Hordhac
Qofka maanso curinaya waxa uu adeegsanayaa af iyo ereyadiis; waxa uuna dhambaalkiisa u dawinayaa cid Allaala ciddii uu u garto inay maansadiisu khusayso. Marka, waa muhiim inuu qofkani adeegsado ereyo iyo balaaqo ku habboon hadafka maansadiisa. Haddii ay maansadiisu ku socoto mujtamac iyo dad, waxa uu qofkani maansadiisa gundhig uga dhigayaa dhambaal khuseeya mujtamacan iyo dadkan. Haddii uu isaga iskii isugu la hadlayona, waxa uu qofkani ku dadaalayaa in isaga culays saaran uu iska rido—culayskanina marka dambe waxa uuba isu baddalaa suugaan ay jiilalka dambe ku hawltoobaan (matalan: Raage Ugaas gabaygiisa “Sida Koorta Yucub” oo noqday gabay daraasado badan lagu sameeyo, oo lagu hawltoobo). Marka qofkani waa in uu ogyahay, oo uu la socdaa, dhageystayaashiisa; waana inuu isticmaalo luqo ku habboon dhageystayaashiisa.
Marka aan ka faalloonayno gabayo qarniyo ka hor la tiriyey waxa cad in aynu ku hawltoobayno sidii aan u fahmi lahayn meerisyo ay ku taxan yihiin ereyo aynaan qaarkoodba fahmi karin. Waxaan kaloo ku hawltoobaynaa inaan dhadhansano macaanka iyo farshaxanka ku duugan meerisyadan. Waana tan dambe ta’ ugu hawsha badan, ee hor taalla gorfeeyayaasha maansada, ee aan rabo inaan wax yar ka bidhaamiyo, maanta.
Hawsha Gorfeeyayaasha Maansada
Qofka maanso curinaya waa qof ku dadaalay inuu xurfado laba gal: 1) Gal Ereyo ah iyo 2) Gal Xigmad ah. Maansada Soomaaliyeed waxa tayo sare u yeela habka loo dareeriyo, oo ku dhisan miisaan, iyo habka loo qaybo, oo ku dhisan tibixqaarraan (xarafraaca amma qaafiyadaynta). Labadan hab oo la isku dhafay waxa ay suuragaliyaan ciriirrinimo iyo daryeelid (ay daryeelaan maansada lafteeda). Waxa ayna maansoyahanka ku khasbaan inuu kolka horeba soo yeesho labadaa gal ee kore: Waa inuu ereyo badan gurubsadaa, habka uu ereyadan u taxayona uu ahaadaa mid xigmad iyo murti ku dhisan—isla markaasna uu waafajiyaa wadiiqooyinka maansada mid kamid ah (sida: Gabayga, geeraarka, jiiftada, iwm).
Marka uu qaato maansoyahanku inuu gabyo, waxa u furan hal wadiiqo oo maanso ah: Gabay. Balse, inta uusan go’aankan gaadhin, waa inuu la soo baxaa mawduuca maansadiisa. Intaa wixii ka gadaaleeyana waa isaga oo bilaaba maansada, hadafkii uu ka lahaana sida ugu gaaban ku gaadha! Ka dibna dadweynaha ay maansadaasu gaadho ayaa wadwadi, oo kolba si uga faa-faalloon. Inta wax gorfayn og se, waxa ay ku dadaali sidii ay maansadaa maansoyahanka u qali lahaayeen, oo ay u faaqidi lahaayeen.
Badanaana, waxa ay gorfeeyayaashanu ku hawltoobaan ka faalloonta farshaxanka uu maansoyahanku maansadiisa ku bilay. Waxa ayna gorfeeyayaashu qiimeeyaan sida uu maansoyahanku ereyada afkiisa wax ugu sawiro; sida uu maansoyahanku u adeegsado ereyada ku habboon mawduuca maansadiisa; sida uu maansoyahanku xeeldheerida afkiisa u muujjo, oo uu geedaha iyo haadda dalkiisa ugu maahmaaho; sida uu maahmaahaha jira ugu xardho meerisyo kooban oo maansadiisa kamid ah; sida uu u soo koobo, una gaadho hadafka guud (dabuubta) ee maansadiisa. Haddii ruux aan wax gorfeyn karini faraha la galo hawshaas adag ee gorfeeyayaasha, waxa dhasha maroor iyo awr-lis uu ku kaco ruuxani!
Gorfeeyayaashu maanso kasta isku si uma gorfeeyaan, oo maansooyinka qaar ayey aad ugu dheeraadaan. Waxayna ogyihiin in maansooyinka uu xitaa hal maansoyahan tiriyey ay kala duwanyihiin, kalana xog badanyihiin. Waxayna maanso u xushaan kolba farshaxanka lagu dhisay amma waayaha iyo ahmiyadda ay xambaarsantahay; iyo haddii ay cilmi cusub ka beeri karaan maansadan. Tan dambe annagoo eegayna, aan dhuganno sida ay maansoyahannadu u gacan qabtaan gorfeeyayaasha, oo aan tusaale ahaan u soo qaadanno Gabyaa Dhoodaan arartiisan:
Kolba gabaygu meeshuu xuliyo, maansa xubinteeda
Markaan helo xusuus muuqateen, xaraf ku miisaamo
Xariiqdiisi waa inan marshoon, xididki raacaaye
Maantana xagguu jirayey baan, kaaga xaadiriye [Si baan meeriskan u saxay!]
Markaan helo xusuus muuqateen, xaraf ku miisaamo
Xariiqdiisi waa inan marshoon, xididki raacaaye
Maantana xagguu jirayey baan, kaaga xaadiriye [Si baan meeriskan u saxay!]
Affartaas meeris waxa uu Gabyaagu ku caddeeyay hannaanka uu u curiyo maansooyinkiisa. Waxa uu Gabyaagu caddeeday inuu go’aansado inuu gabyo; inuu ku xijiyo helista tibixda (xarafka) uu gabaygiisa ku qaafiyadaynayo; inuu dhannaba u liicin (oo uu iska dhawro deelqaafka) oo uu maansadiisa kiciyo, wadiiqadii gabayga ahaydna ku dareeriyo; iyo inuu mawduuceedii abbaaro. Intaa ka dib waxa uu u soo dhaadhacay sheegista (si daalacan) hadafka maansadiisa:
Anoon xerada Soomaaliyeed, xumo ku sheegaynin
Xog ogaal dabciga waa inaan, ku xabbad qaadaaye
Xog ogaal dabciga waa inaan, ku xabbad qaadaaye
[Gorfeeyayaasha ayaana qiimayn kara, marka ay gabaygan gorfeeyaan dulucdiisa, inuu Gabyaa Dhoodaan hadafkiisan gaadhay iyo haddii kale.]
Gabyaa Dhoodaan gabayadiisa oo idil kuma bilaabo sida uu gabaygan (“Xulub Socod”) ku bilaabay. Balse waxa uu gabaygan ku xusay hannaanka uu u curiyo gabayadiisa. Waxa uuna gorfeeyayaasha siiyay aqoon ay tahay inay ka baaraandagaan, oo isweydiimo ka keenaan: Horta, maxaa keena inuu gabyaagu gabyo? Maxaase ku dhaliya inuu gabyaagu tibix ka doorto 22ka tibxood ee maansada lagu qaafiyadeeyo? [Tibxaha shaqallada ah ee A ,E, I, O, U, waxa ay qaafiyad ahaan noqdaan tibix qudha oo Alif ah. Tusaale, waakii Gabyaa Calidhuux uu yidhi:Ilmaadeerradaa iyo ku nece, ururki reer Khayre.] U jawaab raadinta su’aalahanna waxa ay gorfeeyayaashu ka beeri karaan aqoon furfuris u baahneyd—in kasta oo ay jiraan gabyaayo caddeystey sababaha ku dhaliya inay gabyaan, oo sidaaba ku maansooday.
Marka ay gorfeeyayaashu dhugtaan xeeldheerida isku-dhafka ereyada ee maansoyahanka waxa ay garwaaqsadaan inuu maansoyahankaasu leeyahay hibo halabuurnimo oo farshaxankeedu sarreeyo. Marka ay la kulmaan maanso meerisyadeedu soo koobeen mawduuc ereyo badan lagu qaadaadhigi karo—amma ay meerisyadani si fudud oo gaaban u sunkeen maahmaahyo hore—waa ay ammakaagaan. Ammakaag kale waa marka ay la kulmaan sida uu maansoyahanku ugu macallinka yahay adeegsiga “higillada waxsheegga” (oo kala ah: Ekeeyeha, Shareereha, Sarbeebta, Qofeynta, iwm) (Cabdi, 2008). Ammakaag kalena waa marka ay la kulmaan maansoyahan ogaan naxwaha afka u jabinaya, oo ay meerisyada maansadiisu ka tan bateen u hoggaansamida naxwaha afka. Kolka, waxay gorfeeyayaashu jecelyihiin inay si cilmiyeysan u ogaadaan waxa u sahlaya inuu maansoyahankanu sidan quruxda badan wax isugu qoofalo.
Gorfeeyayaashu cilmi fog iyo mid sokeba waxa ay u leeyihiin rogroggida maansooyinka hor yaalla. Waxa ayna rogrogiddan ka soo saaraan koloyo cilmi ah, oo uu agab ay maansooyinka ku saaftaan uga buuxo. Waxa ay gorfeeyayaashu ku dadaalaan helista ereyo qeexan oo ku habboon inay u matalaan meelaha ay u rabaan. Waxayna ka digtoonyihiin dayac iyo adayg ay u gaystaan gorfayntooda. Marna waxa ay gorfeeyayaashu dusha kaga keenaan gorfeyntooda sooyiilka (isha taariikhda), oo ay isku dayaan in ay sidaasna gorfeyntooda ku naaxiyaan. Soo wada duudduuboo, gorfeeyayaashu waa dar asluub leh, oo aan godob ka gelin gorfeyntooda—waana dar aysan sheegato ku milmi karin!
Agab qudha oo ay gorfeeyayaashu dhugtaan haddaan ka faalloonno, aynu tusaale ahaan u soo qaadanno waxa afka Ingiriiska lagu yidhaa “Allusion” (oo aynu si ku meel gaar ah dhig ugu yeelayno ah: “Hummaagyeyn”). Hummaagyeyntu waa agab uu maansoyahanku adeegsado, gorfeeyayaashuna u ogyihiin, oo uu ku muujiyo aqoontiisa uu u leeyahay deegaankiisa iyo suugaanta dadkiisa. Hummaagyeyntu waa xusid laga yeesho degaan amma murti hore. Tusaale fiicanna waxa aan ka dhigan karnaa gabayga “Sida Koorta Yucub” ee uu tiriyey (Allaha u Naxariistee) Raage Ugaas Warfaa.
Waxa uu Raage Ugaas gabaygan inoogu sheegayaa sida uu u murugaysanyahay, oo uu habeen oo dhan u jeleledayo. Waxa uu rabaa inuu codka kololo’iisa iyo cod kasta oo daranba uu xiriir weyn ka dhexaysiiyo. Waxa uuna kolkaas adeegsanayaa agabka Ekeeyaha, oo isku kaba laba arrimood oo kala geddisan (iyadoo la isticmaalayo ereyga “Sida”). Halkaas ayuuna Raage ka dhaadhacayaa illaa uu hadafkiisa ka gaadhayo, oo ah:Xalay kololo’aygii ma ledin, kaamil Reeruhuye! Aan inoo kala baxo annaga iyo Raage hummaagyeyntiisan:
Sida koorta Yucub oo la sudhay, korommo buubaal ah
Ama geel ka reeboo nirgaha, laga kaxaynaayo
Ama beelo keynaan ahoo, kor u hayaamaaya
Ama ceel karkaarrada jebshiyo, webi karaar dhaafay
Ama habar kurkii iyo wadnaa, lagaga kaw siiyay
Ama kaal danley qaybsatiyo, kur iyo dhaal yaabis
Shinni kaaluf galay ama siddii, koronkoroo oomi
Xalay kololo’aygii ma ledin, kaamil Reeruhuye
Ama geel ka reeboo nirgaha, laga kaxaynaayo
Ama beelo keynaan ahoo, kor u hayaamaaya
Ama ceel karkaarrada jebshiyo, webi karaar dhaafay
Ama habar kurkii iyo wadnaa, lagaga kaw siiyay
Ama kaal danley qaybsatiyo, kur iyo dhaal yaabis
Shinni kaaluf galay ama siddii, koronkoroo oomi
Xalay kololo’aygii ma ledin, kaamil Reeruhuye
Markaan gorfeyno meerisyadaas kore ee gabayga ah, waxa inoo soo baxaya xeeldheerida Raage Ugaas u lahaa degaankiisa iyo dadkiisa. Inta cabbirro dhawaq leh ee uu bixiyey Raage qaarkeen ma wada maqlin. Sidaas si la mid ahna, waxaana laga yaabaa isaga laftiisu (waa Raagee) inuusan dhagihiisa ku maqlin cabbirradaas, oo uu qaar sheeko (suugaan ka horreysay ah) ku helay—waxaana suurtagal ah inuu Raage gebi cabbirradan dhegihiisa ku maqlay, oo uu waayo-aragnimadaas isagu la yimid, sidan wacanna isu saarsaaray. Waana tan ta’ keenaysa inaynu nidhaa: Meerisyadaasi qaar in hoos loo sii dhugto, oo baadhis dheeraad ah loogu itaal sheegto ayey istaahilaan. Waxaana ay hawshani u furantahay gorfeeye taariikhyahan ah, oo Raage sooyiilkiisa (xittaa gabayadiisa) in badan wax ka haya. Intaa wixii ka sokeeya se, gorfeynteennu waxa ay caddayn kartaa sida xeeldheerida leh ee uu Raage u adeegsaday labada agab ee kamidka ah higillada waxsheegga ee kala ah: Ekeeyeha iyo Hummaagyeynta, oo runtii HEERSARE ah. Sababta uu Raage isu daba taxayo waxaas oo cabbir-codood ahna waxa aan u celin karnaa isaga oo murugadiisu ay xad-dhaaf ahayd, isla markaasna uu si wacan uga ciil baxayey, oo culayska isaga ridayey!
Gabagabo
Hawsha gorfeeyayaasha maansada saarani ma yara. Inay cilmi ka iftiimiyaan meelo dahsoon ayaa ah hawsha ugu weyn ee gorfeeyayaasha saaran. Ruuxa u dhabar-adeygaya inuu maanso gorfeeyo waa inuu ku dadaalaa barashada waxa hortiisa tuulan ee ay gorfeeyayaashii hore ka tegeen; lana yimaaddaa asluubta gorfeeyenimo. Gorfeeyayaashu ma aha kuwo cilmigoodu ku sargo’anyahay barashada gorfeynta, ee waa kuwo cilmigoodu uu ku sargo’anyahay afmaalnimo. Cid kalaba ha i noo dambeysee, marka aan la dhacno sida ay gabyaayadu u saafaan, amma u tafsiiraan, macnaha ku duugan gabayo hore waa in aan u qirnaa iyaga gorfeeyayaal!
Raadraac
Cabdullaahi Macalin Axmed Dhoodaan. “Xulub Socod.” <http://tiny.cc/w5pgw>
Raage Ugaas Warfaa. “Sida Koorta Yucub.” <http://tiny.cc/axdat>
Siciid Cabdillaahi Cabdi. “Af-Haaneedka Soomaaliga.” October 1, 2008. <http://tiny.cc/3jnw3>
Raage Ugaas Warfaa. “Sida Koorta Yucub.” <http://tiny.cc/axdat>
Siciid Cabdillaahi Cabdi. “Af-Haaneedka Soomaaliga.” October 1, 2008. <http://tiny.cc/3jnw3>
No comments:
Post a Comment