Monday, 8 April 2013

Gabay( Astaamaha Gabdhaha Haboon Ee Guurka Loo Xusho)


Gabaygan waxa tirshay Axmed Maxammed Cabdalle, wuxuu ku laqimayaa astaamaha gabadha habboon ee guur loola hollan karo, dhana waa amaan ku aadan gabdhaha soomaaliyeed , wuxuu yidhi:
  • Dumarku waxay ku roon yihiin inay damac lahaadaane
  • Waa inaanay da’weynayn middaad guur u dayataaye
  • Dabci waa inay leedahoo waana dabartaaye
  • Waa inay dulqaad badan tahoo daacad kuu tahaye
  • Deriskeeda waa inay xaqdhawr ugu dedaashaaye
  • Doorkaad wax fari waa inaan lagu dadduucayne
  • Waa inaanay ehelka u darrayn duul xigaala ahe
  • Waa inaanay ubadkana dayicin dhab u daryeeshaaye
  • Waa inaanay kaa dudin markaad yare is diiddaane
  • Waa inaanay xidid kaa dacweyn doodna kuu qabine
  • Waa inaanay kaa digin markaad duullimaad tahaye
  • Waa inaanay debed meerinoo kaa dan badisaaye
  • Waa inaanay dibindaabyo iyo duudmarka aqoone
  • Waa inay dareen lexejecliyo doojin leedahaye
  • Waa inay diyaafadin xarrago dookh u leedahaye
  • Waa inay darmaan gaariyoo daran ahaataaye
  • Duhur iyo habeen waa inay kuu diyaar tahaye
  • Waa inay gacalo diirranoo debecsanaataaye
  • Waa inay sidii daawad geel kugu dul reentaaye
  • Waa inay ku deeqsiin kartaa waxadan doonayne
  • Waa inay doc haasaawin iyo duluc lahaataaye
  • Aqalkay dugsido waa inuun lagu dangiigaaye
  • Waa inuu ku daaraa udgoon deyrka ka horowe’
  • Derinteeda waa inaad tebtaa sida dalxiiskiiye
  • Dar ilaahay waa inaad qalbiga uga ducaysaaye.
  •  

Hawsha Gorfeeyayaasha Maansada


Hordhac
Qofka maanso curinaya waxa uu adeegsanayaa af iyo ereyadiis; waxa uuna dhambaalkiisa u dawinayaa cid Allaala ciddii uu u garto inay maansadiisu khusayso. Marka, waa muhiim inuu qofkani adeegsado ereyo iyo balaaqo ku habboon hadafka maansadiisa. Haddii ay maansadiisu ku socoto mujtamac iyo dad, waxa uu qofkani maansadiisa gundhig uga dhigayaa dhambaal khuseeya mujtamacan iyo dadkan. Haddii uu isaga iskii isugu la hadlayona, waxa uu qofkani ku dadaalayaa in isaga culays saaran uu iska rido—culayskanina marka dambe waxa uuba isu baddalaa suugaan ay jiilalka dambe ku hawltoobaan (matalan: Raage Ugaas gabaygiisa “Sida Koorta Yucub” oo noqday gabay daraasado badan lagu sameeyo, oo lagu hawltoobo). Marka qofkani waa in uu ogyahay, oo uu la socdaa, dhageystayaashiisa; waana inuu isticmaalo luqo ku habboon dhageystayaashiisa.
Marka aan ka faalloonayno gabayo qarniyo ka hor la tiriyey waxa cad in aynu ku hawltoobayno sidii aan u fahmi lahayn meerisyo ay ku taxan yihiin ereyo aynaan qaarkoodba fahmi karin. Waxaan kaloo ku hawltoobaynaa inaan dhadhansano macaanka iyo farshaxanka ku duugan meerisyadan. Waana tan dambe ta’ ugu hawsha badan, ee hor taalla gorfeeyayaasha maansada, ee aan rabo inaan wax yar ka bidhaamiyo, maanta.
Hawsha Gorfeeyayaasha Maansada
Qofka maanso curinaya waa qof ku dadaalay inuu xurfado laba gal: 1) Gal Ereyo ah iyo 2) Gal Xigmad ah. Maansada Soomaaliyeed waxa tayo sare u yeela habka loo dareeriyo, oo ku dhisan miisaan, iyo habka loo qaybo, oo ku dhisan tibixqaarraan (xarafraaca amma qaafiyadaynta). Labadan hab oo la isku dhafay waxa ay suuragaliyaan ciriirrinimo iyo daryeelid (ay daryeelaan maansada lafteeda). Waxa ayna maansoyahanka ku khasbaan inuu kolka horeba soo yeesho labadaa gal ee kore: Waa inuu ereyo badan gurubsadaa, habka uu ereyadan u taxayona uu ahaadaa mid xigmad iyo murti ku dhisan—isla markaasna uu waafajiyaa wadiiqooyinka maansada mid kamid ah (sida: Gabayga, geeraarka, jiiftada, iwm).
Marka uu qaato maansoyahanku inuu gabyo, waxa u furan hal wadiiqo oo maanso ah: Gabay. Balse, inta uusan go’aankan gaadhin, waa inuu la soo baxaa mawduuca maansadiisa. Intaa wixii ka gadaaleeyana waa isaga oo bilaaba maansada, hadafkii uu ka lahaana sida ugu gaaban ku gaadha! Ka dibna dadweynaha ay maansadaasu gaadho ayaa wadwadi, oo kolba si uga faa-faalloon. Inta wax gorfayn og se, waxa ay ku dadaali sidii ay maansadaa maansoyahanka u qali lahaayeen, oo ay u faaqidi lahaayeen.
Badanaana, waxa ay gorfeeyayaashanu ku hawltoobaan ka faalloonta farshaxanka uu maansoyahanku maansadiisa ku bilay. Waxa ayna gorfeeyayaashu qiimeeyaan sida uu maansoyahanku ereyada afkiisa wax ugu sawiro; sida uu maansoyahanku u adeegsado ereyada ku habboon mawduuca maansadiisa; sida uu maansoyahanku xeeldheerida afkiisa u muujjo, oo uu geedaha iyo haadda dalkiisa ugu maahmaaho; sida uu maahmaahaha jira ugu xardho meerisyo kooban oo maansadiisa kamid ah; sida uu u soo koobo, una gaadho hadafka guud (dabuubta) ee maansadiisa. Haddii ruux aan wax gorfeyn karini faraha la galo hawshaas adag ee gorfeeyayaasha, waxa dhasha maroor iyo awr-lis uu ku kaco ruuxani!
Gorfeeyayaashu maanso kasta isku si uma gorfeeyaan, oo maansooyinka qaar ayey aad ugu dheeraadaan. Waxayna ogyihiin in maansooyinka uu xitaa hal maansoyahan tiriyey ay kala duwanyihiin, kalana xog badanyihiin. Waxayna maanso u xushaan kolba farshaxanka lagu dhisay amma waayaha iyo ahmiyadda  ay xambaarsantahay; iyo haddii ay cilmi cusub ka beeri karaan maansadan. Tan dambe annagoo eegayna, aan dhuganno sida ay maansoyahannadu u gacan qabtaan gorfeeyayaasha, oo aan tusaale ahaan u soo qaadanno Gabyaa Dhoodaan arartiisan:
Kolba gabaygu meeshuu xuliyo, maansa xubinteeda
Markaan helo xusuus muuqateen, xaraf ku miisaamo
Xariiqdiisi waa inan marshoon, xididki raacaaye
Maantana xagguu jirayey baan, kaaga xaadiriye   [Si baan meeriskan u saxay!]
Affartaas meeris waxa uu Gabyaagu ku caddeeyay hannaanka uu u curiyo maansooyinkiisa. Waxa uu Gabyaagu caddeeday inuu go’aansado inuu gabyo; inuu ku xijiyo helista tibixda (xarafka) uu gabaygiisa ku qaafiyadaynayo; inuu dhannaba u liicin (oo uu iska dhawro deelqaafka) oo uu maansadiisa kiciyo, wadiiqadii gabayga ahaydna ku dareeriyo; iyo inuu mawduuceedii abbaaro. Intaa ka dib waxa uu u soo dhaadhacay sheegista (si daalacan) hadafka maansadiisa:
Anoon xerada Soomaaliyeed, xumo ku sheegaynin
Xog ogaal dabciga waa inaan, ku xabbad qaadaaye
[Gorfeeyayaasha ayaana qiimayn kara, marka ay gabaygan gorfeeyaan dulucdiisa, inuu Gabyaa Dhoodaan hadafkiisan gaadhay iyo haddii kale.]
Gabyaa Dhoodaan gabayadiisa oo idil kuma bilaabo sida uu gabaygan (“Xulub Socod”) ku bilaabay. Balse waxa uu gabaygan ku xusay hannaanka uu u curiyo gabayadiisa. Waxa uuna gorfeeyayaasha siiyay aqoon ay tahay inay ka baaraandagaan, oo isweydiimo ka keenaan: Horta, maxaa keena inuu gabyaagu gabyo? Maxaase ku dhaliya inuu gabyaagu tibix ka doorto 22ka tibxood ee maansada lagu qaafiyadeeyo? [Tibxaha shaqallada ah ee A ,E, I, O, U, waxa ay qaafiyad ahaan noqdaan tibix qudha oo Alif ah. Tusaale, waakii Gabyaa Calidhuux uu yidhi:Ilmaadeerradaa iyo ku nece, ururki reer Khayre.] U jawaab raadinta su’aalahanna waxa ay gorfeeyayaashu ka beeri karaan aqoon furfuris u baahneyd—in kasta oo ay jiraan gabyaayo caddeystey sababaha ku dhaliya inay gabyaan, oo sidaaba ku maansooday.
Marka ay gorfeeyayaashu dhugtaan xeeldheerida isku-dhafka ereyada ee maansoyahanka waxa ay garwaaqsadaan inuu maansoyahankaasu leeyahay hibo halabuurnimo oo farshaxankeedu sarreeyo. Marka ay la kulmaan maanso meerisyadeedu soo koobeen mawduuc ereyo badan lagu qaadaadhigi karo—amma ay meerisyadani si fudud oo gaaban u sunkeen maahmaahyo hore—waa ay ammakaagaan. Ammakaag kale waa marka ay la kulmaan sida uu maansoyahanku ugu macallinka yahay adeegsiga “higillada waxsheegga” (oo kala ah: Ekeeyeha, Shareereha, Sarbeebta, Qofeynta, iwm) (Cabdi, 2008). Ammakaag kalena waa marka ay la kulmaan maansoyahan ogaan naxwaha afka u jabinaya, oo ay meerisyada maansadiisu ka tan bateen u hoggaansamida naxwaha afka. Kolka, waxay gorfeeyayaashu jecelyihiin inay si cilmiyeysan u ogaadaan waxa u sahlaya inuu maansoyahankanu sidan quruxda badan wax isugu qoofalo.
Gorfeeyayaashu cilmi fog iyo mid sokeba waxa ay u leeyihiin rogroggida maansooyinka hor yaalla. Waxa ayna rogrogiddan ka soo saaraan koloyo cilmi ah, oo uu agab ay maansooyinka ku saaftaan uga buuxo. Waxa ay gorfeeyayaashu ku dadaalaan helista ereyo qeexan oo ku habboon inay u matalaan meelaha ay u rabaan. Waxayna ka digtoonyihiin dayac iyo adayg ay u gaystaan gorfayntooda. Marna waxa ay gorfeeyayaashu dusha kaga keenaan gorfeyntooda sooyiilka (isha taariikhda), oo ay isku dayaan in ay sidaasna gorfeyntooda ku naaxiyaan. Soo wada duudduuboo, gorfeeyayaashu waa dar asluub leh, oo aan godob ka gelin gorfeyntooda—waana dar aysan sheegato ku milmi karin!
Agab qudha oo ay gorfeeyayaashu dhugtaan haddaan ka faalloonno, aynu tusaale ahaan u soo qaadanno waxa afka Ingiriiska lagu yidhaa “Allusion” (oo aynu si ku meel gaar ah dhig ugu yeelayno ah: “Hummaagyeyn”). Hummaagyeyntu waa agab uu maansoyahanku adeegsado, gorfeeyayaashuna u ogyihiin, oo uu ku muujiyo aqoontiisa uu u leeyahay deegaankiisa iyo suugaanta dadkiisa. Hummaagyeyntu waa xusid laga yeesho degaan amma murti hore. Tusaale fiicanna waxa aan ka dhigan karnaa gabayga “Sida Koorta Yucub” ee uu tiriyey (Allaha u Naxariistee) Raage Ugaas Warfaa.
Waxa uu Raage Ugaas gabaygan inoogu sheegayaa sida uu u murugaysanyahay, oo uu habeen oo dhan u jeleledayo. Waxa uu rabaa inuu codka kololo’iisa iyo cod kasta oo daranba uu xiriir weyn ka dhexaysiiyo. Waxa uuna kolkaas adeegsanayaa agabka Ekeeyaha, oo isku kaba laba arrimood oo kala geddisan (iyadoo la isticmaalayo ereyga “Sida”). Halkaas ayuuna Raage ka dhaadhacayaa illaa uu hadafkiisa ka gaadhayo, oo ah:Xalay kololo’aygii ma ledin, kaamil Reeruhuye! Aan inoo kala baxo annaga iyo Raage hummaagyeyntiisan:
Sida koorta Yucub oo la sudhay, korommo buubaal ah
Ama geel ka reeboo nirgaha, laga kaxaynaayo
Ama beelo keynaan ahoo, kor u hayaamaaya
Ama ceel karkaarrada jebshiyo, webi karaar dhaafay
Ama habar kurkii iyo wadnaa, lagaga kaw siiyay
Ama kaal danley qaybsatiyo, kur iyo dhaal yaabis
Shinni kaaluf galay ama siddii, koronkoroo oomi
Xalay kololo’aygii ma ledin, kaamil Reeruhuye
Markaan gorfeyno meerisyadaas kore ee gabayga ah, waxa inoo soo baxaya xeeldheerida Raage Ugaas u lahaa degaankiisa iyo dadkiisa. Inta cabbirro dhawaq leh ee uu bixiyey Raage qaarkeen ma wada maqlin. Sidaas si la mid ahna, waxaana laga yaabaa isaga laftiisu (waa Raagee) inuusan dhagihiisa ku maqlin cabbirradaas, oo uu qaar sheeko (suugaan ka horreysay ah) ku helay—waxaana suurtagal ah inuu Raage gebi cabbirradan dhegihiisa ku maqlay, oo uu waayo-aragnimadaas isagu la yimid, sidan wacanna isu saarsaaray. Waana tan ta’ keenaysa inaynu nidhaa: Meerisyadaasi qaar in hoos loo sii dhugto, oo baadhis dheeraad ah loogu itaal sheegto ayey istaahilaan. Waxaana ay hawshani u furantahay gorfeeye taariikhyahan ah, oo Raage sooyiilkiisa (xittaa gabayadiisa) in badan wax ka haya. Intaa wixii ka sokeeya se, gorfeynteennu waxa ay caddayn kartaa sida xeeldheerida leh ee uu Raage u adeegsaday labada agab ee kamidka ah higillada waxsheegga ee kala ah: Ekeeyeha iyo Hummaagyeynta, oo runtii HEERSARE ah. Sababta uu Raage isu daba taxayo waxaas oo cabbir-codood ahna waxa aan u celin karnaa isaga oo murugadiisu ay xad-dhaaf ahayd, isla markaasna uu si wacan uga ciil baxayey, oo culayska isaga ridayey!
Gabagabo
Hawsha gorfeeyayaasha maansada saarani ma yara. Inay cilmi ka iftiimiyaan meelo dahsoon ayaa ah hawsha ugu weyn ee gorfeeyayaasha saaran. Ruuxa u dhabar-adeygaya inuu maanso gorfeeyo waa inuu ku dadaalaa barashada waxa hortiisa tuulan ee ay gorfeeyayaashii hore ka tegeen; lana yimaaddaa asluubta gorfeeyenimo. Gorfeeyayaashu ma aha kuwo cilmigoodu ku sargo’anyahay barashada gorfeynta, ee waa kuwo cilmigoodu uu ku sargo’anyahay afmaalnimo. Cid kalaba ha i noo dambeysee, marka aan la dhacno sida ay gabyaayadu u saafaan, amma u tafsiiraan, macnaha ku duugan gabayo hore waa in aan u qirnaa iyaga gorfeeyayaal!
Raadraac
Cabdullaahi Macalin Axmed Dhoodaan. “Xulub Socod.” <http://tiny.cc/w5pgw&gt;
Raage Ugaas Warfaa. “Sida Koorta Yucub.” <http://tiny.cc/axdat&gt;
Siciid Cabdillaahi Cabdi. “Af-Haaneedka Soomaaliga.” October 1, 2008. <http://tiny.cc/3jnw3&gt;

Jacbur: Jaamac Kediye

Gabaygan soo socda waxa uu tusaale fiican u noqonayaa maansooyinka an ku khasbanayn tibixqaarraanta amma qaafiyadaynta buuxda. Sida buraanburka oo kale, gabaygani ma laha tibix gaar ah oo ay (ereyo dooran) meerisyadiisu ku duluc-dhabanyihiin—min billow, illaa iyo dhammaad. Hasayeeshee, farqiga gabaygan iyo buraanburka u dhaxeeya ayaa wuxuu yahay in buraanburka uu leeyahay tuduc amma xirmo tuducyo ah oo meerisyada ku taxani (si joogto ah u) tibixqaarranyihiin. Tan macneheedu waa, dhammays ahaan ayeysan maansada buraanburku ugu khasbanayn yeelashada qaafiyadayn buuxda, balse gabal gabal ayey maansada buraanburku u yeelan kartaa dhawr xirmo (tuducaad) oo mid waliba qaafiyaddeeda wadata. Aan tusaalayno:


Bannanka Galgaduudyo Ceeldheerta Baaxadda le
Baladka Xamariyo Baraawoo basiin ka qabay
Bu’aaliyo reer Kismaayoo nafluhu u begay
Taniyo Baardheere iyo beelaha Afmadow
Gabeye boolgalasyo Soomaali boos walbaba
Bulshada isku duuban nabad baan u baaqayaa
Allahayow Baaqi baryadaada laguma qado
Qabiilka na baaba’aahyaa ha naga ba’aa
Dagaal wiil kuma dhashee waa ku dhimanayaa
Dhalintii waa naga dhamaatoo dhibbaa la galay
Dhaciyo boobkaanhu dhulka dhaawac buu u yahay
Hadduu waa dharabtay maydkaa dhabbaha u yaal
Qaxootiga lagu dhawaahaa dhaqaalo ma leh
Gaweetada gaalku dhiibaayo kama dhargaan
Calankayow dhicinaw isticmaar ku soo dhawaan
Dhaxalka Soomaaliyeed yayw cidlada ku dhumin
Labadan tuduc ee kore, mid ka hore waxa uu ku tibixqaarranyahay tibixda “b”; ka kalena “dh.” Sida gabayga oo kale, qaafiyadda buraanburku waxa ay meeriskiiba gashaa (ugu yaraan ) laba goor. Meeriska buraanburku, sida ka dhaantada, uma kala qaadmi karo laba qaar, oo kala ah: hojis iyo hooris—sidaas daraadeed, ma muuqaalin karno meelaha ay tahay inuu ku xasilo eray-doorka qaafiyaddu. Balse meeriska gabaygu wuu kala qaarmaa; waxayna tibixda (ugu horraysa erey-doorka) uu meeriskiiba ku qaarranyahay kala gashaa hojiska iyo hooriska. Gabay ahaan, hadday tibixdani wada degi weydo hojiska iyo hooriskaba, amma ay dhan keliya gasho, waxa dhasha deel-qaaf. Ka sii socoo, haddii tibixdani meeriska koobaad illaa ka ugu dambeeya ee gabayga aysan ku shaqlanayn, waxa dhasha deel-qaaf weyn. Isaguu xeerku sidaa yahay, gabayga qormadan, iyada oo aan tibixqaarraantu meerisyo badan ka muuqan, haddana wax deel-qaaf ah looma xambaarin karo!
Haa! Gabayga qormadan wax deel-qaaf ah laguma sheegi karo—saa waaba “jacbur” e. Ujeedada gabaygan, oo ku guntan majaajilo, ayaa keenaysa inuusan gabaygani ku khasbanaan qaafiyadayn. Tan macneheedu maaha in gabay kasta oo majaajilo kusheeya uusan yeelan karin tibixqaarraan buuxda, balse majaajilada lafteedu ayey ku jirtaa dhadhansiga deel-qaafnimada! Tan waxaan ku tusaalayn karraa, bal dhiirranadi dhextaalkan gabay-jacbureed ee Dhoodaan dhugo:
Afartaasi sidii xoolo diday, marada maw tuuray
Deel-qaafku waa ba’an yehee, timir ma duugeeyey
Xalwadda iyo baastiyo daqiiq, ma isku iidaamay
Isagoo muqbaasada miyaan, caasha kuu geliyey
Unkidda gabay-jacburku kama hawl yara (abwaanka marka loo eego) unkidda gabayga caadiga ah; balse ciriiriga ay qaafiyaddu wadato ayuun baa lumaya. Xigmadda iyo murtida gabayga jacburka ihi yeelan karo waxay ku xirantahay abwaanka curinaya iyo hadafkiisa. Hadiyo goor, waxa uu gabayga jacburka ihi ku duluc-xidhaa jacayl cayaayir ah, beeninta runta (uu kasbado Aadamuhu), silleynta sugantida iyo dhabeynta caqli-ma-galeenka!
Gabaygan jacburka ah oo uu tiriyey awbaan Jaamac Kediye Cilmi ku soo dhawaada.
  • Aniga iyo gabaygaygu waa, inanu heesnaaye
  • Waa inaanu kaman qaadannoo, shaah ku gadannaaye
  • Waa inaanu buuraha korraa, habar sideediiye
  • Waa inaanu dhalan beena iyo, faan ku dirirraaye
  • Waa inaan xumaan iyo wanaag, anigu yeeshaaye
  • Waa inaan ammaan iyo canaan, anigu yeeshaaye
  • Waa inaan sideedaba halgaad, ari ku laayaaye
  • Waa inay riyuu qayliyaan, tuug siduu xadaye
  • Oo ay islaantii jirtiyo, waxaro ooyaane
  • Oo aan cabbaar aamusoo, anigu yaabaaye
  • Sida geesi soo cararayoo, meel cidla’ ah jooga
  • Amma fulay dagaallamahayoo, cadawga laynaaya
  • Waa inan wixii ila hadlaba, laad ku kiciyaaye
  • Waa inaan basbaasiyo xildiid, shaah ku kariyaaye
  • Oo aan dhadhamiyaa inuu, qaaya leeyahaye
  • Waa inaan bakeeriga jajaban, anigu qaataaye
  • Oo aan ka buuxsado wixii, harayna reebaaye
  • Waa inay macaan labada fool, ila xanuunaane
  • Bakayliyo libaax dirirayoo, siiga kicinaaya
  • Waa inan intaan kala dhex galo, hadal u sheegaaye
  • Oo aan midkoodii gar daran, dhab ugu eexdaaye
  • Waa inaan sigaarna u shidaa, lacagna siiyaaye
  • Oo aan huruufaa midkii, xaqa ku taagnaaye
  • Waa inan ganaaxaa intaan, …
  • Waa inan maroodiga qabtaa, dhab iyo raadkeede
  • Oo aan cirkaa ula baxaa, waan ka fiicnahaye
  • Waa inaan ilkaa kala baxaa, … ka saaraaye
  • Oo aan ka rooraa illeen, wayga weyn yahaye
  • Anoo baqaya waa inan dhirtiyo, xagarka jiiraaye
  • Dib markaan usoo eego waa, inuy xasuustaaye
  • Buuhoodle waa inan tagaa, Cadan na dhaafaaye
  • Badda waan aqaanaaye waa, inan u yeeraaye
  • “Aan ku dhaafo” waa inan idhaa, ginina siiyaaye
  • Hadday diiddo waa inan cabbaa, oon ku madhiyaaye
  • Maraakiibta waa inay harraad, soconba weydaaye
  • Oo aan xammaalaa illeen, waa sidaan rabaye
  • Sarriirtayda waa inan dhigaa, gogol na siiyaaye
  • Markuu seexdo waa inan furtaa, maal wuxuu sidaye
  • Niman socoto tegay waa inay, goroyo maalaane
  • Caanaheedu waa inay noqdaan, roodhidoo kala e
  • Markay daadiyaan waa inay, gaajo qabataaye
  • Adaa qubiyo waad saydhay baa, laysku dilayaaye
  • Quraanjadu hadday tuuga tahay, lacag ma weydeene
  • Shaydaan la naaraana waa, soo kadlayn jiraye
  • Qofka furin cuna ruushka waa, ina adeerkiise
  • Bisado iyo jiir wada dhahoo, hooyo qura yeeshay
  • Walaalnimada ay sheegayaan, kuma heshiiyaane
  • In bilayska qaar loo diraa, way habboon tahaye
  • Bal maxays ku diray wiilka iyo, gabadha waa yaabe
  • Ragga timirta miismiisayee, shilinka doonaayey
  • Danyar baa la moodaa haddayn, subag u keenayne
  • Hayeeshee markay biiriyaan, ways ka tarantaaye
  • Iyadaa u khayr roon hadday, xaaska koriyaane
  • Anna ganacsi waan doonayaa inan bilaabaaye
  • Sonkortiyo bariiskii haddii, jilibka loo aastay
  • Buuhoodle mirihiisi iyo, Ceelcas shicibteeda
  • Subaggii Goldogob oo dhan, ciidh ba haraggeeda
  • Qandaraas intaa u la tagoo, qaaca ku so miiro
  • Dabadeedna caanihi xarfoo, wada gadhoodhkiiya
  • Jirkaamadiyo caagaduhu, way kharribayaane
  • Dhiilihii cullaa haddaan, haamo kaga miiso
  • Laba Maarkit oo ciirayoo, taayirrada laastay
  • Laamiga ku cayntaariyoo, fayfka qabadsiiyo
  • Garoowoy qayilayaan haddaan, orod ku weydaarto
  • Qardho odayga joogana salaan, beerti ugu geeyo
  • Debadeed hooggaanka u dhuftoo, maca-salaameeyo
  • Benderqaasin oo yaabtayoo, maqashay hoonkayga
  • Dekedda aadi maayee haddaan, sayladda u baydho
  • Sicirbararka waan necebihiyo, ribada shaydaane
  • Anigana bilaash iguma siin, nimanki reer Hawde
  • Aliiftaydu siday sheegtay iyo, taababkii Nebigu
  • Ammay noo caddeeyeen wixii, lagugu dhiib shiilo
  • Imaan darraaniyo cadaab, yaad ka naxaysaaye
  • Waa inaan riqiis kagagadaa, waajib noqon mayso
  • Isu naxa ad naxariis hesheen, saa Allaa yiriye
  • Inanyahay jacaylkaygu wuu, jiray abiidkiise
  • Adigana jacaylkaagu wuu, soo jirfanayaaye
  • Labadii jacayl waa inay, jiib isu raacaane
  • Labadii jacayl waa inay, jalalacleeyaane
  • Labadii jacayl waa inay, jarar ka boodaane
  • Labadii jacayl waa inay, waxaro jiiraane
  • Labadii jacayl waa inay, habar jugeeyaane
  • Labadii jacayl waa inay, jees burburiyaane
  • Inan geel la joogiyo gabar, jaaska baranaysa
  • Labadii jacayl waa inay, kala jeclaadaane
  • Saylac iyo Hindiya waa inay, kala jeclaadaane
  • Jabbaan iyo Giriig waa inay, kala jeclaadaane
  • Joordan iyo Lubnaan waa inay, kala jeclaadaane
  • Labadii jacayl waa inay, dib isu jiiraane
  • Jacaylkaygu debeed waa inuu, kaaga jabiyaaye
  • Jacaylkaagu waa inuu markaa, waabka jiifsado e

Mahadsanidin: VOA Soomaali, Doollo.com, Higil




Dadkaan Dhawaaqayaa: Qarshe


Waxaa May 15, 1943kii la hirgaliyey Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed (SYL, amma Leego); waxa uuna ururkani muddo gaaban gudahood ka niibkeenay tirtirista qabyaallada yuururtay magaalooyinka, waxa uuna dadka ku beeray jeclaanshaha dalkooda. Waxaa bulaalay dareen waddaniyadeed, oo suugaanta xilliyadaas la tiriyey summado waaweyn ku dhigay. Summad summadahan kamid ahi waa heesta “Dadkaan Dhawaaqayaa,” ee uu qaadi jiray (AuN) Cabdullaahi Maxamed Maxamuud Xirsi (Qarshe).
Sida uu sheegay Qarshe, intii aan idaacadda BBC Soomaali la aasaasin July 18, 1957kii ayaa waxaa laga codsaday, isaga oo markaas shaqaale ka ahaa idaacadda Raadiyow Hargeysa, in uu mashdhacfur (musical theme) u soo sameeyo idaacadda BBC Soomaali. Haddaba, miraha heesta “Dadkaan Dhawaaqayaa” ayuu ku sameeyay mashdhac lagu furo idaacadda. Kolkii la weydiiyay in uu magaca mashdhaca  sheego ayuu ku warceliyey waa “Socodkii Arraweelo,” si aan loo ogaan in uu mashdhacu hees wato, oo aan loo weydiin dulucda heesta, oo haddii uu sheegi lahaa aan mashdhaca laga oggalaadeen—waayo, dadka Soomaaliyeed ee uu dhulkoodu (dawladdoodu) ka maqan yahay ayaan la rabin in ay baraarugaan.
Muddooyinkaas, in dadka la baraarujiyo dhib ayey ahayd; haddana dhallintii SYL iyo shakhsiyaad badani ba waxa ay ku guulaysteen in ay dadka Soomaaliyeed ku dhaliyaan dareen waddaniyadeed, oo is jeclaansho ku dhisan. Haddii Soomaalida maanta is jeclaansho iyo in ay dal qudha wada yeeshaan, oo wada maamushaan, oo wada lahaadaan, oo wada ilaashadaan, oo wada difaacaan, oo wada jeclaadaan laga waayo waxa cad in, sida heestu dhigayso, eeyan u dhiidhiyahayn hanashada dalkooda, waxa ay u dhawaaqayaan na maanta uuba yahay kala jarjarista dalkooda iyo in ay nacabbo fara badan—oo leh kuwo madaxa duubta, kuwa badda sumcaddeeda halleeya iyo kuwo innagu duullaan ah—ka dhex faa’idaystaan.
Ma fogayn markii ay heestani soo baxday, oo ay ka warramaysay sawir lid ku ah sawirkan maanta aynu haysanno ee kala jarjarista dalka hooyo. Aynu wada dhuganno heestan, si aan u ogaanno in uu sawirka maanta na horyaalla yahay mid aynu ku baddalan karno kii hore ee aynu haysannay—oo ay nacasnimo tahay in aynu is jeclaanteenna iyo mid-ahaanshaheenna dawladeed diidno, shaqadii quruxda badnayd ee ay waalidiinteennii gobanimadoonku soo qabteenna intifaacsan weyno. Haddii aynu dareenkan ogsoomeed qaadanno, mustaqbalkeennu wuu toosmi, oo kun maamul oo mid waliba qabyaalad ku dhisan yahay isla markaasna diciif ah ayaynaan ku hunguroobi doonin. Haddii kale se, dhalliilaha ay heestani innagu dhufanayso ayeynu qabnaa, oo nagu yaalla: Oo ah in aynaan dhagaba u lahayn waano, oo ay waliba na hayso fulaynimo innaga hor taagan in aynu dhulkeenna u dhawaaqno, amma doonno in dawlad kaliya oo dhexeyso ah uu dhulkeennu yeesho!
Dadkaan dhawaaqayaa
dhulkooda doonayaa
hadday u dhiidhiyeen
Allaahayow u dhiib

Waxaan la dhuubnaheen
kiskayga dhaaawacaan
idiin dhamaynayaa
dhegaa ma leedihiin?

Misee dar dhoohanoon
dhagaysan waanadoo
warkaygu dhaafayoo
dhufaanan baad tihiin?

Dhurwaaga meerayaa
habeenka uu dhacuu
dhacaama jiirayaa
dhereg ayuu sitaa

Dhurdaha duulayaa
dhirtuu dalooshadaa
malabka uu dhigtuu
jilaalka dheer cunaa
Canaan-waalid waano iyo baraarujin ayuun baa ku hoos duugan; qoraalkan, badanka qoraallada Xikmadmaal iyo heestanu ba isku luuq (tone) ayey ku cabbirayaan waanada ay habboon tahay in aan wada qaadanno. Waanada ayey ka mid tahay in dadka maqalkooda la soo jeediyo (iyada oo dhalliilo jira loo marayo, sida: misee dar dhoohanoon, dhageysan waanadoo, warkaygu dhaafayoo), oo dareenkooda la kiciyo (iyada oo dhalliilo jira loo marayo, sida: dhufaanan baad tihiin).






Hooyadu Waa Lama Huraan!


Saarkii “Hooyo” ee Careys Ciise xusuus dib ugu noqo; amma halkan ka daalaco.
Waxaa jirta qasiido gaaban oo af Ingiriis ku soo baxday, curiyaheeduna yahay Yuusuf Islaam, oo hooyada ka sheekaynaysa; waa qasiido ay ubadkeennu ka baran karaan muhiimadda ay leedahay in loo riyaaqo Hooyo.
Gudbadhigista qasiidadan oo ah jiifto, iyo saarka Careys Ciise wax isaga duluc dhaw, haddana kala murti-higlaysan!
Yaa jacayl igu habboon
Abaal iyo xurmo huddoon  – [huddoon = cuddoon]
Iga helay waxmaqal runa
Hodan Alliyo Rasuul ka dib?

Waa hooyadaayoo
Waa hooyadaayoo
Waa hooyadaa iyo
Hahey Aabbahaayee!

Saa yaa ku soo habay
Hadda kuu qubeyn jiray
Kuu hullaab xirxiri jiray
Hiraabtana ku siin jiray
Hareertaada joogoo
Xanuun gooru ku hayaba
Hurdo yaa ka harayoo
Yaa kugu hagoognaa?

Hubaal ma’aha ruux kale
Aan hooyo kuu noqon!

***
Yaa helay daryeelkay
Xubbi waxan isla hayaba
Iyo laab ku hayntay
Hodan Alliyo Rasuul ka dib?

Waa hooyadaayoo
Waa hooyadaayoo
Waa hooyadaa iyo
Hahey Aabbahaayee!

Saa yaa adoon hadal
Waxad hibanni garan jiray
Tallaabana adoon helin
Yaa ku soo hag-hagi jiray
Dhulka mar ad ku hamash tiri
Yaa ku soo haleeloo
Korka kuu hinjiyayoo
Kaa hagaajay dhaawaca

Hubaal ma’aha ruux kale
Aan hooyo kuu noqon!

***
Yaan agjoogi helayaa
Dhagahaygow hagayaa
Oon “maya” u huri karin
Hodan Alliyo Rasuul ka dib?

Waa hooyadaayoo
Waa hooyadaayoo
Waa hooyadaa iyo
Hahey Aabbahaayee!

Saa hab yaa ku siiyoo
Kuu iibshay hu’ga cusub
Timaa kuu habeeyoo
Kaa halleeyay diifkana
Oohin goor ad hibiq tiri
Yaa illinta kaa hufay
Cabsidaada yaa huba
Oo dhabtii ku hanan kara?

Hubaal ma’aha ruux kale
Aan hooyaday noqon!

***
Dheh haddaba Xamdi Ilaah
Ilaahoow Hannuunshow
Hooyaday ku mahadsanid.

Saarka Careys Ciise waxa uu galayaa qaybta dhallaanka ee suugaanta—ubadkeennu na si wacan ayey uga baran karaan u riyaaqista Hooyo.

Aqoonguud (Maalmaha iyo Afka Soomaaliga)


Maxay af-Soomaali ku noqoyaan magacyada bilaha, iyo maalmaha? Imisa qaybood ayey maalintu ka koobantahay? Xilliyadana magacood? Dad badan baa warcelimaadyo kala wada duwan ka bixin kara weydiimahaas. In kalena war iyo wacaal uma hayaan! Haddaba, aynu isku gebi ka taagnaanno, oo dib isu barno bal inta magac ee ay Soomaalidu u kala yeelatay:
Maalinta: Waxay u kala qaybsantaa dharaar iyo habeen. Dharaartu waa inta iftiinka qorraxeedi jiro, waxayna kala tahay: Waaberi (0600), Barqo (1000), Har (1200) iyo Galab (1500). Habeenku waa inta iftiinka qorraxeedi maqan yahay, waxaana qaybihihiisa ka mid ah: Fiid (1800), Caweys (2100), Saqdhaxe (0000) iyo Jiidh (0400). Socdaalista goor waaberi ah waxaa la dhahaa “jarmaado”; har → boqoole; galab → carraabo; fiid → hoyasho;caweys → dheelmasho; saqdhaxe  → guure; iyo jiidh → kallahaad. Haddii aad socdaalaysid galab (casar ah), waad carraabaysaa.
Toddobaadka: Waa toddoba maalmood, amma toddoba cisho, oo kale leh maalmo shaqo iyo maalmo la nasto, laguna suntado: Dorraad, Shalay, Maanta, Berri, Berridambe, Sahandambe; Saakuun. Qolo beri hore jirtay oo reer Mesobetaamiya ah ayaa sameeyay waxa toddobaadka la yiraahdo. Wixii intaas ka horreeyay, waxaa ugu yaraa bisha. [Oromada aynu deriska nahay waxay maalin kasta oo bisha kamid ah u leeyihiin magac; guud ahaan waa 27 magac, bishooduna waa 27 cisho-ley.] Maanta, qolo waliba toddobaadkoodu waa 7 cisho; waxay na u leedahay magacyo tirsiimeed, sida: Axad, Ithnayn, iwm. amma magacyo ku sal leh xiddigis, sida: Sunday, Monday, iwm. Kuwa hore, maalinta lixaad waa Jumcah, oo ah maalintii la kulmayey; maalinta toddobaadna waa maalintii la nasanayey, Sabti. Soomaalidu magacyada maalmaha toddobaadka waxay kala dhahdaa:
  1. Case (Axad), Lamme, Sade, Carte, Uguux, Agaax, Agaalli (Sabti) [1]
  2. Sunni (Axad), Sanni, Koodaar, Goonyaad, Ugbaad, Hoyaad, iyo Nagaad (Sabti)
  3. Koowin (Axad), Lammin, Lamtoka, Koodaar, Hakisa, Hakisbila, iyo Sooroga (Sabti)
Saddexdaas qaybood mid ayuun baa laga qaadan karaa; labada qaybood ee hore waa kuwo da’weyn, halka la yiri kuwa qaybta 3d waxaa baadhis ku helooday Abwaan Xasan Sheekh Muumin (AuN). Qaybta dhexe ayaa se ugu caansan, iyada ayaana mudan in lagu kaaftoomo. Waxaynu gebi u soo shaacinay in aynu xusno jiristooda! Waana in marka aynu ku darnaa qayb kale oo ka gudbadhigan (turjuman) midda Carabtu adeegsato:
  • Malkow, Mallabo, Malsed, Malafar, Malkulan (Jimce), Malnasyo (Sabti)
Qaybtan dambe waxaa gudbadhigay Siciid. “Mal” waxaa loo soo gaabiyey, aragtidayda, “maalin.” Malkow waa “maalinta koowaad.” Sidaas baana loo sii wadayaa. Sida kale haddii la rabo in la gudbadhigo kuwa Ingiriiska ah, waxaan u baahannahy in aan isla garanno waxay u taagan yihiin. Waxaa jirtay in magacyada toddobaada Ingiriisku asal ahaan ku sal lahaayeen Qorraxda, Dayaxa iyo shantan meere ee berigaas la aqoonsanaa: Dusaaga (Mercury), Waxaraxirka (Venus), Farraarraha (Mars), Cirjeexa (Jupiter), iyo Raagaha (Saturn).
Waxaa la qaatay in la daysto Raagaha, Qorraxda iyo Dayaxa, afarta kalena lagu baddasho magacyada Ilaah-beenaadyo Jarmaan ah.[2] Waxayna kuwani kala yihiin Tiw, Woden, Thor iyo Frig. Waxaana soo baxay: Sunday (maalinta qorraxda), Monday (maalinta dayaxa), Tuesday (maalinta Tiw), Wednesday (maalinta Woden), Thursday (maalinta Thor), Friday (maalinta Frigg), iyo Saturday (maalinta Saturn). Haddii aynu u daysano sidii ay markii hore ahayd, waxaa gudbadhigisteennu tahay:
  • Malqor (Sunday), Malday, Maldus, Malwax, Malfar, Malcir iyo Malraag (Saturday)
Bilaha: Waa 12 bilood oo uu sanadku u kala qaybsamo. Soomaalidu, sida magacyada toddobaadka, waxay u kala taqaannaa dhawr siyood. Waxay kala yihiin:
  1. Dago (Muxarram), Maalmadoone, Bildhurahore, Bildhuradhexe, Bildhuradambe, Lifato, Rajalhore, Rajaldhexe, Rajaldambe, Waabariis, Gasayar, Sabuux
  2. Seko (Muxarram), Safar, Mawliid, Rajalhore, Rajaldhexe, Rajaldambe, Sabbuux, Waaberiis, Soon, Soonfur, Sidataal, Carrafo
  3. Laxadhaqe (23rd ofJuly, Muxarram), Samalaho (August), Kalahaan (September), Dambarsame (October), Baldaaq (November), Lixkor (December), Toddob (January), Fuushane (February), Gu’soore (March), Samuulaad (April), Dirir (May), Diraacgood (June) [3]
Labada qaybood ee kore waa ay isku laablaabtaan, wayna is-hirdiyayaan. Kolka, waxaa loo eegayaa sida ay ula qabsan karaan magacyada Hijriga ee ay matalayaan, u mana matalayaan sida ugu habboon! Qaybta saddexaad oo ku sal-leh inta badan xiddigis ayaa habboon in lagu kaaftoomo.
Xilliyada: Guud ahaan, afarta xilli amma waaxood ee uu sannadku u qaybso, bilahana saddex-saddex loogu urursho, waa Gu’ (Spring), Xagaa (Summer), Dayr (Fall) iyo Jiilaal (Winter).
Sanadka: Sanadku waa inta ay dhulka ku qaadato ku meerista qorraxda. Soomaalidu sanad kasta waxay u yeelan jirtay magac goonni ah; hadba arrinta ugu weyn ee sanadkaas la soo gudboonaada ayey ku suntan jirtay. Waana sida Carabtu ahayd waayo-waayo: Tusaale ahaan, sanadka uu Nebi Muxammad (NNKH) dhashay waxaa loo yaqaan Caamul-fiil, sanadkii maroodiga; waa sanadkii uu Abraha ku duulay Kacbada. Gobaysane waa sanadka ay dhasheen Sayid Maxamed, Calidhuux iyo rag kale oo door ku ah gabayga. Sida Shiinaha ma lahayn magacyo 12kii sanoba soo noqnoqda.
Gabagabo: Magacna ma baxo iyadoy waxbana jirin. Wixii jira uun baa magac leh. Wixii la jirayn (la malayn karo) karana magac baa loo yeelan karaa. Magac waxaa looga dan leeyahay in lagu kala soocdo, lagu kala garto wixii jira, amma la jirraysto. Wax-walba oo Soomaalida ag yaalla amma ay yeelka ku haysato magac ayey u leedahay. Ha is oran magac uma laha, haddii aad magacan weydo. Baar, oo cid walba oo aqoon ku dheer weydii!
Raadraad:
[1] Ilays Academy. “Kaltirsiga Soomaalida.” <Dhaw>
[2] Infoplease. “The Names of the Days of the Week.” <Dhaw>
[3] Cabdalla Cumar Mansuur. Taariikhda iyo Luqadda Bulsha Soomaaliyeed. <Dhaw>