Sunday 14 July 2013

CILMIGA XIDIGISKA IYO MUCJISADA QURAANKA

Mucjisada Meeraha Mars iyo wixii uu Allah ka yiri 
Run buu sheegay Illaah markuu yiri
ﺳَﻨُﺮِﻳﻬِﻢْ ﺁﻳَﺎﺗِﻨَﺎ ﻓِﻲ ﺍﻟْﺂﻓَﺎﻕِ ﻭَﻓِﻲ ﺃَﻧﻔُﺴِﻬِﻢْ ﺣَﺘَّﻰ ﻳَﺘَﺒَﻴَّﻦَ ﻟَﻬُﻢْ ﺃَﻧَّﻪُ ﺍﻟْﺤَﻖُّ ﺃَﻭَﻟَﻢْ ﻳَﻜْﻒِ ﺑِﺮَﺑِّﻚَ ﺃَﻧَّﻪُ ﻋَﻠَﻰ ﻛُﻞِّ ﺷَﻲْﺀٍ ﺷَﻬِﻴﺪٌ 
ﻓﺼﻠﺖ53:

”waxaan tusin doonaa iyaga calaamooyinkayaga kamuuqda koonka iyo nafahoodaba jeer ay noqota wax cad inuu yahay Qur’ aanku) xaq. 

Ma waanu ku filleyn Rabbigaa inuu wax waluba ka yahay marqaati”? Suuradda Fusilat: 53.

Mucjiso cajiib ah ayaa lagu arkay meeraha Mars (Mariikh). Intaanse kuusoo bandhigin mucjisadaasi, bal wax ka ogow Meerahani kamidka ah sagaalka Meere ee koonkani.

MARS (Mariikh) Meeraha Mars oo ah meeraha ugu abtirsiinta iyo asalka dhow dhulka, Somaliduna u taqaano Faraare Carabtuna Mariikh waa meeraha ugu abtirsiinta dhow meerayaasha hab
qorexeedkeena, taasoo loola jeedo muuqaalka iyo samayska oogadiisa sare.in kastoo Mars uu cadceeda kaga wareego majiire kabaxsan ka dhulkeenu kaga wareego Qorraxda, baaxadiisuna
la’ egtahay dhulkeenna badhkii ayaa ilaa casru jaahiligii waxaa lagu mataanayn jirey dhulka.

Labadii sanadood iyo labadii biloodba hal mar ayay Mars iyo Dhulku aad isugu soo dhawaadaan waqtiyadaas oo kalena waxaa suurta gal ah in aaldaha fudud ee wax lagu jeedaaliyaa ay kuu suurta geliyaan inaad dushiisa wax kadheehan karto, xiliyadaas ay aadka isugu dhaw yihiin labadan meere waxuu Mars habeenkii oo dhan kamuuqda cirka isagoo xiddig casuus if weyn leh ah, isku soo dhawaanshaha laba Meere waxay xeel dheerayaasha culuumta Astronomy-gu ugu yeeraan opposition.

Marka laga soo tago waqtigaa ay aadka isugu dhow yihiin dhulka iyo Mars wuxuu isagoo aan sidii hore u iftiin badnayn waaberiga hore uga muuqdaa dhinacabari halka maqribkiina laga arko dhinaca galbeed, sababtoo ah masaafada ay xiligan dhulka iyo Mars isu jiraan ayaa ah mid aad ukala durugsan.

Ilaa hada waxaa gaaray dayax gacmeedyo xadi leh, waana meeraha loogu aqoonta badan yahay ama waxa ugu badan laga og yahay marka loo eego kuwa kale ee soo haray.

Mars guudkiisu waa lama degaan engegan oo aad u qabow badan, hawo aad khafiif u ahina kuxeeran tahay, mana jirto ilaa hada wax muujinaya in Mars nololi kajirto, waxaan iyana weli laysku waafaqsanayn hadii Cimiladiisa maanta oo balaayiin sano kahor u eg mid Rays lahaan jirtey in markay u yartahay Microbs kasuurtoobayey.

Inta Aadamuhu garanayo wuxuu Meerahan dhulka ugu soo dhowaadey sanadkii 2003 Mars oo lagu tilmaami karo lamadegaan qabow, heerkulkiisuna mar walba aad uga hooseeyo Eberka, hadana waxa sawirada ay dayax gacmeedyadu kaqaadeen muujinayaan Volkaanooyin laxaad lahaa oo haddeer xasilay Gebiyo aad udhaadheer iyo togag aad moodo inay mareen daadad wixii is hortaagaba xambaaranaya, dhul usansaan eg in daadad laxaad lihi kusoo rogman jireen iyo weliba dhu- dhubo iyo weliba ilo daad mareena ah, kuwaasoo lagu macnaystay in mudo haatan laga joogo 3 bilyan oo sano kahor inay meelahani ahaan jireen dhul qoyan.

Waxa hadaba jira qaybo kale oo kamida meerahan oo aan waxba kaduwanayn Dayaxa dhulkeenan kuwaasoo ay si aan xad lahayn ugasii muuqdaan haarihii ay gaadhsiiyeen Commets kudhacay, taana waxaa lagu macneeyey in qaybo kamida Meerahani aanay is doorinba taniyo maalintii Eebe dhidibada utaagey.

Iyadooy sidaa tahay ayaa hadana Meerahani dhanka kale aad uga duwan yahay Dayaxeena, sababtoo ah wuxuu leeyahay xilli waqtiyeedyo iyo weliba cimilo,mararka qaarna waxoogaa baraf ah ayaaba ka da’a.

Dayax gacmeedka Viking-2- Landers 1997 (© NASA, JPL), ayaa sidaasi soo sawiray.

Mars waa meeraha ugu mucjisooyinka badan Meerayaasha hab qorraxeedka, Johanes Keppler ayuu ahaa aqoonyahankii ugu horeeyey ee bartamihii qarnigii 17d ogaadey isagoo kashidaal qaadanaya baaritaano fara badan oo uu xaga xiddigiska kusameeyey inaanay Meerayaashu si masaafadoodu isku mid tah ugu wareegin Cadceedda ee marna ay kadheeraadaan marna kusoo dhowaadaan, markii lasoo gaaray qarnigii 19d iyo 20dna waxaaba dadka intooda badani aaminsanaayeen inay dur-duro waaweyn oo biyo mareena ahi kajiraan oogada sare ee Mars.

Haddii aad wax ka ogaatay meerahani waxad dawan kartaa videoga laga soo duubey oo mucjisada Rabbaaniya ay ku qoran tahay meeraahan, Waxaad arki doontaa in magaca sayidkeena Nebi Muxammed (NNKH) oo Carabi ahaan ah uu ku dul qoran yahay meerahan, taasoo caddeyneysa weynida iyo sha’niga uu Ilaahay siiyey. 

Waxay kaloo mucjisadani ayidaysaa xaqnimada risaalada Nebi Muxammad (NNKH).

WQ: Mohammed Tahir Abdi

Wednesday 10 July 2013

CILMIGA XIDIGISKA

Gogoldhig
Xiddigisku waa cilmiga barashada xiddigaha, Meerayaasha, iyo wax allaale wixii dhacdooyin ah ee ka unkama wixii ka baxsan atmosfeerka dhulka. Waxaa lagu falanqeeyaa xidhiidhka ka dhexeeya meerayaasha, xiddigaha, iyo kawnka ka baxsan atmosfeerka hawada. Falanqayntaasi waxay noqon kartaa cimilada hawada, isbeddelka qaab dhismeedka kawnka, kimisteriga iyo fiisigiska walxahaas ku saabsan.waxaad ka hadlaysaan magaran karo Culuunta xidigiska waxaa horumarkeeda ka mas'uul ah aqoonyahanadii u hana qaadey Dunida Islaamka. Waxaa sugan in Islaamka heer aad u sareeya uu gaarsiiyey waxa maanta ka jira badankii laamaha culuunta sida xisaabaadka, dawada, juquraafiga, ganacsiga iyo nidaamka beeca, sharciga, badmaaxa, abaabulka ciidamada xooga, falsafada, beeraha iyo caafimaadka bulshada.. Cilmi Fallaga iyo Barashada Islaamka.Qoon walboo adduunyadda ku nool waxay waxkaqoraan cilmiga xiddigiska markaad u fiirsato somalia reermiyiga markaad wareysato waxaad arkeysaa iyagoon heysan cilmiga tiknoligiyadda ee xoolahooda raacanaya ayey haddana waxkaaga sheegayaan xiddigaha iyo isbedelka hawada iyo guga deyrta iyo xagaaga
Taariikhdii Hore Islaamka iyo Ifbixii Cilmiga Falaga
Ummadii ugu horeysay ee karantiil ku joojisa faafid cudur waxay aheyd Muslimiintii deganaa dhulka Carabta. Cilmiga Alkami iyo laanta xisaabta ee Aljebra waxaa ay reer galbeedka buugaagta ku qoraan in Carabta laga dhaxley. Balse adeega iyo horumarinta intaas way ka dheereyd wayna ka baaxad wayneyd.
Taas annaga oo og, waxaan is waydiineynaa markii Maamulkii Islaamka uu sharfey barashada laamaha culuunta iyo wax walba oo aadanaha horumar u ah; dhibna aan gaarsiineyn diinta Islaama, maxaan ku kordhiney laanta Xidigiska ama barashada cilmi falaga?
Culimadii Laanta Xidigiska Ee Islaamka u Hano Qaaday
Falagyaqanada dunida Carabta ee magaca leh waxaa ka mid ah Yaquub Ibn Tariq, al-Kwarismi, al-Battaani, al-Farqani, al-Suufi, al-Biruni, al-Tusi iyo Cumar Khayyam. astronomy.htm Buugaag ay nimankaan qaar ka mid ah qoreen iyo faalooyin looga faaloonayo howshoodii ayaad heli kartaa hadii maktabada baarto.
Cilmiga xidigiska oo loogu magac daro Hooyada Sayniska, ayaa waxaa ka qeyb qaatay kobcintiina culimo xidis oo taariikhda Islaamka door weyn ku leh. Waxaana nimankaan ka mid ah Yaqub ibn Tariq, al-Battani, al-Sufi, al-Tusi kuwo kale. [1]
Nimankaan caanka ah qaaraankooda aqooneed wuxuu badankii ka soo jeeda laanta xisaabta laakiin xidigis qof aan xisaab aqoon ma baran karo kamana faaloon karo. Alifaad xogogaal, adeegsiga toorbinada ama diiradaha araga fog, iyo ururinta qoraal waxay u baahanyihiin maskax xisaab taqaan.
Dayaxgacmeedka iyo alaadaha wax cabira ee loo adeegsado barashada iyo u kuurgalka xidigiska iyo guud ahaan cilmiga falaga, shaki la'aan waxaa ku dheereeya reer galbeedka. Sidaas ayeyna arintu aheyd 100 sano wixii ka danbeeyay ee qarnigan. Balse aqoonta xidigiska waxay bilaabtey, gaar ahaan culimadii Islaamka ahaa waxay bilaabeen labo qarni ka dib bilowgii taariikhda Hirjada.
Bulshada Soomaalida iyo Adeegsiga Aqoonta Xidigiska
Dhanka Soomaalida iyo waxa ummadeena ay ka taqaan cilmiga xidiska iyo adeegsiiisa. Baaris dheeraad ah ayey u baahantahay sida reer miyiga maanta u adeegsadaan aqoontooda xidigiska.
Magacyada Af Soomaaliga Ee Dhulalka]
http://bits.wikimedia.org/static-1.22wmf8/skins/common/images/magnify-clip.png
Dusaa, Waxaraxir, Dhul, Farraare, Cirjeex, Raage, Uraano, Nebtuun, Buluuto
Hadii aad fiiriso qaamuuska Af Soomaaliga, waxaad arkaysaa in ummadeena oo reer miyi iyo ma akhristayaal u badan hadana inaan (dhulalal)ama meerayaasha ula baxney magacyo asal ah sida:
1.   Dusaa (Cuddaar)
2.   Waxaraxir (xidiga waabberi)
3.   Aduunka
4.   Farraare (Mariikh)
5.   Cirjeex ama Cirjiir
6.   Raage (Saxal)
7.   Uraano
8.   Nebtuun iyo
9.   Buluuto.
10.                      IYO LABA DHULOO HADDA LA SOO ARKAY
Sidaad aragto, sagaal cir ayaa jira laakiin qoraalkaan diyaarintiisi baaris xigasho oo rasmi ah ma jirin. Reer galbeedka waxay yiraahdaan waa sagaal dhul ama (9 planets). Ka tuur labada dambe. Maxaad haysaa? Waxaad haysaa todobada "cir" ee culimadeenii ay kutubtooda ku qoreen qarniyo badan ka hor waana sida aan u naqaan Sabca Samawaat.
Ma Cirarbaa Mise Waa Dhulal?
Caqliga bini-Aadamkase hadii aad dhulka joogto, wax adiga kaa sareeyo dhul ma dhihi kartid caqliyan ee waxaad oran kartaa cirar. Waa sidaas falsafada Islaamka oo samooyin ayaa jira oo 7 (sabca samawaat ah)(wal arda) ee "dhulal" wax la yiraah ma jiraan. Oraahdan waa fikradii ay qabeen u kuurgalayaashii Islaamkii xiligii ay howshooda socotay. Waana sida aad ku arki karto kutubtii ay ka qoreen mowduucan.
Waxaa lagama maarmaan ah in fadhi ku haboon la helo si barashada iyo aqoonta gaar ee ay Soomaalida u leedahay cilmiga falaga la helo sida waax jaamacadeed iwm. Qoraalo kale oo waxaa jira raadraac ku samaynayo sida Soomaalida ay ugu xisaabtanto aqoonta aasaasiga ee cilmi fallaga.
Islaam 7 Cir & 7 Dhul
Baaris dheeraad ah iyo ku laabasho tafsiirka Qur'aanka ayaa cadeeyay in tiradu tahay 7 & 7. Rabbiga abuuragay kownkan cid kaga aqoon badan ma lahan. Suurada Dhalaaq aayada ugu dambaysa ayaa xaqiijisay jiritaanka Todoba Cir iyo Todoba Dhul. Qaybta hore ee aayada 12aad, "Ilaahay waa kan abuuray todoba cir oo dabaqdabaq ah dhulkana tira la eg..." haa
Waa dhulal ee cirar ma ahan
Waxa loo yaqaaan (ingriis: planets) waa dhulal. Haddii aan tusaale ahaan u soo qaadano luuqada ingiriiska ereyga "earth" waa dhul, dhulkana labo micnood ayuu yeeshaa oo waa dhulka guryaha laga dhisto ama waa midka meeraha ah ee qoraxda ku meereeysta. Erayga dhul laba micnood ayuu yeellan karaa. Markii aan hawada dhow aan ka baxno oo aan gaarno meesha daxay gacameedka gaaro markaas afarta dhinac waxaa naga xigaya cir. Cirkana waa isbeeyska afarta dhinac ka xiga dhulka. Marka aan dhulka joogno ma arki karno afarta dhinac ee cirka ah laakiin waxaan aragnaa qaybta sare kaliya. Dhulalka ama planet-yada mid midka kale ka sareeya ma leh ee kuligood waxay ku meereeystaan qorraxda wayna isla siman yihiin oo ayagoo simman ayey heehaabaan cirka.

2. Culimada Islaamka ee culuunta xidigiska Door weyn ka qaatey http://www.ummah.net/astronomy/

Tuesday 9 July 2013

Derisigii Labaad Ee Ramadaanta Ku Saabsana Iyo Gabaygii Abwaan Cadceed

HORDHAC
Dhammaan Umada Muslimiiinta Waxaan leeyahay ramadaan kariim. Mar kale Waxaan Bogan(Xikmadmaal) idiinku soo gudbinayaa Maqaalo ku saabsan bisha ramadaan oo lagu qoray mareegta Somalitalk.com Oo uu Diyaariyey Walaaalkeen Calinuur Xoogsade.
Waxaan kaloo Bogan Xikmadmaal Idiin ku soo gudbinayaa suugaan dhumuciyo xikmad leh oo ay tiriyeen abwaaniin eebe siiyey murti dhaxgal leh. Halabuuradan ama Abwaaniintan waxay bishan ugu talogaleen suugaaniyo murti ku saabsan ramadaanta oo ay ku duugan tahay xikmad dhaxalgala.

Hadaba inta aan soo gudbin gabay ku saabsan ramadaanta waxaan ka horesiinayaa casharkii/darsigii labaad ee ka soo baxay mareegta somalitalk.com kaas oo ka hadlayay Ramadaantu waa fursad cimriga
Waxaa uu illaah (cw) noo sharciyeeyay inaan Soono Bishaan Barakeysan ee Ramadaan asagoo ula jeedada Soonkana ku sheegay in ay tahay inaan ka kororsano Taqwo(alle ka cabsi) iyo aadaabta oo la toosiyo ee ula jeedada Soonku ma aha inaan gaajoono ama haraadno sida dad badan oo cilmi laheyn u heestaan, taasoo keentay in ay ka dhowri waayaan Soonkooda waxyaabihii wax u dhimayay ulajeedadiisa ama in ay ka dhawri waayaan waxyaabihii gebi ahaanba Soonka burinayay, sidaa darteed waxaan soo gudbinayaa gafaf ay haboon tahay inuu ka digtoonaado ruuxa sooman ee doonayo inuu Soonkiisu noqdaa mid maalinta Qiyaame uu ku baxsado oo uu uga
badbaado Cadaabka Naarata hadii illaa u aqbalo, waxaana ka mid ah gafafkaas:-
1-in aysan dadka qaar ku baraarugsaneyn fadliga weyn iyo faaiidooyinka Soonku leeyahay,taasoo aad ka arkeyso sida aysan ugu faraxsaneyn Bilashada Bisha Ramadaan ama sida ay u soo dhaweynayaan oo ah in ay ku soo dhaweeyaan diyaarinta noocyada Cunada iyo Cabitaanada kala duwan ama in ay ku soo dhaweeyaan abuubulo ku saabsan kubad iyo turub iwm, halkii looga baahnaa in ay ku soo dhaweeyaan dadaal xaga Cibaadada ah sidii uu sameyn jiray Nabigeena (scw) oo ah inuu la yimaado dadaal dheeraad oo uusan la imaan jirin bilaha kasoo hara Ramadaanka.
2-Waxaa ka mid ah gafafka dadka qaar ka dhaca in aysan ku farxin Bilashada Bishaan oo ay ka murgoodaan ayagoo u heesta in ay tahay Ciqaab lagusoo rogay, taasoo keeneysa in ay dhamaadka Bisha ku sugaan Sabar la’aan kuna farxaan inuu ka dhamaaday ee aysan ku faraxsaneyn in ay dhameesteen.
Dadka noocaas ah ma macaansadaan Cibaadaadka ku dhex jira Bishaan mana ka faaiiideystaan maalmaha iyo Saacada bisha Ramadaan taasoo macnaheedu yahay in kuwaaasu ka khadeen nicmooyinkii iyo faaiidooyinkii Bishan xambaarsaneyd ayagoo ay dhici karto in ay ka soomeen Cunadii iyo Cabidii.
3-Waxaa kaloo gafafka ka mid ah dadka qaar ku dhacaan in aysan baranin Axkaamta Bishaan Ramadaan ama aysan su’aalo ka weydiin kuwa Cilmiga leh, taasoo ah in ay Cibaadeestaan ayagoon Cilmi ulaheyn kuna dhacaan gaabis iyo gafaf badan.
Marka waxaa ku waajib ah ruuxa u xilhaya Diinkiisa inuu waxa uu ku Ciabaadeysanayo Cilmi u yeesho si uusan Maalinta Qiyaame ula kulmin wax aan farax galin.
4-Waxaa ka mid ah qaladaadka ku dhex dhaca Bishaan in dadka qaar ayssan ka dhowrsan gafafka
taasoo ka dhigtay soonkoodii mid uun ah ka tagid Cuno iyo Cabid, ee uusan soonka ku xambaarin in ay xumaanta ka tagaan, nabigeena Suuban (scw) waxaa uu sheegay in Soonka aan loo jeediynin ka tagida Cunada iyo Cabida kaliya.
( من لم يدع قول الزور والعمل به فليس لله حاجة في أن يدع طعامه وشرابه ) رواه البخاري .
5-Gafafka dadka qaar ku dhacaan Bishaan Ramadaan waxaa ka mid ah in ay ka tagaan Sunooyinka qaar sida:-sandaarsiga marka la weyso qaadanayo ayagoo ka baqaayo in ay Biyaha ka galaan Gudaha jirka, laakiin arintaas sax ma aha oo waa la saandaarsadaa lana luqluqdaa marka la sooman yahay hadii aanan lagu xeel dheeraan.
( أسبغ الوضوء، وخلل بين الأصابع، وبالغ في الاستنشاق إلا أن تكون صائماً ) رواه الترمذي وغيره.
Xadiiskaan waxa uu tusayaa in marka la weeso qaadanayo in sanka qeybtiisa hore biyaha lagu nadiifiyo ayadoo aan lagu fogeyneynin gudaha Sanka, waxaana kaas la mid ah ka tagitaanka Cadayga galinka dambe maalmaha Soonka, maxaa yeelay mar walba Cadaygu waa Sunno.
6- Waxaa kaloo ka mid ah gafafka dadka Sooman qaarkood ku dhacaan in ay ka dhowraan afkooda wax Cundhuuf ah in ay ku soo dhacdo ama dhuuntoodaba gaarto taasoo noqoneysa inuu Ciqaabo ruuxaas naftiisa maadaama aysan suuro gal aheyn in laga dhowrsado Candhuufta ama aysan suuro gal aheyn in Candhuuftaas laga dhowro in ay dhuunta gaarto.
7-Waxaa kaloo kamid ah gafafka in aysan Soonka Habeenkii niyada ku qaban taasoo ka hor imaaneynysaa Xadiiskii u Nabiga (scw) ku sheegay inuusan Soomin ruuxii aan habeenkii niyeeysan Soonkiisa.
( من لم يبيت الصيام من الليل فلا صيام له ) رواه النسائي
وفي رواية: ( من لم يبيت الصيام قبل الفجر فلا صيام له
Waxaana iga xasuusin ah in Niyada aysan aheyn mid lagu dhawaaqo sida ay sameeyaan dadka qaar, maadaama uusan Nabiga Niyada la jahrin marka Xajka la joogo maahane.
8-Gafafka dhaca waxaa ka mid ah Cinitaanka cunada marka la Adimo ka dib Aadaanka Fajarka(salaada lagu dkado) ama inta uu socdo Aadaanka.waxaa haboon ruuxa doonaya Saxuurtaa inuu ka tigtoonaado in lagu dul Aadaamo oo uu ka hor ka faro xasho.
9-Waxaa kaloo ka mid ah qaladaadka dadka qaar ku dhacaan Bishaan Barakeysan in ay moodaan hadii ruuxa lagu dul Adimo asagoo Janaabo qaba inuusan soomi Karin maadaama uusan Daahir aheyn, laakiin waa arin qaldan maxaa yeelay Soonka Shuraadihiisa ka mid ma aha in uu Daahir ahaado ruuxa Soomaya, waxaana Nabiga Suuban laga soo sheegay inuu Soomi jiray ayadoo uu waaga u baryay asagoo Janaabadii uu reerkiisa kula kulmay qaba.
10-Waxaa gafafka dadka Sooma qaarkood ku dhacaan Dabeecada oo ka xumaata marka ay Soomaan oo gaajada qabato, taasoo ka hor imaaneysa dantii laga lahaa Soonka oo ah in uu toosiyo Aaadaabta kan sooma uu ku barto Dulqaad, waxaana la amray kan Sooman hadii la aflagaadeeyo ama lala dagaalo inuu yiraahdo waan Soomanahay waan Soomanahay!!
فإذا كان يوم صوم أحدكم فلا يرفث، ولا يصخب، فإن سابه أحد أو شاتمه فليقل: إني صائم رواه البخاري و مسلم .
11-Waxa kaloo gafafka dadka qaar ka dhaca waxaa ka mid ah in ay daadaal badan muujiyaan biloowga Bisha kadibna Caajisaan oo ku dhameestaan hurdo iyo sheeko, laakiin waxaa habooneyd in dadaalka la badiyo maalmaha dhamaadka Bisha lagaaro oo uu qofka Sooman Jibaaro Cibaadada sida uu sameyn jiray Nabiga Suuban(scw) oo kale .

Hadaba waxaan intaas ku soo koobayaa Maqaalkan aan Ka soo Minguuriyey SomaliTalk.com, Waxaana Maqaallkan Diyaariyey Calinuur Xoogsade.

Bishan Ramadaan madaaama ay tahay bil eebe barakeeyey, aya halabuurada iyo abwaaniinta soomaaliyeed suugaan iyo xikmada  qaaliga ahe ee Eebe siiyey ku tibaaxayaan barakada ay leedahay bisha barakaysan ee ramadaan, sidoo kalena waxay murtidooda ugu sooo gudbinayaa shacabka soomaaliyeed inay ka faaiideystaan bishan barakada badan ee ramadaan.

Hadaba waxaan halkaan idiin ku soo gudbinayaa Gabaygii labaad kaas oo la yiraaho RASAMAAL WEEYE  RAMADAANTU, waxaana  tiriyey Halabuurka/Abwaanka walaalkeen Cadceed Cadaysay, abwaanku wuxu ku  soo dhawaynayaa bisha ramadaan uguna bushaaaraynayaa umada soomaaliyeed bisha ramadaan, Wuxuuna yiri:-

√"Raadraaca maansada ma tiring, Mana risaalayne 
√"Ma raacdaynin maansooyinkan, Raacigood ahaye 
√"Raadkeeda wa taan ka hadhay, kumana raad joogin 
√"Rafaadna iguma ay ahee, Raalibaan ahaye 
√"Aan rakibo maantoo kalay, Raasamaal tahaye 
√"Afartaa rogaal celinta iyo, Raarki mansada dheh 
√"Erey aan ku raad goosaniyo, Raatib iyo faalo 
√"Soo dhawanta ramadaanta iyo, Raaxo iyo guul dheh 
√"Ridadii ismaacil miriyo, Raage iyo dhuux dheh
√"Risaalooyinki carab tirshiyo, Samatar reenkii dheh 
√"Rigaynti qamaan kadiye iyo, Reyfaklii dage dheh 
√"Raadraaca balaan sii wadoo, Rayskana aan dajo-e 
√"Inkastoo risaqa aad ka tagi, Ood rabi u jeesanayso 
√"Ooy maalintii reeban tahay, Rootidiyo quud la cunaaye
√"Ruqsad ruuxa haystaan ku jiraan, oo wax laga reebin
√"Haraad ruuga ku laaba oo jiilna kugu reeba 
√"Wixi reeban wixi raaliya iyo wixi la raad gooyo 
√"Hadii aad rafaad maalinimo, Raali ku ahaato 
√"Oo jidkii rasuulkeen na faray, Aad saxda Ku raacdayso 
√"Ramadaantu wa shay rasmiyo, Raaxo iyo doog ku ahee
√"Wa bil rasuulkii nafarayoo, khayrna laga raadshaaye 
√"Rabdad midha rucub iyo nimcaa, Laga raseystaaye
√"Raysiyo barwaaqiyo farxad, Bay kuu rakibaysaye 
√"Waxay kugu ridaysaa halkii, Raashidki maraye
√"Caafimaad rabaaniya bay, Ruuxdaada galisaaye
√"Riyadad jeclaydiyo janay, Raafka ku xidhaaye 
√"Raali galinta eebaa ku xidhan, Lagana raadshaaye 
√"Rafiiq waxay kaaga dhigtaa, Raaski nabigeeniiye 
√"Ramadaantu shay bilahayoo, Rasamaal ku ah weeye 
√"Rabiga weyn baan usoomayaayo, Raali ku ahaye 
√"Quraankod rafiiqi la tahay baa, Raasamaalka ahe 
√"Rumaygiyo salaadiyo digriga, Raasamaalka ahe 
√"Rubi aad sadqaysataa ah, Raasamaalka ahe 
√"Rooti aad miskiin siisid baa, Raasamaalka ahe 
√"Raxmadiyo wanaagod fashaa, Raasamaalka ahe 
√"Xurmo raaligalin waalid baa, Raasamaalka ahe 
√"Runtoo lagu nagaada ah, Raasamaalka ahe 
√"Hadalkii rabaayada ayaa, Raasamaalka ahe 
√"Rixinkood xidhiidhisa, Raasamaalka ahe 
√"Aan radeebo gabaygayga oo, Ruugana u xidho-e 
√"Mar hadii ibliis raafan yahayo, Xabsi ku raagaayo 
√"Ramadaanta oo idil isaga, Laydha laga reebaye 
√"Inaad raacdo shaydaanka, Ood raali galin siiso 
√"Rabdad naara bay kugu ridaa, Hadaad raali ku tahaye
√"Raxmaanow raxiimkayow, Adigaan raajic ku nahaye 
√"Adigaan rukuucdiyo tasbiix, kuugu rogaynaaye 
√"Rabow nagu sin ramadanta oo, khayrka nala raadi 
√"Rabow nagusin ramadaanta oo, Raaxadeeda na haleeshiiye 
√"Rabow nagusin ramadanta oo, Jano na raaci 
√"Raxmanow sharkana naga xijaab, Raacinimadeeda