Silsilada Waxaa Mar Saddexaad Ku Soo Laabtay Abwaan Maxamed Haybe Isagoo Abwaan Farxaan Salwe Uga Jawaab Celiyay Tixdiisii Ahayd Xishooda
Abwaan Haybe Wuxuu Yiri:-
**Farxaanow habluhu waa xariir laga xishoodaaye
**Xurmo gooniyay leeyihiin amma xaquuq dheere
**Xaska uma adkaystaan inay xanan ka jiidhaane
**Xagar sarara wayn waa halkii xodayga buurayde
**Axe'xeedu waw daran tihiyo xaayo loo diro-e
**Xagulihiyo baa muuqan jiray xidido waawayne
**Sida xuurta way godanayan soo xorgogayaane
**Xaskul laguma soo hiyo xadhkaha lagu xajiimone
**Xoolaha waxaa raacin jirey niman xurmaynayne
**Raga xooga luunbay ahayd. Inay u xoojaane
**Waligeed xadgudub bay ahayd inay xafaarane
**Xayniyo waxaa xawda jaray xaabo loo diro-e
**Xajka iyo waxay doonayan xaramki waynaye
**Xijigii makaad bay arkaan ama u xiiseene,
**Dhulkana lagu ma xaadhe dhibwaa laga xijaabaaye
**Inaad xuubka mooday rabaan midho xareedade
**Timo xawdhka leeg bay rabaan inay u xaabaane
**Xaragadiyo quruxday rabaan inay xafleeyaane
**Xiliyada qaboow bay rabaan inay xinaystaane
**Xifdi iyo quraan bayrabaan iyo axaadiise
**Xaqa waalidkay doonayaan inay xusuustane
**Bal intaad wuxuun xeerisaan oo xal laga duulo
**Ha xaqirina oo yaan la odhan xagarka sii jooga...
No comments:
Post a Comment