Friday 26 September 2014

Gabay--(Kala Mudan)--- Abwaan Jaamac Cali Murtisame

Tixdan la yiraaho ee Kala mudan wuxuu Abwaan Murtisame Curiyey 8/8/13 (Kala mudan)

**Marka hore allaa mahad iskale maalik kaligiiye
**Marka xiga rasuulkiisa mudan maxamed weeyaane (scw)
**Mar labaadna mawlaa iska mahad dhamaanteede
**Marka xigana kala mudan halqigu meela kala aadye

**Kala mudan abaar madhisay Iyo mayay arooryaade
**Kala mudan madawgiyo cadada maalintoo kale e
**Kala mudan madheedh faraqle iyo jeerin mudaciiye
**Kala mudan manqada soo baxdiyo jilifta maygaage

**Kala mudan mur daybaaqa Iyo malab sabiibede
**Kala mudan mugdiga laylka Iyo maalin geedigu e
**Kala mudan biyaha maaxdey iyo caraq lamiisaaye
**Kala mudan malkada xaysimiyo miidadaw sigu e

**Kala mudan mirtii xalay dadiyo magay wiyeeraaye
**Kala mudan mahiigaanka Iyo shuux marsoo kacaye
**Kala mudan magaaliyo dhulaan neefle matahayene
**Kala mudan mulkii saxarihiyo meel nabaad lihiye

**Kala mudan miskiin badawa Iyo macalin taariikhe
**Kala mudan qofkii muuminiyo kii munaafaqa e
**Kala mudan muftiga diinta Iyo gaalka maanacaye
**Kala mudan kufriga moogan Iyo caalin mehershaaye

**Kala mudan macnoow yaraha Iyo ruux masuulihiye
**Kala mudan tasfiir mariye Iyo kii murqaansaniye
**Kala mudan masiir qaranimiyo ruux maslaxadeede
**Kala mudan masoo jeeste Iyo fulayga maagaaye
**Kala mudan ninkii madaxa Iyo gocor is moodaaye

**Kala mudan marwada gaariyiyo baali maahsaniye
**Kala mudan maxjamad reer dhaqdiyo Iyo tii masayr badane
**Kala mudan ninkeed maqasho Iyo yalaqda muustaaye
**Kala mudan mikeed joogto Iyo gabadha meertaaye

**Kala mudan galoof madhatay Iyo igadh la maalaaye
**Kala mudan martida loolistiyo tii magaanyaaha e,
**Kala mudan sangaha miigan Iyo baqal madooboo e
**Kala mudan miciin ruuxle Iyo xaasid maanliye

**Kala mudan midkii lagu Hirtiyo kii maganta laayaaye
**Kala mudan macnaha dawlad Iyo qoon metelayaaye
**Kala mudan qabiil magac yar Iyo meenka qarameede
**Kala mudan nin mooryaana iyo mu'adin khayraade

**Kala mudan qof miisaanle Iyo kaan macna lahayne
**Kala mudan qofkii magacle Iyo meela kuma yaale
**Kala mudan jihaad mawle Iyo maxastii laayaaye
**Kala mudan mashaayiikhda Iyo miina'aasuhuye

**Kala mudan madhaafanka Iyo biri magoysaane
**Kala mudan nin marshaala Iyo kaan dhiboo marine
**Kala mudan murtada gabayga Iyo kaan midhka aqoone
**Kala mudan mawaahibada iyo kii maroorsadaye

**Kala mudan mad-habad diiniyiyo muusik tumayaale
**Kala mudan marduuf jaada iyo qare lamiirtaaye
**Kala mudan macaan Iyo qadhaadh meel kastay tahaye
**Kala mudan maseexiga lumiyo muumin toosaniye

**Kala mudan madiiniyo kufrigu meelu leeyahaye
**Kala mudan makiyo ruuxa tegay kaan marsoo arage
**Kala mudan manfaca shayle Iyo meela kuma toose
**Kala mudan makaan lagu degiyo geedi moorsaniye

**Kala mudan colaad lagu madhiyo miida nabadeede
**Kala mudan qofkii mu ayidiyo kii mucaarada e
**Kala mudan majare kaa xun Iyo marinka tooboone
Kala mudan mijilis qaadle Iyo goob muxaadiro e

WQ: Hal-abuur Maanmaal Buureed Gurxan

No comments:

Post a Comment