Monday, 7 October 2013

DADKAN GEYIYO GUUNYADOODI BAABA'ADAY, MARNA MIYAANEY ISGARWQSANEYN! (SOOMAALAAY GARASHO XUN)

Wax kastoo laga dhaxlay awooweyaashii hore oo ay ugu muhiimsan yihiin "Deegaan barwaaqo iyo dhaqan suuban” Soomaalidu Maanta waa ka salguurtay dhaxalkii awoowe, waxayna ka doorbiday inay deegaankeeda burburiso isla markaana ku milanto dhaqamada Shisheeye.
Sida la wada ogsoon yahay, Soomaalidu markey tagto waddamada Carabta waxay xirataa dharka Carabtu caanka ku tahay “qamiis, cigaal, cimaamad iwm”. Markey tagto waddamada Yurub iyo Woqooyi Ameerika waxay xirataa dharka reer Galbeedku caanka ku yahay “jeans, jaakad, qoorxir iwm” xataa markey tagto Adis Ababa degdeg bey ugu milantaa Xabashida oo afka Amxaariga u barataa.
 Taariikhdii dunidu soo martey waxaa lagu xusay qowmiyado qarniyo ka hor jiri-jirey, balse waa-dambe dabargo’ay ama wixii ka haray ay ku milmeen ummado kale oo ay maanta hayb wadaag la yihiin. Sansaanka muuqdaa haddaan Alle samatabixin  jiilka maanta ama Soomaalida cusub waxay u egtahay ummad jiritaankeedu lumi doono oo ku milmi doonta ummadaha kale, dalkuna wuxuu ku dambeyn doonaa dhul aan cidna lahayn oo aan la kala  xigin “no men’s land.”  Af iyo dhaqan, dad iyo duunyo, deegaan iyo dalbarwaaqo, wax walba waa la burburiyey oo qeyb la caymiyey haba yaraatee ma jirto. Burburka dhan walba kala degey.
Xaalufka & Nabaadguurka “Ecological disaster”
Xaaraan cuneyaal baa dalkii xaalufiyee, Allow xoolaha iyo xoogba dhaafi. Waxba waxbaa ka darane, waxaa ugu daran, sida foosha xun ee loo burburiyey deegaanka bad iyo berriba. Soomaalidu weli kuma baraarugsana dhirta la gumaadayo inay tahay guuldarradii geyiga.
Soomaalidu weli kuma baraarugsana dhibaatada laga dhaxli doono nabaadguurka iyo xaalufka. Sida muuqata Soomaaliya mustaqbal madow baa kusoo fool-leh. Bal aan si kooban u falanqeeyo muhiimadda deegaanka u leeyahay jiritaanka noolaha. Burburka deegaanka oo la ogsoon yahay inuu yahay baaba’a nafleyda, ayaandarro Soomaalidu inteeda badan 90% weli si habboon uma fahmin aayatiin xumada dhacarsan doonta jiilka mustaqbalka.
Qarankii doonaya inuu ku tallaabsado barwaaqo iyo baraare waa inuu hormariyaa deegaanka iyo duunyada “flora and fauna”. Hindiya waayadii hore waxay ahaan jirtey faqri faramaran, hase yeeshee 1960-yadii Hindiya waxay hirgelisay Kacaanka Cagaaran “Green Revolution.” 
Horumarintii deegaanka iyo kordhintii wax-soo-saarka beeraha kadib, Hindiya hodon bey noqotay oo horumar laxaad leh bey ku tallaabsatay. Dadku wuxuu ku nool yahay nacfiga laga helo dhirta dhulka Eebbe ku beeray oo u qeybsan: dalagga beeraha laga goosto iyo uunta “cad iyo caano”  laga helo xoolo tigaad soo daaqay. Jiritaanka nolosha “hunguri-hoy-hu” waxaa saldhig u ah geedaha oo xataa meeshii aan geedo lahayn roob kama da’o. Makiinado casri ah oo dhirtii lagu gumaaday ayaa la keenay, geedihii oo dhan dhuxul baa laga dhigay, dhulkiina wuxuu isu beddeley saxara lama degaan ah, xataa beerihii dhooboy bacad baa ku fiday oo mardhow dalag beereed lama goosan doono.
Qof kasta oo Soomaali ah haddii aad weydiiso, dhaqaalaha dalka maxaa tiirdhexaad u ah, jawaabta laysku raacsan yahay waa xoolaha nool. Haddaba haddii geedihii la gumaaday oo dhulkii saxara laga dhigay, maxaa xooluhu ku noolaan doonaan? Haddii kooxda loo yaqaan Tujaarul-Xarbi ay ku tartameen dhoofinta: dhuxusha, xoolaha dhadig, ugaadha iyo wax kastoo kayd iyo dhaxal u noqon lahaa jiilka dambe, mustaqbalka Soomaalidu muxuu ku dambeyn doonaa? Sansaanka muuqda haddaan Alle samatabixin 30ka sanee soo socda xoolaha Soomaalidu waa dabargo’i doonaan, maxaa yeelay geedihii ay daaqi lahaayeen dhuxul baa laga dhigay. Waxaa taas kasii daran geed-musiibo oo lagu magacaabo “Geed Yuhuud ama kaligi nool” ayaa gees-ka-gees geyiga Soomaaliyeed abuurkiisa lagu firdhiyey, qodax sun leh mooyee wax kaloo nacfi ah lagama helo.
Geed Yuhuudka gobolladii lagu beeray taariikhiyan geedihii ka bixi jirey waa nabaadguureen, tusaale gobolka Hiiraan waxaa ka dabargo’ay geedkii Yicibka oo waxtarkiisa dhowr maahmaah laga allifey. Guud ahaan gobollada Soomaaliya waxaa laga isticmaalaa caana-boore, sugimeyn oo weligey kuma riyoon Matabaan-Garoore ayaa caana-boore laga isticmaali doonaa. Haddii xaaladu sidaan kusii socoto mardhow waxaa la arki doonaa hilib Australia laga keenay oo Soomaaliya laga cunayo. Soomaaliya ayaandarro weyn ayaa ku habsatay oo bad iyo berriba waa la xaalufiyey, khayraadkii badda ku jirey ee Eebbe ku manneystay, maraakiib shisheeye “jiriif” ayaa boobtay “reer ba’ow yaa ku leh”.
Maraakiibta quwadaha shisheeye ee ku andacooda inay la dagaallamayaan Burcad-badeed waxay difaacaan oo u hiilliyaan maraakiibta xaalufisa baddeenna waxayna la mid yihiin “col ku dhac oo tuugo kuu ciidamisay”.  Gabyaa Cabdullaahi Cirro hees uu tiriyey beydadkeeda waxaa ka mid ah:
Haddii dhaxal awoowe dhumay,
Dhulkii laga dhigay saxara,
Dhirtiiyoo idil la gubey,
Dhuxul iyo laga dhigay duqaan,
Dhadiggii xoolaha la gaday,
Oo loo dhoofiyey qurbaha,
Ugaadhoo idil la dhacay,
Kalluunkii badda dhex yiil,
Shisheeyuhu ay dhurteen,
Dhaqankiyo laga tegay hiddaha,
Waxaan dhowrnaa dhegxumo,
Somaalaay goormaad is dhugan?
Ribanaye Allahayow Rijaalu-sebenka naga qabo. Sidoo kale rag mas’uuliyad sare sheeganaya ayaa “Shuftada Caalamka” u saxiixay in badda lagu shubo sun, berrigana lagu aaso haraadiga wasakhda warshadaha Nukliyeerka oo ah sun halis ku ah jiritaanka noolaha, taasina waxay keentay noolihii ku jirey badda maanta inay dabargo’ ku dhow yihiin.
Noolaha dabargo’ay ka sokow, haraadiga sunta  “waste toxic” ee lagu firdhiyey geyiga Soomaaliya bad iyo berriba waxaa ka dhashay cudurro halis ah oo aan hore loo aqoon oo la cayn ah cudurradii laga helay Jabbaan kadib Bamkii lagu dhuftay Hiroshima. Shaqsiyaadkii dembiyada halista ah ka galay Soomaaliya “Madaxweyene ilaa Mooryaan” waxaa ugu khatarsan oo ugu dembi weyn raggii qandaraaska ku qaatay suntii lagu aasay geyiga Soomaaliya. 
Waxa  jira dhaqan guud oo aadamigu iska hidde-raacay oo ah waalidku inuu carruurtiisa uga tago dhaxal wanaagsan. Dhaxalka carruurta looga tago waxaa ugu muhimsan “qiyam = values” iyo kayd taariikheed farxad leh iyo deegaan barwaaqo oo nolol  leh. Maanta waalidka Soomaaliyeed waxaa laga dhaxlay oo ay ubadkooda  uga tageen: “Taariikh madow, deegaan burburay bad iyo berriba ee jiilka maanta nool ma garwaaqsan yihiin guuldarrada iyo aaya-xumada ubadkoodu ka dhaxli doonaan?  Soomaalida maanta ma garashadii baa ka luntay? 
Soomaalida maanta xagee bey ku socotaa? Soomaalida maanta ma waxay ku talogashay inay dalkeeda ka guurto oo dhammaan qaxooti noqoto? Soomaalida maanta waxay la mid tahay nin geed koray oo laantii uu ku taagnaa salka ka jaray
Allow dadkeena usahal xalada lagu jiro waa xaalad aad iyo aad u xun dhan kasta markaad eegto, dadkii waxaad moodaa I la yiri quba oo daadiya dhulkiyo sharaftaad haysataan ee awoowayaashiin idiinka dhinteen oo qaata qabyaalad iyo qurbo caydheed. Waa ayaan daro iyo baaba,a la doortay iyo in la dugsado dulinimo.
Dadkeenu maanay marna caqliyeeeysanaynin? Maanay ka waantooobeen qabyaalada dishay ee ka dhigtay umad musiibo ku habsatay?
Abwaanada soomaaliyeed waa indheergaradka umada, wax badan bey dadka murti dhaxalgal leh ugu dhigeen tusaaliyo talooyin badan, wax badan bey la hadleen dadkooda ka waaniyeen cudurka deegaankoodi gubay sharaftoodiina ka dhigay mid dhimatay, calankiyo dawladoodiina riday. Hadaan soo qaato meerisyo ka mida gabay uu tiriyey abwaan Cabdirisaaq Buureed(Maanmaal) wuxuu ina tusaaleenaya waxa qaribay dalkeena, inaga na dhigay qoom duloobey, waxaa kaloo abwaanku leeyahy maanan ina idiin ku duxeyn wacdiga iyo quraanka eebe ee intaa dushiina lagu akhrinayo, abwaanku wuxuuu ugu dambeyn dadka suaalaya manaan laga waantooban quluubteeni wataaso noqotay mid qaribantaye, wuxuu yiri Abwaan Maanmaal:

√"Qalbigi qaasi noqday baan, Quraanku ku duxeyne
√"Qudhuniyo qaabiil is huwan baa, Loo qushuucayaaye
√"Qaadirku siduu yiriyo lama qadariyo, Qowlkii rasuulkiye(scw).
√"Soomaalay Qiila wa qaala buu, Qorsheheenuba yahaye.
√"Qoyskaagu kayga ma geyo bey, Qoonteenuba tahaye. 
√"Quudhsigiyo qabyaaladu waa, Waxa qaribaye dalkeeniiye.
√"Ayaan qudha miyaan laga waantobeyn, Qulubtey quluubteniye.
 
Dhagihii eebe waaniyey baa waansan, Allow dadkayaga hanuuni oo dariiqa toosaniyo wannaaga tus adigaa awoodee amiin amiin.
Waxaan maqaalkan ku soo gunaanadayaa gabay dhaxalgala oo uu tiriyeey abwaan Jaamac Cali Xirsi(Murtisame). Gabaygan waxaa la yirahaa gocosho, wuxuu abwaanku kaga hadlayaa sida deegaankeeni loo xaalfiyey dhirtiisi loo gubay, ugaadhiisi uga guurtay, loogana dhigay galangal abaara. Waxaa kalo abwaanku ka hadlayaa duliga iyo mooryaanta yalamsaday xoolihi iyo hantidii umadu lahayd, xalaalaystana cabayna dhigii dadka. Abwaan Murtisame wuxuu kaloo gabayga u duceenaya umada in eebe ka saaro xaalada naxdinta badane ayaa ku sugan yihiin, wuxuu yiri Abwaan Jaamac Murtisame:

 √"Godka maanso wayadan kategey, gogol dhigiisiiye
√"Ma gorfeeyo gabaygii cabdoow, gabi ahaantiiye
√"Waxi gaadhay mooyee mudaba, gaabis baan ahaye
√"Gaanjada hadeeraan ka jarin, maanso gura wayne
√"Gayigii midaan kaga hadlaan, soo gudbinayaaye
√"Gaawaha u hoorsada murtidu, dhaxal gal weeyaane 
√"Gidigiin dhegaha iifuroo, geliya laabtiina 
√"Guuldaraa dhulkii haysatoo, gubay dhamaantiise
√"Khayraad la goostaa majiro, midhiyo goobaare
√"Gawlaladiyo jiicii dabba, geedihii jaraye
√"Gamca gooye Iyo waa tageen, jeerin gaamuraye
√"Gumartiyo ma joogaan, galool foodhi gaylihiye
√"Gahaydhiyo maraagii iyana, waa la gaasiraye
√"Gubad baa dhulkii laga dhigoo, geeda laga waaye 
√"Guuyada la maaliyo dadkii, gaagyar baahadhaye
√"Gooraan ma maalaan ragii, geelayda ahaaye
√"Gaaniyo irmaan uma baxaan, gaawe loo sido-e
√"Galooftiisa naaxdiyo ratigu, ugu ma guuxaane
√"Gamaan kii fardood Iyo sangaha, looma guud boxo-e
√"Gefer ku arki maysaan dalkii, gooni joog farase
√"Gidigeed ugaadhii lawaa, gaan kastay tahaye
√"Goray iyo ma joogaan dhulkii, gerigii dheeraaye
√"Garanuugtiyo waa madheen, goray haldhaagiiye
√"Ma gandoodo aarkii halkuu, gaarka u lahaaye
√"Ma gumbudho biciidkii sidii, gaare dhaxameede
√"Gumburiyo atoorkii sidii, uma gof leeyaane
√"Kama gooho weerkii halkuu, geel ku layn jiraye
√"Deeradu ma googoyso orod, galabsigeediiye
√"Giblo Iyo ciyaar lagama tumo, guda nugaaleede
√"Garbiskiyo dhaantada sidii, looma soo gudo e
√"Shiribkii ma gooyaan ragii, gaarka u lahaaye
√"Gadhcadii sidii geedihii, uma gab leeyaane
√"Garaad Iyo nin dooroon lawaa, goortan maantahe
√"Gocorkiyo ninkii liitay baa, galay halkoodiiye 
√"Go,a shaalka iyagaa watoo, Laguna gaataaye
√"Gayshkii difaaciyo majiro, ciid gaafaniye
√"Garab saar ma dheelaan ragii, giigsanaan jiraye 
√"Xeryo hooda gaarkaa sidii, uma gucleeyaane
√"Gaadhkiyo ilaalada sidii, ugu ma gaataane
√"Mooryaan gariiraysa baa, galay halkoodiiye 
√"Galabtiyo aroortii dadkay, gowracaayane
√"Barbaar giim ciyaartiyo lawaa, tima gardhaaleye
√"Gabadh lama aroosoo sidii, gaaf maloo tumo-e
√"Gaarida ilmada saydhaysiyo, gabanka ooyaaya
√"Asay guudka fuushiyo agoon, garab la,aaneed dheh
√"Goblan Iyo ninkii geesiyoo haad, ku gaylamay dheh
√"Afartaa intii aan gundhigay, maydin garan siiyey
√"Ma gar waaqsateen hadalku waa, gocashadaydiiye
√"Girinoofka qorigiyo shilkaha,, lala guclaynaayo
√"Girligaanka Iyo suuga aan, cadawga gaadhaynin 
√"Miinada gigliyo hoobiyaha, lays la gaadaayo
√"Gudin laba afliyo faashka aan, laga gun gaadhaynin
√"Gawraca isdaba jooga Iyo, gacalla laynaayo
√"Gacmo dhiigle geerida dilkaa, garab la,aan teeda
√"Komanaan garaafaa daday, maalin wada gaadhay 
√"Oo aan garawshiyo lahayn, xume gonloo gaadho
√"Gobol Iyo hadaan tuulo Iyo, guri la dhaafaynin
√"Guriceel ilaa gabilay Iyo, gacanka shilaabo
√"Garoowiyo hargaysiyo ilaa, guhada boondheere
√"Ceerigaabo geesteeda iyo, goroflley aageeda
√"Goodiga kismaayiyo ilaa, wabiga goonkiisa
√"Gaalkacayo Iyo gudaha bari, gibada boosaaso
√"Sool goodigeediyo ilaa, gobo ladeenoo dhan 
√"Gaadiidku uma kala gudbaan, gacala yaaloow e
√"Afartaa intii aan gundhigay, maydin garan siyey 
√"Ma garwaaqsa teen gabaygu waa, gocashadaydiiye 
√"Iminkana ducaan soo gudbiniye, guula ila tuuga 
√"Mar uun baa ilaahay gucurin, geedo Iyo dooge
√"Gal xareedi taaliyo mar baa, daadku guluc layne
√"Gaagaabanow adhiga Iyo, geelu noo dhaline
√"Geedaha la gubay Iyo dhirtaa, soo gandood samine
√"Dadkaa soo gadaal noqonin Iyo, goosan kii lumaye
√"Oo gabi dhulkii wada imaan, guushu waynaga-e
√"Kuwa gudaha joogaana ay, wada gam aayane
√"Galad eebe Iyo guri san baan, gogol dhigeynaaye
√"Gobanimo mar baan heli toloow, samir ku gaadhnaada

Abwaan Cabdirisaaq Muxamed(Maanmaal)
Maanmaalbured@gmail.com

Tixraac(Referance)
11. Abdiqaadir oramo
22.  Moolka cilmiga iyo Miida Suugaanta (Murtisame)

33.   Hoyga Xogtiyo Xikmada