--Caam ahaan aduunyada, cilmaa lagu tanaadaaye
--Codkaago shaqeeyiyo sharafiyo, cisaa lagu helaaye
--Cidla haddii aad joogtiyo, haddaad meel camiran joogto
--Haddaad cararto oo buura dheer,
fiinta ku carceerto
--Waa hal aanan ciddi kaa dhacayn,
cadawna kaa qaadin
Abwaan Ismaaciil Cali Boobe:
**Cimrigaaga waxaad haysataan, lagugu ciilaynin
**Cara-edeg meeshad joogtoba ee, calan walaynaayso
**Marna aan caydh lagaa baddin, cududi kaa qaadin
**Cilmiga aad sheegtiyo cadceedow, camalka weeyaane
Abwaan Cadceed Cadeysey:
--Codkaad tidhi ismacil warkaad, caalamka u sheegtay
--Markhaati cad inuu yahaan, cidina diidayne
--Caku ka waran meeshaad baryahan,
calanku ku yaalay
Abwaan Ismaaciil Cali Boobe
**Carigaan ku nooliyo halkii, calanku
íi yaalay
**Nabad baan ku ceeshaa, anoo
caafimaad qaba-e
**Cudar-daar yar mooyee, ceeb ma aan arage
**Caadilkaan baryaayaa inaanu, caasi iga yeelin
Waxaa Qoray Maanmaal Buureed Hillaadu Markay Ahayd 13/Fuushane/2013