Silsiladii Xamdi Waxaa Soo Galay Abwaan Ismaaciil Cali Boobe Wuxuuna Kaga Qayb Galay Tixdan La Magac Baxday Xaysimo. Abwaan Boobe Waxay Isku Afkaar Noqdeen Abwaan Farxaan Salwe Wuxuuna U Codeeyay Xagaa iyo Carro Edeg
Wuxuu Yiri;-
**Xaragooy be eey rag baa gooyey xadhigeede
**Xiisihii ka dile haween xulasha doodiiye
**Meelo lagu xaraasay beryahan ugu xafiirteene
**Xarumaha sucuudiga ee hablaha xaaqin lagu eego
**Oo yaa ximaareey carabi ugu xaraabayso
**Iyo xuduuda canada ee kufrigu kaga xamaalaayo
**Xusul duub kuwaa ugu jiroow waad xaqiran teene
**Xaydaanki sharaftaa ka maqan xuyasha diiniiye
**Afartaa xawaariyo kadliyo xwligii faras dhe
**Afar kalena xeeshiyo runtiyo xarafyadaydii dhe
**Xamdiyaan u baaqiyo xubinta dooday dhe
**Xamdiyeey waxaan kuu hayaa laga xiiqaane
**Xuduudaha adigaan ka bixin xeerka gurigeena
**Xaashi lagu socdaaliyo adigaan ka biqin yaa ku xidhi doona?
**Xeerka gaalo adigaan u jabin xagasho ceebeeda
**Xaasudal tar xeeliyo xabsiga carabi kuu xaadhin
**Xaysimiyo waxaan kuu hayer dhulkii xaanida ahaaye
**Xudun iyo taleex Baan.ku geyn xarun daraawiishe
**Dhoodi baad xawaaraha dalxiis xaawigaa socone
**Xerta soo dhoweyntaaa ku oran noo xikaab noqo e
**Xiito geeloo dhashoo nugaal xamash ka daaqaysa
**Xigta iyo xaftaan kaaga habi sidii xuurka aan dhalaye
**Halkaasan aroos Kaaga xidhi xiisa loo wacane
**Xagidii ciyaraha bulshadu waa xarbiyayaane
Xamar iyo baroorbaan fardaha Kaaga soo xuliye
**Gelbis lagu xasuustaaan maalin taa kuu xudumayaaye
**Xamdiyeey todoba baxa xaami baad geliye
**Xidhka soolka waad mari ximan galool weyne
Xadeed baan ku geyn meel xarfo lahayde
**Ceeribaana kuu xigi anoo Xiiso kuu qaba e
**Xifta dayrta baad caano bixi xaaxi karamaane
**Xubi aan dhamaaniyo janaan kuu xikaayadiye
**Xamdiyeey isoo raac kuwani Xiiso ma hayaane
No comments:
Post a Comment