Saturday 13 April 2013

Gabay:Caqligu Kaama Baxo


Dagaalla badan ba Ingiriis iyo darwiish dhex marray,Ingiriisku wuxuu doonaayey inaan dhaqdhaqaaqa Daraawiisheed dhulka ku fidin,daraawiishina waxay dooneysey inaan Ingiriisku dhulka ku xididdaysan,labada dhinacba si daran baa dagaalkii loogu hoobtay, dadkiina wuxuu u kala miirmay:
Nin Ingiriiska la jira oo moodaaya inuu dan uu yahay iyo nin daraawiish noqday oo jahaad u guntadey iyo nin duunyadiisa dhaqanaya oo aan duniba bar ka ogeyn Arrintii oo sidaas ah, ayaa Ingiriiska nimaan Soomali ah sayidka ergi ugu diray: Nimankaasoo ujeeddadooda tahay Ina-cabdille xasan inay kula doodaan dad Islaam ah inay, dadkooda in la laayo iyo duunyadooda in la dhaco aaney bannaaneyn.
Isagana waxay la ahayd,mar hadday aqdaaro ferenji yihiin,innanay diintu nabad gelineyn marka isagoo ka warammaaya dhibihii loo geystey,tilmaamayana goobihii laysku helay, caddaynayana doodda nimmankaasu u keenen wuxuu ka qabo, ayuu gabaygan tiriyey.
Waxaana ka tirshey Ayl ama Ilig 1905 sida lagu wado

  • Xuseenoow caqliga kaama baxo,idin Ilaahaye
  • Ha laguu aqbalo duca san baan,ku akhriyaaye
  • Ifkana waaya noo joog, nimaan aaminaad tahay
  • Haddaad umaaddo waan ku hubaa,ina aduu khayre
  • Asxaabihii baad u tegi,udugga weynaaye
  • Irdihii jannada inaad ka geli,waa ogsoonahaye
  • Hawl kalana waa eray yaraan,kuu erganayaaye
  • Alla igama qaadow adaan,kala illaaweyne
  • Eedaanka maqal waa salaad,loo addimayaaye
  • Ilaahi abuuraba kuwii diiday,amarkiisa
  • Ambiyaalihii iyo kuwii,awlaxa u qaaday
  • Asxaabtii dariiqada kuwii,awlaxa u qaaday
  • Ikhyaarkooda nimankii kufriga,ugu abraaraayey
  • Aan lagu igraahine kalgacal,ugu abraarayey
  • Kuwii ubad nasaaraad noqdee,ferenji aanaystay
  • Nimankii amxaara u kacee,Adarinuu guurey
  • Oo Aw-Cabaas diley,dadkaan eedi kala gaarin
  • Oo uunka kala fiijiyee,kala irdheysiiyey
  • Nimankii amxaara u kacee,adarinuu guurey
  • Oo Milikh aabe u yehee,u arrin qaadaayo
  • Oo xabashi eegi u noqdee,u ololaynaayey
  • Ingiriiska nimankii wadee,nagu aseebaayey
  • Afbakayle nimankii kufriga,uraya noo keenay
  • Ee oodagooyiyo na dhigay,aydii daratoole
  • Nimankii ikhwaankii jaree,aabiga u laayey
  • Ragga ehelukhayrkaa warmaha,kala ajoon waayey
  • Oo umal daraaddiis girliga,ugu afuufaayey
  • Idilkoodba nimankii dagaal,iigu imanaayey
  • Nimankaan inkaaree madfaca,ololi ii haystey
  • Ee ubax caddaydii hartiga,oofta kaga joojay
  • Nimankii iniinaha ka dhigay,ilig wixii joogay
  • Ee Eerago iyo Batalo,igu uquumeeyey
  • Ee omoska beerdhiga tukaha,igu unuun goysey
  • Nimankii ayaantii Gumburo oboda ii dhiibay
  • Ardaashii jidbaale i heshee,igu unuun goysey
  • Nimankii uluuf iyo uluuf,igu agoomeeyey
  • Nimankii adduunkaygii dhacay,ariyo geeliiba
  • Anigoo islaamaba kuwii, ii arxami waayay
  • Nimankaan Ilaahow lahaa,eyda iga doono
  • Abaalkayga nimankii ba'shee,ii istixayn waayey
  • Ahabtiyo ergeyntii kuwii,lagala ayn waayey
  • Nimankii ijaabada ka tegey, aakhiru sabanka
  • Nimankii iblays nagu diree,naga ajoon waayay
  • Nimankii arlada Eebahay,naga ugaareeyey
  • Nimankii awaaraha buska leh, nagu eryoonaayay
  • Nimankii abaartii caleed,bari na aadsiiyey
  • Argalkiyo rasaastii kuwii ,angu igbaaraayey
  • Ee urugadaan qabiyo ciil,igu abaadsiiyey
  • Nimankii ilmada iga qubee,oohin iga keenay
  • Nimankaan ku alaladay markii,uunka wada jiifay
  • Nimankii ajuurada cunee,iibkii ii bixiyey
  • Nimankii intaas nagu falaan,na asaraareynin
  • Waxba yey addoomaha Ilaah,nooga aargudine
  • Waxba yaan aduun layga siin, ilintidaydiiye
  • Utuntayda waa heli haddaan,iilka lay dhigine
  • Araraha intaan maranhayey,igu arkaayane
  • Maruun baan sidii aar libaax,oodda soo jebinne
  • Ashtakooda'aa iyo warqado,ku andacodaaba
  • Mar haddaan shareecadu aqoon, nimanka Iidoora
  • Ashahaadadoodiyo ma rabo,ina wallayntooda
  • Mar haddaan wadaad aayad diin, ila ekeynaynin
  • Amaan aniga lay oran karayn,tanu ahaan mayso
  • Allow yaa af lama daaliyee, iga asluubeysta

"LURIYO LOVE WEJIBUUG"'



√Loveka wejibuugu hadu lallabiyo, 


Been lifaaqan yahay.

√Laqwiyo qiyaano socota haduu, 


Leebkiisu noqday.

√Labo cisho ruuxaad ka barta haduu,


 I love u leeyahay.

√Lubiga kaad ufurtaa haduu, 


Labaatan ku garab wado.

√Oo Laabtiisu labo boqolo jeer, 


jacylo Ku lagdameen.

√Oo lillaahiduba ka tahay hal, 


Bacaad lagu lisay.

√Hadii aad lubiga ka xidhato, 


Lahashadiisana udiido.

√Lurka wejibuug inaanu ku helaynin, 


Igu lilaahi weeye.

√Loyaan inaanu kula rafiiqayna, 


Waa la hubaaye.

√Ruux nabsi laalaadsaday baan, 


Libta caashaqa haleelayne.

√Lixaadkiyo maankagu hadaney, 


Belo ku lamaaneyn.

√Calaf wixi lagu leeyahay baan, 


La waayeynine.

√Ha ku loofarin nafta, 


Maantaad ladan tahaye.

√Hadii kale laxawgiyo dhafarka leyl, 


Orodo lugta saar.

√Adigaa lis dhayiyo labanka caanaha, 


Ka soo lisan doone. 

By: Maanmaal Buureed
>>>>>11/04/2013<<<<<

SHABADIYO SHUQUL JACAYL

¤Sidii shabad jacayl ku dhacayoo, 

Shaarbaha miiqanaysa.

¤Oo shukiyo xijaabkii tuurtayoo, 


Shaadh soo xidhatay.

¤Oo wiiliyo gabadhi is shukaansadaba, 


huruuf ku shiidaysa.

¤Amase sidii bakayle shaani cabey, 


Shikada ka heesaysa.

¤Shabaabka wejibuugu waa iney, 


Shabaheeda yeeshaane.

¤Shabeel naagoodki arka, 


waa Inuu Ka shiixaaye.

¤Dhaqan celiski shilin wataa, 


Waa inu shidhka ku ritaaye.

¤Shoomeerkii la sheekaysta waa Inuu, 


sheeda ka caashaqo'e.

¤Shiikhi maalin la kulmaa
waa inuu, Jacaylkeedu shiilaaye.

¤Iskaabuladii shalay bartay waa iney, 


Shaashadaha saartaane.

¤Sawirkeedana waa iney shaniyo toban jeer, 


Shumiyaane.

¤Dabadeed waa iney shuufaan, 


Shuquliyo warkeediiye.

¤Sheeko xun weeye waa iney, 


Ku sheegaane.

¤Ileen iyadaa shariica soo dhigtay, 


Sharafiyo quruxdeediiye.

¤Afarta sidii shiil kulul, 


Shaarica ma ka cadeeyey.

¤Shabadii shaadirka xoortay, 


Shabaqa ma kaga xeereyey.

¤Balan sha kalena doobki sheegnaa, 


Shab ku siiyo..... 


By: Maanmaal Buureed