Saturday 1 November 2014

Gabay---( Maad Ka Hoyatid )-- Abwaan Muxamed Cabdulcasiis Bootaan

02/march/2012  gabaygan waxaa tiriyey Abwaan Muxamed Cabdulcasiis Bootaan

**Howraar ma guurta ah ayaan huuno kuu qoraye
**Hadalkaygu halkuu darraanaa wuu ku hoos maraye
**Waxaan idhi hidiyo dhaqanka waa lagu hagoogtaaye

**Waxaan idhi habluhu yaanay iman hoolka nimanaade
**Waxaan idhi hankaa diidayiyo haabka caadada e
**Waxaan idhi hayaan kuma socdaan hirig kulaylkeeda

**Waxaan idhi haraad kuma galaan la is hantaaqaaye
**Waxaan idhi hub iyo salab malaha hoorrigii dirire
**Waxaan idhi ma ay halabsadaan haarriyo buube

**Waxaan idhi hogaankii ma aha howlihii adage
**Waxaan idhi halyay lama sinnoo halas ma jiidhaane
**Waxaan idhi habluhu waa dhigaal hoyga noo bila e

**Waxaan idhi haween waa xishood hadalki gaabnaaye
**Waxaan idhi horyaal kama gabyaan ma hindisoodaane
**Waxaan idhi hiddii kuma samiyo heedhiwaalaha e

**Waxaan idhi hibada qaado oo hoorso dhaqankiiye
**Hubso baan ku idhi meeshan waa lagu hataaqmaaye!
**Hayeeshee huruuf baa xigiyo haawis iyo buuqe

**Hannaankaygi kuma doogsanine waad halligaysaaye
**Misna kama hadhaaye markale waan ba kuu huriye
**Inanyahay habaar kuuma qorin haatin iyo cay e

**Inanyahay hashaash iyo samaan kuu huloo culaye
**Hadalkayga maqal yaan iblays haamo kuu toline!
**Habsaan iyo waxaan kula necbahay haatuf iyo maage

**Hagaagsami waxaan kula rabaa hadafki fiicnaaye
**Habsamaan hidaayiyo xushmaan ku hadoodiliye
**Maad ka hoyatid gegidaan waa miduu hororku daaqaaye!

**Halis iyo waxaa yaalla waa nabar haliilaaye
**Hoga kulul ayaa laga shidaa iyo weliba haadaane
**Holac baa ka baxa hadiyo jeer iyo habeenkiiye

**Kollay waan hubaayoo malihid heetiskii bahale
**Higna uma dulqaadlihid madfaca la isku heedhaaye
**Maad ka hoyatid gegidaanu wa miduu hororku daaqaye!

**Hanaqaadka waagaan noqdiyo haatan iyo goortan
**Haween waan aqaanoo ma arag haabkan aad tahaye
**Ilaaq iyo halgaad baad gashiyo howlo gooniyahe

**Hanjabaad rag waa laga sugaa haweenku moojaane
**Gabadh halabka soo qaadataana hadimo weeyaane
**Hor ilaahay maan arag adiga maanta ka horow e

**Maxaad ii habaasaynaysaa hilowgu waa yaabe?
**Howraarsan maad qaadatoo heelka ka carrowdid
**Oo heedhe inantaay mar hore haa I maqashiisid

**Hilay baan ba soo rari lahaa heeryo boqoreede
**Hoygiina baan iman lahaa sida hayaankiiye
**Hawo kale ayaan geli lahaa haansi iyo guure

**Haasawaha waxaan iman lahaa meel hortaada ahe
**Maxaa halaqu meeshu galiyo halakan kuu yaalla!

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

No comments:

Post a Comment