Hal-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman---Qormadii 16aad
(Tilmaanta Maansada )
Ku Baraarujinta Bulshada (Waxbarashada)
“Caadil baa gargaar laga sugaa,
“Cibaado baa Jano lagu galaa,
“Caqli baa duni lagu gardaadshaa,
“Cilmi baana darajo lagu gaadhaa( Maanmaal Buureed)
Ibo-Furka Qormada
Magaca Eebbaha Naxariistaha guud Naxariistaha gaar
Mahad oo dhan waxay u sugnaatay Eebbaha Alwaaliyu-ga ah –( ﺍﻟﻮﺍﻟﻲ..) ee wax kasta lahaanshohoodu dhab ahaan ugu sugnaaday oo xikmadda ku tagriffalkooda na aan cidi ku lammaanin, Allaha weeye Deeq badanaha ah ee aanu ku mahadinayno, gargaar ka barino, dembidhaaf weydiisano. Guullaha Albaadin-ka (–ﺍﻟﺒﺎﻃﻦ ) ee dháb aháán u ogsoon amuuraha qarsoon iyo waxa uurka ku jira; allah aan adduunka lagu arage uumiyihiisa laga dhex dhaadto, waxaan ka magangeleynaa sharka iyo sheydaanka nafteenna ku lammaanan, falalka aan qumanayn iyo inay innaga dhacaan arrimo goddo'aya sharciga daahirka ah – kitaabka Ilaahay iyo Sunnada Rasuulkiisii (SCW).
Qofkii uu Eebe hanuuniya, habow iyo heehaab kala baqoole, kiise silic iyo saxariir ka doonna sarreeye Ilaah ee siraadka toosan aan raacin, diidanna inuu hannaanka noloshiisa iyo habdhaqankiisa ka qaato Qur’aanka cadiimka ah iyo Sunnada Rasuulkii caddaaladda Maxamed (SCW), Rabbina u qoro habow iyo heehaab, qofka sidaa ah hanuun iyo hooraarsan kala tage, ba’ iyo hoog buuna hirgeli, adduunka waa u jahwareer; aakhirana jeebado iyo jahannama.
Waxaan qirayaa in ilaah jirin xaq lagu caabudo Alla mooyee, Ilaah keliya oo ayan cidna wax la wadaagin, waxaan qirina in Maxamed yahay addoon iyo rasuul Ilaahay soo diray, nabad iyo naxariis Ilaah dushiisa ha ahaato nebigeennii, ehelkiisii asxaabtiisii, iyo cid kastoo xaqa ku raacday (aamiin).
Qormooyinka taxanaha ah ee Hal-abuukii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman ee aan ku soo daabaco mereegtan ama degelkan Maskaxmaal.com oo aan todobaadkiiba hal-mar idiinku soo gudbin jiray oo aad ka dheehan jirteen suugaan badan oo dhinacyo kala duwan taabanaysa, ayaan toddobaadyadii u dambeeyey idiin soo tebin waxyaalo xagayga ila soo gudbanaaday awgood. Idimka Eebe waxaan sidii hore idiinku soo gudbin doonaa todobaadki hal mar saad iga barateen.
Dhudka Golnuugsiga Qormada
Qormadan oo noqon doonta qormadii 16aad ee qormooyinkeeni taxanaha ahaa ee Hal-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman waxaan ku oo qaadan doonaa Maansooyin dhaxalgala oo ay hal-abuurada sebenkani bulshada u meereen. Waana suugaan xula taas oo bulshada ku baraarujinaysa in waxbarasho iyo heer cilmi kor loo qaado.
Waa Maxay Cilimi(Aqoon)
""Aqoon baa cilmiga kaa sandahan, loogu sahanshaaye
""Caqligaa wixii sogordoh galo, lagu sar gooyaaye
""Ishu waa macallin saaxiyiyo, suurad iyo kayde..(Abwaan Sakariye Saxardiid Axmed)
Aqoon baa cilmiga kaa sandahan, loogu sahanshaaye, Haa waa run, Mar kasta oo la damco in la higsado hormar waxaa haboon in la isla qiro wadada kaliya ee lagu gaari karo hormarka loo hamuunka qabo in ay tahay waxbarasho oo kaliya , runtii faa’iidada ay waxbarashada u leedahay qofka bani aadamka ah ma ahan mid lagu soo koobi karo maqaal iyo wax la mid ah , sidoo kale waxaan si fudud u sharixi karnaa waxa ugu wayn ee ay waxbarashadu keeni karto in ay tahay hormar dhinac maskaxda ah oo ah runtii waxa ugu qaalisan ee uu qofku heli karo. Dhammaan noocyada kale ee hormarka waxaa sal iyo asaas u ah hormarka maskaxda oo hadii la waayo ay aad u adkaan doonto in lagu riyoodo wax uun hormar ah.
Waa saase, intaan idiinku jalbeebin tixaha cuddoon ee ku saabsan dheefta aqoontu leedahay iyo sida ay bulshada horumarkeeda uga qayb qaadato, bal aan idiin meero qeexido iyo manqax ku saabsan cilmigu wuxuu yahay.
Cilmigu waa yaqiin-kasbasho, ogaansho ama garasho qof ama walax, sida dhabo(xaqiiqooyin), xog, qeexido ama xeelado, kaaso lagu helay hab waayo-aragnimo ama hab waxbarasho haday tahay dheegasho, daahfurid, ama barasho.(Maanmaal)
Cilmigu waa waxii aad xog ka heshay iyo waxa aad garatay ee aad ku hantay waxbarasho ama waayo aragnimo.
Cilmiga waxaa kaloo lagu tibaaxaa inuu yahay garashada(aqoonsashada) maado loo yaqiinsaday si dhaba taasoo waxay gasho iyo waxay gudo lagu kasbaday hab aragtiyeed ama hab falgal gacaneed ah, waxayna noqon karaan aragtida laga haystiyo la falgal gacameedkaasi mid ka timi gudashooyinka, xirfadaha, xeeladaha iyo waayo-aragnimada Aadanuhu maalinba ayaanta ka dambaysa helayo.
Aqoontu waxay ku godlataa oo lagu helaa saddex qaab:
- 1 – Aqoon guud oo la isla gartay oo la wadaago, taaso ah mid laga barto dugsiyada waxbarasho. Aqoontani waa mid hawliyo dadaal badan lagu leho. Aqoonta habkan ku godlata, dheefteeda waxaa hanta oo dhaxla dadka ay soomaalidu ugu yeerto dhagmaalka ee baruhu quudiyo, waxaa kaloo dadkan la yiraa Qalinleef. Ereygan qalinleef ee qoladan loogu yeero waxaan ku tusmayn karnaa labadan meeris oo aan ka soo goldooxay gabay uu lahaa Murtimeere Cali Mooge Geeddi. Wuxuuna yiri:
**Qalin-jabay ishaan qaban karayn dhegina waa qaaqe
**Qalin-leef hadduu maro, hadhow qalin-ful weeyaane
Isha aqoontani ka imanayso ee dadka habaysa kana biinaysa jeelka, haraadka iyo harjadka jahligu baday waa isha eebe inoo darbay ee iska gaaxsane ee aan inaga gaagixin, waana isha loogu yeero maskaxdii dunida, waana maskaxda sida shamac ubaxaysa ee kaaha weyn ee uu leeyahay Ina Aadane(Macalinka). Waana taan idhi:
**Maskax looshan oo
**Milgiyo maamusloo
**Manfaciyo hindise keenta
**Macalin maahirraa leh
- 2 – Aqoon gaara oo ka soo maaxata awoodaha iyo taagta xirfadeed ee ku duugan abuurka jir ahaaneed ee qofka. Waxay aqoontani ahaan kartaa mid ku qaadhan oo ku lammaan abuurka aadanaha, sida xubnaha jirka hadday tahay gacmaha ama lugaha. Tusaale ahaan; inaad noqotid kabo-tole, darawal, makaanik, nijaar, harqaanle, iwm. Aqoontani oo mid hawl lagu kasbado ah ayaa ah mid ay leeyihiin dadka la yeero muruqmaal.
- 3 – Aqoon gaara oo ku timaada tuujinta maanka. Aqoontani waa mid ku timaadda hibo dheerada oo eebe siiyo qofka. Waa mid qofku maskaxdiisa maalayo si uu u halabuuro waxaan horaba loo aqoonin oo laga ahaa agafaar. Dadka aqoontan leh waa kuwa loogu yeero maskaxmaalada(thinkers) sida saynisyahanada, murtimeer-yahanada, abwaaniinta, qaryaaniinta, culimada iwm.
Ruuxu wuxuu aqoonta ku helaya saddexdaas hab, haseyeeshe waxaa laga rabaa qofku inuu dadaalo oo uu amin badan u huro si uu hanto aqoon kor u qaada tayada naftiisa iyo ta bulshadiisa. Dhibadeed bay dheefi timaadaaye, waa inuu u dhibtooda una tooghayaa qofka ardayga ah. Abwaan Cadceed Cadeysay maruu bulshada ku baraarujinayey inay waxbartaan ayuu tixdiisi la magacbaxday Arday Noqo watuu laha:
♤ Oday sii gaboobiyo dhalaan, ababintii jooga
♤ Arbiciin kolkii aad tahay amase, Eytiinka
♤ Da' kastay ahaataba cilmiga, waa la ururshaaye
♤ Udgoonow rasuulkiyo siday diintu odhanayso
♤ Iglan iyo ilaa shiinaha laga Ilbaadshaaye
♤ Orod iyo guclaa lagu helaa lagu adkaystaaye
♤ Waa la ijtihaadaa hurdada kuugu iman waaye
Barashada Cilmigu waa mid ku waajib ah in qof kasta oo muslim ahi barto (Rag iyo dumar). Waana mid diinteenu ina farayso. Waxaynu arrinkaa garan kartaa in Eebe uu rasuulkeeni(NNKH) uu faray inuu ku jalbeebto "Rabbigayow ii kordhii Cilmi".
Cilmigu waa mid qofka u noqda ileys uu wax ku arko, Eebena uga ma deeqo qof aanu raali ka ahayn. Cilmigoo la bartaa waa midaa kuu sahlaya inaad qaadid marinka jannada loo maro. Nebigeeni udgoonaa(NNKH) waxaa laga soo wariyey inuu yiri: "Ruuxii doorta ama mara dariiq uu cilmi ku raadinayo, Ilaahay waxa uu u sahlaa dariiqa Jannada".
Agafaarnimadu(Jahliguna) waa midka kugu hagaya wadiiqooyinka yaryar ee toos kugu ridaya wadad weyn mugdiga iyo mahlakada ah ee jabiyo halaaga leh taasoo ah midda say kuu sii wado dambeetada kugu ridaysa naaraha ba'an ee Jahanama iyo jaxiimada.
Arinta ugu wayn ee waxbarashada laga dhaxli karo ayaa ah sida aan tibaaxay, waana horumar dhinaca maskaxda ah oo ah furaha ileyska ee nolosha. qofku wuxuu nolol maamuus iyo karaamo ay ku dheehantahay heli karaa marka uu barto xirfad uu ku shaqaysan karo. Sidoo kale dal wuxuu koraa oo uu hormari karaa, waa marka ay jiraan bulsho dhaqan iyo dun ahaan u suuban oo hormarin lahaa, dadkuna waxba ma ay hidin karaan hadii aysan jirin aqoontii ay wax ku hormarin lahaayeen, waana taas sababta kaliya ee uu geyigeena soomaliyeed uga bixi la’yahay burburka una noqday guri ba'ay 25 gu.
Dheefta weyn ee cilmigu leeyahay ee Aadanuhu ka dhaxlo markuu barto, haddaan dhanka suugaanta aan mar kale ku tibaaxo waxa ila quman inaan soo qaato dhawr meerisoo cuddoon oo ku jiray tix la magac baxday Caqliga Kaasho oo uu tiriyey hal-abuur la yiraaho Abdiraxmaan Xiiray. Meerisyadan laaxiboon wuxuu Abwaan Xiiray bulshada ugu meeray murti dhaxalgala, wuxuu Abwaanku bulshada soomaaliyeed ee jahligu xangabiyey, ku baraarujinayaa inay waxbartaan oo ay aqoontu waxay farayso ku dhaqmaan si ay uga baxaan dhibta ay ku jiraan. Sida ka muuqata ibo-furka ararta ayuu meeriska ugu horeeya ee tixda inoogu qeexaya wuxu yahay cilmiga, intaa ka dibna haddana wuxuu u dhaadhacaya dhudka golnuugsiga ararta isagoo si laaxiboon heego ugu maraya waxa ay ka dheefeen dadyowga aqoonta kasbaday dabadeedna raacay oo fuliyey waxay aqoontu fartay. Abwaan xiiray wuxuuna yiri:
**Cilmigaa adduunyada kaboo, lagu kifaaxaaye
**Kaah madowga lagu suuliyoo, weeye kaafiya’e
**Rag inay kor fuulaan dayaxa, sheegtay kanigooda
**Raga kaligood qoondaystay ee, gobal yar kuu reebin
**Ee inay kor uga sii socdaan, raba karaankooda
**Iyo sida kaluun kuwa baddaha, kor iyo hoos maaxa
**Cilmiga markay korodhsadeen, kaartadaa baraye
**Duulkaan aqoon kobocsan, baa kaalintood gabaye
**Kufitaan ma waayaan hadday, kubabka qaadaane
**Kob cagaarle reer kuma furaan, kamana baaqaane
**Kala durugsan xeel iyo kartiba, labadan kooxoode
**Kuwaa yaydun keefiyad la noqon, boodhka kuududa’e
Aqoon xumo abbaar ka darane, Aqoondaridu, agafaarnimada(jahliga) ayaa ah alhuumiyo cadowga ugu wayn ee qofka baraysan kara inta uu noolyahay. Jahligu wuxuu qofka u jeebbeeya markasta in uu ka maankiisa maalo oo uu ka fakaro siduu dantiisa iyo ta umaddiisa uu toobiyaha quman ugu hagi lahaa, sidoo kale aqoon la’aantu waxay dadka dhaxalsiisa in ay garan kari waayaan siyaabaha fudud ee xal loo keeni karo loona noolaan karo, aqoon daraadaasina waa ta Soomaali haysata ee ay marba isu goominayaan guhaadana ugu wacan. Hal-abuurada soomaaliyeed siiba kuwa gabyaayada ah oo runtii ah kuwa ugu ildheer bulshada waxay ku tibaaxeen dhibta soomaali ku baraahsatay inay ka timi aqoon daro hadday tahay mid aqoon diiniya ama mid dunawiyaba (Saynis iyo dhaqanba). Haddaan soo qaato meerisyo inoo manqaxaya in dhibta soomaali haysata ay tahay xaga aqoonta waxaa ila foolaadsan inaan idiinku jalbeebo meerisyadan cuddoon ee aan ka soo goldooxay tix uu tiriyey Abwaan Cadceed Cadeysey wuxuuna yiri:
*Islaam weeye soomaaliduba wadar Ahaanteede
**Hayeeshee waxay aamineen eyo dooralehe
**Amarkoodu wuxuu hoos tubmay, igad la sheegaaye
**Kii loo amaamudo xilkee, aamin loo tiriyo
**Afarqaadka jaantuu tagaa, meel Agtooda ahe
**Sidii igadh maqaar loo dhigay, gaal u ololaane
**Shacabkiina waa kala irdhow, eega maanta ahe
**Isumay ugaan baarqabada, idanka Haystaaye
**Iyagaaba kala orodayoo, Kala Ahaysiine
**Adkaartiyo hadday garanayaan, aayadaha diinta
**Ama ay shareecada ogyiin, axay ku oogayso
**Galbeed abasax uma ay Noqdeen, uurka gaaladuye
**Idhankeenu diintuu ahaa, inaan adeecnaaye
**Albaqriyo watiinbuu ahaa, inaynu oognaaye
**Amlaydaan wataan gaaladiyo, ubadka soo raacay
**Oofaha intaan lagu jarin lagu unuun goynin
**Ama aysan Aakhiro cadaab noqon abaalkaaga
**Waa inaad ixsaankiyo sharciga, ku ismanaataaye
**Waa inaad aqoon maadiyiyo diinta ulataaye
**Arday noqo markaasaad ahaan, ruux ammaan mudane
Markasta oo uu jahligu bato waxaa aad u adkaada nolosha, sidoo kale waxyaabaha laga dhaxlo aqoon la;aanta waxa ugu daran in dhamaan dadku ay ku mashquulaan wax aan marnaba dan ugu jirin, sida in lagu xiiqo wax aan la dhaadsanayn.
Waxaan kaloo dhihi karnaa hormarka ugu door roon ee uu qofku ka dhaxli karo waxbarashada ayaa ah xoriyad xaga maskaxda ah . Qof kasta oo aqoon leh waxuu sameen karaa fakar uu u madax banaan yahay halka qofka aqoontiisa ay liidatouu ku tiirsanyahay marwalba fakarka ama aragtida dadka kale. Sidoo kale qofka aqoonta leh wuxuu si sahlan ku curin karaa aragti ama fikrad hormarin karta nolosha dadka guud ahaan ama noloshiisa gaar ahaaneed.
Qofku aqoonta ugu weyn ee ka koryeelaysa kurbada iyo kadeedka noloshan gaaban iyo nolosha dambee lagu waarayo, waxa weeye aqoonta diinta ee alle inoogu soo dhiibay Rasuulkeeni suubanaa(NNKH). Markuu qofku barato oo ku dhaqanto aqoonta diinteena dahabka ahi inoogu meeran, wuxuu dareemaya raaxo iyo negaashan sugan. Aqoonta diinteena muslimka ah ku duugan waa mid nafta, maalka, deegaanka iyo wax kasta oo dunidan eebe ku abuuray korinaysa. Maadiguna waa aqoon kabitaanna waana mid door roon, wixii aqoon maadiya laga soo dhalaaliyana waxay ka isiran yihiin oo ka yimaadeen sunada iyo kutubka Eebe ee quraanka oo aan waxba ka maqnayn. Waa kan Abwaan Xiiray oo inagu jalbeebaya mar kale aqoontu dheeftay leedahay iyo say nolosha u kaabto. Wuxuuna yiri
**Dadkeygow caqliga kaasho, oo kori aqoontaada
**Jiiddo iyo dhacan bays koryaal, kadinka xoolaa’e
**Labadooda kaalmood mid baa, dhowrta oo kaafida’e
**Midna feejigaa loogu kabay, lagana kaaftoonye
**Kala mudan aqoontuna kolkaad, kaasho leedahaye
**Markay noloshu karah aawadii, kuu dhadhami waydo
**Ee kulayl qalbiga kaaga jira, madaxu kuu kaaro
**Kurbo cudurna shaybaadh, wuxu sheego kugu waayo
**Kitaabka alle goortaad akhrido, iyo kalaamkiisa
**Naxariis ku koobtiyo raxmaad, kaamil noqotaaye
**Noloshiyo cilmiga waa ka kow, diintu kaligeede
**Maadada kalee lagu kabaa, korodhsi weeyaane
**Idinkoo sidaa ugu kalsoon, boqorka kaalmaysta

Aqoonta weeye ta shida uu ka yimaado iftiinka nolosha. Haayoo waa aqoonta. Dhabtiina waxaa kuu cadaynaysa labada qof ee mid yahay mid agafaara halka ka kalena yahay aqoonyahan milgo leh, inay kala yihiin labo ruux oo dadnimiyo, tamariyo kala tayasiimo duwan.
Aayado quraanka ka mida iyo axaadiis badan ayaa tibaaxaya qiimiyo iyo dheefta uu u leeyahay qofka iyo bulshadaba kasbata. Taasina waxay inoo daahfuraysa qofka Cilmiga bartey inuu ka qiimo badan yahay qofka aan waxba baran ee agafaarka ah
Allaah kor ahaaye wuxuu aayad Quraan ah ku yidhi Nabi Muxamedow ku dheh: (( Ma siman yihiin kuwa wax yaqaan iyo kuwa aan wax aqoonin, waxa ku waansama uun kuwa garaadka u saaxiibka ah)).Zumar/9.
Xaga sunnadana haddaan ka eegno waxay ka tibaaxday Axaadiista ka hadlaysa door-roonta ay leedahay barashada Cilmiga waxa ka mid ah, Nabigeena Muxammed(NNKH) inuu yiri: "Barashada cilmigu waa ku waajib Qof kasta oo muslim ah- Rag iyo dumarba".
Haddaan dhanka suugaanta idiinku tusmeeyo, dhawr tuduc oo si laaxiboon inaguu tibaaxaya inay kala qiimo mudan yihiin qofka aqoonta leh iyo midka ka ardan, bal aan soo qaato meerisyo aan ka soo goldooxay tix la yiraaho kala mudan oo uu tiriyey Abwaan la yiraaho Jaamac Cali Xirsi Murtisame. Wuxuuna yiri:
**Kala mudan qofkii muuminiyo kii munaafaqa e
**Kala mudan kufriga moogan Iyo caalin mehershaaye
**Kala mudan muftiga diinta Iyo gaalka maanacaye
**Kala mudan miskiin badawa, iyo macalin taariikhe.
Dheegtayaal qormadeeni maanta oo ahayd tii 16aad ee qormooyinkeeni taxanaha ahaa ee Hal-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman, intaas bay inoogu joogaysa, hadduu Eebe idmo waa inoo iyo qormadan ta xigta iyo suugaan ku saabsan jacaylka iyo xodxodasha.
Tixraaca
1- Maanmaal Buureed Gurxan."Murti Iyo Maan-gaaxday". Xikmadmaal.blogspot.com. Kampala. Uganda
2- Maanmaal Buureed Gurxan (July 2014). "Waxaa waxbarashada loogu foogan yahay, waa furihii noloshe". http://maskaxmaal.com/waxaa-waxbarashada-loogu-foogan-yahay-furihi-nolosha-weeyaane-wq-maanmaal-buureed-gurxan/.
3- Sakariye Saxardiid Axmed. "Gabay Sahan Dhawr". https://xusuuso.wordpress.com/2014/10/30/xusuuso-wordpress-comgurigasahan-dhawr-gabay-mug-leh-iyo-gabyaaga-sakariye-awaare/
4- Cabdiraxmaan Xiiray. "Gabay Caqliga Kaasho". https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=1544381439175672&id=100008114917984&refid=17&_ft_&__tn__=%2As
WQ: Hal-abuur Maanmaal Buureed Gurxan
Naadiga: Qalinmaal
Copyright: Author Maanmaal Buureed Gurxan and Maskaxmaal.com