Wednesday, 24 September 2014

Gabay---(Calanyahow)---Abwaan Jaamac Murtisame

Gabaygan Waxaa Tiriyey Abwaan Jaamac Cali Xirsi(Jaamac Murtisame)..

1:Calan yohow hadii aad inbadan sharaf ku soo ceeshtay

2:Cizo hadii aad lahayd ciidan Iyo xoogag

3:Callaan Iyo hadii ahayn caaqil Iyo saajin

4:Cudud Iyo hadii aad lahayd wilaal ku ciseeya

5:Cayn wareega dunadaa ku dhigay ciida aad taale

6:Nabsi ciilan baa kugu degoo laalay carawgiiye

7:Carwasaadey goortii dad xumo lagugu cawreeyey

8:Cishiriin sanaad cadho qabtaa caadil baa jira e

9:Hayeshee casuunkii allaad helin cawaalow e

10:Cirkoo kuu darooriyo nimcaad Caasha dhigaysaaye

11:Calcalyada xareedaad maruun ka cabi doontaaye

12:Caraw Iyo ugbaad soo baxaad cuni aad doontaye

13:Curad Iyo waxaad helin nimaan caale kaa gadine

14:Waxa kuu cimaamadin nasiib aad ku ciil bixinie

15:Caraf Iyo udgoon nabada baad ka cokanaan jeere

16:Ceesh kaagu wuxu noqonayaa caano Iyo miide

17:Caadkiyo daruurtaa maruun eebe kuu curine

18:Carshi lagu negaadiyo caleen dooga baad heline

19:Dhalin caafimaad kuu qabtaa kuu ciyaar tumiye

20:Sidii cawl ban joogiyo shabeel caarle baad noqone

21:Cagta waxaad ku baabiin rabta cadawga weeyaane

22:Sidii coofle aaroo wax badan gaajo ku caweeyey

23:Oo cood diboodiyo kahelay ceelka adhi jooga

24:Cafis malaha maanta wuxuu cududa saaraye

25:Adna ceega taalaha mar baad ciriq wax naafayne

26:Oo dawladahan wada carbadhay carari doonaane

27:Casiiskii illaah baan baryiyo caabud ka illaahe

28:Caaqiibo Iyo waxaad lahaan cayni qabad guule

29:Cadceed soo baxdiyo waxaad ahaan caawin Iyo luule

30:Curub Iyo iftiin Iyo cagaar caynad Iyo qiimo

31:Adoo sharaf la ciirciirayoo lagu cizaynaayo

32:Oo sidii caruus Iyo garaad shaal cad Iyo duuble

33:colaadoo dhamaatiyo dadkoo meel ku wada ceeshay

34:cisho aan fogayn baa dabayl caafimaad imane

35:Adiguna caloolyawga daa waad cawaysimiye

WQ: Hal-Abuur Maanmaal Buureed

Gabayo Ay Is Dhaafsadeen Abwaan Farxaan Salwe Iyo Abwaan Ismaaciil Boobe

Halkan Waxaan Idiin Soo Gudbinayaa Gabayo Ay Is Dhaafsadeen Abwaan Salwe Iyo Abwaan Boobe Duluciyo Ujeedkoodana Waxaad Ka Garan Doontaan Tixaha. Waxaase Aan Helin Tixday Ka Bilaabantay Oo Uu Tiriyey Abwaan Salwe.

Tixdani Hore Waa Tuu Abwaan Boobe Ugu Jawaabayo Tan Hayn Ee Uu Tiriyey Abwaan Salwe.

Boobe Wuxuu Yiri

¤Shansha-wayne awrkuba markuu, Geela shaminaayo
¤Shilistiisa naaxdiyo markuu, Qaalmo shirinaayo
¤Shiil caskiyo markuu hawd la jiro, Shaygu waa dahabe
¤Shan jirkiyo markuu aaran, Kala shaxeexaayo
¤Isaguba shaxaad kama baxshee, Waa shin tiriyaaye
¤Ma shinsado intuu awrta kale, Sheeda ka arkaaye
¤Shaki kuma jiroo midh kaasi waa, Shaaca waa bariye

¤Hayeeshee shareecadaa lagu fadilay, Shayga xoolaha-e
¤Shamal dhaw intuu gaadhi karo baan, Lagu shidaynayne
¤Adiguna haddaad shamis itiri, Shayba ima dheere
¤Waxaa shiinku iiga yimi haddaan, Shaalka ka rogayaaye
¤Bina-Aadam sharad baa ku xidhan, Suu sheegay weynuhuye
¤Shantana lama gaadhi karo oo, Shaahid baad tahaye

¤Afar baa shatiga kuugu qoran, Sheel wixii noqone
¤Hadii aanad shareecada ka bixin, Sheegan xumihiiye
¤Adiguna boqol baad sheemaysaa, Shiliso waaweyne
¤War hooy saaxiib lama sharaystee, Shaaga iga leexi

Intaa Markuu Abwaan Boobe Uga Tibix siiyey Abwaan Farxaan Selwe Ayuu Farxaan Salwe Isagoo Qoslaya Oo Ka Yaaban War Abwaan Ismacil Boobe Yaa Gaarsiiyey Tixdaadi Oo U Tebiyey Ileen Isagu War Moog Buu Ahaaye Ayuu Yiri""War Adna Ma Ku Soo Gaadhay Oo Ma Is Keentay Dadkaagaad ka mid ahayde"". Abwaan Boobena Wuxuu Ugu Jawaabay Oo Yiri"" Salwow Nin Loo Wacay Is Og""

Abwaan Salwe Markuu Intaa Yiri Ayuu Tix Aad U Cuddoon Ugu Jawaabay Abwaan Boobe. Gabyaagana Sida Lagu Yaqaan Haddii Gabyaa Kale Gabay U Soo Tiriyo Waa Ka Aan Tiraab Hadalkiisa Kaga Bogane Ee Tix Kaga Fula Doodiisa.

Abwaan Farxaan Salwe Wuxuu Yiri:-

**Hadaan boqol la shawriyo haddaan,Shiriyo oo raadsho
**Shalmadley haween waa waxan, Shiinsadoo rabo-e
**Waa waxaan shakaalka ugu xidhay, Shamis jacaylkeedu
**Hayeeshee shil baa dhacay markaad, Sheerka iga doontay
**Shuraakada wixii aan gelayn, Shuhubo weeyaane
**Shaaraca markaad soo dhigtaan, Sheexay hadalkaase
**Inkastooy hadeer shiidii tahay, Horeba loo sheegay
**Shaamareerku waa igu badnaa, Shaale waayadane
**Wixii shaadhka loogelin jaraa, Sharaf la moodaaye
**Sheekiyo waxaan shaahid abid, Cidiba soo sheegin
**Oo shaybka odaygii ahaa, Shaacin Weligiiba
**Adigaa shareeree xagee, Shaaga lagu aadi
**Anigaa shifaystee maxaad, Shaacir iga dooni
**Shan abwaan hadii aanay gelin,Shaacna ka cadaynin
**Oo shaal xariiriyo la dhigin, Xaal shindhalad wayna
**Shabed baa nin raga lagu, sharfaa shamisna lay keenin
**Walee waxaan shaxdii lagu gelayn,Shaanbad baa timiye

Abwaan Salwe Markuu Tixdaas Ugu Jawaabay Abwaan Boobe, Ayaa Abwaan Intaa Kaga Muu Hadhine Wuxuu Hadana Tiriyey Tixdan Oo Ah Tii Ugu Dambaysay.

Wuxuu Abwaan Boobe Yiri:-

**Shifo waxaanad oran dibaad, Uga shalaydaaye
**Shawrka waxaan lagu heshiin, Shaaracay imane
**Shebed aad qabtiyo ninyohow ma rabo, Sheelka gurigaaye
**Shaama reer ma keenine adaa, Shuuday hadalkiiye
**Horeba waxaan looga shirin, Shaarac maan dhigine
**Boqolaalka shilis baan lahaa, Shay kasoo dayo-e
**Shidada adigaa noqdiyo, Shaaga lay dhigaye
**Shaaliyo xariiriyo markaad, Xaal shin dhala doontay
**Miyaan sheelka kaa xaday, Sharaf dhac weeyaane
**Shaabad lagu daweeyo iyo, Uyeedh caaqil kala shiila
**War shooki meele ina gee, Shuufay hadalkaase..

WQ: Hal-Abuur Maanmaal Buureed Gurxan

Gabay--(Gaadhi Kari Waa)--Abwaan Khaliif Xasan Walah

Waxa la wariyey Abwaan Khaliif Xasan Walah O Kusugan Magaalada Nairobi in Nin Ay Abwaanka Isku hayb Yihiin Xaal Lagu yeeshay Sidaa Darteedna uu Dhahay Xaalki Waxan u Bixiyey Faras.

Arinkii Ayu u Sheegay Abwaan Walah hayeeshee abwan Walah kuma Qancin Arinka wuxuna Ku War celiyey in Fardaha Nugaaleed Ay ka Qiima badan yihiin In xaal loo Bixiyo Sidaa Darteed wuxu Jirabay Qoladi Faraska Xaalka Loo Siiyey Hayeeshee Jirabaadii way ku fashilmeen Markaa Kadib Ayaa Abwaan Suldaan Khaliif Xasan walah Tiriyey gabaygan Hoos Ku Xusan:

* Geeliyo fardihi nagama madhan gumaradoodii

* Sidiibaa gamaanku u Bedraa guda nugaaleede

* oo goluhu ugu oodan yahay geedka saynta lehe

* Oo gobolba meel aadayaa guud haldhaalaha

* Ashkir gedefle, Suunaari godan maydal gudub taagan

* Gorso ugub, darmaan golongoshay gabantu nuugayso

* Iyo Bood gudoonshuhu xidhaan guriga dhaafaynin

* Iyo Gaadawaynoow baroor geri lamoodaayo

* iyo xamar gufaacada bartoo guluf u heensaysan

* Iyo Gooni Daaqyada mirtoo geela lagu qaado

* Iyo geenyadii wada dhashaan abid gaboobaynin

* Intaasaan gawaan raaciyaa maalin lays galay

* Gabadh laga baxshiyo dhiig ragoo godaba mooyaane

* Gobta nimanka loo daayey ee uunku wada gaatay

* Ee gacaladii hooyaday guudka ku xanbaartay

* garaad faaraxbaananba siin guud haldhaalaha

* Gunta kuma xurmayno iyo tolyare soo gadal baxay

* reer galbeedna wuxuu fuulayaa goosankii lumay

* Nin Kaloo ciyaar ugu gubtaday gaadhi kari waa

Fiiro gaara : Waxan Ka Helay Abwaan Cadceed Cadeysey Oo Ka Soo Qoray Abwaan Siciid Cabdisamed Ducaale Hilaadu Markay 18 - 03 - 2014
Madasha Gobolka Sool
Degmada Laascaanod
Xafada Jamalaaye

Maanso--(Dhulkiina Ka Qiimo Badan)-- Abwaanad Suunaari Maxamed Diiriye

Maansadan Waxaa Tirisay Abwaanada La Yiraaho Sunaari Maxamed Diiriye Oo Loo Yaqaano Cayuuni Geenyo. Waxay Maansadani Diirka Ka Qaadaysa Dhibiyo Xanuunka Taala Qurbaha Iyo Sida Ay U Moogyihiin Uguna Soo Qamaamayaan Hablaha Qiimaha Badan Ee Dhulkooda Wacan Hooyo Ku Dhaqan Waxayna Tiri:-

¤Anoo ifka ugu qurxoon
¤Dunida ugu qiimo badan
¤Markuu qarankaygi dumay
¤Markaan qaxay saw ma lumin
¤Qabkiyo sharafkaan lahaa.

¤Maxaan qaxariyo dhib maray,
¤Maxay igu qabatay dani ,
¤Inaan qayrkay martiyo,
¤maxaan qabay qoon xanuun
¤Qalbiga Nabar iiga yiil

¤Qurbaha goortaan ubaxay
¤Markaan tagey qaarad kale
¤Afkeedaba qori aqoon ,
¤Qabow iyo barafna yaal
¤Qaxooti la iigu wacay ,

¤Maxaan gobonimo qajilay,
¤Qarsaday qiiriyo xanuun
¤Qamaarkaan xidhanahiyo ,
¤Midabka qanigaa maxay ,
¤Isirka igu quudhsadeen ,

¤Maxaan qasbanaa dulqaad
¤Markaan keli qoonsadee
¤Qormiyo reer tabac is iri
¤Qisiyo yaabaan arkoo
¤Wax bays qalabaa gediyey

¤Hawshii kala qaybsanayd
¤Ragg iyo Dumar kala qorayd
¤Ilaahay kala qawimay

¤Markay timid qaybsashiyo
¤Adigu geestaada qabo
¤Anoonba ku qaylinayn
¤Qawaamada reerKa iyo
¤Qorshaha ka maroojinayn
¤Qabkiisana hoos kadhigin

¤Markaan Qalbiyoow ku iri
¤Qaraabiyo ehel mjiro
¤Qofaan qarash siiyo iyo
¤Qabaana maraadsan karo
¤walaal geestaada Qabo

¤Afkuu Qaylada kushubay
¤Qaracan buu muujiyoo
¤wuxuu yiri qaaliyeey
¤Qawlkaa haydhihin markale
¤Aniga hay qiimo ridin

¤waxaan ahay qoodha sare
¤Awoowgay qado makarin
¤Caruurana uma qubayn
¤Haddii adan qaadi karin
¤Qoyskiyo reerkiini qabo
¤Markuu qaxarkii batoo
¤Ilaah baa Qaadiree

¤Dulqaadkii iga qubtee
¤Garawshiyo aanan Qabin
¤Qoyskiyo reerkii burburay
¤Anaa Qaladka iska loo
¤Qurbaha goortaan imaan
¤Is qaad qaadoo kibroo
¤Anaa qarash badan heloo
¤Anaan xaajiga qadarin
¤Anaan Qabida ogolayn

¤Illaah baa qaadiree
¤Ragoow Qaladkiina saxa
¤Gabdhaha ku Qamaamayee
¤Qurbaha sharaf moodayoow
¤Anaa Qabarkiis Hayee
¤Dhulkiinaa Qiima badan
¤Dhulkaagaa lagu qadarin

Gabay--(Mawdku Ka Adeegi)---Halyeey Darwiish Sayid Muxamed Cabdulle Xasan

Gabayga Sayid Maxamad had iyo jeer wuxuu u badan yahay iyadoo ujeeddadu meel gaar ah tahay, haddana guud ahaan inuu meelo kalena mariyo. Gabaygan siduu u soo baxay waxay ahayd, xarunta oo Taleex deggan ayaa Abshir Dhoorre Xasan oo qusuusida ka mid ahaa, qabayna Cawralla Sayid Maxamad, Sayidkuna qabay walaashiis Xaadsan Dhoorre, iyo Nuur Cali Ibraahim oo isaguna qusuusida ka mid ahaa, Cambara Shiikh Cabdulle oo Sayid Maxamad walaashii ahaydna ay u dhaxday, ayaa waxaa dhex maray hadallo aflagaaddo ah iyo qardaafooyin, mid walba wuxuu islahaa xarunta adaa ka taliya, waxna laguma oron karo, hase yeeshee kolkii Sayidku dhawr goor yiri: “War hooy kala jooga,” lase maqli waayey, ayuu Sayidku gabay mariyey oo wuxuu yiri:

Xuseenoow macnaa gabay, adaan kuu miliilicaye
Inaan macallin kaa dhigay nafluu, maqal Insha Allaaye
Mooggana waxaan oran intuu, mowdku ka adeegi

Laba maqaddinoo madaxa oo, wada maqaawiira
Mar haddeeyan kala maarsanoo, kala maqaamaysan
Maamuladka reerkiyo qabkaa, mowdku ka adeegi!

Haddii madal la waco uunku waa, nin iyo maankiise
Ninba xaajo aan madarka qaban, meel iskala taagaye
Mid baa maaha oron oo runtaa, mowdku ka adeegi!

Haddii hadal la moogtamo xil waa, laga mastuurtaaye
Muddac iyo muddaacaleyhi waa, marin gobaabeed
Maahmaahda iyo baanahaa, mowdku ka adeegi!

Mustaqiinnimaa loo hadlaa, muranku waa ceebe
Nin waliba maroor iyo qas iyo, muran hadduu keeno
Goortii markhaantigu dhacaa, mowdku ka adeegi!

Musuqmaasuq Soomaali waa, meheraddeediiye
Hadba midab horley kuula iman, maalin daa’ima e
Malahmalahda iyo beenahaa, mowdku ka adeegi!

Masala gaab wadaadihii wuxuu, macaddiyeystaaba
Maddiiddaan akhriyayaa wuxuu malaf ku daaqaaba
Goortuu muluftiga weyn arkaa, mowdku ka adeegi!

Magaalada masruufkiyo dharkiyo, laga muraad qaadan
Mushmushaaxa iyo biicu waa, moodka soo degaye
Miyigaba markii laga xiraa, mowdku ka adeegi!

Waxa dunida maan tiray niman, maahna garanayne
Masxafkiyo quraankii haddii, lagaga maan waayey
Mashaayiikhda lala doodayaa, mowdku ka adeegi!

Mushtarka iyo baayacu wax bay, kala macmiishaane
Mafrish laguma rido xoolahaan, moosinka galahayne
Mufta hoosta laga iibin baa, mowdku ka adeegi!

Senge mayriqii iyo mudkiyo, muruqu weynaaday
Oo aan mirtiyo mayricii, moogna laga doodin
Magaan gaabshe goortuu noqdaa, mowdku ka adeegi!

Abeer maris leh oo aan murkaha, laga milaalaynin
Oo aan maqaarkiyo ilmaha, mohasha deynaynin
Maatada markii loo qalaa, mowdku ka adeegi!

Lo’du waxay maqaamaha gugii, madi ahaataaba
Waxa miidda siximeed qumbaha, laga milaalaaba
Markay miirta hore laasataa, mowdku ka adeegi!

Haddii arigu Garaadeen muf iyo, malafka daaqaayo
Manfac lagama waayeen hadduu, joogo magaygiiye
Meel kale markii loo raraa, mowdku ka adeegi!

Naaggaad makaawidday waxaad, yarad ka miistaaba
Waxaad meydab geel iyo fardiyo, mulug ka dhiibtaaba
Maamuus markii laga gafaa, mowdku ka adeegi!

Aar soo musuusucay hadduu, micida soofaysto
Miliqdii horeetaba haddii, midigta loo taago
Goortii warmaha lagu mirfaa, mowdku ka adeegi!

Gaannida malkada jiifsadee, micida leefaaya
Maal iyo dad ruux lihi wuxuu, muluq ka siiyaaba
Markii moolka webigii guraa, mowdku ka adeegi!

Maroodiga arba ah oo dagaal, caro miraadaaya
Dhirta wuxuu maroojoo jirdaha, kugu maguujaaba
Goortii mariid laga helaa, mowdku ka adeegi!

Murwo iyo wanaag iyo minqaax, maadsi iyo jaalis
Waxaa maxabba kuu qaba ninkaad, magac u yeeshaaye
Abaalkii ma gude loo galaa, mowdku ka adeegi!

Nin la maagayaan miro yaraan, lagu maagaynin
Haddaan laga macniyin jeer dambuu, mahadho geystaye
Maqaan xumada lagu raadin baa, mowdku ka adeegi!

Ninkii moosin kaa helay waxaad, daba miraaddaaba
Waxaad faraha maarkooda sare, mar u qaniintaaba
Goortii Ilaah kuu marshaa, mowdku ka adeegi!

Makal oodan buu geli ninkii, melegga raadshaaye
Ferenjiga mur ii yiri anaan. marana qaan haynin
Maarraha markaan ula tagaa, mowdku ka adeegi!

Masarreyda duubka lihi waa, manigi naareede
Mushaaharadey eedayaan, malafsigeediiye
Miirida markii lagu ridaa, mowdku ka adeegi!

Waxay ugu middiiddimahayaan, waa majuusinimo e
Ninna kuma muquunsheen hadday, maya yiraahdaane
Mutaacaabistiyo raaciddaa, mowdku ka adeegi!

Dadku moogsan geerida Jannoo, mowluhuu qoraye
Muslin hadday yihiin gaaladay, miri lahaayeene
Mudda weynta aakhiro taggaa, mowdku ka adeegi!

Mursalkii la soo dirayba waa, maakirahayaane
Waa maxay armaarka ugu marin, …
Muddaahanada lagu moosaayaa, mowdka ka adeegi!

Madaahibaha diinta ah ardada, laga madooheeye
Hadday Maxamed raacaan kufray, mudi lahaayeene
Masallaha la wada deexsadaa, mowdku ka adeegi!

Waxaan ka qoray Xaaji Jaamac Ismaaciil Dhoon, sannadkii 1957kii.

Aw Jaamac Cumar Ciise