeyena ku soo duul sidii, duunya baadiya-e
--Mar inay dareemaan kufrigu, dabinka uu qoolaay
--Oo qabyaalad way daran tahee, daaqad laga tuuro
--Rabiyow midnimo daahirtaan, kaa dalbanaynaaye

--Qabqabliyo dagaal ooge iyo, duqay xumaan sheegta
--Kuwa diinta gees maraya oo, dirir u soo xaytay 
--Siyaasiyiin dilaalin ah oo, shacab ka dooxaya
--Ayuun baa ku doobdhaba dalkoo, diiday samahiiye
--Inay duul walaala ah noqdaan, nabadna noo doorto
--Colaadahana aad damiso baan, kaa dalbanaynaaye

--Daaf baa ku dhacay madaxdii oo, laguna daaduunye
--Dangaraaro weyn baan qabnaa, lana dakeenaaye
--Dalka midaan gubayn oon ku gaddan, doolar iyo beeso 
--Dan shisheeye ruuxan aqbalin, gaalna dabajoogin
--Rabiyow wadani daacadaan, kaa dalbanaynaaye

--Dawlad li'i wax badan baanu nahay, qaranna doonaaye
--Mid dastuur qur'aanku uyahoo, dhiigna lagu daadin 
--Oo uu halyeey daadah dheho, cidina diidaynin
--Shacabkuna ku diirsado in badan, bay danqanayeene
--Maamul dahab ah oo wacan, ayaan kaa dalbanaynaaye

--Da'a-yartiyo barbaartii wax baa, dooriyoo helaye 
--Wataa dhaqankii dool noogu yimi, laga dabqaataaye 
--Doolaha surwaaka ka dhacay, madax doc xiirxiiran 
--Asturnaantii Dumarkoo ka tagey, oo dubkana muujay
--Diyaanadan jidhkaa daadaxda ah, lagu daliigaayo
--Edebtii markay duushay baa ,faaxish daahiraye
--Daa'imow hanuun soo degdega, baan kaa dalbanaynaaye

--Caruurtaan dab loo shidin rageer, daamanku u buuxo 
--Daroogada kuwaa cunaya ee , qaad daldalanaaya 
--Khamro daasad lagu miisay, oo ceebi daba taalo
--Masuuliyad dayacan aan la garan, daa'in amarkiisa 
--Kun wax oo dareenkaygu nacay, baan ka didayaaye
--Diinta iyo xaqoo lagu degaan, kaa dalbanaynaaye 

--Allaw qaadka dayr nagaga ood, oo dad ka jooji
--Ubadkoo dibjiray iyo xishood, dalaw laga tuuray 
--Oo duruusta aan dhiganin oo, aan dugsiga aadin
--Oon waalidkaan ka danbaynin, waa damiir-xume
--Allahayaw caruur debecsan, baan kaa dalbanaynaaye

--Awlaad la daadinayo oon, cidi danaynaynin
--Guryahoo dummayaa batiyo, gabadh daalaaqeede 
--Lamaanahoo dulqaad yeesha oo, kala danbeynaaya 
--Mid walbana docdiisaa ka jiro, danaha qoyskooda
--Degenaansho waartaan Rabbow, kaa dalbanaynaaye

--Markii kala danbayn iyo nidaam, uu dadkani waayey 
--Dawarsiga shisheeyuhu ahaa, shay dabeeciya'he 
--Waxa mayd duleed yaala ee, cidina duugaynin
--Ee haad kusoo degenaysee, bahalku dooxaayo 

--Inta saxare lagu diirtayee, yeydu dalaqsiisay
--Doonyaha degaayiyo waxaa, xeebta wada daadsan
--Inta deeqa gabadhiyo nin raga, jeel la dalaqsiiyay
--Magafuhu intuu dabar sudhee, doolar lagu iibsho

--Hooyada ilmadu da'ayso ee, murugo diiqaysan 
--Waa masiibo nala deristayoo, waayo daba-dheere
--Dariiqaa tahriibtaa inaan ruux, danbeba aaadin
--Oo daah ka saartaan Rabaw, kaa dalbanaynaaye

--Dan-yartiyo qofkaan maal lahayn, diifta lagu eegye 
--Deeqaha shisheeyuhu baxshaa, dacas ma reebaane 
--Tab inuu dadkani yeesho oo, dalaga loo jeesto 
--Duunyada iyo xoolona dhaqdaan, dooxa lagu foofsho 
--Oo hay'ad laga doorsadaan, kaa dalbanaynaaye

--Markii uu jahligu nala darsee, diinta laga baydhey
--Inay qaar sakada diidayaan, ama la soo daahi 
--Inaan deriska kii baahan iyo, dayfka la ba eegin
--Agoontoo la duudsiyay xaqeedi, lana daryeelaynin
--Dulmiga iyo boobkiyo dhaciyo, dira-diraaleynta
--Waa waxa abaar daran dhulkii, loogu dawgu galaye
--Danbarka iyo caanahiina ay, dan u yaraadeene

--Xooluhu inay dabar go'aan, duunyadiyo maalku
--Dar Illaahay waan uga baqaa, dulugla caydheed e 
--Duufaan midaan wadanin oo, daadad nagu laynin
--Allow madar nawada doojiyaan, kaa dalbanaynaaye

--Damalkiyo galoolkiyo higlada, darayga dheeraaday
--Dugsiga iyo dhirtii wada ahayd, dayrka iyo ooda
--Ee milicda daran nooluhuna, duhurka hoos joogo
--Marka ay diraacuhu dhacaan, amase dayr waagu
--Jeexiyo dohdiyo soolka iyo, duurka iyo buurta

--Halkuu adhiga iyo daaqi laa, dalawadii geelu 
--Meelihii dihnaa laga idlee, caws dureema ah
--Damiir laawayaashiyo kuwaan, quruxba doonaynin
--Dhuxul dubatii iyo kuwii ciida, wada doorshay 

--Qaraf bay ku daaraan intay, dogobyo saaraane
--Baabuur ayaa lagu dalaci, kama daalaane 
--Nabaad guurka deegaanka jira, waan ka danqanayaaye
--Sidan inay ka daayaan dhirtaan, kaa dalbanayaaye

--Ila durugyey  deelkuye tixdii, waxaan ku soo dayrey 
--Hadii aan danbaabo Raboow, uu gaf iga duulay 
--Danbidhaaf  Ilaahow isii toobad, baan diraye 
--Allahayow ducadan iga ajiib, daacad baan ahaye

WQ: MAANMAAL BUUREED GURXAN
XUBIN KA MIDDA NAADIGA QALINMAAL