Monday 8 April 2013

Jacbur: Jaamac Kediye

Gabaygan soo socda waxa uu tusaale fiican u noqonayaa maansooyinka an ku khasbanayn tibixqaarraanta amma qaafiyadaynta buuxda. Sida buraanburka oo kale, gabaygani ma laha tibix gaar ah oo ay (ereyo dooran) meerisyadiisu ku duluc-dhabanyihiin—min billow, illaa iyo dhammaad. Hasayeeshee, farqiga gabaygan iyo buraanburka u dhaxeeya ayaa wuxuu yahay in buraanburka uu leeyahay tuduc amma xirmo tuducyo ah oo meerisyada ku taxani (si joogto ah u) tibixqaarranyihiin. Tan macneheedu waa, dhammays ahaan ayeysan maansada buraanburku ugu khasbanayn yeelashada qaafiyadayn buuxda, balse gabal gabal ayey maansada buraanburku u yeelan kartaa dhawr xirmo (tuducaad) oo mid waliba qaafiyaddeeda wadata. Aan tusaalayno:


Bannanka Galgaduudyo Ceeldheerta Baaxadda le
Baladka Xamariyo Baraawoo basiin ka qabay
Bu’aaliyo reer Kismaayoo nafluhu u begay
Taniyo Baardheere iyo beelaha Afmadow
Gabeye boolgalasyo Soomaali boos walbaba
Bulshada isku duuban nabad baan u baaqayaa
Allahayow Baaqi baryadaada laguma qado
Qabiilka na baaba’aahyaa ha naga ba’aa
Dagaal wiil kuma dhashee waa ku dhimanayaa
Dhalintii waa naga dhamaatoo dhibbaa la galay
Dhaciyo boobkaanhu dhulka dhaawac buu u yahay
Hadduu waa dharabtay maydkaa dhabbaha u yaal
Qaxootiga lagu dhawaahaa dhaqaalo ma leh
Gaweetada gaalku dhiibaayo kama dhargaan
Calankayow dhicinaw isticmaar ku soo dhawaan
Dhaxalka Soomaaliyeed yayw cidlada ku dhumin
Labadan tuduc ee kore, mid ka hore waxa uu ku tibixqaarranyahay tibixda “b”; ka kalena “dh.” Sida gabayga oo kale, qaafiyadda buraanburku waxa ay meeriskiiba gashaa (ugu yaraan ) laba goor. Meeriska buraanburku, sida ka dhaantada, uma kala qaadmi karo laba qaar, oo kala ah: hojis iyo hooris—sidaas daraadeed, ma muuqaalin karno meelaha ay tahay inuu ku xasilo eray-doorka qaafiyaddu. Balse meeriska gabaygu wuu kala qaarmaa; waxayna tibixda (ugu horraysa erey-doorka) uu meeriskiiba ku qaarranyahay kala gashaa hojiska iyo hooriska. Gabay ahaan, hadday tibixdani wada degi weydo hojiska iyo hooriskaba, amma ay dhan keliya gasho, waxa dhasha deel-qaaf. Ka sii socoo, haddii tibixdani meeriska koobaad illaa ka ugu dambeeya ee gabayga aysan ku shaqlanayn, waxa dhasha deel-qaaf weyn. Isaguu xeerku sidaa yahay, gabayga qormadan, iyada oo aan tibixqaarraantu meerisyo badan ka muuqan, haddana wax deel-qaaf ah looma xambaarin karo!
Haa! Gabayga qormadan wax deel-qaaf ah laguma sheegi karo—saa waaba “jacbur” e. Ujeedada gabaygan, oo ku guntan majaajilo, ayaa keenaysa inuusan gabaygani ku khasbanaan qaafiyadayn. Tan macneheedu maaha in gabay kasta oo majaajilo kusheeya uusan yeelan karin tibixqaarraan buuxda, balse majaajilada lafteedu ayey ku jirtaa dhadhansiga deel-qaafnimada! Tan waxaan ku tusaalayn karraa, bal dhiirranadi dhextaalkan gabay-jacbureed ee Dhoodaan dhugo:
Afartaasi sidii xoolo diday, marada maw tuuray
Deel-qaafku waa ba’an yehee, timir ma duugeeyey
Xalwadda iyo baastiyo daqiiq, ma isku iidaamay
Isagoo muqbaasada miyaan, caasha kuu geliyey
Unkidda gabay-jacburku kama hawl yara (abwaanka marka loo eego) unkidda gabayga caadiga ah; balse ciriiriga ay qaafiyaddu wadato ayuun baa lumaya. Xigmadda iyo murtida gabayga jacburka ihi yeelan karo waxay ku xirantahay abwaanka curinaya iyo hadafkiisa. Hadiyo goor, waxa uu gabayga jacburka ihi ku duluc-xidhaa jacayl cayaayir ah, beeninta runta (uu kasbado Aadamuhu), silleynta sugantida iyo dhabeynta caqli-ma-galeenka!
Gabaygan jacburka ah oo uu tiriyey awbaan Jaamac Kediye Cilmi ku soo dhawaada.
  • Aniga iyo gabaygaygu waa, inanu heesnaaye
  • Waa inaanu kaman qaadannoo, shaah ku gadannaaye
  • Waa inaanu buuraha korraa, habar sideediiye
  • Waa inaanu dhalan beena iyo, faan ku dirirraaye
  • Waa inaan xumaan iyo wanaag, anigu yeeshaaye
  • Waa inaan ammaan iyo canaan, anigu yeeshaaye
  • Waa inaan sideedaba halgaad, ari ku laayaaye
  • Waa inay riyuu qayliyaan, tuug siduu xadaye
  • Oo ay islaantii jirtiyo, waxaro ooyaane
  • Oo aan cabbaar aamusoo, anigu yaabaaye
  • Sida geesi soo cararayoo, meel cidla’ ah jooga
  • Amma fulay dagaallamahayoo, cadawga laynaaya
  • Waa inan wixii ila hadlaba, laad ku kiciyaaye
  • Waa inaan basbaasiyo xildiid, shaah ku kariyaaye
  • Oo aan dhadhamiyaa inuu, qaaya leeyahaye
  • Waa inaan bakeeriga jajaban, anigu qaataaye
  • Oo aan ka buuxsado wixii, harayna reebaaye
  • Waa inay macaan labada fool, ila xanuunaane
  • Bakayliyo libaax dirirayoo, siiga kicinaaya
  • Waa inan intaan kala dhex galo, hadal u sheegaaye
  • Oo aan midkoodii gar daran, dhab ugu eexdaaye
  • Waa inaan sigaarna u shidaa, lacagna siiyaaye
  • Oo aan huruufaa midkii, xaqa ku taagnaaye
  • Waa inan ganaaxaa intaan, …
  • Waa inan maroodiga qabtaa, dhab iyo raadkeede
  • Oo aan cirkaa ula baxaa, waan ka fiicnahaye
  • Waa inaan ilkaa kala baxaa, … ka saaraaye
  • Oo aan ka rooraa illeen, wayga weyn yahaye
  • Anoo baqaya waa inan dhirtiyo, xagarka jiiraaye
  • Dib markaan usoo eego waa, inuy xasuustaaye
  • Buuhoodle waa inan tagaa, Cadan na dhaafaaye
  • Badda waan aqaanaaye waa, inan u yeeraaye
  • “Aan ku dhaafo” waa inan idhaa, ginina siiyaaye
  • Hadday diiddo waa inan cabbaa, oon ku madhiyaaye
  • Maraakiibta waa inay harraad, soconba weydaaye
  • Oo aan xammaalaa illeen, waa sidaan rabaye
  • Sarriirtayda waa inan dhigaa, gogol na siiyaaye
  • Markuu seexdo waa inan furtaa, maal wuxuu sidaye
  • Niman socoto tegay waa inay, goroyo maalaane
  • Caanaheedu waa inay noqdaan, roodhidoo kala e
  • Markay daadiyaan waa inay, gaajo qabataaye
  • Adaa qubiyo waad saydhay baa, laysku dilayaaye
  • Quraanjadu hadday tuuga tahay, lacag ma weydeene
  • Shaydaan la naaraana waa, soo kadlayn jiraye
  • Qofka furin cuna ruushka waa, ina adeerkiise
  • Bisado iyo jiir wada dhahoo, hooyo qura yeeshay
  • Walaalnimada ay sheegayaan, kuma heshiiyaane
  • In bilayska qaar loo diraa, way habboon tahaye
  • Bal maxays ku diray wiilka iyo, gabadha waa yaabe
  • Ragga timirta miismiisayee, shilinka doonaayey
  • Danyar baa la moodaa haddayn, subag u keenayne
  • Hayeeshee markay biiriyaan, ways ka tarantaaye
  • Iyadaa u khayr roon hadday, xaaska koriyaane
  • Anna ganacsi waan doonayaa inan bilaabaaye
  • Sonkortiyo bariiskii haddii, jilibka loo aastay
  • Buuhoodle mirihiisi iyo, Ceelcas shicibteeda
  • Subaggii Goldogob oo dhan, ciidh ba haraggeeda
  • Qandaraas intaa u la tagoo, qaaca ku so miiro
  • Dabadeedna caanihi xarfoo, wada gadhoodhkiiya
  • Jirkaamadiyo caagaduhu, way kharribayaane
  • Dhiilihii cullaa haddaan, haamo kaga miiso
  • Laba Maarkit oo ciirayoo, taayirrada laastay
  • Laamiga ku cayntaariyoo, fayfka qabadsiiyo
  • Garoowoy qayilayaan haddaan, orod ku weydaarto
  • Qardho odayga joogana salaan, beerti ugu geeyo
  • Debadeed hooggaanka u dhuftoo, maca-salaameeyo
  • Benderqaasin oo yaabtayoo, maqashay hoonkayga
  • Dekedda aadi maayee haddaan, sayladda u baydho
  • Sicirbararka waan necebihiyo, ribada shaydaane
  • Anigana bilaash iguma siin, nimanki reer Hawde
  • Aliiftaydu siday sheegtay iyo, taababkii Nebigu
  • Ammay noo caddeeyeen wixii, lagugu dhiib shiilo
  • Imaan darraaniyo cadaab, yaad ka naxaysaaye
  • Waa inaan riqiis kagagadaa, waajib noqon mayso
  • Isu naxa ad naxariis hesheen, saa Allaa yiriye
  • Inanyahay jacaylkaygu wuu, jiray abiidkiise
  • Adigana jacaylkaagu wuu, soo jirfanayaaye
  • Labadii jacayl waa inay, jiib isu raacaane
  • Labadii jacayl waa inay, jalalacleeyaane
  • Labadii jacayl waa inay, jarar ka boodaane
  • Labadii jacayl waa inay, waxaro jiiraane
  • Labadii jacayl waa inay, habar jugeeyaane
  • Labadii jacayl waa inay, jees burburiyaane
  • Inan geel la joogiyo gabar, jaaska baranaysa
  • Labadii jacayl waa inay, kala jeclaadaane
  • Saylac iyo Hindiya waa inay, kala jeclaadaane
  • Jabbaan iyo Giriig waa inay, kala jeclaadaane
  • Joordan iyo Lubnaan waa inay, kala jeclaadaane
  • Labadii jacayl waa inay, dib isu jiiraane
  • Jacaylkaygu debeed waa inuu, kaaga jabiyaaye
  • Jacaylkaagu waa inuu markaa, waabka jiifsado e

Mahadsanidin: VOA Soomaali, Doollo.com, Higil




No comments:

Post a Comment