Aqoonta Xiddigiska Ee Soomaalida: Godan 6aad ( Aggaalli Cad)
Ibo-Fur Qormada
- Faaliye sidaan ahay adduun, waan ku foognahaye
- Faynuus iyo ilays baan sitaa, dibada fiirshaaye
- Fiidkii maseexdee intaa waan, fekerayaaye
- Falagga iyo xidigahan qoraa, fasalka jiilaale
- Farsamada ilaah baan intaa, saw fajacayaaye
- Fahan buu aduun kaa rabaa, lagaga faaiidye
- Farshaxamada cirkiyo dhulkaan, fiiriyaa abide
- Fasaaxaadka samadaan arkaa, shay ka fara dheere
- Fadaagiyo cirjiidhaha intaa waan, la faqayaaye
- Intaan aaamus faydnahay malaha, waad fatahaysaane
- Anse farax ma dooonee wax baan, faaqidaa weliye
- Fasax iyo diraasaba intaa waan, la fooraraye
- Fariimaha ilaahay qoraan, faais ku ahaye
- Fasiraaada aan sheegayaa, maaha shay fudud!...(Hal-abuur Muxame Cabdicasiis Bootaan)
Soomaalida oo ah bulsho aad u fac weyn ayaa waxay yihiin bulsho Eebe ku galaday cilmiga xiddigis-aqooneedka. Soomaalida siiba kuwa ku dhaqan miyiga ayaa waxay yihiin kuwo aad u kala yaqaana xiddigaha. Bulshadan miyiga ku dhaqan ayaa ah kuwo reer-guuraya oo geedi socodka waayuhu ku jirabay waxyaalo badan inay ka fakaraan. Waayuhu wuxuu reerguuraaga ku ijbaaray inay si guro-fog ugu fiirsadaan una maamiyaan say noloshooda saamayn ugu leeyihiin waxa kastoo guudkooda iyo guntoodaba Eebe ku abuuray. Soomaalida reer guuraaga ahi si ay nolosha waayaheeda ula hardamaan waxay adeegsan jireen xiddigaha inay ka sahmiyaan, kana dabqaataan kalguurka iyo guurguurkooda, si ay uga odorosaan timaadada suu xaal noqon doono.
Golnuugsiga Qormada
Cilmigan xiddigisku waa hooyada scienceka, waxaana uu u baahan yahay in si dhaba loogu cafaaragsado sidii loo uruurin lahaa aqoonta baahsan ay soomaalida reer-guuraaga ahi ka hayso. Aqoonta xiddigisku waa mid kakan, haseyeeshe waxay u baahantahay guluf badan oo loo galo. Sideedana Aqoontu hardan iyo halgan laxaad leh bay u baahan tahay si uu u kasbado ruuxa goobaya. Gabyaa aan gabayadii jeclahay oo ka midda halabuurada sebenka bulshada u maansooda ayaa mar uu bulshada ku baraarujinayey inay waxbartaan ayuu yiri:
♤ Oday sii gaboobiyo dhalaan, ababintii jooga
♤ Arbiciin kolkii aad tahay, amase eytiinka
♤ Da' kastay ahaataba cilmiga, waa la ururshaaye
♤ Udgoonow rasuulkiyo siday, diintu odhanayso
♤ Iglan iyo ila shiinaha, laga ilbaadshaaye
♤ Orod iyo guclaa lagu helaa, lagu adkaystaaye
♤ Waa la ijtihaadaa hurdada, kuugu iman waaye(Hal-abuur Cadceed Caddeysey)
Waxaan guyaal badan isku dayey inaan barto cilmigan xiddigiska siiba midka ku duugan dhaqan soomaaliga, idimka Eebe markaan ka bartay waxaan saa u sii buurnayn oo iniqa yara, ayaa waxaa igu abuurmay hamiyo dareen xoogan, kuwaas oo naftayda galiyey inaan jaclaado barashada cilmigan. Waxse dhab iigu sii liqaaray inaan ka hadhi waayo oo aan ku jirabbanaado sidaan dharaarba ayaanta ka dambaysa u sii kororsan lahaa, waxay ahayd markaan dugsiga sare ee Muuse Yuusuf ka qalin jabiyey ee aan isla dugsigaas ka noqday barre ka dhiga maaddada Physicska. Wax badan oo aan odayaal reer guuraaya ka gurubsaday iyo aqoonyahano aanu isku degel joognay, aqoontaan ka kasday waxay keentay in aan u sii talaabo afafkii kale waxay ka qoreen inaan dhugto bal si aan wax uga sii ogaado, taasina waxay dhashay in aan ku cargeegtamo inaan iswaafajiyo aqoontan afkayga ku qoran iyo ta afafka kale ku qoran siiba ingiliishku wuxuu ka sugay. Dadaalaa xaaji cabaas waa gaadhaaye, waxaan la dabandeebaba kolba aan la dhafaroba waxaa ii suurta gashay in iriddo badan ay ii furmaan. Waxaan ogaaday aqoonta xiddigiska ee soomaalidu wax badan ka taqaano, soomaalidu inay kaga horaysay wax badana ay ka ogaal rooneyd dadyowga kale intay ka yaqaaneen, waa xiliyadii casrul jaahiliga ahaa e.
Waxaa la yaab leh Soomaalida reer-guuraaga oo ah dad aan haysan agab horumarsan oo loo adeegsado in cimilada lagu sahmayo ama in wax lagaga ogaado isbedelka ku dhaca meerayasha iyo xiddigaha guudkeedna sare meeraya siday saameyn ugu yeelan karaan nolosha ka jirta meerahakan aynu ku noolnahaay, ayey haddana waxay yihiin dad aad u kala yaqaana oo kalguurka xiddigaha ku dhacay ka sahmiya isbedelkoodu saamaynt uu ku yeelan karoo cimilada meerahay ku nool yihiin ee dhulka(Earth).
Aqoonta ay reer-guuraga Soomaaliyeed u leeyihiin xiddigaha waa mid aan qornayn balse waxay aqoontaasi ku qoran tahay
1- Maskaxaha Xidaarada ku dhaqan miyiga iyo
2- Af soomaaliga sii afka qaybtiisa ah hawraartanka.
Qaryaannada idimka Eebe waayuhu baray aqoonta xiddigiska maalinba maalinta ka dambaysa sebenkan, waa kuwo sii yaraanaya oo godgalaya. Bal xaga Afka marka la yiraaho waxaa in badan oo aqoontan ka mida laga helaya afka soomaaliga siiba qaybtiisa hawraartanka, hadday tahay soobaanta ama suugaanta, sida sheekooyin dhaqameedka, halxiraalayaasha, maansada iwm.
Inkastoo afka soomaaliga iyo haday tahay xidaaro ku dhex nool laga heli karayo aqoontan xiddigiska, waxaa dhib iyo jirab badan laga kulmayaa in loo roggo afafka shisheeye si bal la isu barbar dhigo aqoonta xiddigiska soomaalidu leedahay iyo ta ay dadyowga kale kasbadeen. Waxaa isweydiin mudan maxaa dheef ku jirta in aqoonta soomaali xiddigiska lagu tibaaxo afafka shisheeye sida Carabiga ama Englishka? Waa weydiin mudan in laysku jalbeebo, Aan kuu sheegee aqoontan ay hayaan dadkeenan reer-guuraga ah marka loo roggo afka Englishka iyadoo lala kaashanayo dadyow yaqaana cilmigan oi soomaali ah, waxaa suurta galaya :
1- Aqoonta xiddigiska ee la jaanqaaday casriga ee horumartay ee wax badana laga ogaaday, ee ku qoran afafka shisheeye in ay jiilalka dembe ee soomaaliyeed afkooda loogu tebiyo, waxna ku bartaan.
2- Aqoonta Xiddigiska oo ah hooyada Aqoonta Scienceka, waxaa hubaala haddii labada af laysku turjumo in ay dadkeenu ku baranayaan ta inglishka afkooda hooyo waa af soomaalige, taasoo keenaysa inay si guro-fog ufahmaan cilmiga scienceka.
Waa marag-ma-doonto inay dhib badan ay kala kulmayaan maddina ay ku noqonayaan cidda u harareenta aqoonta xiddigiska ee faraha badan ee ay soomaalidu hayso inay cilmigeeda u rogaan kuna seemmaan afafka shisheeye.
waxba yaan ararta qormada ku sii taraarixine Idimka Eebe waxaan qormadan ku soo qaadan doona oo aan intii itaalkayga ah idiinku soo gudbin doonaa aqoonta xiddigiska ee soomaalidu waxay ka tiri una taqaan xiddigta afka ingiriiska lagu yiraaho(sirius) carabigana lagu yiraaho(shi'ciraa). Waxaan ugu hogbaday inaan xiddigtan si gaara inaan cilmi baadhis ugu sameeyo bulshadayda soomaaliyeedna ugu faa'iideeyo waxay ahayd su'aal uu soo dhex dhigay Abwaan Cali Illeeye degel la yiraaho Madasha Af-Soomaaliga oo ah gole ku yaal facebookga kaas ah mid kulmiya buuniyo af soomaaliga iyo dhaqanka iyo cilmiyo kaleba in badan Eebe ka garansiiyey. Weydiintu Abwaan Cali Illeeye ku soo shabaaxay gollaha waxay u dhignayd sidatan "Raggii Cilmiga falaga iyo xidigiska yaqaanay meeyay?
Xidigtan caanka ah maxaa ay soomaalidu u taqaanay talow
Sirius Star.....? Su'aashani waxay ahayd mid kakan oo cilmi baadhis u baahatay, anse wixii karaankay ah balaan ku jalbeebo iyadoon si waafiya aann u manqaxay Abwaan Cali Illeeye iyo dhammaan bulshada soomaaliyeed intii ka agafaarsan. Ka bogasho wacan.
Waa Tuma Xiddigta Sirius(Aggaali Caannood)
Aggaali-cad(Sirius) waa xiddigta ugu iftiinka weyn xiddigaha habeenkii dusheena ka bilig-biligleeya ee iyagoo koox-kooxo ah hadba dhan u kala gooshaya cirka. Xiddigtani waa mid iftiin kaaheed keedu uu yahay midka ugu kaahid badan inta xiddigo eebe dusheena sudhay. Xagga araga waxaa laxaad muuqeeda dhammaystirani lagu qiyaasaa inuu yahay −1.46, waxayna laban laab xaga kaaha iftiinka ay ka weyn tahay xiddigta la yiraaho Xoor-rey(Canopus), xiddigtanina waa midda xaga kaahfal cadaannaanta ku soo xiddigta Aggaali-cad(Sirius).
Inkastoo xiddigtani tahay mid iftiinkeedu aad u badan yahay, haddana maaha mid ka nuur badan sida Dayaxa, ama Cirjiidha (Jupiter), sidoo kale meerayaasha kala ah Mercury(Dusaa) iyo Mars(Faraare/Mariikh) waa kuwo ka iftiin badan xiddigta aggaali-caannood.
Magaca ugu caansan ee si guud loogu yaqiinsaday ee loo asteeyey in loogu yeero xiddigtan, wuxuu ka yimi erey Laatin oo la yiraaho Sīrius, wuxuuna ka soo foofay Greekgii hore, kaasoo afka giriiga loo qoro sidatan "Σείριος". Haddii ereygan lagu tibaaxo afka ingiriiska wuxuu macnihiisu noqonaya ( "glowing" or "scorcher"), af soomaalina macnahoodu yahay:
- Glowing: . Iftiinal ama nuur.
- Waa casaad ama gaduudad.
- Midab diiran ama furan.
Scorcher:
- Maalin aad u kulul
- Tuuro xooga siiba kubbada
Inkastoo Greekgii hore ereygan laftiisa ay ka soo qaateen meel kale oo waayo hore la adeegsan jiray, halka qoraal kale tibaaxayo in ereygani ka yimi lana xiriiro masaaridu sanam ay illaahay u caabudi jireen oo ay ula baxeen Osiris.
Dhanka dhaqamada kale ee dunida, Waxaa jira dhaqmo kala duwan oo badan kuwaas sooyaalkoodu si gaara u tibaaxayo door-roonaanta ay u leedahay xiddigta la yiraaho Sirius, gaar ahaanna inay la xiriirto caabudid iyo waxyaalo kale sida eyaha ay dhaqdaan.
Xiddigtan la yiraaho Aggaalli Caannood(sirius) waxa ay inta badan lagu magacdhaba oo loogu yeeraa "Xiddig ey". Maadaama ay xiddigtani tahay midda ugu iftiin butaac badan bahda malluugeedka la yiraaho Goosha Haaweyda (Canis Major), ayaa iyada si gaara waxaa loogu magacdhabaa Eygii-Weynaa "Great Dog" ee malluugga.
Waxay xiddigtani si aan mutulin lahayn ugu muuqan jirtay sida xiddiga la yiraaho Aggaali-cas ama loogu yeero Ey-Nin-la-gigay (Orion's dog).
Aqoonta Xiddigiska Soomaaliyeed Maxay Ka Tiri Xiddigta Aggaalli-Cad
""Dul-baxreen wuxuu yiri
""Xiddigaha dushaada iyo
""Kala baro dabaylaha
""Yaan dariiqu ka lumine!!(Abwaan Singub)...
Soomaalida oo ah dad aqoon waafiya u leh aqoonta xiddigiska(astronomy), ayaa waxay intooda karaankooda ah ka tilmaameen xiddigta afka shisheeye loogu yeero(Sirius).
Aan idiinku jalbeebe, 28ka god ee dayaxu maro ayey xiddigtan la yiraaho(Sirius) waxay dhacdaa godka lixaad. Waxaa xiddigtan soomaalidu u taqaana uguna yeerta dhawr magac kuwaas oo kala ah,
- 1- Aggaalli-cad
- 2- Aggaalli-caannood
- 3- Aggaalli-guduud iyo
- 4- Saca-ka-dambeedyo
Sidda ka muuqata magacyada soomaalidu u taqaanay, waxayna ka aragnaa magacyo iyo tilmaamooyin is huwan kuwaas oo kala ah midabyo sida, Guduud(Red), Cad(White) iyo Caanno(Milk) oo ah midab cad (White), iyo magac tilmaan sheegaya ah koox sida saco-ka-dambeedyo. Xaga middabyada soomaalidu u taqaanay xiddigtaas inay dhab yihiin waxaa ka marag kacaya aqoonyahanada adduunka ee kala takan ee si xeeldheer u yaqaana aqoonta xiddigiska. Bal aan soo qaato tusaale marag-fur irmaan ah;
Muddo laga joogay 150 gu AD, ayaa xidaar reer Greek ah oo noola waayihii Romankii Claudius Ptolemy wuxuu mar ku tibaaxay in xiddigtan Sirius midabkeedu yahay mid guduud-balayax balayax ah, sidoo kale wuxuu kale oo sheegay in midabkaas iyo mid huruud-sibaaqeedka ay leeyihiin shan xiddigood oo kale, kuwaas oo kala ah Aggaalli-waranley(Betelgeuse), Lib-cas(Antares), Aldebaran(Galgaal/cadaad), Dirir(Arcturus) iyo Foocaar(Pollux). Dhankan midabyada ee ah noocyadan isu dhaw, waxay ka marag kacayaan, magacyada soomaalidu u taqaanay xiddigahaas inay is waafaqayaan, oo aanayn is burinaynin, taasina waxay heego u maraysaa inay soomaalidu ahayd dad ilbax ah oo aqoonta xiddigiska aqoon badan Eebe ka baray.
Soomaalidu Xaga Ka Mooraynteeda Maxay Ka Sheegeen?
Soomaalidu say aamisanaayeen habeenka dayaxu godanka lixaad mirayo, waxay odhan jireen, "qoska habeenka aggaalli-caannod dayaxu la maddaaxayo, waxaa uu noqonayaa mid ayaan badan oo barwaaqooba, wiilka dhasha wuxuu noqon doonnaa mid maalqabeena oo geel badan yeesha, xooluhuna way u tarmaan oo hoodhka saboolnimadu marna isma arkaan.
Xagga ka mooraynta burjiga xiddigtan Aggaalli-caannood(Sirius) waa xiddigga saddexaad ee Habar Naaf, waana labo xiddigood oo cadcad oo kuwa la
Ammaano ka mid ah. Qofka dhasha naaska hooyadii laguma anqariyo ee caanaha geela ayaa lagu anqariyaa. Xilliga xiddiggu soo baxo waa marka sumalka edegga laga soo saaro. Caadooyin badan baa xiddigan loo adeegsadaa. Waakii oday hore lahaa : “billoo ugubkuba, Afagaalliyo, Agaalli orgoo, oo Isniin curay”. Wuxuu soo baxaa hillaada miilaadigu markay tahay 22/06 ilaa 4/07.
Saamayn Ma Ku Yeeshaan Xiddigaha Kale Xiddigtan Guulguulkeeda
Haa, waa ku yeeshaan, say yiraahaan qolyaha ku xeel dheer ka mooraynta kalguurka iyo isu guulguulka xiddigaha waxaa dhacda mararka qaar rajaddii laga filanayey inay qaarto oo ay isu rogto dhanka madhanta ah. Tusaale suugaanna haddaan soo qaato waxaa in roon wax inooga bidhaaminaya tusaalahakan irmaan.
Tix halxiraale ah oo la magac baxday Culuum oo uu tiriyey Hal-abuur Ismacil Cali Boobe ayaa waxaa ku jiray su'aal ku saabsan ka mooraynta xiddigaha markay guulguulaan. Waxaa tixdaas heego umaray oo furay labo halabuur. Anigoon hadaba soo wada qaadanayn waxaa ila foolaadsan in aan ka soo qaato dhawr meeris oo mid ka midda ka hadalayo cidhiidhi galka burjiga aggaali cadda, waxayna meerisyadani ku jireen tix la magac baxday Cooshash Faaruqa oo uu tiriyey Xidaar Abwaan Xasan Bulxan. Wuxuuna yiri:-
★Naaf madoobe marku cayn jaroo, Dirirki caal waayay
★Jid dhiriqlana cillaalmoo arlada, Cayshki ka idlaaday
★Agaalli-cad inay curato waa, Loo calaamadaye
★Afqayskii codkiisiyo fahmada, Lala cajiibaayey
★Inuu xoorku cayrsado waqtigaa, Caawiyoo sidaye
★Cayn warreega falaggii ku dhacay, Caabuqiyo yaabka
★Aakhir sabanka caadidiisi iyo, Waa ciriiriga-e
★Caqli taliya waagii la helo waa, Cawiyo khayre..!!
"Alle waa rabiga xidigta Shicraa( ( وَأَنَّهُ هُوَ رَبُّ الشِّعْرَى ) )
Xaga diinta islaamka xiddigtani waxay ku taala aayadda 49 ee suurada Najm(xidig). Xaga tibaaxida sababta aayaddan loogu xusay, saan ka soo xigtay tafsiirka quraanka Shiikh. Dirir wuxuu ku tibaaxay
In ay Xiddigtani ka mid ahayd mid carabtii hore ay caabudi jireen. Sida sooyaalka diinta Islaamka ku sugan, waxaa la yiri in qolada la odhan jiray reer khudaaca ay caabudi jirtay xiddigistaa la yiraaho Aggaali cad(shicra). Qoladatan reer khudaaca inay xiddigtan(Aggaali Caanood) caabudaan waxaa u sabab ahaa oo u aassaasay nin la odhan jiray Ibnu Abii Sarsar. Siddaa darteed markii Nebigeeni Suubannaa ee Muxamed(NNKH) diin cusub u la yimi, ayey carabtii Nebi Muxamed(NNKH) u bixiyeen uguna yeereen Ibnu Abii -Sarsar. Carabi inay Nebigeeni suubannaa(NNKH) ugu yeeraan amaba ku naanaysaan magacaas uu lahaa ninka la yiraaho Ibnu Abii Sarsar waxay uga gol lahaayeen in Nebi Muxamed(NNKH) uu u la yimi una keenay diin cusub sidii ninkii xiddig caabudka ahaa ee Ibnu Sarsar.
Tixraaca
1- Flammarion, Camille (August 1877). "The Companion of Sirius". The Astronomical Register 15 (176): 186–189.
2- Muuse. Galaal(July 1970). "Stars, Seasons, Weather In Somali Postoral Traditions. Mugdisho. Somalia
3- Benest, D.; Duvent, J. L.; Duvent (July 1995). "Is Sirius a triple star?". Astronomy and Astrophysics 299: 621–628.
4- Bonnet-Bidaud, J. M.; Pantin, E. (October 2008). "ADONIS high contrast infrared imaging of Sirius-B".
5- McCluskey, S. C. (January 1987). "The colour of Sirius in the sixth century". Nature 318 (325): 87.
6- Shiikh. Dirir. "Tafsiirka Quraanka". Hargeysa. Somalia
7- Maanmaal Buureed Gurxan(2014). "Hal-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman, Hal-xiraalaha Suugaanta". Kampala. Uganda http://maskaxmaal.com/hal-abuurkii-soomaaliyeed-weli-ma-dhiman-qormadii-5aad-hal-xiraalaha-suugaanta-wq-hal-abuur-maanmaal-buureed-gurxan/
Xubin Kamida Naadiga Qalinmaal
Copright by: Maanmaal Buureed Gurxan And ww.Maskaxmaal.com