Tuesday 2 April 2013

¤Reexaan udgooniyo,
¤Neecaw nafta uroon,
¤Saxansaxo roob baa leh,

¤Sidii gu ramashay,
¤Ilmo dhaban roorta,
¤Ruux ku jecel baa leh.

¤Hadal lagu raftiyo,
¤Reen la samaysto,
¤Qof rucdiyaa leh.

¤Gabadhaan raaf dhigayn,
¤Kolba mid la rafiiqda,
¤Cidlo rafashaa leh.

¤Murti loo riyaaqoo,
¤Ruxda maankaaga,
¤Ruuxu rabi siiya leh............>>>>

♥By:Mááñmáál Búúrééd♥

No comments:

Post a Comment