Gabaygan waxa tirshay Axmed Maxammed Cabdalle, wuxuu ku
laqimayaa astaamaha gabadha habboon ee guur loola hollan karo, dhana waa amaan
ku aadan gabdhaha soomaaliyeed , wuxuu yidhi:
- Dumarku waxay ku roon yihiin inay damac lahaadaane
- Waa inaanay da’weynayn middaad guur u dayataaye
- Dabci waa inay leedahoo waana dabartaaye
- Waa inay dulqaad badan tahoo daacad kuu tahaye
- Deriskeeda waa inay xaqdhawr ugu dedaashaaye
- Doorkaad wax fari waa inaan lagu dadduucayne
- Waa inaanay ehelka u darrayn duul xigaala ahe
- Waa inaanay ubadkana dayicin dhab u daryeeshaaye
- Waa inaanay kaa dudin markaad yare is diiddaane
- Waa inaanay xidid kaa dacweyn doodna kuu qabine
- Waa inaanay kaa digin markaad duullimaad tahaye
- Waa inaanay debed meerinoo kaa dan badisaaye
- Waa inaanay dibindaabyo iyo duudmarka aqoone
- Waa inay dareen lexejecliyo doojin leedahaye
- Waa inay diyaafadin xarrago dookh u leedahaye
- Waa inay darmaan gaariyoo daran ahaataaye
- Duhur iyo habeen waa inay kuu diyaar tahaye
- Waa inay gacalo diirranoo debecsanaataaye
- Waa inay sidii daawad geel kugu dul reentaaye
- Waa inay ku deeqsiin kartaa waxadan doonayne
- Waa inay doc haasaawin iyo duluc lahaataaye
- Aqalkay dugsido waa inuun lagu dangiigaaye
- Waa inuu ku daaraa udgoon deyrka ka horowe’
- Derinteeda waa inaad tebtaa sida dalxiiskiiye
- Dar ilaahay waa inaad qalbiga uga ducaysaaye.
No comments:
Post a Comment