Sunday 14 April 2013

Hogattus: Shube

Gabaygan soo socda, oo ku fiican in loo bixiyo “Hogattus,” waxaa dhawaan tiriyey Abwaan Cabdilqaadir Cabdi (Shube). Inkasta oo uusan gabayganu dhammays ku ahayn halkan, haddana intan dhigani dhabanahayska jira ayey sidii dhambiil ina ku shidan ina dhugansiinaysaa. Abwaanku wuxuu ku dadaaley muujinta illimaha ay Soomaalidu u go’ayso, oo uu jahligu ugu horreeyo. Jahli debadii, waa in dadku ka yabaal-qabo dalkooda (dawladdooda) aysan dersin, isla markaasna iyagu isugu daranyihiin—tannina waa tii soo galbisay taariikhda maanta ah ee madow. Farxadi waa gabaygan oo si wacan u soo koobay arrimaas hore; farxad kalena waa in uu gabyaagu ina dareensiiyey habkii dawga toosan loo mari lahaa. Se ruuxa aan mililka iyo caabuqnaanta ay meerisyada gabayganu qalayaan u qalbi haynin yeelkii!

 …baxday ee, habyta boqol nooca
  • Heeliga bislaadiyo abqada, quraca hoos taalla
  • Hambashada canjeelkiyo guddiyo, heedda dhugaceeda
  • Haro buuxda webiyaal hifiyo, ilaha hooraaya
  • Halkii loo dhaqaaqaba dhulaad, ka haqabbeelayso
  • Bad hareer kastaba kaa xigtoo, hodona oo buuxda
  • Haws geel horweyniyo galoof, qaalmo wada hoora
  • Haleelada irmaanee nirgaha, loo hitiqinaayo
  • Ari heerad buuxshiyo lo’iyo, haybadlow faraska
  • Innagoo intaa heli karnoo, aan cid kale haysan
  • Waxa hororka caydheed na baday, waa hannaadnimo e
  • Higgaad-li’i-cilmay sababsatiyo, dhagar hulaaqdeede
  • Hilbo-qaybsigii qarannimay, marin habowsheene
  • Hilin qalada goortay martay, hogatay Ciirdoone
  • Haddii aan hullaa garan lahayn, looga helo dheefta
  • Ammase aan hiddaa aqoon lahayn, hawsha dhaqankeeda
  • Ammaan haybaddiyo baran lahayn, hooska daraceeda
  • Ha-dhacdo! lama yiraahdeen intay, shacabku hiifaane
  • Goortay harkeedii dunsheen, halac ma dhoobteene
  • Mar labaad habkii inay dhistaan, kama hulleeleene

  • Hawadoodu qaar uma dirteen, hayso kelidaaye
  • Goortaa dagaal lama hursheen, hadaf la’aaneede
  • Laba hooyo keliyi dhashoo, haybta kala reeri
  • Haankays ma gooyeen intay, hub isu qaataane
  • Herjed lalama kala baydadeen, loo hawalay ruuxe
  • Hirka baduhu qaar ma hafiyeen, soo hadaadumaye
  • Dhammaan dunida uma hoos marreen, habiyo maamuuse
  • Hohey! iyo wayey! talo maxay, waayo naga hoostay!
  • Inta sharaf midkii la huwiyaba, hoobsiga u jeedo
  • Oo uu sharciga hagagayee, xeerka ka hadfaayo
  • Oo hurin ilmaadeerradiya, heelka dhiganaayo
  • Oo uu hantidi loo sinnaa, hooshka gelinaayo
  • Gobonnimo inaynu hantinaa, waa hal aan jirinne
  • Helina mayno weligeen xornimo, halabadeediiye
  • Hurina mayno Soomaaliyeey, hadiyo leelleele
  • Habkan naga beddala waatanoo, ka hararqeen keena [?]
  • Haasaawihiyo sheekadaan, haynno laga guurye
  • Halqigu meelu joogaba danbuu, u halgamaayaaye
  • Hindisiyo cilmaa lagu jiraa, hegerdenkiisiiye
  • Hawadaaba loo sahan tegiyo, heegadaa sara e
  • Hal-abuurku waagii beryaba, waa hor leeyahaye
  • Harka labada gelin baa cilmiga, heerki korayaaye
  • Hammiga saynisyahankaa maluug, hir uga muuqdaaye
  • Hadba waxaa la helayaa aqoon, loo hammuun-qabaye
  • Midaan horaba loo gaarin baa, la himlinaayaaye

  • Hankaa laysku dhaafee dadkuba, haybta guud simanne
  • Qof walba hooya keliyaa dhashoo, waa la soo habaye
  • Waa kala horreeyaa haddana, heerka nololeede
  • Qoom waliba hilinkuu maruu, helay abaalkiise
  • Halkuu waalidkii jecelyahuu, toban-jir haashaaye
  • Hadaaqaa ilmaa lagu baraa, tey hadhow qabanne
  • Qof waliba hiyiga wuxu ku xiro, jeer un buu heliye
  • Haddaan hawl la gelin lagama baxo, hiirta gaajada e
  • Adoo huba wax kuu daran haddii, aad ka hari waydo
  • Garashada waxad kala hal noqon, hawtulhamaggiiye
  • Isagaa horuu gala dabkoo, aan hareer marinne
  • Hal ku seega waa la arki jiray, habow se waa liide
  • Haddaan la hinjin waligeedba talo, way hawirantaaye
  • Soomaaliyeey wixi horiyo, haatan iyo eegga
  • Hiddihiyo intaan dhaqanka iyo, haybtiyadu guurin
  • Ciiddeena hodonkaa intaan, nacabku haylhaylin
  • Oo haayir noo yimi arlada, naga hadhiiraysan
  • Hubka dhiga dagaalkana hojiya, haayinta colaadda [?]
  • Haaraanku gacal waw xunyee, ciil-qabka hilmaama
  • Isu soo hilooboo midnimo, saaka ku heshiiya
  • Hambaqabasho mooyee markaa, haayid kale daaye
  • Intaad Eebbahiin hiishataan, dawladnimo haybsha
  • Waxaad heli baheenkaa midaad, ku haqabbeeshaane
  • Haddii kale huq iyo ciil ku jira, talo ma haysaane

No comments:

Post a Comment