Thursday 9 October 2014

Gabay---(Amuus Baan Ahay)---Faysal Goohe

06/10/2014 Gabaygan Waxaa Tiriyey Abwaan Faysal Maxamed Ismaaciil Goohe

**Orka gabayga aasaaska horiyo alifka geeraarka
**Askunkeeda maansada farshaxan lagu asteeyaaye
**U'da godan alleemada saxdaa lagu adkeeyaaye

**Abyanaha aqoonaysan baa udub dhexaadkiiye
**Ma' aflaxo ninkaan urursanaan oo aadiraac noqoye
**Asluub iyo waa inay murtidu edeb lahaataaye

**Akhlaaq xumada waa laga jiraa eed halkii dhaline
**Abwaankii awoodeed lehbaan erayna seegeyne
**Afsaar buu uyeelaa naxwaha illo gufeeyaaye

**Abaartana halkuu doonayuu oogta ka cadayne
**Istareex kolkaasaa nafluhu wada istaagaaye
**Ishaariyo tilmaan buu baxshaa lagu adeecaaye

**Sidii oday wadaaday khalqigu awda gurayaane
**Ikhyaar buu ahaadaa waqii lana amaantaaye
**Abi wayrax kuma ay wacnoo way arbudantaaye

**Waa aalad uu ilahay baxshoo iibna lagu waaye
**Ururisna ma yeeshiyo inaad erayo doontaaye
**Oodaa rogan hadii loogu kaco waa ibtilo wayne

**Illa eeg hadii ay tagtiyo inamo soo shawra
**Asaraaar markii ay gasheee la'is afgaran waayo
**Ehelkeeda kii aan ahayn waa anbinayaaye

**Ismaqiiqiduu ugu tagaa aar wax kala goyne
**Aflagaadaduu gaarku yahay aabigiyo maage
**Urugay ka qaadan nafluhu uubaduu shubiye

**Afkay gacanta saaraan khalqigu la amakaagaane
**Eber buu ahaadaaa ma jiro eray la qaataaye
**Afartaa sidii odayo jira ma ugu alalaasay

**Aadan iyo sidii ina salwiyo cadceed ama abwaan boobe
**Awcail,fiqi iyo bootaan lama illaa waanka
**Arboow jaamac iyo sadiiq iyo bulxanoo aad ukala shiila

**Layskama abraaree sidoodii oog maka cadeeyey
**Ma iftiinshay waa lagu yiqiin idhan samaynteede
**Aniguna awoow iyo abkaw odayadaan sheegto

**Abtirsiinyo waaan ugu tagaa ehelka suugaane
**Illaaahayna waa igu dhashoo igu abuur jeere
**Aqalluu ku leeyahay naxwuhu Uurka gudihiise

**Intifaacna kuma aan dayiyo agab aduunyaade
**Irsiqoodu niman buuu galloo oomatayste ahe
**Abaarsiga waxay eegayaan suuuqa iibka lehe

**Ruuxii caqligu uu engago waa ushoo kale'e
**Inamada af-buuxsigan kujiraan eegayaa bariye
**Afarayda ganacsiga gashaan aayaheed garane

**Mar hadii afkaartii la gaddan aamus baan ahay
**Eegaba waxaa lagu hayaa toban amuuroode
**Irdahaan uxidhayoo marabo igadh salaaxeede
**Idinkuna abwaanaw murtida eega saytahay

Faysal Maxamed Ismaaciil Goohe

No comments:

Post a Comment