Thursday 9 October 2014

Gabay---( Axan Gabay )--Abwaan Ismaaciil Cali Boobe

06/10/2014 Gabay Oo La Yiraaho Axan Gabay Waxaa Tiriyey Abwaan Ismaaciil Cali Boobe Oo Loo Yaqaano Murtishiile

**Ogol diidan maansada waxaan ku ag wareegaaba
**Afka waxaan ka dhawroo dibnaha kala ajoodaaba
**Aayar waxaan ka gaabsado oo diido orahdeeda

**Ibiheeda wixii aan gudhshoo beryaba daayo alamkeeda
**Sida igadh maqaarole waxaan eegis kula joogo
**Isha kala jir mooyee waxaan kala irdhownaaba

**Iridaha wixii aan qafilo oodana u jiido
**Sidii uun martiya waxaan kala dhaxnoo ereg ahaanaba
**Tixda aamus goortaan arkaan oogsadoo kacaye

**Uurkaan ka doogsay markii goohe soo ulaye
**Ifafaalaha lagu gartaa markaba ruux aqoon badane
**Indheer garadna waan kugu ogaa eheluhu miisaane

**Abtirsiinyo adigaa ugu gala idhanka maansoode
**War anigana ilaahbaa ibaray aaga sharafteede
**Uurka iyo baadilkay faysaloow aad u hurudaaye

**Kula aragnay edeblaawe iyo uufa naa kacaye
**Kula aragnay tuuga ordiyo eeda kii falaye
**Afkaa jeexan baa loo hadliyo saa anaa iriye

**Kula aragnay afareeyda ceebtiyo waxay soo ulbinayaane
**Arkaa qaadku waa badanyihiyo iibso Ruux lihiye
**Kula aragnay udud sade iyo midaan erayo keenayne

**Kula aragnay asaayaha dhiciyo toban amuuroode
**Axsan waan Kaa aqbalay aamus baan ahaye
**Axan gabay inaan soo tirshaa sow haatan ma ahaanin

**Sida webi afaafaha jabsday oo dooxo ku ekaaday
**Ama roob dabayliyo ufiyo uuro soo kiciyey
**Ama ereg dagaaliyo colaad lays ku alalaasay

**Ataleriga duuliyo hub culus lays ku amag siiyey
**Oo maydku aleeshaa noqdiyo waxaan loo abtirinaynin
**Amankaag wax igu beeraybaa jiroo aadna iishidaye

**Arin kaasi wuxuu yahay hadaan idin ogaysiiyo
**Aabeheed dhimay murtida dad yohow idil ahaanteede
**Ehelkeedi baa tegiyo murtida ururshehee diiye

**Agoon iyo rajay taagan tahay meel ayaan darane
**Afyuub iyo guntanaa u baxay xim raa soo abaarsadaye
**Garbaraar ku oodmaa jiriyo cuq laha aynegeed jaraye

**Mooradaa abaar kaga dhacdiyo buuro omos weyne
**Asalkeeda kuwaan garan karayn xarafna eegaynin
**Ayaantii timaadaba afxumo kula abraaraaya

**Anshaxaba kuwaan marin karayn oodna laga saaray
**Arke booliyeystaa qaribay meel ku awdalaye
**Oohin kama baxdiyo baroor ayla oloshaaye

**Uurku taalo joogtiyo dhibay aad u mudataaye
**Anfariiray goortay dad xumi soo aradiyeene
**Lagu mana eegan karo eegga say tahaye

**Aafaadka dhacay waa ognahay Idil ahaanteene
**Aniguna iilbaan uqoday iyo xabaal lagu asteeyaaye
**Idinkana waxaan doonayaa inad ku aastaane

**Axanka iyo hawlkuna anuu oogaday yahaye
**Amaana allaaah waa mar kale waxaynu eegnaaye

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

No comments:

Post a Comment