Friday 26 September 2014

Gabay---(Saw Wax Ba'an Maaha)---Abwaan Farxaan Cumar Salwe

Gabayga saw wax ba'an maaha abwaan Farxaan Cumar Salwe waxa uu tiriyey hilaadu markay ahayd 23/2/2012. Gabaygan  oo ah mid aad u cuddoon oo dhaxal gal ah wuxuu abwaanku kaga hadlaya xaalado inta badan dadka ka dhaca.

Xaaladahaas oo ah in laba qof oo aad u kala fog fikiriyo garasho  ahaan ay doodaan ama isu faanaan, taasoo aad ka garan karto siduu  abwaanku ugu tibaaxayo meerisyada cuddoon ee tixda.

Waxaynu ka fahmayno haddaan wax ka yara taabto waxaa ka mida in nin hal abuurnimada ku caan baxay loogana danbeeyo uu u faano ama la doodo mid badhjab ah, mayacsile, ama bayd gaab ah taasina ay tahay wax lala yaabo ama aan la qaadan karin waxa uuna abwaanku yidhi.

**Birgaydh janan ah baalaha casaan buuxshay darajooyin
**Baarliin dagaalkii nin galay biladna sooqaatay
**Boodhigaadh midaan biid lahayn alifle biibaaye
**Inuu baab dagaal uga waramo saw wax ba an maaha?

**Boodada ninkii baacinjiray faras banaan jooga
**Bulshaduna taqaanaye inbadan biibshay orodkiisa
**Biyoolaha dameeraha wadee beledka gaadhsiiya
**Inuu bereten ugu baaqayaa saw wax ba an maaha?

**Burdihiyo qoraankaba wadaad baydkastaba sheega
**Bukhaarina warkiisii hayoo beenta ka ilaashay
**Baydgaab mid soo bawsadoo bilista faaleeya
**Inuu belelka naar uga waramo saw wax ba an maaha?

**Boqol sano ninkii soojiraye boqorku gaadh siiyay
**Ee bamkii taleex lagu ridayna beeg ugaranaaya
**Baaluqu midaan weli ahaan biidkan kacay haatan
**Beerdhiga inuu uga waramo saw wax ba an maaha?

**Barni gaariyoo diiranoo bayd qurxoon hoyata
**Boqol loo gugalo oo bulshado badi amaanayso
**Bassaridu inay caayaysaa saw wax ba an maaha?

**Ba’da gabayga nin bayaamiyoo baarkasare gaadhay
**Baalaqana ilaah siiyayoo baahin garanaaya
**Badhjab inuu la doodaa iyana saw wax ba an maaha?

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

No comments:

Post a Comment