Waa la joogaba iyo meel la joogba jacaylku waa dareen si qoto dheer ugu samaysan abuurta noolaha inta la ogyahay, si gaar ahna waa dareen Aadnaha aad u ladhan oo tilmaamihiisa ka mida.
Sidaas oo ay tahay haddana kolkaynu dib u milicsano ujeedooyinka kala duwan ee faraha badan ee maansadii hore ee soomaalida ay u adeegsan waxaa inoo soo baxaaya maansada jacaylku inay ahayd kuwa ugu tirada yar, halka ay maanta ka tahay kuwa ugu tirida badan, taasina waa run byo kama dhibcaana oo lafogurayaasha suugaanteenu ka murankeeda waa hore ay ka shidaad baxeen.
Waxse ay isweydiintu tahay maxaa loo aanayn karaa oo keenay inay ujeedooyinka maansadii hore loo tirin jiray in maansada jacaylku ku saabsan ku yaraato halka ay muush ka tahay ujeedooyinka kala duwan ee maansada sebenkan halabuurka soomaaliyeed u tiriyo?
Wixii aan waayo aragnimo ka kasbaday hiidiyo dhaqqanka, Abwaaniintiyo Dhammaan Suugaanyahanada soomaaliyeed sida Axmed Farax Idaajaa, anigoo ka duulaya aragtidayda sababaha keenay waxay tahay; Ujeedooyinka maansadii hore loo tiring jiray in maansada jacaylku ay noqoto ta ugu tirada yar waxay la xiriirta habkii nololeed ee ka jiray geyigii ay soomaalidu wax ku dhaqaan jirtay iyo dabeecadaha ragii soomaaliyeed ee xoolo raacatada ahaa uu geyigaasi ku talaalay.
Wuxuu ahaa geyi dhibaatiyo shido badan geyi aan nasasho laga aqoon u halgankii ay jiritaankooda ugu jireen aanu kala go lahaan jirin, colaada io cabsida ayaa joogta ahaa.
Hadii habeen dumo iyo waayo baryo goor walba ragu rakaab ku jog uun buu ahaa. Wuxuu ahaa xili ay xoolaha si ba’an ukala qaadi jireen. Kolkaas bey u ahayd mar ay geel dhacayaan iyo mar ay geel soo dhicinayaan, mar ay ceel ku diriyaan iyo mar carshin kala riixanayaan mar geedka shirk u garamayaan iyo meelo ay saymo roobaad ku hooreen mar ay geedi u yihiin.
Haddaba ninkii soomaaliyeed ee geyigii sidaas ah mudo dheer ku dhaqnaa wuxuu ka dhaxlay dabeecado ilaa maantaba ay bulshada in badan kala socdaan waxaana dabeecadahaas ka mida:-
¤Ninku inuu ad-adayg ku tilmaanaado
¤Ninku dareemadiisa qof ahaaneed inuu qarsado oo waxa laabtiisa ka guuxaaya inay dadka kale si fudud uga ogaan.
¤Halka maanta laysku guubaabiyo inuu ninku u sheegto jacaylka rubadiisa hugmaya gabadhuu u qabay Jiljileeca iyo dabacsanaantu waxay ahaayeen wax ninkii lagu arko lagu daraabo, sebenkana ninkaan dabacsanaaniyo is dhul-dhigid ka soo horeyn looba tawaabaynin oo na lagu tilmaamayo ruux qalafsan oo aan lala rafiiqi karayn.
¤Dhif waxaa ahayd seygu haweenayda udhaxda inuu magaceeda ugu yeero ama meel laga arkaa inu ku salaamo ama ku yiraaho waan ku jeclahay ha la weheliyo ama labadooda oo kaliya ha ahaadeene, maantana taasina waa midaan jirinoo ninkaan qaali, macaan, xabiibti, noloshaydiiyeey, iyo magacyo macaan ugu yeerin ooridiisu waaaba ka dudaa haddaanay I furba odhan.
¤Ninku intuu doonaba ha jeclaadee waxaa dhif ahayd carruurta uu dhalay midkod intuu madaxa u salaaxo inuu si cadaaana wax ugu sheego ama ugu muujiyo gacalada uu laabta ugu hayo.
¤Ceeb aan ceebi ka weynayna waxaaba loo yiqiinay ninka raga oo sabab kasta ha lahaatee in ilmo ka soo dareerto.
Geyiga caynkaas ihi ma lahayn guubaabo, diradiro iyo abaabul dagaal mooyee geyi maaweelada iyo maansada dabacsan ee dareenka jacaylku ay hanaqaadi karayso.
Haddaba Geyigan maantana waa mid nabad doon, saynu kor ku soo xusayna dhaqanka jiilkan iyo kii soomaalidii hore hadaynu isbarbardhigno waxaa inoo soo baxday inuu farqi weyni u dhexeeyo.
Sida jirtana xeer waliba waayada dambe yeeshaa cid ka baydha iskana indho tirta bulshada inteeda badani hiddaha ay raacsan tahay sidaas awgeeda waxba yaanay waxaynu ka dharagsanahay qaybaha maansada eek ala duwan haday tahay gabay, geeraar, heeso iyo dhammaan kuwa kaleba in ay maansada jacaylku maata tahay ugu badan.
Waxaan qormadan ku soo qaadaayaan silsilada gabayo gaaban oo jacayla lana magac baxday Jacaylkii Jamaad, gabayadaasoo ay is dhaafsadeen halabuuro sebenkan bulshadeena u maansada kuwaas oo inta badan ku kulma barkulanta wejibuuga.
Hillaadu markay ahayd 07/09/2014 ayaa abwaan fiqi faatax wuxuu soo bandhigay labo txood oo gaagaaban. Meerisyada cuddoonee tixda hore waxay ka turjumaysaa abwaanku inuu jantay gabadha la yiraaho jamaad sidoo kalena u sheegtay jacaylkuu u qabo halka jamaadna ay ku tiri dhawr wiil baa ijecel oo aan qalbi u ahayn adna kuwaas uun baad noqone jacaylkaaga wiilow uma jeedo anigu mid laabta degay baan muxubo u qabaaye.
Abwaan fiqi faatax isagoo tix ku tiraabaya jawaabtii jamaad ayuu yiri:-
☆Jaahayga iyo quruxda iyo jamal wanaagayga
☆Toban wiil todoba laga jaroo, Loo jid bixinaynin
☆Soo ima jeclaan ina rag waa, Jiinka damaciise
☆Ana sow mid jookha uma lulo, Joofey lagu sheego
Jamaad Markay Fiqi Faatax Intaa Heego Ugu Martay. Fiqi faatax waa qalbi jacayl ku qasaasilayo oo u Asqaysan Jamaade. Wuxuu Fiqi Faatax Fakaroo raadiyo bal habkuu ku Heli lahaa jamaad ileen waatan ku gacan saydhaye. Waxaa ku soo dhacday markaa abwaanku bal inuu dhan kale u dhigo si ay u aqbasho jacaykana u la qabato isagoo ku beerlaxawsanaya inay labo xigaala yihiin oo isaga dhaw raga jaclaaday iyada iyo kay jeceshahayba wuxuu yiri:-
★Labadaad jibaartiyo tirada oo, Mid laga jeexay
★Hadii aanu ku jecelnahay, Anaa kugu jiir xiga-e
★Jaarkiina anigaa ahoo kuugu sii jecel'e
★Inaadeer jamaadeey mar uun, Jeebka igu qaado
Gabadhii markuu intaa ugu tibixsiiyey bey jamaad isoo jawaabtay. Waxaana jawaabta jamaad tix ahaan urogtay oo booskay jamaad silsiladan ugu jira abwaanad caasha cumar jaamac(luul). Waxayna ugu hal celisay jamaad oo ay tiri:-
☆Inkastood ka jir iixiga tahiyo, Jaarka gurigeyga
☆Jacayl darana aad ii qabtoo, Damac jiboonayso
☆Qalbigaygu meel buu jiraa ,Una jiroodaaye
☆Wiilkii jamaal baan rabaa,joofey inankiis
Halkaa markay sheekadu botorinayso oo ay jamaad ninkii fiqi faatax ahaa ay ku tiri iska kay ilaw qalbigu meel buu jiraaye, ayaa waxaa soo galay wiil kale oo isna ku jira kuwii jeclaaday kaaso aan ahayn kay dhabta u jeclayd. Waxaana booskiisi inoogu jiro abwaan Ismaaciil Boobe, isagoo jamaad la hadlaya ayuu yiri:-
**Jamaadeey inaabtaay adaan, Jeelka kuu qabaye
**Sadexdaad jibaartey cishqiga,Jimiimicaya kugu raacay
**Ee jacaylkaagu gaadhayee, Wada jiboonaya
**Hadaan lays jigraarayn anaa, Jookho kuu wacane
**Jiho kale ha eegine aniga, Jaanta ila hay.....
Haddana Isla Ismaaciil baa ku soo laabtay isagoo ka yaaban ninkan jacaylkiisa raba inuu dhanka inaadeersada umaro oo uu gabadhaba saa kaga dhex qaado wuxuu yiri isagoo ugaa digaya ninkaas sidoo kalena leh aniga isoo raac anaa kuu dhaame ayuu jamaad ku yiri:-
**Wuxuu yiri jaar baynu nahay, Jiidh wadaag dhabahe
**Jini kama duwana ninkaa, Jookha kuu lulaye
**Jalalabkiisa ha dhagaysan, Waa jacayl xaaside
**Inaguba jabad baynu wada niil waqeen, Jeexiyo buure
**Jacaylna wakaa igu xukumay, Jiidhka kugu yaale
**Jiho kale ha eegine aniga, Jaanta ila hay......... La Soco Qaybta labaad....
WQ: Maanmaal Buureed Gurxan