Aqoonta Xiddigiska:
Saadaasha Cimilada Ee Xiliga Guga(Bisha Sabuux)
Ibo-Furka Qormada
Bulshada Soomaaliyeed oo ah bulsho u badan xoolo-dhaqato ayaa intooda miyiga ku dhaqan ee reer-guuraaga ahi si ay uga badbaadaan ama ay u yaraato saameynta dhibaatooyinka yimaada roob-yaraanta iyo arrimaha kale ee ku gaydhama ee ah xilliyada adag, waxa ay bulshada Soomaaliyeed ee guuraaga ahi weelaysatay una toog haysay inay dhawrato aqoon hodonna taasoo ah midday soo kala dhaxlaysey ab-ka-ab, aqoontaas oo ahayd mid ay ku go’aan qaadan jireen.
Bulshadan reer-guuraaga ah ee aan waxba qorin ama waxna akhrin, waxay aqoontan hodonka ah ku kasbadeen dhaxalkii waayo-aragnimo ee ka soo ildo-furtay hardankiyo geylankii ay la soo galayeen jiraabada waayihii adkaa ee hadba soo wajahayey, kaasoo ay tabiyo xeel gaara marba kaga gudbayeen tubta ay ku jeedaarnayd geedi-socodka noloshoodu. Aqoontani waa idimka Eebe waayuhu baray waa aqoonta la yiraahdo Xidiggiska(Astronomy) waana aqoonta loo yaqiinsan yahay inay tahay "Hooyada Sayniska". Aqoontan la yiraaho xiddigiska waxaa ka midda farac gaara oo ku dhidab saadaasha roobka kaliya, faracan ah odorosida roobka waxay ahayd aqoon aad u horumarsan; waxayna ahayd aqoon ka dhalatay isku-dhafka xiddiginta dadkii reer Beershiya (Iiraan), Carab iyo Afrikaanka siiba faraaciinta iyo dhulkay faraaciintu ka soo unkameen ee reer boonta(Geyiga Soomaaliyeed). Haddaba qoontan oo ah mid Soomaalidu aad u taqaano, ayaa bulshada reer-guuraga ahi waxay Xiddigiyaha Soomaaliga ah u asteesay magac timaamaya milgaha uu leeyahay kaas oo ah magaca la yiraa Xidaar(Mutacalin). Xidaarna waa aqoonyahanka Eebe baray aqoonta xiddigiska(Astronomy), kaas oo ahaa mid oddorosi jiray gedgedoonka cimilo ee hadba goor cugtama. Inkastoo maanta ayba inagu yar yihiin dadka jaadkan oo kale ah haddana waxa ay bulshada dhexdeeda ka ahaayeen kuwo loo hayo maamuus iyo mudnaan xooggan. Xidaarka qaryaanka ah marka uu xiddigaha guurguurkooda ka mooreeyo cimiladu sidday noqon doonto, dhab ahaanti saadaashiisu badi waxa ay ahaan jirtay mid u dhawaata wax dhaca ama la arko – taas oo ay xoolo-dhaqatadu ku go’aan qaadan jireen si ay uga sii gaashaantaan howlaha ku soo fool leh ee geedi-socodka noloshooda ku jeeran ee ah arrimaha la xidhiidha cimilada (roobka, abaaraha, dabaylaha), hayaanka, colaadda (dagaallada), guurka iwm.
Golnuugsiga Qormada
Hadaba anigoo ka dab qaadanaya intaan ka bartay cilmiga xiddigiska ee Soomaalidu leedahay, waxaan qormadan yar idiinku meeraya isbedelka cimilada ee bishatan aynu ku jirno ee caawa ah 23ka bishii afaraad ee gu'ga miilaadiga 2015ka.
Sabuux Jimce Laba Ka Weydaa Wankaa Qalad Leh
Caawa oo ay bisha milaadigu tahay 23ka/April/2015, halka ay hijriyaduna tahay 2dii bisha 7aad(Rajab) ee sanada 1436 ayaa ah mid ku beegan xiligii gu'gu bilaami jiray, xiligaas oo marka laga eego maltirsiga Soomaaliga noqonaya 2da-bisha sabuux. Bishan Sabuux waxay bilataa maalin jimce ah, gu'guna wuxuu harqamaa oo dhibicdiisa ugu horeysa ay hoortaa 2da bisha.
Markay bishani curato Soomaalidu waxay dhahaan "Jimce laba ka weydaa wankaa qalad leh", taas oo ay ka wadaan bisha Sabuux labadeeda hadduu roobku di'i waayo in jilaalku dheeranayo, roobkuna raagayo, sidaa daradeed xilligii sumalka idaha lagu sii daayey waa mid aan loo kaltirin oo qaladda. Haddaba iyagoo qaladka iska fogeenaya ayey wanka u saari jireen marka xiligii gu'ga la sugayey hoori waayo.
Haddaan manqax yaroo kooban ka bixiyo weedh murtiyeedkaas "dhaqan-ahaana, xoolo-dhaqatadu, si joogto ah sumalka uguma darto idaha, xilli go’an mooyee. Waxana ay sidaas u yeelaan in aaney iduhu dhalin xilli adag (Jiilaalkii oo kale), oo aaney isugu darsamin caatonimo iyo dhalid, ka dibna laga yaabo in ay ka soo doogi waayaan xilligaas adag.
Xiliga gaara ayaa wanka idaha lagu sii daaya, oo dadka xoola dhaqatada ahi waa u kaltiriyaan. Bal aan halka sii yara tibaaxee; Habeenka la yidhaahdo “Dambasame” ayaa ah amminta ay xoolo-dhaqatadu sumalka idaha ku sii daayaan si ay u rimaan. Habeenkaasi waxa uu ka horreeyaa 150 maalmood xilliga uu roobka gu’gu bilaabmo. Sidoo kale, Dambasamuhu waxa uu ku dhacaa ama galaa 120 cisho ka dib habeenka Dab-tuurka (Dab-shidka ama Nayruuska) oo Soomaalidu ku suntato habeenka 1aad ee Sannadka Soomaalida. Habeenkaas (Dambasame) waxa uu ku beegmaa badhtamaha Deyrta (bisha Nofembar), kolkaas oo (sida ay Soomaalidu u taqaan) dayaxu la jiro xiddigaha ‘Urur-ka” oo ay Soomaalidu u taqaanno “Laxo ama Idaha”. Odhaah soo-jireen ah oo ay Soomaalidu leedahay ayaa tiraahda: “marka ay lixo dhacaan, ayey laxo dhalaan”. Sidaas bey iduhu 150 cisho ka dib dhalaan oo ugu beegmi jireen xilli uu roobku bilawday ama si fiican u da’ay (hilaadda 21ka April ilaa 15 May).
Xilliyada iyo Taranta Idaha Is-beddelladaas awgood, waxa ay xoolo-dhaqatadu gar-waaqsadeen in aanay habboonayn in habeenka Dambasame(Octoober dabaayaqadeeda) sumalka idaha lagu sii daayo, maxaa yeelay lama hubo in ay iduhu dhalin doonaan xilligii ku habboonaan jiray ee roobku di’i jiray. Waxaana sababay roobabkii oo aan isku halleyn lahayn. Saas daraadeed bulshadeena oo ah mid aqoonta-xidigiska eebe ku ilhaameeyay iyagoo aqoonta adeegsanaya waxa ay reerguuraagu door-bidaan in ay 30 habeen dib uga dhigaan habeenka Dambasamaha, si ay xooluhu u dhalaan badhtamaha bisha Mey. Wixii ka horeeya xiligii gu'ga ee loogu talogalay haddi iduhu dhalaan, qaladka badanaa wankay saari jireen.
Lixo Markay Dhacaan Bey Laxo Dhalaan
Lixo: waa xiddigo isku jaala waana kuwa ugu horreeya xiddigo-bah wadaagta toddobadaba ah ee laysku yiraahdo "Habar Naaf". Laxuhu waa lix xiddigood oo dhexdooda ay ku cuf-urursan yihiin xiddigo badan oo kuwaas oo ay adag tahay in uu ku arki karo qofkaan haysan qalabka tiiro-fogaan arageed ee xiddigaha fog-fog lagu dhaado. Xiddigahan la yiraahdo laxaha, Soomaalidu waxay kale oo ay u taqaan "Galgaali". Ururkaa (xiddigahaas) waxa la arkaa 14-bisha April ilaa 21-bisha April. Xiddigahakani xilliga ugu dambeeya ee iyagoo biligligle oo sii kaah liiqaya la arki karo ay tahay 21-bisha April, haddaba waxay arrintaasi caddeenaysa oo ay inoo daahfureysa oo run ka dhigaysaa xiliga roobkii gu'gu hooro in ay ku beegan tahay taasoo ay Soomaalidu tiraahdo wuxuu gu'gu hooraa oo ay iduhu dhalaan marka xiddigaha la yiraahdo lixo ay dhacaan, waata ayna ku jalalabaan "Markay lixo dhacaan bey laxo dhalaan".
Haddaba hadday bisha april tahay 23 halka ay ta dayaxa loo kaltiriyana ay tahay 2dii sabuux( carabi ahaan, 2dii Rajab) waxaa inoo soo baxaya dhawr qodob oo xoojinaya inay saadashada gu'gakani xilligu harqami laha ay dhabawday, kuwaas oo kala ah:
1- Xiddigaha la yiraaho laxo inay dhaceen 21April-(1 Sabuux"1da Rajab).
2- In uu bilawday xiligii gu'gu ibo furan jiray
3- In caaro-hoorkii gu'gu durbada ka dul harqamays meelaha qaar markay ahayd bishu 1dii ilaa 2dii sabuux( 21kii ilaa 22kii April)
4- In xiligii gu'ga ee loogu talo galay inay iduhu dhalaan ay dhabowday, taaso ku beegan dabaayaqada iyo bartamaha bishan sabuux.
In dhibicdii gu'ga ugu horeysey ay meelo badan ku hoortay 21kii bishan( April ) waxaan marag u soo qaadan karnaa tixdan yar ee uu doraad tiriyey Abwaan Maxamed Shiikh Shaafici(Shaacir) markuu roobkii dhibicda saaray wuxuuna yiri:
--Xaluu roobki da'ay,
--Xeeryuhu qoyeen,
--Xaabshaanki iyo,
--Xorodkii guntamay,
--Waxaan xoole iyo,
--Xamaan iyo da iyo,
--Xaas iyo ciyaal,
--Iyo xaymihii,
--Loo xeera dayay,
--Geelii xerraday,
--Xabawaray darraad,
--Aqallada xidhxidhan,
--Lagu xeeray ood,
(April 21 at 7:05pm )
Bilaha Xilliga Gu’ga = Months Of Spring Season:
Gu'gu waa 88 maalmood oo kala ah saddexda bilood ee la kala yiraaho:
1. Seermaweydo: Sabuux: April
2. Dirir-cawleed: May
3. Dirir-sagaaro: June
W/Q: Maanmaal Buureed Gurxan
Xubin Ka Midda Naadiga Qalin-MaalCopright: Maanmaal and www.Maskaxmaal.com