Tuesday, 30 September 2014

Gabay---(Mudan Darwiish Baa Leh)---Abwaan Maxamed Cabdicasiis Bootaan

23/08/2013 Gabaygan Waxaa Tiriyey Abwaan Maxamed Cabdicasiis Bootaan. Ka Bogosho Wacan.....

**Magan Eebbe laga tuugo iyo magac Illaah baa leh

**Masallaha salliga loo dhigtiyo duco la maansheeyo
**Maxamadoo la sheegiyo (SCW) xusbiga maalinta isniinta
**Rasuulkoo madiix loo akhriyiyo maasil Nebi baa leh

**Meehanowga aan quus aqoon walaw la maag-maago
**Oo aan marnaba ka tegayn sida hadh soo meeray

**Oo muraaqo uun kuula iman maalin iyo layl ba
**Muxubadu nafay saaqday iyo meeris gacal baa leh

**Muusanawga dhiilada haduu galow gu miiraabo
**Makal goobtu yaalliyo dagaal mawd wax dili baa leh

**Mufti diinta sheegiyo wadad mawlaca u jooga
**Oo masaajid laasimayoo dacwada, duunyo uga maarmay
**Muniir samaha faafshiyo digriga Mufti culimaa leh

**Muslimiin la maagiyo intaa madax la goynaayo
**Mudduc beena mudeec lagu makalo mawti lagu faano
**Kuwa diinta meermeeriyiyo murug shabaab baa leh

**Mahwi gabaya murtidoo lammaan erey la maamuuso
**Manfaca subaga maansiyo aqoon midho la miisaamay
**Madal quruxle geeraar maldahan muhandis waynaaday

**Maskax garasho laga miisayiyo maangal iyo dheegmo
**Maqsad fiican xadiis lagu metelo maaha laga waabto
**Madka iyo shadkoo loo simiyo meeraryo is dhaafay

**Midkastaa masruuf ha ugurtee marag usoo waaye
**Mulkigeeda anigaa lohoo la igu maamuusay dheh
**Marag goobta laga sheego iyo mahadho raagaysa

**Weerarkoo mutuxan loo galiyo wadnaha magafta diidaya
**Maslaxaad marwada kaa dudiyo ma hurtadaada leh
**Macangega masoo jeestiyo malafsi geesaa leh

**Maqsadli tixloo yeedhiyo magow daleeleedka
**Juhulada murtida ceejiyiyo maanic saraq baa leh

**Mujaamalo la sheegiyo warkoo malab sidiisiiya
**Aan qadhaadh lagu macnaynayn tanoo dacar la miisaayo

**Nin khartoum ku maaliyo tubtaa niilka marinkiisa
**Mudanowda aan laabta jirin musuq canjeex baa leh

**Muruq maalyo xoog lala mir tegiyo suuqa maaho
**Minyaabuulis xeel lagu mariyo degel maraykaan dheh
**Caydhoo masruuf loo cuniyo yurubta maygaan dheh

**Xalwad malafsigeediyo naftoo lala mahaadhnaado
**Maraqa iyo muufo lagu mintido magacna loo yeelo

**Mukeef kiyo casiirkana intaa lagu maqiiqnaado
**Marwa waynta carabtiyo godkaa odoy misbaax baa leh

**Mushteriga la beegsado hadii lagu macaashaayo
**Musenbiig ninkii aada iyo xagaa muluf kebtoon baa leh

**Malaysiya aqoon lagu manfaco lagu magaaleeye
**Mastarayd ninkii qaata iyo madax digtoor baa leh

**Muqawadiin mirqaankiyo taqaan mijinta laabkeeda
**Mishaarnimada lagu caanbixiyo mamida loo qaato
**Mayraca hargays laga heliyo muran galbeed bal leh

**Majaq hadala micno aan badnayn reer muqdisho baa leh
**Masuuliyad jacaylkiyo xilkana mudug nin joogaa leh

**Murti soocan midhohoo batiyo mawjad gabaygoo ah
**Marsadaa jigjiga kaa xigtiyo maahir goday baa leh

**Macsuumada daryeelkiyo martida malab la quudsiiyo
**Musaamaxo la yeeshiyo dadkoo loo muslin ahaado

**Midnimada la giijiyo dalkoo loo mitido ahaado
**Maqaamkii risaaladu degtiyo Mudan Darwiish baa leh

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Gabay---(Tayasiir)--Abwaan Jaamac Murtisame

29/11/2013 Waxaa Gabaygan Tiriyey Abwaan Jaamac Cali Xirsi Oo Loo Yaqaano Jaamac Murtisame..

Wuxuu yiri:-

**Tixda gabayga waayadan ka tegey tamalas keediiye
**Tacab lumaya maantuu noqdaan tuuray qalinkiiye
**Teeb uma garaaciyo murtida taawal xiisalehe
**Nin waliba markuu tay xidhaan nacay tarkiisiiye
**Maantana wax bay taabtayoo waan tawelayaye
**Taariikh madaw baan arkaa tiirar soo jabaye
**Tiiraanyo xoogaaliyo wax baa tigey naftaydiiye

**Sidii aar tabaaloobey oo tuur kakici wayey
**Oo seben togoog yaha jabshaan taaganay meele
**Tol is laaya gacal kala tagoo tobanba meel aado
**Taageera ruux tiisi nacay taaba xuma deeda
**Turxaan aan dhamaaniyo dadkoo tooray lagu laayo
**Tafa dhiigle sow kama tagaan tacab khasaar keeda

**Allahayoow adaa taajiraan gacanta kuu taagey
**Allahayoow adaa toosin kara qoonkan tala teermay
**Taraqaa baxayaa dhulkuu wada tabaalayne
**Waxay shalay ku tahan toogtay Iyo waa tubtii hore-e
**Allahayoow tabaalada kasaar nabadu taashe

**Taya malaha meeshii colaad lagu tokooraye
**Allahayoow tolkaa wada dhashana beladu yay tiigsan
**Allahayoow tubtii wacan adaan kuu tawaawacaye

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Sunday, 28 September 2014

Silsiladii BILAD---Gabaygii Kowaad(Maxaa Lagu Balweeyaa)---Abwaan Ismaaciil Boobe

Hadduu Eebe Waxaan Mareegteenan Xikmadmaal Ku Soo Gudbinayaa Silsilad La Magac Baxday BILAD. Silsiladani Waxay Bilaabantay Oo Ildo Furatay Hilaadu Markay Ahayd 25/09/2014. Waa Silsilad Gabayadeedu Ku  Socdaan Xarafka Ba'da Ah Waxaana Gabaygii Ugu Horeeyey Tiriyey Abwaan Ismacil Boobe Taasoo Uu Xog Waraysi Ka Rabo Abwaan Fiqi Faatax. Tixdan La Magac Baxday Maxaa Lagu Balweeyaa Ayuuna Ku Furay Silsilada Wuxuu Yiri:-

**Fiqiyoow beryahan waa maqnaa biliyo dheeraade
**Cidna lama bulsheeyoo ka tegey badi akhyaartiiye
**Baal baan ka degey uumiyaha beesha oo idile
**Babac baanku furay reeraha jiiqa buuraha e
**Buska iyo ciidaan faraha badiba ruubaaye
**Mana booqan maqnsada hadaan baawar ku lahaaye
**Maxaa lagu balweeyaa adigaa baaqi ku ahaaye

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Saturday, 27 September 2014

Silsiladii Xamdi--Gabaygii Kowaad(Xaysimo) Ee Abwaan Ismaaciil Cali Boobe

Silsiladii  Xamdi Waxaa Soo Galay Abwaan Ismaaciil Cali Boobe Wuxuuna Kaga Qayb Galay Tixdan La Magac Baxday Xaysimo. Abwaan Boobe Waxay Isku Afkaar Noqdeen Abwaan Farxaan Salwe Wuxuuna U Codeeyay Xagaa iyo Carro Edeg
Wuxuu Yiri;-

**Xaragooy be eey rag baa gooyey xadhigeede
**Xiisihii ka dile haween xulasha doodiiye
**Meelo lagu xaraasay beryahan ugu xafiirteene
**Xarumaha sucuudiga ee hablaha xaaqin lagu eego
**Oo yaa ximaareey carabi ugu xaraabayso
**Iyo xuduuda canada ee kufrigu kaga xamaalaayo
**Xusul duub kuwaa ugu jiroow waad xaqiran teene
**Xaydaanki sharaftaa ka maqan xuyasha diiniiye

**Afartaa xawaariyo kadliyo xwligii faras dhe
**Afar kalena xeeshiyo runtiyo xarafyadaydii dhe
**Xamdiyaan u baaqiyo xubinta dooday dhe

**Xamdiyeey waxaan kuu hayaa laga xiiqaane
**Xuduudaha adigaan ka bixin xeerka gurigeena
**Xaashi lagu socdaaliyo adigaan ka biqin yaa ku xidhi doona?
**Xeerka gaalo adigaan u jabin xagasho ceebeeda
**Xaasudal tar xeeliyo xabsiga carabi kuu xaadhin

**Xaysimiyo waxaan kuu hayer dhulkii xaanida ahaaye
**Xudun iyo taleex Baan.ku geyn xarun daraawiishe
**Dhoodi baad xawaaraha dalxiis xaawigaa socone
**Xerta soo dhoweyntaaa ku oran noo xikaab noqo e

**Xiito geeloo dhashoo nugaal xamash ka daaqaysa
**Xigta iyo xaftaan kaaga habi sidii xuurka aan dhalaye
**Halkaasan aroos Kaaga xidhi xiisa loo wacane
**Xagidii ciyaraha bulshadu waa xarbiyayaane

Xamar iyo baroorbaan fardaha Kaaga soo xuliye
**Gelbis lagu xasuustaaan maalin taa kuu xudumayaaye
**Xamdiyeey todoba baxa xaami baad geliye
**Xidhka soolka waad mari ximan galool weyne
Xadeed baan ku geyn meel xarfo lahayde

**Ceeribaana kuu xigi anoo Xiiso kuu qaba e
**Xifta dayrta baad caano bixi xaaxi karamaane
**Xubi aan dhamaaniyo janaan kuu xikaayadiye
**Xamdiyeey isoo raac kuwani Xiiso ma hayaane

Silsiladii Xamdi--Gabaygii Seddexaad(Wax Uun Xeeriya) Ee Abwaan Maxamed Haybe

Silsilada Waxaa Mar Saddexaad Ku Soo Laabtay Abwaan Maxamed Haybe Isagoo Abwaan Farxaan Salwe Uga Jawaab Celiyay Tixdiisii Ahayd  Xishooda

Abwaan Haybe Wuxuu Yiri:-

**Farxaanow habluhu waa xariir laga xishoodaaye
**Xurmo gooniyay leeyihiin amma xaquuq dheere
**Xaska uma adkaystaan inay xanan ka jiidhaane
**Xagar sarara wayn waa halkii xodayga buurayde
**Axe'xeedu waw daran tihiyo xaayo loo diro-e
**Xagulihiyo baa muuqan jiray xidido waawayne
**Sida xuurta way godanayan soo xorgogayaane
**Xaskul laguma soo hiyo xadhkaha lagu xajiimone
**Xoolaha waxaa raacin jirey niman xurmaynayne
**Raga xooga luunbay ahayd. Inay u xoojaane
**Waligeed xadgudub bay ahayd inay xafaarane
**Xayniyo waxaa xawda jaray xaabo loo diro-e
**Xajka iyo waxay doonayan xaramki waynaye
**Xijigii makaad bay arkaan ama u xiiseene,
**Dhulkana lagu ma xaadhe dhibwaa laga xijaabaaye
**Inaad xuubka mooday rabaan midho xareedade

**Timo xawdhka leeg bay rabaan inay u xaabaane
**Xaragadiyo quruxday rabaan inay xafleeyaane
**Xiliyada qaboow bay rabaan inay xinaystaane
**Xifdi iyo quraan bayrabaan iyo axaadiise
**Xaqa waalidkay doonayaan inay xusuustane
**Bal intaad wuxuun xeerisaan oo xal laga duulo
**Ha xaqirina oo yaan la odhan xagarka sii jooga...

Silsiladii Xamdi---Gabaygii Kowaad(Xishooda) Ee Abwaan Farxaan Cumar Salwe

Tixdan Waxaa Yiriyey Abwaan Farxaan Selwe  Waana Tixdii Kowaad Uu Kaga Qaybgalay  Silsiladii Xifaalaha Badnayd Ee Xamdi

**Xanan lama jibaaxiyo Xas aan xeelad loo marin
**Xeegada waxaa loo xagtaa Waa xariif nimo-e
**Xejintaa ilkaha looga tudhi Xagalo geeleede
**Xeji uun hadii aad tidhaah Xaajo waa dhabaqe
**Xaqa laga ma baydhiyo Xadiis xaakim uu dhigaye
**Xa'laydaa bilowga ah hadaan xaraf lasiiraaco
**Oon u xulo midaan xanaf lahayn Xeerku waa dhaqane
**Nimankaa xifaalada wadee Xeebta wada sheegtay
**Nin waliba xuruuf buu ku qoray Xaakim baan ahaye
**Hayeeshee cidlay xaadhayaan Saan xaqiiqsadaye

**Xayaysiis waxay sheegayaan Xero shisheeyaade
**Waa xuduud carbeed iyo Galbeed xooshku uu dego-e
**Xaab qaadka canada iyo midkii Carab xigaalaystay
**Labaduba xisaabtay qaldeen Xeerna may garane

**Xamdi waxay usheegeena Waa Xiinka dhedadiiye
**Iyaduna xareed malaha oo Xaaluf laga qaadye
**Xamdi waxay ku xarakoonaysaa Xerada toomoode
**Xidhwayniyo burburis bay degtaa Xerosankii hawde
**Xagar sararawayn bay intaa Xeeyo jiraysaaye
**Xiitiyo waxaa loolisaa Xoorka geel dhalaye
**Xurmad bay ku leedahay Halkaa aan xisaab wadane
**Xero iyo ilaah maanu badin Xayte gaal wado-e

**Carabtana xabiib uma ahoo xaali may odhane
**Xaramkana cibaaday u tegi Xoolahay gadane
**Xaglo waynta awrtaan todoba Xayga sootubiye
**Iyagaba xisaabtoodu waa Xaashi lacageede

**Xarumaha dalxiiskana Halkaa xiiso looqabaye
**Xudun iyo nugaal baan dhowaan Soo xarminayaaye
**Xalin beeraheedaan socdaal Ugu xaraamayne
**Xishoodoo hablaha yaan la odhan Xerada soo dhaafa!!!

Silsiladii Xamdi-- Gabaygii Labaad(Waxba Haw Xanaaqina)---Abwaan Maxamed Haybe

Abwaan Maxamed Haybe Oo  Ku Soo Noqday Mar Labaad Isagoo Ujawaabaya Mahad Dhoore

**Mar hadaan nafteenoo Xafidan lala mushaa-xaynin
**An mawdka xawdeena jara laga xoroobaynin
**Angeeri laynaga xadayn laga xishoon waaye
**Waatay xadiis iyo quraan ina xusuus sheene
**Inagaa xadiide naf waa la xakameeyaaye
**Nin adduunyo xaalkeed arkaa. Kama xamasheene
**Xagna uguma hiisheen intuu soo xaakabsado-e
**Xaashiyaanu soo xaabina waysa soo xidhiye
**Xaaraana waa lagu xantaa maal xagaa jira-e
**Xajku waa muhiim oo naflaha wuu xasiliyaaye
**Iyagoo xariiray noqdaan badi Xujeey diiye
**Xisma qabo inuu soo xarmado nimaan u xoodnayne
**Dadka lama xumeeyee dantaa lagu xanuunjaaye
**Xamdi way taqaana xaqiyo Xarumo shaydaane
**Waa xuural cayn gaalo way kala xanaaqane
**Iyadoo xijaablay rabtaa inay xushlaysaaye
**Waataa xagay tegi lahayd xulatay mandhoowe
**Waxba haw xanaaqina. La diid inad xaraysaane

Silsiladii Xamdi---Gabaygii(Xeer-beegti)-- Abwaan Mahad Dhoore

Silsiladii Xamdi iyo Xifaaladii Raga Canada Iyo Yurub Jooga, Raga Ardul Carab jooga Oo Cirka gashay
Tixdanina Waxaa  Tiriyey Abwaan Mahad Ina Dhoore oo u hiishay Axmed Saleebaan oo Canada Jooga (Xeer beegti)

Wuxuu yiri:-
**Xeerbeegti gabay ina salwoow xeradi waa taaye
**Xishood maleh xamaalkuye, naftaa lagu xujeeyaaye
**Mid xarago is godayaa jiroon, xiito hela-hayne
**Xaqa laga ma hiishee runtaa loo xakamiyaaye
**Mar hadaan bangiga soo xiroo lacag kasoo xoorsho
**Xajka goortan tago carabtu way xurminayaane
**Xamdina waa taqaan meesha uu xay kasoo baxaye
**Xayn riyaa intay celin lahayd, oo xaaluf ba’an jooga
**Marba maalin may xeeb qurxoon soo xarago joogto...

Gabay--(Baaray Tumisteed)--Abwaan Farxaan Salwe

Tixdan abwaan Farxaan Salwe wuxuu tiriyay markii baarlamaankan hada jira la soo xulay ee ay koox qabqableyaashii hore ah lagu soo daray si beelaysan maxkamidina sidaa ugu ogolaatay markii maamlo lagu murmay
Ka bogosho  wacan wuxuu yiri:-

**Ba’da gabayga bandhigaa fankiyo baaray tumisteeda
**Bulo iyo ciyaar loobaxiyo baalo jaristeeda
**Batar boodo laga dheelayoo lagu belwaynaayo
**Baabkaa inaan joojiyaan beerka kuhayaaye
**Bedelkeeda waxaan doonayaa barasho diimeede
**Boqorkoon xusaabaan jeclahay baarina ahaado
**Buluuq iyo riyaad saalixiin yaa ii bilaawnaaye
**Bisha soon waxaan doonayaa beer inaan falo e
**Baaqaa lasooqoray malaa bereten weeyaane
**Barbaartaa kuloolama intaa ba’ iyo woowgeede
**Badhjab kaa ka gaabsada murtida xaraf biloownaaye
**Baxdoow iyo ninkii tirinjiraan baaqi ka ahaane
**Biyo soorogmaday loomalee boqol midhbaa dheere
**Beeraha ganaanoo kujabay buurxakaba waayo
**Barta luuq kutaal iyo fatahay tan iyo baardheere
**Baldhegeysta aan biyo dhacee waan burqanayaaye

**Afartaa ma baal baalayoo baal makalaraacay.
**Buqturaab ma fiicnee farshaxan baab ma ugu sheegay
**Bal aan galo halkaan beegsadaan bawdka soodhigiye

**Barwaaqada markaan joognayee xamar la baashaalay
**Beeraha afgooyana dal xiis booqashadu taalay
**Baarwacan markii aan kafee beega shubanaynay
**Balan curuba taaliyo hablaha biid uxidhanaynay
**Bucurka iyo dhaylada markaan beerka dubanaynay
**Balaayada kuwii noohorkacay baaqibaa hadhaye
**Beelay hormuudka uyihiin baarqab iyo shaybe
**Baarlamaanka waa kuwaa fadhiya badi hormuudkiiye
**Bahnimaa difaacdoo walaan biid la odhanayne
**Boyntifayf waataa lagu xulaye baarka loofidhaye
**Bal ufiirso beecay wadaan waa barkuma taale

**Afartaa ma baal baalayoo baal makalaraacay
**Buqturaab mafiibnee farshaxan beeg ma ugu sheegay
**Bal aangalo halkaan beegsadaan bawdka soodhigiye

**Inta ay bankaa daaqaysiyo biito xeradeeda
**Beentiyo intaa laysku wado sheeko baralayda
**Beesada intaa looxishiyo boobka hadhi waayay
**Nin walboow bartaadaad taqaan barada reerkiina
**Biixiyaha intaad mudato hay yaan lagaaburine.

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Silsiladii Xamdi---Gabaygii Kowaad(Xooshka Gaalada)-- Abwaan Maxamed Haybe

Gabaygan Waxaa tiriyey abwaan maxamed haybe oo gartii furay xagaa iyo xaramkana u iishay waan sildiladii xamdi ee canada iyo sucuudiga xifaalihii xamdi

Xooshka gaalada

**Farxaanoow haween kaa xujaa lagu xabeebtaaye
**Xarbi lagama waayiyo dagaal la isku xiiqaaye
**Nimaan xooga lagu xeerinayn loo xasaradeeye
**Mansadan xa leeydaa hadaan xarafka siiraaco
**Xamdi iyo hablaha xaafidka ah ama xishoonaya
**Ee aan xaqiiqada ka tegin. Nolosha xaalkeeda
**An meel xashiish lagu cuniyo canada xiisaynin
**An xooshka gaalada jeclayn inay. U xoodaanto
**Xurmadii ilah iyo kuwii diinta lagu xeeray
**Cabdul bay xagiisa u bateen lana xidhiidheene
**Isaga xajkii jooga iyo xarun islaameede
**Waxna laguma xado. Baahida lala xaraamaaye
**Xaashaa lilaah meesha waa lugu xishoodaa"

Gabayo---(Jacaylkii Jamaad)---WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Waa la joogaba iyo meel la joogba jacaylku waa dareen si qoto dheer ugu samaysan abuurta noolaha inta la ogyahay, si gaar ahna waa dareen Aadnaha aad u ladhan oo tilmaamihiisa ka mida.

Sidaas oo ay tahay haddana kolkaynu dib u milicsano ujeedooyinka kala duwan ee faraha badan ee maansadii hore ee soomaalida ay u adeegsan waxaa inoo soo baxaaya maansada jacaylku inay ahayd kuwa ugu tirada yar, halka ay maanta ka tahay kuwa ugu tirida badan, taasina waa run byo kama dhibcaana oo lafogurayaasha suugaanteenu ka murankeeda waa hore ay ka shidaad baxeen.

Waxse ay isweydiintu tahay maxaa loo aanayn karaa oo keenay inay ujeedooyinka maansadii hore loo tirin jiray in maansada jacaylku ku saabsan ku yaraato halka ay muush ka tahay ujeedooyinka kala duwan ee maansada sebenkan halabuurka soomaaliyeed u tiriyo?

Wixii aan waayo aragnimo ka kasbaday hiidiyo dhaqqanka, Abwaaniintiyo Dhammaan Suugaanyahanada soomaaliyeed sida Axmed Farax Idaajaa, anigoo ka duulaya aragtidayda sababaha keenay waxay tahay; Ujeedooyinka maansadii hore loo tiring jiray in maansada jacaylku ay noqoto ta ugu tirada yar waxay la xiriirta habkii nololeed ee ka jiray geyigii ay soomaalidu wax ku dhaqaan jirtay iyo dabeecadaha ragii soomaaliyeed ee xoolo raacatada ahaa uu geyigaasi ku talaalay.

Wuxuu ahaa geyi dhibaatiyo shido badan geyi aan nasasho laga aqoon u halgankii ay jiritaankooda ugu jireen aanu kala go lahaan jirin, colaada io cabsida ayaa joogta ahaa.

Hadii habeen dumo iyo waayo baryo goor walba ragu rakaab ku jog uun buu ahaa. Wuxuu ahaa xili ay xoolaha si ba’an ukala qaadi jireen. Kolkaas bey u ahayd mar ay geel dhacayaan iyo mar ay geel soo dhicinayaan, mar ay ceel ku diriyaan iyo mar carshin kala riixanayaan mar geedka shirk u garamayaan iyo meelo ay saymo roobaad ku hooreen mar ay geedi u yihiin.

Haddaba ninkii soomaaliyeed ee geyigii sidaas ah mudo dheer ku dhaqnaa wuxuu ka dhaxlay dabeecado ilaa maantaba ay bulshada in badan kala socdaan waxaana dabeecadahaas ka mida:-
¤Ninku inuu ad-adayg ku tilmaanaado

¤Ninku dareemadiisa qof ahaaneed inuu qarsado oo waxa laabtiisa ka guuxaaya inay dadka kale si fudud uga ogaan.

¤Halka maanta laysku guubaabiyo inuu ninku u sheegto jacaylka rubadiisa hugmaya gabadhuu u qabay Jiljileeca iyo dabacsanaantu waxay ahaayeen wax ninkii lagu arko lagu daraabo, sebenkana ninkaan dabacsanaaniyo is dhul-dhigid ka soo horeyn looba tawaabaynin oo na lagu tilmaamayo ruux qalafsan oo aan lala rafiiqi karayn.

¤Dhif waxaa ahayd seygu haweenayda udhaxda inuu magaceeda ugu yeero ama meel laga arkaa inu ku salaamo ama ku yiraaho waan ku jeclahay ha la weheliyo ama labadooda oo kaliya ha ahaadeene, maantana taasina waa midaan jirinoo ninkaan qaali, macaan, xabiibti, noloshaydiiyeey, iyo magacyo macaan ugu yeerin ooridiisu waaaba ka dudaa haddaanay I furba odhan.

¤Ninku intuu doonaba ha jeclaadee waxaa dhif ahayd carruurta uu dhalay midkod intuu madaxa u salaaxo inuu si cadaaana wax ugu sheego ama ugu muujiyo gacalada uu laabta ugu hayo.

¤Ceeb aan ceebi ka weynayna waxaaba loo yiqiinay ninka raga oo sabab kasta ha lahaatee in ilmo ka soo dareerto.

Geyiga caynkaas ihi ma lahayn guubaabo, diradiro iyo abaabul dagaal mooyee geyi maaweelada iyo maansada dabacsan ee dareenka jacaylku ay hanaqaadi karayso.

Haddaba Geyigan maantana waa mid nabad doon, saynu kor ku soo xusayna dhaqanka jiilkan iyo kii soomaalidii hore hadaynu isbarbardhigno waxaa inoo soo baxday inuu farqi weyni u dhexeeyo.

Sida jirtana xeer waliba waayada dambe yeeshaa cid ka baydha iskana indho tirta bulshada inteeda badani hiddaha ay raacsan tahay sidaas awgeeda waxba yaanay waxaynu ka dharagsanahay qaybaha maansada eek ala duwan haday tahay gabay, geeraar, heeso iyo dhammaan kuwa kaleba in ay maansada jacaylku maata tahay ugu badan.

Waxaan qormadan ku soo qaadaayaan silsilada gabayo gaaban oo jacayla lana magac baxday Jacaylkii Jamaad, gabayadaasoo ay is dhaafsadeen halabuuro sebenkan bulshadeena u maansada kuwaas oo inta badan ku kulma barkulanta wejibuuga.

Hillaadu markay ahayd 07/09/2014 ayaa abwaan fiqi faatax wuxuu soo bandhigay labo txood oo gaagaaban. Meerisyada cuddoonee tixda hore waxay ka turjumaysaa abwaanku inuu jantay gabadha la yiraaho jamaad sidoo kalena u sheegtay jacaylkuu u qabo halka jamaadna ay ku tiri dhawr wiil baa ijecel oo aan qalbi u ahayn adna kuwaas uun baad noqone jacaylkaaga wiilow uma jeedo anigu mid laabta degay baan muxubo u qabaaye.

Abwaan fiqi faatax isagoo tix ku tiraabaya jawaabtii jamaad ayuu yiri:-

☆Jaahayga iyo quruxda iyo jamal wanaagayga
☆Toban wiil todoba laga jaroo, Loo jid bixinaynin
☆Soo ima jeclaan ina rag waa, Jiinka damaciise
☆Ana sow mid jookha uma lulo, Joofey lagu sheego

Jamaad Markay Fiqi Faatax Intaa Heego Ugu Martay. Fiqi faatax waa qalbi jacayl ku qasaasilayo oo u Asqaysan Jamaade. Wuxuu Fiqi Faatax Fakaroo raadiyo bal habkuu ku Heli lahaa jamaad ileen waatan ku gacan saydhaye. Waxaa ku soo dhacday markaa abwaanku bal inuu dhan kale u dhigo si ay u aqbasho jacaykana u la qabato isagoo ku beerlaxawsanaya inay labo xigaala yihiin oo isaga dhaw raga jaclaaday iyada iyo kay jeceshahayba wuxuu yiri:-

★Labadaad jibaartiyo tirada oo, Mid laga jeexay
★Hadii aanu ku jecelnahay, Anaa kugu jiir xiga-e
★Jaarkiina anigaa ahoo kuugu sii jecel'e
★Inaadeer jamaadeey mar uun, Jeebka igu qaado

Gabadhii markuu intaa ugu tibixsiiyey bey jamaad isoo jawaabtay. Waxaana jawaabta jamaad tix ahaan urogtay oo booskay jamaad silsiladan ugu jira abwaanad caasha cumar jaamac(luul). Waxayna ugu hal celisay jamaad oo ay tiri:-

☆Inkastood ka jir iixiga tahiyo, Jaarka gurigeyga
☆Jacayl darana aad ii qabtoo, Damac jiboonayso
☆Qalbigaygu meel buu jiraa ,Una jiroodaaye
☆Wiilkii jamaal baan rabaa,joofey inankiis

Halkaa markay sheekadu botorinayso oo ay jamaad ninkii fiqi faatax ahaa ay ku tiri iska kay ilaw qalbigu meel buu jiraaye, ayaa waxaa soo galay wiil kale oo isna ku jira kuwii jeclaaday kaaso aan ahayn kay dhabta u jeclayd. Waxaana booskiisi inoogu jiro abwaan Ismaaciil Boobe,  isagoo jamaad la hadlaya ayuu yiri:-

**Jamaadeey inaabtaay adaan, Jeelka kuu qabaye
**Sadexdaad jibaartey cishqiga,Jimiimicaya­ kugu raacay
**Ee jacaylkaagu gaadhayee, Wada jiboonaya
**Hadaan lays jigraarayn anaa, Jookho kuu wacane
**Jiho kale ha eegine aniga, Jaanta ila hay.....

Haddana Isla Ismaaciil baa ku soo laabtay isagoo ka yaaban ninkan jacaylkiisa raba inuu dhanka inaadeersada umaro oo uu gabadhaba saa kaga dhex qaado wuxuu yiri isagoo ugaa digaya ninkaas sidoo kalena leh aniga isoo raac anaa kuu dhaame  ayuu jamaad ku yiri:-

**Wuxuu yiri jaar baynu nahay, Jiidh wadaag dhabahe
**Jini kama duwana ninkaa, Jookha kuu lulaye
**Jalalabkiisa ha dhagaysan, Waa jacayl xaaside
**Inaguba jabad baynu wada niil waqeen, Jeexiyo buure
**Jacaylna wakaa igu xukumay, Jiidhka kugu yaale
**Jiho kale ha eegine aniga, Jaanta ila hay......... La Soco Qaybta labaad....

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Friday, 26 September 2014

Gabay---(Saw Wax Ba'an Maaha)---Abwaan Farxaan Cumar Salwe

Gabayga saw wax ba'an maaha abwaan Farxaan Cumar Salwe waxa uu tiriyey hilaadu markay ahayd 23/2/2012. Gabaygan  oo ah mid aad u cuddoon oo dhaxal gal ah wuxuu abwaanku kaga hadlaya xaalado inta badan dadka ka dhaca.

Xaaladahaas oo ah in laba qof oo aad u kala fog fikiriyo garasho  ahaan ay doodaan ama isu faanaan, taasoo aad ka garan karto siduu  abwaanku ugu tibaaxayo meerisyada cuddoon ee tixda.

Waxaynu ka fahmayno haddaan wax ka yara taabto waxaa ka mida in nin hal abuurnimada ku caan baxay loogana danbeeyo uu u faano ama la doodo mid badhjab ah, mayacsile, ama bayd gaab ah taasina ay tahay wax lala yaabo ama aan la qaadan karin waxa uuna abwaanku yidhi.

**Birgaydh janan ah baalaha casaan buuxshay darajooyin
**Baarliin dagaalkii nin galay biladna sooqaatay
**Boodhigaadh midaan biid lahayn alifle biibaaye
**Inuu baab dagaal uga waramo saw wax ba an maaha?

**Boodada ninkii baacinjiray faras banaan jooga
**Bulshaduna taqaanaye inbadan biibshay orodkiisa
**Biyoolaha dameeraha wadee beledka gaadhsiiya
**Inuu bereten ugu baaqayaa saw wax ba an maaha?

**Burdihiyo qoraankaba wadaad baydkastaba sheega
**Bukhaarina warkiisii hayoo beenta ka ilaashay
**Baydgaab mid soo bawsadoo bilista faaleeya
**Inuu belelka naar uga waramo saw wax ba an maaha?

**Boqol sano ninkii soojiraye boqorku gaadh siiyay
**Ee bamkii taleex lagu ridayna beeg ugaranaaya
**Baaluqu midaan weli ahaan biidkan kacay haatan
**Beerdhiga inuu uga waramo saw wax ba an maaha?

**Barni gaariyoo diiranoo bayd qurxoon hoyata
**Boqol loo gugalo oo bulshado badi amaanayso
**Bassaridu inay caayaysaa saw wax ba an maaha?

**Ba’da gabayga nin bayaamiyoo baarkasare gaadhay
**Baalaqana ilaah siiyayoo baahin garanaaya
**Badhjab inuu la doodaa iyana saw wax ba an maaha?

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Gabay--(Kala Mudan)--- Abwaan Jaamac Cali Murtisame

Tixdan la yiraaho ee Kala mudan wuxuu Abwaan Murtisame Curiyey 8/8/13 (Kala mudan)

**Marka hore allaa mahad iskale maalik kaligiiye
**Marka xiga rasuulkiisa mudan maxamed weeyaane (scw)
**Mar labaadna mawlaa iska mahad dhamaanteede
**Marka xigana kala mudan halqigu meela kala aadye

**Kala mudan abaar madhisay Iyo mayay arooryaade
**Kala mudan madawgiyo cadada maalintoo kale e
**Kala mudan madheedh faraqle iyo jeerin mudaciiye
**Kala mudan manqada soo baxdiyo jilifta maygaage

**Kala mudan mur daybaaqa Iyo malab sabiibede
**Kala mudan mugdiga laylka Iyo maalin geedigu e
**Kala mudan biyaha maaxdey iyo caraq lamiisaaye
**Kala mudan malkada xaysimiyo miidadaw sigu e

**Kala mudan mirtii xalay dadiyo magay wiyeeraaye
**Kala mudan mahiigaanka Iyo shuux marsoo kacaye
**Kala mudan magaaliyo dhulaan neefle matahayene
**Kala mudan mulkii saxarihiyo meel nabaad lihiye

**Kala mudan miskiin badawa Iyo macalin taariikhe
**Kala mudan qofkii muuminiyo kii munaafaqa e
**Kala mudan muftiga diinta Iyo gaalka maanacaye
**Kala mudan kufriga moogan Iyo caalin mehershaaye

**Kala mudan macnoow yaraha Iyo ruux masuulihiye
**Kala mudan tasfiir mariye Iyo kii murqaansaniye
**Kala mudan masiir qaranimiyo ruux maslaxadeede
**Kala mudan masoo jeeste Iyo fulayga maagaaye
**Kala mudan ninkii madaxa Iyo gocor is moodaaye

**Kala mudan marwada gaariyiyo baali maahsaniye
**Kala mudan maxjamad reer dhaqdiyo Iyo tii masayr badane
**Kala mudan ninkeed maqasho Iyo yalaqda muustaaye
**Kala mudan mikeed joogto Iyo gabadha meertaaye

**Kala mudan galoof madhatay Iyo igadh la maalaaye
**Kala mudan martida loolistiyo tii magaanyaaha e,
**Kala mudan sangaha miigan Iyo baqal madooboo e
**Kala mudan miciin ruuxle Iyo xaasid maanliye

**Kala mudan midkii lagu Hirtiyo kii maganta laayaaye
**Kala mudan macnaha dawlad Iyo qoon metelayaaye
**Kala mudan qabiil magac yar Iyo meenka qarameede
**Kala mudan nin mooryaana iyo mu'adin khayraade

**Kala mudan qof miisaanle Iyo kaan macna lahayne
**Kala mudan qofkii magacle Iyo meela kuma yaale
**Kala mudan jihaad mawle Iyo maxastii laayaaye
**Kala mudan mashaayiikhda Iyo miina'aasuhuye

**Kala mudan madhaafanka Iyo biri magoysaane
**Kala mudan nin marshaala Iyo kaan dhiboo marine
**Kala mudan murtada gabayga Iyo kaan midhka aqoone
**Kala mudan mawaahibada iyo kii maroorsadaye

**Kala mudan mad-habad diiniyiyo muusik tumayaale
**Kala mudan marduuf jaada iyo qare lamiirtaaye
**Kala mudan macaan Iyo qadhaadh meel kastay tahaye
**Kala mudan maseexiga lumiyo muumin toosaniye

**Kala mudan madiiniyo kufrigu meelu leeyahaye
**Kala mudan makiyo ruuxa tegay kaan marsoo arage
**Kala mudan manfaca shayle Iyo meela kuma toose
**Kala mudan makaan lagu degiyo geedi moorsaniye

**Kala mudan colaad lagu madhiyo miida nabadeede
**Kala mudan qofkii mu ayidiyo kii mucaarada e
**Kala mudan majare kaa xun Iyo marinka tooboone
Kala mudan mijilis qaadle Iyo goob muxaadiro e

WQ: Hal-abuur Maanmaal Buureed Gurxan

Gabay---(Taba-bare)--Abwaan Farxaan Salwe

27/02/2013 Ayuu Abwaan Farxaan Salwe Turiyey, Waana Gabaygii Ugu Horeeyey Uu Kaga Qayb Galo Abwaanku Silsiladii Talantaali Taasoo Ahayd Mid Ay Ka Qayb Galeen Abwaano Badan Sida Caaqil Dhago Jilic, Bootaan, Hurre Axmed Iyo Nuradiin...

Wuxuu Yiri Abwaan Farxaan:-

¤Ta’da maanso taabo qaadka gabay tuducyo miisaaman
¤Tanbareeri uma taabto oo waan tix geliyaaye
¤Toobiyaha markuu haysto baan toos umariyaaye
¤Tafsiir baan ka bixiyaa halkaan toos u weeraro e
¤Tabnigii ismaaciil miraan ugu taxaashaaye
¤Tamash laan umariyaa illeen taajir baan ahaye
¤Tibaax ama tilmaan baan baxshaa taan markaa rabo e.

¤Afartaa tusaaliyo tusmiyo tababarkaygii dhe
¤Tukalana tilmaan weeye iyo taan usookacaye
¤Toojaba nin maalaa yaqaan tay ku badisaaye
¤Tabta loolisaa buu yaqaan toosan kii lihiye
¤Taabashada ma yeeshiyo nimaan tuujin garanayne

¤Tuutaha ninkii loo xidhaye taangigana saaray
¤Tababare hadaan loosamayn taatikada siiya
¤Tabco cadawgu saw lama heloo tooray sudhi maayo?
¤Tuug iyo mid liitaaba saw toos uqaban maayo?

¤Tiyoo tahakan dheeraynayee orodka taakeeya
¤Ee tegaya meeshii fogayd toban daqiiqoodba
¤Hadaan teebka wiil kaa labaray toos uburinaynin
¤Ogoobeey tamuuxbuu galaa tiigsina ma yeesho

¤Todobbuu udhaxayaa halkii taabsin u ahayde
¤Turaabkaa qoyuu gelinayaa kaan taf ku ahane
¤Tixuhuna ninkaan marin aqoon waala tega yaane

¤Tabta nuuradiin bay taleex ula talaabaane
¤Isogoo tiyeelaw usocday ula taraareene
¤Tamar yari ma sheegeen haduu toosin karayaaye
¤Taargid uma abaarine malaa wuu la taaw yidhiye
¤Taageerayaashaa qaldoo toosi maygarane

¤Tuhun gelis ninkii tiriyayoow taadu waa habawe
¤Bal tilmaan halkaa tuurta lihi waa tolagantaase
¤Tafaraaruq weeyaan tolkay toos u kala goyne

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Gabay---(Dhagahaan Furaystaa)--Abwaan Muxamed Cabdulcasiis Bootaan

25/06/2014 Gabaygan Waxaa Tiriyey Abwaan Muxamed Cabdulcasiis Bootaan......

Dhaxantiyo kulaylaha jiriyo, dhidib diiraaceedka
**Dhumuc wayne jiilaal haddii, laysku dherersiiyo
**Oo dhaanka dalandooltamoo ay dhanqaran joogto
**Oo maalku wada dhuutiyoo dhimasho uu joogo
**Dhoobadiyo waxaa lagaa dhegaa dhanaqda ciideede

**Dhaqankooda weeyaan inay dhiriftamaan jeere oday
**Dhabaqtamaayaa waa markuu yara is dhaafaaye
**Dhaqmaatiga tuldaha jaan hadday dhinac u ciirowdo
**Markaasuu dhaqaaqaa sidii dhaahiyaha baase
**Oo ul uu maryaha dhinac dhigaa dhagaxna qaataaye
**Dhab ayuu u waashaa haddii geelu dhaqayoobo-e
**Dhibic roob markii uu helana waa dhuh-leeyahaye

**Umadaba inuu dhaafay buu dhimir u sheegaaye
**Mar hadduu dharaar helo biyaha balliyadoo dhaansan
**Mar hadduu ka dhaantayn yaqaan ceelka dhagax buura
**Markaasuu dhawaaqaa sidii dhidarki dooloode
**Markaasuu dhigaal maanso iyo ceebo soo dhuriye

**Markaasuu intuu caado dhigo dhaqan ka seegaaye
**Seedigii markaasuu dhibaa gabay dhaliilaaye
**Dhabqin iyo markaasuu qoraa reer wax loo dhimo

**Culimada ma dhaafee intuu dheesha baranaayo
**Dhebel buu u siiyaa afxumo oo ku marin dhaafa
**Dhaayaha ka xidho baa ku qaban heesta u dhigiye
**Dhegahaan furaystaa eegaduu meelka dhacayaaye
**Ala dhaandhaansanaa badowga jaan dhihid qalloocisa!!!

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Gabay----(Saami Iyo Saa'id)--Abwaan Cadceed Cadeysey

Gabaygan Waxaa Uu Soo Baxay 17/07/2014 waxaana Tiriyey Abwaan Cadceed Cadeysey

**Sagal Waabar Muuqdiyo Saxaab Samada oo Foola
**Xili Seer Ma waydiyo Cirkoo Subax Da'oo Hooray
**Sinta Buurta Saaxdiyo Baliga Sabaradaa Jeexa
**Sanaag meela Sool Ay Ahoo Dhibicdu Saameeshay
**Saxansaxada Siidhiga Rahiyo Daadka Soconaaya
**Saw saami eebuhu baxshiyo Saa'id Bada Maaha

**Gu Samaaday Saracoo Baxoo Saacu Hamashoobay
**Sifaar Qawle Seelkoo Fufiyo Saarka Faraqaystay
**Sisintiyo Canbaha Soo Goiyo Midhaha Saytuunka
**Saladhkiyo Salaatada Macaan Garow Sabuulkiisa
**Siidh baxay Sareen iyo Geley Midho Sabiibeedka
**Saw saami eebuhu baxshiyo Saa'id Bada Maaha

**Sed baruura Hilib Saafan Iyo Sarar La Geedeeyey
**Sargaf Shiilan Jinay solay Ah iyo Daribta Oo Sooca
**Burcad Soora Sixin Iyo Labeen Subaga Oo Buuxa
**Sulux Dhay Ah Soofeen macaan Suusac Malaboobay
**Sidig Hoora Seenyoo Irmaan Sulub Karuurkeedu
**Saw Saami Eebuhu Baxshiyo Saa'id Bada Maaha

**Sindiyada Dhaclaha Soohan Iyo Idilba Saabaanka
**Subeeciyad Sitaac Iyo Xariir Siliska Qaabaysan
**Dibno Sugula Suuniyo Qorqoran Sagalka Jaaheeda
**Sanqaroorka Dhabanada Sisiman Saydhistaa Bidixda
**Suuban Edeble Sawd Debecsanoo Socodku Laafyoota

**Qaryad Samirle, Saalixo Marwa Ah, Sawjad lagu Siiyo
**Saw Saami Eebuhu Baxshiyo Saayid Bada Maaha..

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Thursday, 25 September 2014

Gabay---( Miinaanle )---Halyeey Darwiish Sh. Sayid Muxamed

Geela la baxay Miinaanle oo geel Daraawiish laga dhaco ugu badnaa gumarna u ahaa, tiradiisana lagu qiyaasay 25,000 illaa 30,000, ayaa waxaa loo xerriyay dhulka la yiraahdo Iyax oo deexda Ayl iyo Bayla u dhaxaysa ah, wax dakana ah oo markaas looga baqaayana jirin.

Hase yeeshee hud-hud iyo diradiraale dad lagama waaya Hobyaa gabay laga tirshay oo waxaa waxa loo geeyay boqor Cismaan iyo reer Bari, waxaana la yiri gabaygaa Sayid Maxamad baa idiin mariyey. Gabaygaas halkudheggiisu wuxuu ahaa:

(F)
Dayrtiyo diraacduu dhaloo, Deex u soo degaye
Dakanooyin badan buu qabaa, daafta kuu yimiye
Bal car didi kalluun lama dabtee, waa la diriraaye!

Usagoo awelba reer Barigu geelaas booca ugu tukubaayey haddii marmarsiinyo loo helay ayaa guuto camaaryalay ah lagu soo bixiyey, garwade waxaa colka u ahaa niman Daraawiish ka fallaagoobey. Geela xagga Daraawiisheed waxaa looga yiqiin Miinanle, nimankii dhacayna waxay ula baxeen Soo-dadab. Gabayo, heeso iyo maahmaahyo badan buu leeyahay, aan ka soo qaadno gabay dhaar iyo hanjabaad ah oo dhinaca Daraawiishta laga mariyey.

In kastoo aan hubinna waxaa la yiri Sayid Maxamed baa mariyey.

Geel Miinanlaan ugu jeclaa guuyad oo idile
Usba gacaliyii buu ahaa galax qaboobiiye
Gungunaafyadii baa la tegey guunki reer bariye
Gurigii la geeyaba haddaanan gaas dhan ku afuufin
Geelii la eedyeey haddaan lagu guraabaasin.

Daraawiishtu dhowr col oo kala daran bay ka daba geysay, waxaana ka mid ahaa labada col oo la kala baxay Casar-dega iyo Isu-mara. Taariikh dheer ayuu geelaani reebay. Iyagoo gabaygoodii sii watana waxay yiraahdeen Daraawiishi:

Geelii carrada buuxayee, calaggu saanyoodey
Caqli nimaan lahayn baa yiri, waa cantoobsadaye
Cidlaa laga kaxaystaye ma waa, cudud la ii sheegtay

Majeertccn caddaan uguma dhaco, culus hashaydiiye
Waxay caadadood tahay inay, cidaha gaadaane
Nabad caabuquu igu dagaye, col uma keeneene

Gaalada careef kale markii, carabta loo fuulay
Markii ciidankii uga birmaday, badaha coonkooda
Daraawiish caysani markay, ciira ugu duushay

Cabsi kama baqaynine markii, cunugga loo reebay
Goortii carruuraha la yiri, celiya oo foofsha
Goortii cirkii curanayey, Cal u hayaansheene

Ciilow ba’ay! talo xumaan, cudur ka weyneyne
Markaan soo ceshooy iri, rag bay caasiyoo raraye
Cabdul1 iyo waxaa igala tegey, caabuqii wadaye

Haddeeyan cadceed subax u rarin, cidi ma qaaddeene
Ceemaad2 agteediyo hadday, cirifka noo joogto
Curcuraha Nugaaleed3 hadday, caday ka foofeyso

Cashaday galeen baan dagaal, iga cillaalmeene
Kun caynaba kun coofaar huullaa, kuman cudbaawiira
Kun caddaana kuman caarle iyo, kuman baroor ciida

Kuman calasa kuman bood carfileh, kuman cillan miida
Kumanyaal cirbiid iyo ashkira, kuman casaawiira
Kuman Xamarcas iyo may lahoo, wada cawiifaaya

Kun calowa kumanyaal calcala, kuman dhalaal cawra
Kun carwaajis iyo boor lahoo, midab casuuraaya
Kun carowle kumanyaal curboon, kuman ciriifaada

Kun cawlcawla kuman cawmisila, kuman caruusaada
Kuman cawlan caacaanniii kuma, kuman caddays maaga
Kuman caana kuman cayn silloon, kuman cajiibaada

Kun caqiiqa kun caarsan oo, dhogor cureejiina
Kuman calanle kuman shaal cas iyo, kuman cutuubaada
Kuman cawra kuman caadaqaad, caadka laga saaray

Kun cooshcoosha kuman laysku carin, kuman cawaarguunle
Kun cahsmiira kumayaal cashara, kuman camaajiir leh
Kun cunaaba kuman cayn silsila, kuman cusayb fookha

Kun cowtara kun caysuub galgala, kuman casuf noora
Kuman cirif sufura siif cambara, kuman cadduur saara
Kun casiira kumanyaal casala, kuman casuusaaya

Kun cayuufa kuman caycadoo, ciiif sadaadooda
Kun cambaabul kuman ceegma iyo. kuman cayaayiira
Kuman cooma kuman coobirraa, cobolos tiigaala

Kun caysuuba kuman caara boga, kuman cayuuf dheera
Kun cawlaalin kuman ceegma iyo, kuman dul ceegaaga
Calmad gacalo kumanyaal cubtami, kuman cushaaq raaca

Kun cigaalan caynaan yaqaan, kuman cadood meera
Kumanyaal cishiyo fiid durduro, haadda la cayaara
Kumanyaal carbeedintoo ka dhiga, ceelashiyo gaarka

Kuman calafsan kuman cawadii, cayshka miranaaya
Kun carshaanle kumanyaal calqadan, kuman cilluu naaxa
Kumanyaal caddiin iyo baruur, cooddi balaxoobey

Kuman cududan kumanyaal cadfoon, kuman cillaan duuba
Kuman cawska loo duubahayoo, cimilka loo waabay
Kumanyaal cadarka iyo doog, cobolka daaqaaya

Kun calaacal lagu xoodsho iyo, caaraddiyo suulka
Kumanyaal cimiil iyo cimiil, la carbiyeynaayo
Kumanyaal cilaaq iyo farsamo, lagala caal waayey

Cabbannaan kun cadanyoonhayiyo, kuman culays diida
Kuman carari kuman caymanoo, cida ka buubaali
Kuman caabbigii wada jaroo, dabada ceeraanshey

Kun cartanaya kumanyaal cartoo, cara wiriiraaya
Carmaari kumanyaal caqlila’, kuman cisaarbooda
Carwiriiri kumanyaal cartami, kuman cayaar waalan

Kuman sii ciddiya laabatoo, cadowga hoomayda
Kumanyaal caddada weerartoo, cimil u dooyeeya
Kumanyaal ciriiriga rogaal, caaradka u jooga

Kun cagaagi kumanyaal carriga. diro kicinaaya
Kun coomaadi kumanyaal carshiga, cirir u rooraaya
Kun cubbaalan kuman caadda kore, cagaha duubaaya

Kun cigaalan kuman caynsanoo, ciiro iyo qiiqle
Kun cidaaran caadooti kuma, kuman cafaariida
Kumanyaal wixii carar isyiri, lagu ceshiimeeyo

Intaasoo kun wada ceynabaan, soo cirmi lahaaye
Ceeryaamo anigoo watoo, ciiro iyo qiiqle
Casar baan u soo dhigan lahaa, caga daruurreeye

Carey iyo wirey maalintii, lagu carbaabyo
Sidii aar cargaagtamay markaan, camal guhaadoodo
Cabaadka iga soo baxahayaan, cidi u joogteene!

Waxaan ciiska weyn dari lahaa, caadaqaataha e
Cawgiirta waa noqon lahaa, cooflihii bariye
Coomadahaan siin lahaa, cooddi iyo jiire

Cirinciir fog baan jirey markay, iga caweefteene
Calafsade dharaartii hadday, cid iga waayeene
Casiisow Allahayow bal maan, cagidi taagnaado!

Awjaamac Cumar Ciise: Waxaan ka soo qoray Xaaji Maxamad Cawl sannadkii 1955kii, wuxuu ahaa ninka kaliya ee Daraawiish ka noolaa ee gabayga kor ka hayay.

1.Cabdul: Cabdul Suldaan Cilmi Xaasey, waxa dilay ciidamadii Ingiriiska, waxaana lagu dilay Ceeldheero 1919kii.
2.Ceemaad: Waa dooxo soolka Iyaaxeed ah Qardhana koonfur ka xigta.
3.Nugaal: Waa waadi dherer iyo ballaarba leh oo cayn iyo saraar ka soo rogmada, xeebta Eylna badda Hindiya kaga dara.

Awjaamac Cumar Ciise(AUN)..

Tixraac
Diiwaanka Gabayada Sayidka

Gabay--(Bal Dayooy)--- Halyeey Darwiish Sh. Sayid Muxamed Cabdulle Xasan

1919kii, markuu Ingiriisku Daraawiish daayuuradaha kula dagaallamay ayay Nugaal ka carareen oo waxay u qaxeen koonfur-galbeed. Ingiriisku wuxuu xoog lahaa ayuu gees walba kaga keenay. Dhaawici ugu xumaana wuxuu ahaa markii la dilay boqollaal madaxda Daraawiisheed ahaa (qusuusuddii) iyo toddoba wiil oo ilma Sayid Maxamad ahaa. Dad iyo duunyo wixii maalintaa adduun rogmaday ama daar la burburiyey iyo dab wixii la taabay lagama sheekeyn karo. Waxaa ka darraa goortii la hubsaday in Daraawiishi jabtay ayaa dad oo dhami xoolahoodii sidii haruur daatay u boobeen.

Ka sii darane, rag badan oo Daraawiishtii ka mid ah ayaa ballan furay, dariiqaddiina ka bayray, intaa oo dhan waxaa u dheeraa digasho iyo ku diigdiigsi, dawixid iyo bal dayooy waxa ku dhacay.

Haddaba gabayga soo socda waa calaal iyo xogwarran, adduunku inuu yahay harka labadiisa gelin. Ujeeddada u weyn waxay ahayd taariikh danbe inuu ahaado, Sayidkuna wuxuu yiri:

Cirkaan di’in abaar daalliyaad, dunida oo qiiqday
Dayax ururta daariga ka maray, dirirka oo liiqday
Maruun baa daruuraha cusayb, soo dibbiriyaaye

Deyraanka curashaa ku xigi, daacigii sebene
Maruun buu darroorraa
Intuu, daadka soo roga e
Bal dayooy duraabtaa horuu, daafta mariyaaye

Dumaa hoolmay diin xaalufay, dooxadii noqotay
Maruun baa daliigaha dhulkaa, doog ka soo bixiye
Bal dayooy dunqaaraha baxa, dell ka dheeraa

Nin dalleesan intuu duukhayey, doqontu mooddaaye
Inkastuu dunqaarahakan dhacay, dulugle cayroobo
Haw dayrin deeqii Alluu. Dooc ka sugayaaye

Rabbibow dawari kaan lahayn, duunyo iyo maale
Asagoo dirriga jiifsaduu, dayrdhal soo heliye
Bal dayooy maruun buu darfiyi, deeqa caanaha e

Nin dayoobay deyrdeyr hadduu, dawyada u jiiro
Maruun baa daryaankii ka bi’i, doorshay madixiiye
Bal dayooy dalkuu fiiriyuu, dib ugu labmaaye

Sengihii dirrow laga dhigee, dibintu boogoowday
Maruun buu dakaamaha jaraa, soo durduriyaaye
Bal dayooy dabrada weerar baan, daaqad loo heline

Dakankiis nin dowlada haddii, duudsi laga yeelo
Maruun baa dawaarkii is rogay, diiqalyuu socone
Bal dayooy dawaaraha mar bay, daa’iruu kiciye

Nin la dagay sidii doqon hadduu, dacayda laalaadsho
Maruun buu dareemaa inaan, derajo loo hayne
Bal dayooy markuu dido inuu, deyrka jebinaayo

Rayid wuxuu ku dabandeebayaa markaan, dirir u qiimaaye
Dabatoobka Iiddoora baan, deyrka ka eryoone
Bal dayooy maruun baan dawixi, digasho geeraare

Ninkii diricyadiisii kufrigu, daabaca u qaaday
Maruun buu dirramayaa intuu, duubiyaal dhalo e
Bal dayooy da’ uun bow kacdoo, dooyo geliyaaye

Nin ku dilay adoo dagan hadduu, digasho kuu raacsho
Maruun baa dedaddu kaa ba’adaa. diifihiisa cudure
Bal dayooy dawaa’iga marbuu, diirsimaad heliye

Doonyaha shammaalka ah haddii, dakhalka loo laalo
Maruun baa dabaylaha sidaa, kor u dandaanshaane
Bal dayooy dunjiga fuushan baa, daraxu caynshaaye

Dad qaraab nin kuu xigay hadduu, kugu dugaagoobo
Maruun baa dafaarkii fakday, dabin ku rooraaye
Bal dayooy nabsigu waa wixii, daaha yuuraraye

Hadduu daawadii furay nimaad, deris-xigaal moodday
Maruun ba mid duunkaaga jecel, daw ka soo bixiye
Bal dayooy daruun baad heshaa, daacad kuu noqone

Hadduu diinta caasiyay, wixii Dir iyo Daarood leh
Maruun baa jannada deexda weyn, daalibkeed imane
Bal dayooy Darwiish nin u ah, baa loo diyaafadine

Tol dulloobey oday dooralaa, loogu dowgalaye
Maruun baa duqeydii xummad, danabba dhaafaane
Bal dayooy rag caro duuban baa, dib u guhaadoone

Ogaadeenka dulaalayee, degaya meel ay ah
Maruun buu dallaaddaan ku furo, degi ishaalleeye
Bal dayooy shir doonyaale, mar buu soo dabbaldegiye

Doongaha Ammaadina Cabdaa, loogu daw galaye
Dabbaraarihii baa khatalay, daadufka ahaaye
Bal dayooy dalkii lagu galay, deleb ku dhibaane

Duudyaalka reer Cumar Ugaas, duunka kuma hayne
Maruun bay dubbada maalinguur, soo digiigixiye
Bal dayooy dannaaniga mar baa, deexda loo rogiye

Huwan baa darxumo quursateen, damac Alluu naarye
Dillaalkiisa Ina-AwCilmaan1, duxi ka raacayne
Bal dayooy dubbihii lala dhacay, daqarka hoorshaane

Usna daacad dhiib kuma samreen, degaha Haarune
Nimankii dalkoodii la dhacay, uma dagaageene
Bal dayooy dacluuskii qabsaday, kuma danqaateene

Inkastuu jinnnigu duufsadee, Doh iyo Buur geeyay
Marna door intuu ciirsi bido, Dalal ma yeeleene
Bal dayooy dawaaraha mar buu, daw ka soo dhiciye

Cawlyahanka daraf baan lahaa, diifta kula roore
Goortuu Makaahiil dujeey, iga danaysteene
Bal dayooy shisheeye i dafay, an iga doorteene

Aniguba dudmiyo ciil waxaan, dibedda meeraaba
Waxay deyraday igu faleen, deris ahaadaanba
Bal dayooy mar buu iga dubnixi, duunka baahala e!

Awjaamac Cumar Ciise(AUN) wuxuu ka soo guuriyay Aw-Cabdille Ibraahim, dabadeed waxaa laaxin tiray Xaaji Cabdiraxmaan Sayid Maxamad. 1.Ina Aw-Cilmi Geeseey.

Tixraac..
Awjaamac Cumar Ciise "Diiwaanka Gabayada Sayidka"

Wednesday, 24 September 2014

Gabay---(Calanyahow)---Abwaan Jaamac Murtisame

Gabaygan Waxaa Tiriyey Abwaan Jaamac Cali Xirsi(Jaamac Murtisame)..

1:Calan yohow hadii aad inbadan sharaf ku soo ceeshtay

2:Cizo hadii aad lahayd ciidan Iyo xoogag

3:Callaan Iyo hadii ahayn caaqil Iyo saajin

4:Cudud Iyo hadii aad lahayd wilaal ku ciseeya

5:Cayn wareega dunadaa ku dhigay ciida aad taale

6:Nabsi ciilan baa kugu degoo laalay carawgiiye

7:Carwasaadey goortii dad xumo lagugu cawreeyey

8:Cishiriin sanaad cadho qabtaa caadil baa jira e

9:Hayeshee casuunkii allaad helin cawaalow e

10:Cirkoo kuu darooriyo nimcaad Caasha dhigaysaaye

11:Calcalyada xareedaad maruun ka cabi doontaaye

12:Caraw Iyo ugbaad soo baxaad cuni aad doontaye

13:Curad Iyo waxaad helin nimaan caale kaa gadine

14:Waxa kuu cimaamadin nasiib aad ku ciil bixinie

15:Caraf Iyo udgoon nabada baad ka cokanaan jeere

16:Ceesh kaagu wuxu noqonayaa caano Iyo miide

17:Caadkiyo daruurtaa maruun eebe kuu curine

18:Carshi lagu negaadiyo caleen dooga baad heline

19:Dhalin caafimaad kuu qabtaa kuu ciyaar tumiye

20:Sidii cawl ban joogiyo shabeel caarle baad noqone

21:Cagta waxaad ku baabiin rabta cadawga weeyaane

22:Sidii coofle aaroo wax badan gaajo ku caweeyey

23:Oo cood diboodiyo kahelay ceelka adhi jooga

24:Cafis malaha maanta wuxuu cududa saaraye

25:Adna ceega taalaha mar baad ciriq wax naafayne

26:Oo dawladahan wada carbadhay carari doonaane

27:Casiiskii illaah baan baryiyo caabud ka illaahe

28:Caaqiibo Iyo waxaad lahaan cayni qabad guule

29:Cadceed soo baxdiyo waxaad ahaan caawin Iyo luule

30:Curub Iyo iftiin Iyo cagaar caynad Iyo qiimo

31:Adoo sharaf la ciirciirayoo lagu cizaynaayo

32:Oo sidii caruus Iyo garaad shaal cad Iyo duuble

33:colaadoo dhamaatiyo dadkoo meel ku wada ceeshay

34:cisho aan fogayn baa dabayl caafimaad imane

35:Adiguna caloolyawga daa waad cawaysimiye

WQ: Hal-Abuur Maanmaal Buureed

Gabayo Ay Is Dhaafsadeen Abwaan Farxaan Salwe Iyo Abwaan Ismaaciil Boobe

Halkan Waxaan Idiin Soo Gudbinayaa Gabayo Ay Is Dhaafsadeen Abwaan Salwe Iyo Abwaan Boobe Duluciyo Ujeedkoodana Waxaad Ka Garan Doontaan Tixaha. Waxaase Aan Helin Tixday Ka Bilaabantay Oo Uu Tiriyey Abwaan Salwe.

Tixdani Hore Waa Tuu Abwaan Boobe Ugu Jawaabayo Tan Hayn Ee Uu Tiriyey Abwaan Salwe.

Boobe Wuxuu Yiri

¤Shansha-wayne awrkuba markuu, Geela shaminaayo
¤Shilistiisa naaxdiyo markuu, Qaalmo shirinaayo
¤Shiil caskiyo markuu hawd la jiro, Shaygu waa dahabe
¤Shan jirkiyo markuu aaran, Kala shaxeexaayo
¤Isaguba shaxaad kama baxshee, Waa shin tiriyaaye
¤Ma shinsado intuu awrta kale, Sheeda ka arkaaye
¤Shaki kuma jiroo midh kaasi waa, Shaaca waa bariye

¤Hayeeshee shareecadaa lagu fadilay, Shayga xoolaha-e
¤Shamal dhaw intuu gaadhi karo baan, Lagu shidaynayne
¤Adiguna haddaad shamis itiri, Shayba ima dheere
¤Waxaa shiinku iiga yimi haddaan, Shaalka ka rogayaaye
¤Bina-Aadam sharad baa ku xidhan, Suu sheegay weynuhuye
¤Shantana lama gaadhi karo oo, Shaahid baad tahaye

¤Afar baa shatiga kuugu qoran, Sheel wixii noqone
¤Hadii aanad shareecada ka bixin, Sheegan xumihiiye
¤Adiguna boqol baad sheemaysaa, Shiliso waaweyne
¤War hooy saaxiib lama sharaystee, Shaaga iga leexi

Intaa Markuu Abwaan Boobe Uga Tibix siiyey Abwaan Farxaan Selwe Ayuu Farxaan Salwe Isagoo Qoslaya Oo Ka Yaaban War Abwaan Ismacil Boobe Yaa Gaarsiiyey Tixdaadi Oo U Tebiyey Ileen Isagu War Moog Buu Ahaaye Ayuu Yiri""War Adna Ma Ku Soo Gaadhay Oo Ma Is Keentay Dadkaagaad ka mid ahayde"". Abwaan Boobena Wuxuu Ugu Jawaabay Oo Yiri"" Salwow Nin Loo Wacay Is Og""

Abwaan Salwe Markuu Intaa Yiri Ayuu Tix Aad U Cuddoon Ugu Jawaabay Abwaan Boobe. Gabyaagana Sida Lagu Yaqaan Haddii Gabyaa Kale Gabay U Soo Tiriyo Waa Ka Aan Tiraab Hadalkiisa Kaga Bogane Ee Tix Kaga Fula Doodiisa.

Abwaan Farxaan Salwe Wuxuu Yiri:-

**Hadaan boqol la shawriyo haddaan,Shiriyo oo raadsho
**Shalmadley haween waa waxan, Shiinsadoo rabo-e
**Waa waxaan shakaalka ugu xidhay, Shamis jacaylkeedu
**Hayeeshee shil baa dhacay markaad, Sheerka iga doontay
**Shuraakada wixii aan gelayn, Shuhubo weeyaane
**Shaaraca markaad soo dhigtaan, Sheexay hadalkaase
**Inkastooy hadeer shiidii tahay, Horeba loo sheegay
**Shaamareerku waa igu badnaa, Shaale waayadane
**Wixii shaadhka loogelin jaraa, Sharaf la moodaaye
**Sheekiyo waxaan shaahid abid, Cidiba soo sheegin
**Oo shaybka odaygii ahaa, Shaacin Weligiiba
**Adigaa shareeree xagee, Shaaga lagu aadi
**Anigaa shifaystee maxaad, Shaacir iga dooni
**Shan abwaan hadii aanay gelin,Shaacna ka cadaynin
**Oo shaal xariiriyo la dhigin, Xaal shindhalad wayna
**Shabed baa nin raga lagu, sharfaa shamisna lay keenin
**Walee waxaan shaxdii lagu gelayn,Shaanbad baa timiye

Abwaan Salwe Markuu Tixdaas Ugu Jawaabay Abwaan Boobe, Ayaa Abwaan Intaa Kaga Muu Hadhine Wuxuu Hadana Tiriyey Tixdan Oo Ah Tii Ugu Dambaysay.

Wuxuu Abwaan Boobe Yiri:-

**Shifo waxaanad oran dibaad, Uga shalaydaaye
**Shawrka waxaan lagu heshiin, Shaaracay imane
**Shebed aad qabtiyo ninyohow ma rabo, Sheelka gurigaaye
**Shaama reer ma keenine adaa, Shuuday hadalkiiye
**Horeba waxaan looga shirin, Shaarac maan dhigine
**Boqolaalka shilis baan lahaa, Shay kasoo dayo-e
**Shidada adigaa noqdiyo, Shaaga lay dhigaye
**Shaaliyo xariiriyo markaad, Xaal shin dhala doontay
**Miyaan sheelka kaa xaday, Sharaf dhac weeyaane
**Shaabad lagu daweeyo iyo, Uyeedh caaqil kala shiila
**War shooki meele ina gee, Shuufay hadalkaase..

WQ: Hal-Abuur Maanmaal Buureed Gurxan

Gabay--(Gaadhi Kari Waa)--Abwaan Khaliif Xasan Walah

Waxa la wariyey Abwaan Khaliif Xasan Walah O Kusugan Magaalada Nairobi in Nin Ay Abwaanka Isku hayb Yihiin Xaal Lagu yeeshay Sidaa Darteedna uu Dhahay Xaalki Waxan u Bixiyey Faras.

Arinkii Ayu u Sheegay Abwaan Walah hayeeshee abwan Walah kuma Qancin Arinka wuxuna Ku War celiyey in Fardaha Nugaaleed Ay ka Qiima badan yihiin In xaal loo Bixiyo Sidaa Darteed wuxu Jirabay Qoladi Faraska Xaalka Loo Siiyey Hayeeshee Jirabaadii way ku fashilmeen Markaa Kadib Ayaa Abwaan Suldaan Khaliif Xasan walah Tiriyey gabaygan Hoos Ku Xusan:

* Geeliyo fardihi nagama madhan gumaradoodii

* Sidiibaa gamaanku u Bedraa guda nugaaleede

* oo goluhu ugu oodan yahay geedka saynta lehe

* Oo gobolba meel aadayaa guud haldhaalaha

* Ashkir gedefle, Suunaari godan maydal gudub taagan

* Gorso ugub, darmaan golongoshay gabantu nuugayso

* Iyo Bood gudoonshuhu xidhaan guriga dhaafaynin

* Iyo Gaadawaynoow baroor geri lamoodaayo

* iyo xamar gufaacada bartoo guluf u heensaysan

* Iyo Gooni Daaqyada mirtoo geela lagu qaado

* Iyo geenyadii wada dhashaan abid gaboobaynin

* Intaasaan gawaan raaciyaa maalin lays galay

* Gabadh laga baxshiyo dhiig ragoo godaba mooyaane

* Gobta nimanka loo daayey ee uunku wada gaatay

* Ee gacaladii hooyaday guudka ku xanbaartay

* garaad faaraxbaananba siin guud haldhaalaha

* Gunta kuma xurmayno iyo tolyare soo gadal baxay

* reer galbeedna wuxuu fuulayaa goosankii lumay

* Nin Kaloo ciyaar ugu gubtaday gaadhi kari waa

Fiiro gaara : Waxan Ka Helay Abwaan Cadceed Cadeysey Oo Ka Soo Qoray Abwaan Siciid Cabdisamed Ducaale Hilaadu Markay 18 - 03 - 2014
Madasha Gobolka Sool
Degmada Laascaanod
Xafada Jamalaaye

Maanso--(Dhulkiina Ka Qiimo Badan)-- Abwaanad Suunaari Maxamed Diiriye

Maansadan Waxaa Tirisay Abwaanada La Yiraaho Sunaari Maxamed Diiriye Oo Loo Yaqaano Cayuuni Geenyo. Waxay Maansadani Diirka Ka Qaadaysa Dhibiyo Xanuunka Taala Qurbaha Iyo Sida Ay U Moogyihiin Uguna Soo Qamaamayaan Hablaha Qiimaha Badan Ee Dhulkooda Wacan Hooyo Ku Dhaqan Waxayna Tiri:-

¤Anoo ifka ugu qurxoon
¤Dunida ugu qiimo badan
¤Markuu qarankaygi dumay
¤Markaan qaxay saw ma lumin
¤Qabkiyo sharafkaan lahaa.

¤Maxaan qaxariyo dhib maray,
¤Maxay igu qabatay dani ,
¤Inaan qayrkay martiyo,
¤maxaan qabay qoon xanuun
¤Qalbiga Nabar iiga yiil

¤Qurbaha goortaan ubaxay
¤Markaan tagey qaarad kale
¤Afkeedaba qori aqoon ,
¤Qabow iyo barafna yaal
¤Qaxooti la iigu wacay ,

¤Maxaan gobonimo qajilay,
¤Qarsaday qiiriyo xanuun
¤Qamaarkaan xidhanahiyo ,
¤Midabka qanigaa maxay ,
¤Isirka igu quudhsadeen ,

¤Maxaan qasbanaa dulqaad
¤Markaan keli qoonsadee
¤Qormiyo reer tabac is iri
¤Qisiyo yaabaan arkoo
¤Wax bays qalabaa gediyey

¤Hawshii kala qaybsanayd
¤Ragg iyo Dumar kala qorayd
¤Ilaahay kala qawimay

¤Markay timid qaybsashiyo
¤Adigu geestaada qabo
¤Anoonba ku qaylinayn
¤Qawaamada reerKa iyo
¤Qorshaha ka maroojinayn
¤Qabkiisana hoos kadhigin

¤Markaan Qalbiyoow ku iri
¤Qaraabiyo ehel mjiro
¤Qofaan qarash siiyo iyo
¤Qabaana maraadsan karo
¤walaal geestaada Qabo

¤Afkuu Qaylada kushubay
¤Qaracan buu muujiyoo
¤wuxuu yiri qaaliyeey
¤Qawlkaa haydhihin markale
¤Aniga hay qiimo ridin

¤waxaan ahay qoodha sare
¤Awoowgay qado makarin
¤Caruurana uma qubayn
¤Haddii adan qaadi karin
¤Qoyskiyo reerkiini qabo
¤Markuu qaxarkii batoo
¤Ilaah baa Qaadiree

¤Dulqaadkii iga qubtee
¤Garawshiyo aanan Qabin
¤Qoyskiyo reerkii burburay
¤Anaa Qaladka iska loo
¤Qurbaha goortaan imaan
¤Is qaad qaadoo kibroo
¤Anaa qarash badan heloo
¤Anaan xaajiga qadarin
¤Anaan Qabida ogolayn

¤Illaah baa qaadiree
¤Ragoow Qaladkiina saxa
¤Gabdhaha ku Qamaamayee
¤Qurbaha sharaf moodayoow
¤Anaa Qabarkiis Hayee
¤Dhulkiinaa Qiima badan
¤Dhulkaagaa lagu qadarin

Gabay--(Mawdku Ka Adeegi)---Halyeey Darwiish Sayid Muxamed Cabdulle Xasan

Gabayga Sayid Maxamad had iyo jeer wuxuu u badan yahay iyadoo ujeeddadu meel gaar ah tahay, haddana guud ahaan inuu meelo kalena mariyo. Gabaygan siduu u soo baxay waxay ahayd, xarunta oo Taleex deggan ayaa Abshir Dhoorre Xasan oo qusuusida ka mid ahaa, qabayna Cawralla Sayid Maxamad, Sayidkuna qabay walaashiis Xaadsan Dhoorre, iyo Nuur Cali Ibraahim oo isaguna qusuusida ka mid ahaa, Cambara Shiikh Cabdulle oo Sayid Maxamad walaashii ahaydna ay u dhaxday, ayaa waxaa dhex maray hadallo aflagaaddo ah iyo qardaafooyin, mid walba wuxuu islahaa xarunta adaa ka taliya, waxna laguma oron karo, hase yeeshee kolkii Sayidku dhawr goor yiri: “War hooy kala jooga,” lase maqli waayey, ayuu Sayidku gabay mariyey oo wuxuu yiri:

Xuseenoow macnaa gabay, adaan kuu miliilicaye
Inaan macallin kaa dhigay nafluu, maqal Insha Allaaye
Mooggana waxaan oran intuu, mowdku ka adeegi

Laba maqaddinoo madaxa oo, wada maqaawiira
Mar haddeeyan kala maarsanoo, kala maqaamaysan
Maamuladka reerkiyo qabkaa, mowdku ka adeegi!

Haddii madal la waco uunku waa, nin iyo maankiise
Ninba xaajo aan madarka qaban, meel iskala taagaye
Mid baa maaha oron oo runtaa, mowdku ka adeegi!

Haddii hadal la moogtamo xil waa, laga mastuurtaaye
Muddac iyo muddaacaleyhi waa, marin gobaabeed
Maahmaahda iyo baanahaa, mowdku ka adeegi!

Mustaqiinnimaa loo hadlaa, muranku waa ceebe
Nin waliba maroor iyo qas iyo, muran hadduu keeno
Goortii markhaantigu dhacaa, mowdku ka adeegi!

Musuqmaasuq Soomaali waa, meheraddeediiye
Hadba midab horley kuula iman, maalin daa’ima e
Malahmalahda iyo beenahaa, mowdku ka adeegi!

Masala gaab wadaadihii wuxuu, macaddiyeystaaba
Maddiiddaan akhriyayaa wuxuu malaf ku daaqaaba
Goortuu muluftiga weyn arkaa, mowdku ka adeegi!

Magaalada masruufkiyo dharkiyo, laga muraad qaadan
Mushmushaaxa iyo biicu waa, moodka soo degaye
Miyigaba markii laga xiraa, mowdku ka adeegi!

Waxa dunida maan tiray niman, maahna garanayne
Masxafkiyo quraankii haddii, lagaga maan waayey
Mashaayiikhda lala doodayaa, mowdku ka adeegi!

Mushtarka iyo baayacu wax bay, kala macmiishaane
Mafrish laguma rido xoolahaan, moosinka galahayne
Mufta hoosta laga iibin baa, mowdku ka adeegi!

Senge mayriqii iyo mudkiyo, muruqu weynaaday
Oo aan mirtiyo mayricii, moogna laga doodin
Magaan gaabshe goortuu noqdaa, mowdku ka adeegi!

Abeer maris leh oo aan murkaha, laga milaalaynin
Oo aan maqaarkiyo ilmaha, mohasha deynaynin
Maatada markii loo qalaa, mowdku ka adeegi!

Lo’du waxay maqaamaha gugii, madi ahaataaba
Waxa miidda siximeed qumbaha, laga milaalaaba
Markay miirta hore laasataa, mowdku ka adeegi!

Haddii arigu Garaadeen muf iyo, malafka daaqaayo
Manfac lagama waayeen hadduu, joogo magaygiiye
Meel kale markii loo raraa, mowdku ka adeegi!

Naaggaad makaawidday waxaad, yarad ka miistaaba
Waxaad meydab geel iyo fardiyo, mulug ka dhiibtaaba
Maamuus markii laga gafaa, mowdku ka adeegi!

Aar soo musuusucay hadduu, micida soofaysto
Miliqdii horeetaba haddii, midigta loo taago
Goortii warmaha lagu mirfaa, mowdku ka adeegi!

Gaannida malkada jiifsadee, micida leefaaya
Maal iyo dad ruux lihi wuxuu, muluq ka siiyaaba
Markii moolka webigii guraa, mowdku ka adeegi!

Maroodiga arba ah oo dagaal, caro miraadaaya
Dhirta wuxuu maroojoo jirdaha, kugu maguujaaba
Goortii mariid laga helaa, mowdku ka adeegi!

Murwo iyo wanaag iyo minqaax, maadsi iyo jaalis
Waxaa maxabba kuu qaba ninkaad, magac u yeeshaaye
Abaalkii ma gude loo galaa, mowdku ka adeegi!

Nin la maagayaan miro yaraan, lagu maagaynin
Haddaan laga macniyin jeer dambuu, mahadho geystaye
Maqaan xumada lagu raadin baa, mowdku ka adeegi!

Ninkii moosin kaa helay waxaad, daba miraaddaaba
Waxaad faraha maarkooda sare, mar u qaniintaaba
Goortii Ilaah kuu marshaa, mowdku ka adeegi!

Makal oodan buu geli ninkii, melegga raadshaaye
Ferenjiga mur ii yiri anaan. marana qaan haynin
Maarraha markaan ula tagaa, mowdku ka adeegi!

Masarreyda duubka lihi waa, manigi naareede
Mushaaharadey eedayaan, malafsigeediiye
Miirida markii lagu ridaa, mowdku ka adeegi!

Waxay ugu middiiddimahayaan, waa majuusinimo e
Ninna kuma muquunsheen hadday, maya yiraahdaane
Mutaacaabistiyo raaciddaa, mowdku ka adeegi!

Dadku moogsan geerida Jannoo, mowluhuu qoraye
Muslin hadday yihiin gaaladay, miri lahaayeene
Mudda weynta aakhiro taggaa, mowdku ka adeegi!

Mursalkii la soo dirayba waa, maakirahayaane
Waa maxay armaarka ugu marin, …
Muddaahanada lagu moosaayaa, mowdka ka adeegi!

Madaahibaha diinta ah ardada, laga madooheeye
Hadday Maxamed raacaan kufray, mudi lahaayeene
Masallaha la wada deexsadaa, mowdku ka adeegi!

Waxaan ka qoray Xaaji Jaamac Ismaaciil Dhoon, sannadkii 1957kii.

Aw Jaamac Cumar Ciise

Tuesday, 23 September 2014

MAQAL----DHIIRANAANTA WAA LAGU YAQAAN, DHAAL-WALAAQYADA-E

Dhaqanka Soomaaliyeed Waa Dhaqan Salka Ku Haya Diinta Oo Aanay Is Diidayn Shareecada Islaamku Siday Farayso. Haddii Aad Did Udhugato Cilmi Baadhis Baaxadlena Ku Samayso Dhaqankeenii Hore Umadda Soomaaliyeed Waxaad Ogaanaysa Dhaqanka Soomaaligu Inuu Yahay Mid Aad Wanaagsan Oo Aanay Is Khilaafayn Qawaanintiyo Hab Dhaqanka Wanaagsan Ee Diinta Islaamka.

Haddaba Qof Kasta oo Soomaali Ah Hadduu Dhaqankiisa Haysto Oo Aanu Ka Duflaalin Isagoo Oofinaya Siduu Alle Iyo Rasuulkiisu(SCW) Fareen, Waxaa Hubaal Ah In Ay Bulshada Soomaaliyeed Maanta Ay Horumari Lahayd Oo Aanay Ku Jirteen Dagaalo, Collaado Raaga, Abaaro, Cuduro Iwm. Soomaalidu Waxay Dhahdaa ; Dhaqan Xumo Waa Diin La'aan.

Waa Run Oo Ruuxii Dhaqan Xumi Waa Qof Diin Laawe Ah, Waayo Hadduu Dhaqan Soomalagi Fiicnaa Haysato Oo Suu Eebe Faray Raacayo Wuxuu Ruuxaasi Ahaan Lahaa Mid Diin Leh Oo Dhaqan Hagaagsan.

Bulsho Dhaqan Wanaagsan Hadday Qabsadaan Dad Dhaqan Xun, Waxay Bulshadaasi Noqotaa Mid Aan Ka Bixin Khilaaf Iyo Maandhaaf Dhexdeda Ka Dhashay, Ma Noqoto Mid Horumarta, Inta Badan Waxay Dadkeedu Noqdaan Kuwo Indhowgarada Oo Garabka Saaraya Oo Dooranaya Midka U Daran Ee Dhagraya Ee Kala Qaybqaybinaya Hantiyo Maalkoodana dhacaya, Halka Ay Ka Cararayaan Cadawna U Haystaan Kii Aaminka Ahaa Ee Dhaqanka Suubanaa.

Qawsaarka Ama Dhaal-walaaqyada Dhagraya Umada Ee Daliyo Duunyaba Baabinaya, Dhiiga Dadkana Darajada ku Helaya, Waxaa Dadka Ka Dhex Garanka Ashkhaas Yar Oo Indheergarada Kuwaasna Waxaa Ka Mida Culimada Diinta, Aqoonyahanka Cilmigu Biyo Dhigay, Gabyaaga Iyo Inta Waxgaradka Ah(Isimada).

Waxaan Si Gaara Maanta Qormadan Ugu Soo Qaadanayaa Tix Uu Tiriyey Gabyaa La Yiraaho Sadiiq Yaasiin. Abwaan Sadiiq Wuxuu Tixdan Inoogu Tibaaxaya Astaamaha Lagu Garan Karo Kuwa Aan Rag iyo Rabi Toona Aqoonin, Ee Tolka Soomaaliyeed(Gacaliy­o Xigaal) Dulmiyo Dhibka Ku Haya, Kuwaas Oo Ah Kuwo Aad Moodayso Daacad Aanse Ahayn Oo Ku Dhagraya.

Sida Ila Foollaadsan Tixda Waxaan U kala Qaadaya Saddex Qaybood Anigoo Qayb Kasta Meeriyadeeda Ka Horaysiinaya Sharax Kooban.

Abwaan Sadiiq Isagoo Araran Wuxuu Marka Hore Ka Bilaabaya Waxa Uu La Anfariirsan Yahay Taasoo Ah Sida Dhaqankii Haboonaa Ee Soomaaliyee U Baaba"ay Oo Ay Soo Baxeen Dhaqan Xun Oo Aafo Ku Ah Umada Soomaaliyeed Kuwaaso La Moodo Dad Wanaagsan Markaad Aragto Muuqooda Qurxoon Iyo Hadalkooda Macaan. Wuxuu Yiri:-

❁Waan dhabana haystaa beryahan, Dhaygag bay dilaye

❁Dheg ma maqal siday rag u dhaqmaan, Maaha dhalanteede

❁Niman aad dhalaalkiyo gadhkiyo, Dhumucda muuqooda

❁Dharkay xidhan yihiin iyo markaad, Dhererka qiimayso

❁Iyo hadalka aanl aga dhabayn, Dhihid wanaagooda

❁Loo qabo ikhyaar dhawrsan iyo, Shiikhyo lagu dhaato

❁Kana daran dhurwaa iyo dhuljiif, Dhawr ah baa jira-e

Inta Ka Dib Abwaanku Wuxuu u Dhaadhacaya Sifaha/Tilmaamaha Lagu Garan Karo In Uu Dhawr Ka Sheego. Abwaanku Wuxuu Inooga Tibix Siinaya In Ay Cadaw Yihiin Siiba Cadawga Ba'an Ee Dahsoon Ee Aan La Iska Garan Karin. Mar wuxuu Ku Tilmaamaya Inay Yihiin Rucdiyo Nuxuusyo Radeeban Iyo Masas Ku Cunaya Oo Dabino Kuu Dhigaya Haseyeeeshe Adigu aanad Garanaynin Oo Aad Dhaqaalaynayso Hiil iyo Hoo na U Harayso.

Marna Wuxuu Ku Sifeenaya Kuwa Dhuuni Qaatay Oo Meelaan Dhamamo Ku Jirin Wax Ka Dayaya. Marna Wuxu Ku Astaamaynayaa Kuwo Dhiiran, Oo Haddii Aadba Garato Oo Iska Jifayso inay Hadba Qolo Warmoog Ah Ay Meel Ka Helayaan Iyagoo Garab Ka Helaya, Wuxuuna Ku Soo Gunaanadaya Tixda In La Iska Ilaaliya Raga Dhaqanka Xun Isagoo Alle Ka Barayaya, Wuxuu Yiri:-

❁Mar haddaan dhugaagoo hubsaday, Dhagar badnaantooda.

❁Khatartooda lama dhawran karo, Dhoobo qaadka ahe

❁Sifohooda goortaan dhex galo, Dhaqan xumaantooda

❁Magacyada anoo dhaafayoo, Kuba dhawaaqaynin

❁Qof kastoo dhugtaa maansaduu, Kaga dhergaayaaye

❁Dheeldheel ninkii moodayoow, Dheeho gabaygayga

❁Cadowgu ka dheer iyo ka dhowi, Kala dhig weeyaane

❁Waxaa dhaawiciisu xun yahay, Ka'aadan dhaadayne

❁Adigoo dhaqaalaynayuu, Kuu dhigaa dabine

❁Markaad se ku dhacdaad, Sidii dhidarka toostaaye

❁Dhiiranina waa lagu yaqaan, Dhaal walaaqyada-e

❁Meelaan dhadhamo oolin bey, Dhiil ka deyayaane

❁Bulshada dhunkaal iyo sun bey, Dhama yidhaahaane

❁Dhan markaad ka saartana cidley, Dhawr ka helayaane

❁Dhaliilihiyo eedahana waw, Dhabar adaygaane

❁Ogaada dhurwaayadaa mamey, Dhicid ma daayaane

❁Sida la isu dhuudhuubayoo, Laysu dhadhinaayo

❁Saqda dhexe markaad dhaban, Dhigtay dhacanta jiidhaane

❁Markaasay dhamays kuu dhashiyo, Awrka lagu dhaansho

❁Mageydada intay kaa dhigtaan, Dhugux ka siiyaane

❁Dawacana dhigiisii beryahan, Dhiil afkaw tolaye

❁Dhuun-qabadyadaa ina dhibay ee, Dhebida saydhaaya

❁Dhufayskoodu waa dhira-garaac, Dhiilo joogta ahe

❁Isku dhaca tolkay ugu dhan tahay, Dhacar ma waayaane

❁Mar haddaan tilmaan aan dhinayn, Dhayga ka cadeeyey

❁Qof kastoo dhegeystaaba garey, Kolay dhallaan tahaye

❁Intii soomaali dhimir-qabtaa, Way dhagxinayaane

❁Ragan dhaqanka sii daayey oo, Dhalasho eegaynin

❁Oo wada dhanxiirkaa haddii, La iska dhicin waayo

❁Ceeb loo dhintiyo waa xanuun, waxaan ka dhawraaye

❁Dhan kastaba ilaahoow na dhawr, waanu dhutinaynaaye

WQ: Hal-Abuur Maanmaal Buureed Gurxan

Sunday, 21 September 2014

SUMCADII HALAYSAYE WALAAL WAAN KU SAYAAYE

--SUMCADII HALAYSAYE WALAAL, WAAN KU SAXAYAAYE----

Gabyaaga soomaaliyeed u jeedooyin kala duwan ayuu maansada u tiriyaa, Haday tahay xaalada markaa taaganta joogta, Ama mid timadada la filayo ee soo socota.

Gabyaagu maaha mid macno la'aan u curiya hawraarta, Inta badan waxaa suugaanta ku kalifa maankiisana ka keenaya waa wax taabanaya dareenkiisa haday tahay mid isaga u gaar ah ama mid guud oo dadkoo dhami la qabaan.

Waxaa kaloo jira wax aanay dadka kale dareemayn hase ahaate gabyaaga aad moodo inay isaga u muuqato, Taasina waa mida gabyaagu u gaashaysto tixihiisa suu u tuso uguna muujiyo god-daloolada iyo halalka qoonta le ee bulshadu aanay arkayn kuwaas oo biri ka maalin soo bixin doona iyagoo aan waxba ka qabsho lahayn.

Gabyaagu ujeedooyinka inta badan maansad u adeegsado kuwa ugu waaweyn waxaa ka mida waanada. Idimka Eebe waxaynu qormadan gaaban ku sioo qaadanaynaa tix waano ah taasoo uu tiriyey Abwaan Faysal Goohe oo loo yaqaan(BUUNI).

Gabaygan Abwaan Goohe wuxuu tiriyey 21/09/2014, magaca tixdana waxaa la yirahaa (WAAN KU SAXAYAAYE). Sida ka muuqata magaca tixda, Waxay ina tusaysaa inay tahay tix abwaanku arrin cidi khaldayso uu saxayo. Cidaas uu saxayo ee abwaanku waano iyo talloba ugu tidciyo murtida tallow waa ayo?..

Jawaabta su'aashaas adigoon meel fog ba ka raadin anaa ku sheegaye bal qalinku tubtuu sii jibaaxaya hayoo raac. Sidaynu ognahay maalmahan waxaa jira dhaqamo foolxun oo diintiyo dhaqankeena suuban dilaya in ay bulshadeeni ku badanayaa kuwaas oo ah dhaqmo reer galbeedka ama barigaa fogiyo hindiya laga soo waariday.

Dhaqmadaa ina soo galay ee dilay hiddiyo dhaqankeena dahabka ah waxaa ka mida huga(Dharka) Cusub ee silloon ee maanta dhalinyarteeni gashanayso.

Run ahaantii xaga huga haddii maryo cusubi soo baxaan aad baa loogu riyaaqa oo loo jecelyahay dumarku ha ugu ba darnaadeene. Diinta alle waa banaysay inuu qofku xaragoodo oo dhar qurrux badan xidho, Lakiin dharka qofku xiranayo waa inuu ahaadaa mid asturan oo waafaqaya sida alle iyo rasuulkiisii udgoonaa(SCW) inoo sheegeen.

Sanadahan maalinba maalinta ka dambaysa waxaa moodaa hablaheeni in sii fantalaqmayaan oo ay qaadanaya dhar cawra ah kaasoo laga keenayo saan kor ku xusay barigiyo galbeedka. Hablaha Soomaaliyeed alle ha dhawree maanta waxaad mooda inay sii dhaqan doorsoomayaan oo ay tuurayaan hiddihii asturnaa ee hooyooyinkood xidhan jireen.

Dhab ahaantii waxaa maanta calanka loo saaray lagu asqaysiiyey ooy qaar badan haweenkeenu kuwada dhaceen dhar aad mood oo aan asturnaanta lahayn kaasoo ah mid diin iyo dhaqankoodaba riiqaya.

Gabadha Foodadiyo xijaabka tuurtayee xidhata calalka Saariga calool qaawiyaha ahee hindidu ku xaragooto, Gabadha subeeciyadii iyo go'ay ku hagooganaysay dhigtay ee gashanaysa kuna xaragoonaysa baarashuud (Bacweyne) xuub caarabo ah ee indhuhu ka dhex baxayaan, Bilcaanta maraday gosha ku xidhan jirtay ee loo garraarasan jiray tuurtay ee ku dhacday goonada ku dhegan ee xubnaheeda muujinaysa, Bilcaanta timahay dabi jirtay gedef ka dhigtay ee guudkeedii astuurna noqday madax gamboor weyn.

Hiddiyo dhaqankeeni asturnaa ee qaaliga ahaa gabadha ka tagtay ka dooratay dhaqmada cali beestayna la casriyey ee fooshaxun, Miyey noqonaysaa mid la gaatoo qurxoon oo alle maalintay hor tagto noqota mid lagu abaal mariyo jano?Jawaabtu waa May Maya.

Gefafkaas lagu falay dhaqaniyo diintaba ee ay ku kaceen hablaheena inta shaydaanku u durbaanka tumay ayuu abwaan Faysal Goohe u aqli celinayaa isagoo isbarbardhigaya una tilmaamaya inay ilaashadaan hiddiyo dhaqankooda asturan. Qaybta dambe ee gabaygana abwaanku wuxuu meerisyada cuddoon ugu tiraabaya inay diintoodu siday fartay raacaan oo alle adeecaan, inaanay ka fogaadaan wixii naftooda sharaf dilaya, Inaanay isdhigan naftuna meel ma jirtee in aakhiro la ogaado oo loo shaqaysto. Wuxuu abwaanku yiri:-

❁Sanduurkaa hindidu saaratee sumad iblaysaada
❁Ama sanbuuqada biraha layska sudho, Malaha soomaale
❁Sinahaaga ood qaawisiyo, Sabarka oo muuqda
❁Ama surwaal isteel laga dayaa, Malaha soomaali
❁Sawnax baan ka qaadoo ma rabo, Saatan aad tahaye
❁Sumcaddii halaysaye walaal, Waan ku saxayaye

❁Samays dirac habooniyo adoon, Foodad sare waayin
❁Sagsaag maro la saariyo adoo, Shiid salaxan haysta
❁Oo Subixii la joogaba mid yimi, Suuqa ku arkaaya
❁Sanbalkaad jeclaatee markaa, Kuu sunsuma muuqa
❁Sancaaniga xijaabada tolaa, Kuu samayn kara-e
❁Saari iyo jeans inaad qaadataa, Waa sawaabnimo-e
❁Suuradaha galbeedkiyo adoon, Sawir xun kuu laacin
❁Sawdkayga yeeloo imaqal, Waan ku saxayaaye

❁Safar baa aduun lagu yahoo, Waa ka soconaaye
❁Saacadiisa ruux ogi ma jiro, Sababna yeelkeede
❁Nafta lays ma siinine ogaw, Sii hayaad tahaye
❁Su'aal baa danbaysiyo aakhiroo, La iska sugayaaye
❁Waxad soo samaysoo dhan baa, Lagu saafayaaye
❁Sunihiyo midkaan diinta sugin, Seegyey marinkiiye
❁Sahay adag midkii aan u wadan, Waa siloonyahaye
❁Samhariira waw halis iyo inuu, Seexdo haawiya-e

❁Sahal haw malaynine midani, Waa sallaan culuse
❁Si yar buu ugu siibtaa midkii, Surin xun qaadaaye
❁Saantiyo jidhkay leefaysaa, Solay ka yeeshaaye
❁Haddaad sararawaynayd walee, Suuf yar baad noqone
❁U sed dhigo qiyaamaha ma jiro, Ruux ku saacidiye
❁Suuradaha quraankaa cadayn, Say hadhaw noqone
❁Saxeex bay u sugayaan dhammaan, Saafiyoo wacane

❁Subxaankaa cadeeyoo midaa, Waa la soconaaye
❁Saadirka Illaah baa na yidhi, Addoon saalixaa wacane
❁Saafiya noqo oo ka baydh, Salawga shaydaanka
❁Silic adag intaad mudan lahayd, Saaxiga u leexo
❁Seeskii dhignaa iyo ha jabin, Soohdinta islaamka
❁Seetada ha goynine walaal, Socodka miisaamo.....

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Friday, 19 September 2014

Maqaal--(SHAKAAL Yeelo Edebtana Shifee, Sheekadana Gaabso!!)-- WQ:Hal-abuur Maanmaal

★SHAKAAL YEELO EDEBTANA SHIFEE, SHEEKADANA GAABSO!!!

Dadnimada qofka inay noqoto mid wanaagsan ama mid xun waxay ku xiran tahay hab-dhaqankii ruuxdiisa lagu soo canqariyey.

Qofka waxaa xira hadba inta uu dan iyo muraad leeyahay. Qofka Muslimka ahna had iyo jeer waa qof xasuusan wuxuu falayo ha ahaado mid san ama mid xun.

Qof kastoo Alle iyo Rasuulkiisi Ugdoona(scw) rumeeyey waa mid aan mooganayn oo maanka ku haya wuxuu ku fal fadayo ama wuxuu ku hadaaqaayaba in la gula xisaabtami doono oo malin la geyn doono Allihii abuurtay hortiisa.

Taasina waxay keenta qofku inuu afkiisa iyo adankiisa uu haysto oo dadka kale ay ka nabad galaan waayo dhaqanka wanaagsan waa waddada ugu fiican ee qofku uu ku saamayn karo dadka kale.

Ruuxii Eebe ka yeelo mid raad iyo saamayn weyn dadka ku yeelan kara, Dhab ahaantii waa qof dadka hagi kara oo hogaamin kara bulshaada u tilmaami karo dhanka wanaagsan iyo tubta horumarka.

Diinteena shariifka ah wax ay ku qotontaa oo ay salka ku haysaa in qofku mar kasta inuu ula yimaado dhaqan suuban bulshada uu la noolyahay haday tahay Qoyskiisa, Saxiibkiisa, Deriskisiyo Dhamman qaraabada ku xeeran odhanba, Taasna waxay keenaysa in la kala muto tixgelin ay ku dhisan tahay sharafiyo karaamo aan duugoobayn.

Qofku marka uu dadka tixgeliyo, Xurmiyo xushmad inta ku xeeran ay ka mutaan, Waxaa hubaal ah in isagana la xurmeenayo sidoo kalena noqonayo qof maamuusiyo milgo dadnimo haboon yeesha oo bulshada dhexdeeda aad looga tixgeliyo.

Dhanka kale haddii qofku uu noqdo mid aan afiyo adinkiisa laga amaan helin, Mid aan xurmaynin ruuxa ka weyn ka ka yara u naxariisanaynin, Hadduu noqdo mid xaab-qaada oo aan walaxa xaarana dhaafaynin, Hadduu noqdo mid masiibo baraysatayoo xuduuda eebe xaqdhawrayn oo ku tumanaya, Haduu noqdo mid haddii lagu gafo ama garaafo yar qof islaam ah ka soo gaadho ka aargoosanayo aan cafinayn, Hadduu noqdo mid ruuxuu arkaba caasha galinayoo rifayana walaalkiis oo xantana ay u tahay shaahiisa, Haduu noqdo mid sucuudigu labadaba gooyey oo ah muudal quduuca.

Bulshada dhexdeeda ruuxaasi wuxuu ka dhex noqonaya tuke baalcad, Wuxuu noqonayaa mid hadalkiisa la karahsado oo aan loo soo dhawaan, Mid aan la xurmeyn loo gargaarin hiil iyo hoo toona loo hurin, Dadkoo dhana ay farta isugu fiiqaan war kaas ma aragtay haa, Waa mid arbushan oo masiibo baraysataye ka fogaada agtiisa yaanu idiin malgine.

Ruuxa raba dhaqan haboon oo wanaagsan runtii waa inuu ku daydaa dhaqanka dahabka ah ee qaaliga ah ee sunada rasuulkiyo quraanka Eebeba ina faranayaan.

Dhaqankii Bulshadii hore soomaaliyeed markaad dib u dhug markaad cilmi baadhis ku samayso suugaantooda oo iyadu ah halka hab dhaqanka umada inta badan laga ogaan karo, Waxaa kuu soo baxaysa in dhuuxa dhaqanka umada soomaaliyeed uu yahay mid 85% salka ku hayaa diinta islaamka, Taasna waxaa ka maragkacaysa sooyaal laga qoray, sida umada soomaaliyeed diintu markay soo gaadhay ay u qaateen waayo diinta islaamka ayaa noqotay mid in badan ay iswaafaqeen dhaqanka ay soomaalidu haysatay.

Suugaanta soomaalida oo ka dabqaadata diinta islaamka, Ayaa Ujeedada maansada soomaaliyeed loo tiriyo ayaa waxaa ka mida hadafka dhaqan toosinta iyo wanaag is farista, Taasoo ahna waxay tahay kuwa ugu waaweyn. Wuxuu Alle Yiri Subxaanahu Watacaala:-
” ﻭَﺗَﻌَﺎﻭَﻧُﻮﺍ ﻋَﻠَﻰ ﺍﻟْﺒِﺮِّ ﻭَﺍﻟﺘَّﻘْﻮَﻯ ﻭَﻟَﺎ ﺗَﻌَﺎﻭَﻧُﻮﺍ ﻋَﻠَﻰ ﺍﻟْﺈِﺛْﻢِ ﻭَﺍﻟْﻌُﺪْﻭَﺍﻥِ ” ”

Isu kaalmeysta wanaagga iyo alle ka cabsiga, ee ha isu kaalmeysanina danbiga iyo cadaawadda” .

Nabiguna NNKH wuxuu yiri ” ﻣَﻦْ ﺩَﻝَّ ﻋَﻠَﻰ ﺧَﻴْﺮٍ ﻓَﻠَﻪُ ﻣِﺜْﻞُ ﺃَﺟْﺮِ ﻓَﺎﻋِﻠِﻪِ
” Macnuhuna yahay ” Qofkii qofkale kheyr ugu yeera wuxuu leeyahay ajarkiisa oo kale""..

Halabuurada soomaaliyeed ha ahaadaan kuwii hore ama hada bulshada maansooda dirkaba, Waxad arkaysaa sidu eebe faray ee alle yiri wanaaga isfara xumahana iska reeba isna kaalmaysta oi wanaaga isku kaalmaysta, In ay maansooyinkoodu u badan yihiin, Waxaadna dhagahaaga ku soo dhacaya tixo aad u cuddoon oo ay halabuuradu mararka qaar si guud u waaninayaan bulshadu inay ahaato mid toosan oo dhaqan wanaagsan yeelata, Marna halabuuradu ay si gaara u waaninayaan qoysaskooda, ehel iyo dad ay qarabo yihiino, iyagoo ka wanaaniya waxyaabo ay ku arkeen oo dhaqanka suuban iyo diinka alle aafo ku ah.

Qormadan haddaan ku soo qaato gabay waano iyo dhaqantoosinba isugu jira, Waxaan idiinku jalbeebaya gabay uu tiriyey Abwaan Maxamed Cabdicasiis Bootaan.

Bootaan Waa Gabyaa da'a yar waana arday hada dhigta jaamacad ku taala khartoum isagoo dhigta qaybteeda Dhaqaalaha.

Abwaan bootaan oo sidoo kale machad diinta islaamka u soo dhigtay, Ayaa Gabaygan oo runtii halkiisa tuducba uu sido fariin waano iyo toosinba, Ayaa wuxuu ku arooraya qofku inuu sharafiyo karaamadiisa dhawrto iskana ilaaliyo sumcadu waa shaadh la huwan yahaye wixii ka wasekheenaya, Inuu qofku aanu daaladhicin sida balanbaalistana aanu noqon, in qofku ka fogaado wixii diinta alle ka reebtay raacana waxa ay fartay, wuxuu ku gabogabeenaya dadku intaa waa isku foogan yahoo waa la is falanqeenayaaye in qofku is uruuriyo af aamusanina waa dahabe in hadaliyo sheekadiisu qofku gaabsado noqonina mid u qabdhama sidii qof u yulqamaya afkaa banaan.

wuxuu yiri abwaan bootaan:-

★Sharafta iyo karaamada haddaad, Shaadh ka dhigan weydo
★Shahaada markhaatiga ma galo. Shayga kii xumiye

★Shuhuba qofkii lagu bartaa, Laga shareereeye

★Sharacallee xurmadu waa midan, Shuush galihayne

★Sharaceedu wixii ay nacdee, Diinta lagu sheegay

★Iyo dhaqanka shaygii dilaa, Laga shaxeexmaaye

★Nafta inaad ka sheentaa haboon, Shariyo haadaane

★Ri' weliba shilkii ay gashaa, Lagu shidhaystaaye

★Shayndhaynta ruuxaan aqoon, Shaabad baa xigiye

★Shakaal yeelo edebtana shifee, Sheekadana gaabso

★Oo shuqulka qaarkii ha falin, Shaakigaa badane!!

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Gabay--(Saaka Lala Yaab)--Hal-abuur Faysal Aadan Bariir

Gabaygan Waxaa Tiriyey Abwaan Bariir, Tixdani Waxay Ildo furatay Oo Ay Curatay Hilaadu Markay Ahayd 10/03/2014.

Xiligaasna Waxa Abwaanka Ka Keenay Tixdan Dareen Kasoo Si Xoogan Utaabtay Bulshada Soomaaliyeed Wuxuuna Ahaa Dhib Iyo Hagardaamoooyinka Lagu Hayo Umada Soomaaliyeed. Abwaan Bariir Aad Buu Uga  Dhiidhiyay Somaalida iyo dhibka haysta Umadiisa Soomaaliyeed. Wuxuu yiri Abwaanku
1)Sada gabayga sooyaal murtida suurad iyo muujis
2)Saansaan wanaag lagu hantiyo Sadarka loo beego
3)Siday tahay anaa saafiyoon cidi salluugayne
4)Aan suureeyo maantoo kalay Saami noqotaaye
5)Cabdiyow sad.caal baa la.galay socoto dheeraad ah
6 )Safayn baa xeryaha laga noqdiyo sabbo qa.xootaade
7)Soomaali sixir baa u yimid lagu sal guuraaye
8)Siyaasado sokeeyaa helloo siisawgiikacaye
9)Safayn baa dulmiga loo galaa eexda saabka lehe
10)sakadaba bar baan dhiibinoo soofka daaqsado.ye
11)Sajuudana kuwaa xooray oo Saadir caasiyaye
12)soonkii ka tage waa kuwaan diintu saahidine
13)Saamaxaada eebbiyo kuwaa nacay salaadiiye
14)Suu bay inaa ridahayaan Amase siikaawi
15)Saan saan colaad kama tagaan siiqe maxastiiye
16)Sokeeyaha bar baa laayayoo siisiq garanayn.e
17)Sodoh laga xishoodiyo ma jiro sawj la saamoxo.ye
18)Saqiirkii ilmada sayryayoo qaraxu saameeye
19)INtaas oo siyaabood kolkay nagu sugnaadeene
20)Sikastay ahaataba dadyahow sabadku daanowye
21)Saadir oo na baanitiyo illaahay samirki mooyaane
22)Soomaali say tahay cabdoow saakay lala yaab...

WQ: Hal-abuur Maanmaal Gurxan