Wednesday, 31 December 2014

Maanso---(Cishqigu Maaha Sahal)---Maanmaal Buureed Gurxan

"Ciyuuniyeey inaabti hubaal 
"Caynkuu yahay jacayl...
"Cilmiyo lagu waa maal 
"Caawimiyo lagu waa itaal....
"Catowiyo lagu waa calaacal 
"Cishqiguna maaha sahal.....

"Cudooneey gacaloy imaqal
"Cawiyo ayaankeeno idil
"Culimoy ada hayee imaqal

"Caashaqeena abaabul........
"Canaaniyo ka ilaali dhaliil 
"Cadhiyo ku beeraya ciil.....
"Cadceediyo ka hoy dabayl
"Cunaya unugyadiisa nugul..

"Cadawiyo ka ogow ardaal
"Cashiiro xun uga yeela ehel......
"Coliyo yanu arag bahal
"Ceeliyo ku ridaya bohol...

"Cadceediyo ka ilaali dabayl 
"Cidliyo ku waabaya jeel......... 
"Codka taladaydana maqal
"Caynkaan kuu idhina aqbal
"Caamkan aynu ku caweyne nugaal

Sunday, 28 December 2014

Gabay---( Saxarla )--- Abwaan Sadiiq Xaaji Yaasiin

25/12/2014 Gabaygan waxaa tiriyey Abwaan Sadiiq Xaaji Yaasiin. Ka bogosho wacan.

**Sa'da gabayga suugaanta waa, lagu safaadaaye
**Sawdhe waliba wuu soohayaa, oo sabsaab ahiye 
**Salsaloolad baa lala bartiyo, seeregoysnimo-e 

**Ninkastina sed buu moodayaa, saas anaa iriye 
**Waxaa jira abwaan loo sakhiray, hibona loo siiyey 
**Isna aan ku saqajaaminoo, saydhin weligiise

**Sohduu dhigayo jeeruu wax badan, sahanku qiimeeyo 
**Surmo seegto ka ilaasha iyo, saalax-weetada-e 
**Weligeedna odayaal sidoo, saacidaa jiraye

**Nimankii sidkaw tirin jiroo, saanan jirey waayo 
**Saaxiiba-deedii horiyo, socoy dadkeediiye
**Seyidkii siciid muuse iyo, saahid iyo raage

**Sikhigii Ismaaciil Miriyo, saajac Cali Aadan
**Cilmi Carab, Qamaan iyo Salaan, iyo safkoodiiba 
**Yamyam iyo suldaankii Khaliif, sumuclihii Aadan 

**Cabdilaahigii suubin jirey, iyo Saleebaanba
**Saraakiishi maamuli jirtaan, dunida saarnayne 
**Hadday saaka joogaan diciif, kama sinaysteene 

**Suuqyada ma gorgooriyeen, mana salaaxeene 
**Anna qaar saldanadoodi baa, qoorta ii sudhane 
**Xilkii ay sideen bay badhkood, igaga siibteene 

**Sinji baan u leeyahay Biddena, waygu soo simaye 
**Indhaweydna saluug bayga galay, oo ma suuradine 
**Ma sawirin sanado maansadii, saafiga ahayde 

**Markii sooma-oodmiyo sakhraan, koray salaankeeda 
**Qofkastina sidaha laacayoo, saymo kula ciiray 
**Oo loo sinaadoo tixgelin, meesha laga saaray

**Sumcadiina laga dhaawacoo, soor la wada moodey 
**Dadka qaar sariigtana mudaba, suurto geli weydey 
**Samir baan ka qaatoo inaan, suuriyaan rabaye 

**Sakatuuro goortaan ku xidho oo, ka yare seexdo 
**wax aan nin ragi siisan baa, nacas sameeyaaye 
**Sun la cunayo goortaan arkiyo,  biyo saraw jeeda 

**Ama sacabadoo lays ba yiri,  timo ka soosaara 
**Salcaal baan noqdaa oo cadhay, iiga suruqdaaye

**Soomaali silicii ku dhacay waa, la saadsadaye
**Waana kii dhamaanteen simoo, gooyey seedaha-e 
**Kama samata-bixin wiilashii, siidhigaw ridaye 

**Saxalkiyo dhibaatada haddii, laga safaynaayo 
**Intii siifanlaha raacdayoo, socotay yeelkeede 
**Inta kale samaan inay rabaan, waa sidaan qabaye 

**Siyaasadaha goortaan sawiray, saxala moodaayo 
**Intuu xalay sariirtii hurdada, sabar ku iidiidey 
**Intaan seexan kari waayey oo, samada jeedaashey 

**Ayuun buu saqdii dhexe caqligu, furay sanduuqiiye 
**Murtidii salkaw taaley oo,  selesheyoo toostay 
**Sasaboo sabaalshee markay, samir lahaan waydey 
**Oo seetadii goosataan, qoray salaadiiye

**Suruqyona hamoodina ee waa, sababo awgeede 
**Kolba waa samaawiye markaan, saxarla soosaaro 
**Goortaan sitaaca u xidhoo, siinka ka higaadsho 

**Surmo-seegto ma lahee markaan, mariyo soonkeeda 
**Lama seego saydhkaan la rabo, waan ku sugayaaye 
**Sarbeeb kuma hadlaayee markaan, saafo ula jeedka 

**Anigoo sameecadaha iyo, sawdka kor u qaaday 
**Tiifiiyadaan siinayaa, saacadaha dhawo-e
**Suuqyadoo dhan haw kala direen,  suxufiyiintiiye 
**Soomaalina siqiir iyo kabiir bay, ku socotaaye 

**Sacsacyo aanan rabin baa jiriyo, reero saxariire 
**Saaqidkii siyaasad u suntanee, sixir la leefsiiyey 
**Iyo nacas qabyaaladi sirtoo, suniyo waabay ah 
**Iyagiyo safkoodaba ma rabo, mana salaamaayo 

**Intii suuban oo suluxa jecel, saatirku amaanay 
**Sayn cadaaga sooyaalka iyo, saxaya taariikhda 
**Samadoon sidaydaa abwaan saafiyaa badane 
**Safarkaygu goortuu u tago, ereyadaan saantay 

**Sumad lagu gartay leedihiyo, sawrac gooniyahe 
**Markay sahamiyaan oo arkaan, saliyo baarkeeda 
**Inay saxarla tahay iyo inaan, kaga saqlaysiiyey 
**Jawaabtay ka soo saarayaan, waan ka sugayaaye

**Afartaa anaan sogordahayn, lama saluugaan dheh
**Subag sixina caanaha samaad, daylo sararteeda 
**Iyagaan martida siin jiree, sooryo qiimo leh dheh 

**Ergo samirtayoo suruqda neceb, saajac gabaygii dheh 
**Sirgax iyo sokeeye is dulmiyey, sixitin koodii dheh 
**Su'aalaana ii hadhay talona, way la socotaaye

**Marka horena soomaaliyeey, dhaafnay saxalkiiye
**Samcadeeni iyo baawarkii, saatir soo celiye
**Seegseega ka ilaasha iyo, saawa-saawahaba

**Suntii dumisey qarankeeni hore, suuriyoo quba-e 
**U saldhiga xornimo yay mar kale,  siiban oo lumine 
**Waa Ina Siciid oo haday, silicdo way hooge
**Seben horena waatii kufrigu, nagu sikiimeene 
**Soomaalina badhkood kula socdeen,  ways ka saamaxaye 

**Sumuciyo bamkay nala dheceen, seeda nala gooyey 
**Sirqo iyo siqiir iyo waxaan, sawjad nala dhaafin 
**Sarac soogan baa nooga hadhay, sababa heediiye 

**Indhaweydna sool iyo sanaag, sabada buuhoodle 
**Jabhadaaba lagu soo saliday, aan samaan rabine 
**Xinkaygay u saaxiib noqdeen, labada suuraafe 

**Soomaalinimo waa mid bay, nagu sadheeyeene 
**Subax yoomey suugiyo baroon, na gama saaraane 
**Iyagoo sidaas noo silsilay, cadawna saaciido

**Anna aan midnimodeena sidoo, saydho ka ilaashey 
**Anoo hiil siyaada ah mudnaa, xiliyo sooryaynba 
**Safka hore anoo dawladaba, xaqu ii siinaayo

**Samigaan lahaa baa dad kale, lagu sabaalshaaye 
**Inii aniga lay sejiyoo sahalo, lay dhaafsho
**Kuwaas baa hilbaha qaarka sare, loo sed buriyaaye 

**Balse calanka iilama sinnoo, waw saburayaaye 
**Lama siibayoo geedku waa, sararahaygiiye
**Gobanimona kama seexanee wayna sababtaaye 
**Sooyaalka wacan inaan, gaawaha u sidaye

**Anigoo daraadeed surmiyey, soona ugu raagey 
**Sirna aan ka gelin oo intaa, saxayey uun hawsha 
**Soomaalidana kala saarinoo, jecel sinaanteeda 
**Inta kale saf weeyee waxaa, lay silsiladeeyey

**Sokeeye iyo saaxiib waxaan, suuqa uga waayey 
**Oo seef midkii igu dhuftaba, loogu sacabeeyo
**Oo sahalka loo moodayaa, sararo goyntayda 

**Oo soogey keligay cidlada, sidani waa yaabe
**Sadqo li,i waxaan ugu dhintee,  saxarahay taagey 
**Ka siteeya soomaaliyeey waa, su'aal furane

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Tuesday, 2 December 2014

Sheeko Qaybtii Kowaad---(Jacaylkii Maalmihii Adkaa Iyo Midhuhu Dhalay)- WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Xiliga la joogaa waa jiilaaal, waa qorrax dheere diraac beerkeeda ah. Meeshu waa soolka xidhan waa biyo ka dheer waxayna soo joogaan ceel yalanyool loogu dhaadhaco.

Duud-caraale ah lama haybsadee waa nugaal godan. Raadsashada biyo doonku wey hawl badan tahay, cid walibana kama bixi karto oo kartida lama wada sinee, raxan-raadka jiilaalka adkaaday cidii dhabarka u ridataa waa dhawr qof oo gaara oo ku jiraban in hadiyo jeer loo ohoomiyo ubaxna loo saaro inay gutaan hawlaha culculus ee reerka,  waana kuwo ku takooran hawl karnimo iyo herdan aan nasasho lahayn.

Habeen reerka baa ooman, oo waa raadinta wixii la qurquuman lahaa,  waxna lagu bislaysan lahaa. Habeen waa adhi aroor, habeenna waa geel aroor. Maanta haddii meysi la ceel geeyo berina waa mid kale. 

Nugulshu iyadu halkaa ma haybsato oo meel biyo le baa la dul-geeyaa. Adhigu waa labo gelin gud ama waa guul. Geelu waa fiid-cab oo intaa ay qorraxdu soo jeedo fursad malaha. Dhaanku waa gudoodi, ama waa galab-caraw guure og. 

Gaadiidka u tabobaran samato-bixinta reerka iyo wixii qoyska jilicsanba waa Awrkii dhaban-madoobaha ahaaye ee Kalafoge ee Ina-Kuraas. Waa kii hogaan qaadka dheeraa ee tilmaanaa.

Dhaanku waa kowiyo toban saacadood oo jagi jagi ah. Intaas oo dhan dadka u dhabar adaygi kara ee hawshana sida gaarka ah loogu igmaday ee xilkeedu saaran yahay maaaha dadkoo dhan, waa wiilka barbaarka ah ee reerka ugu weyn, ama waa inanta guudka loo dabay ee gashaantida ee reerka. Kuwanina waa kuway hawshani gaarka ugu dhacdo.

Markuu dhaanka shinkiisu galo, waxaa la isku soo beegaa oo laysku soo kal-ridaa dhaamanka degmada hadba intii ood wadaaga oo isku tub ah amase  ceelka marka la aadayo hilin isku mida u wada mara. 

Waxay gabadhu mararka qaar isku soo beegtaa kalka geella oo si walaalkeed ceelka uga soo diro dhaankuna maalintaa ma daaho. Lakiin maaha kal walba oo inta geelu cokanka iyo oonkaba yahay dhawr jeer buu reerku dhaansadaa.

Maanta dhaanku waa galab-caraw, waxaana isdoortay hablo saaxiibiyo isku jaala ah. Hablahan isa soo xushay ee isku jaalka ahi waxa ay dhaankii jarmaadada ahaa ka doorbideen galab-caraw. Maalintani maaha maalintii ay geelashoodu kalanaayeen oo ma  jirto hablaha qaarkood wax ciddahooga ah oo ceelka kaga horaya.

Waa la boqoolay waana casar-dheere, waxaana ceelka lagu beegan yahay lana gaadhi doona, waa xiligu gabalku dumo waana hordhaca habeenka oo ah fiid-cawlka. Waa la isa soo wada raacay, waxay wadada cagta ku soo jafaanba waa la soo gaadhay. 
Ceelkii mudada saacadaha badan ah loo soo jeeday ma jirto hablaha cid heegan ugu ah, ciday ugu tagi doonaana waa geelleyda u qalab dhigtay shubaasha.

Wabxinta geela sodon qaska ah, waxaa awrtii la arumay meel aan sidaa uga fogayn kaalinka geelasha, waxaana laga rogay weel biyoodkii. Markii laga wada rogay waa la kaakiciyey awrtii waxay markan awrtu filatay in biyaha afka loo saarayo mase noqon oo waxaa la qabad siiyey dhawr geed oo hada ka hor ahaa kuwa ceelka dushiisa caan ku ahaa laguna tilmaami jiray. Laakiin markan waa kurtimo ama jirdo hadhaaya.

Waxaa baxaya codad laaxiboon oo dhegaha awrta si toosa ugu dhacaya waana hees shubaaleedka gaarka u ah waraabinta geela, waa jawaabta geela biyaha loogu soo saarayo laguna dhacsiinayo. Waxaa jirta qayb ka mida awrta oo hiyi kacay kuna cartamaya geedka lagu xidhay. Awrta mid ka mida siiba kuwii geedka ku xidhnaa ayaa wuxuu bilaabay inuu isku maro oo iscunid iyo dagaalba la galo awrta kale. 

Wuxuu cartamoba markii dembe ayaa waxaa awrkan aragtay gabadhii wadatay ee u rarnaa. Inantii waxay xoogaa cabaara iska yara dhago-marto gurxankiyo cartankiisa ba'an, markii dembe waa ay ku eegan kari weyday oo intay kasoo furtay halkuu ku xidhnaa bey meel banaana la taagan tahay iyadoo uga baqday inuu wax is yeelo. Waa mergi weyne waa kay ugu yeedheen awr yahaabur ama awr yuhuud, ninka raga ugu xoogga weyn mooyee cid kaloo u badheedhaa ma jirto. Laakiin gabadha gashaantida ahi sabaalo, maslaxo iyo gacaliye bay ku haysaa. 

Inkastoo oo ay mararka qaar ku qancin karto, hadana wuu iska dhufsanayaa wuxuunna kula dhowaanayaa darka geela, waxaa la baacbaacinaya wiil kuray oo aan weynayn oo ay ku halayn kari weyday. Waxse caawinaya oo uu awrku nin u aqoonsan yahay gabdhahana loogu soo daray oo daalin rageedka hablaha ku soo hunguri xumaada inuu kaga leexdo oo waa nin dagaal mooyee kaga filan humaajiga cabsi gelinta.

Ragga geela safka iyo dhexda u hayaa waa kuwo hawlan oo waxa ay ku horan yihiin kuna foogan yihiin duunyo ah tay ugu jeclaayeen waa geeliiye, waxaanse ka qarsoonayn ninka ama labada isha iyo biya culusta koowaad taagan. Ragga inta kale waxay wada dareensan yihiin oo aanay mooganayn awrta iyo haweenka oomani cidda ay sugayaan inay tahay iyaga uun.

Waxaa la wada jaleecay gabadha dhaban madoobuhu hadba soo dhufsanayo ee intay is ilawday foodadii garabka ku qaadatay. Waxaa dareemay oo su'aal deg-deg ah weydiiyey ragii kale ee ka sareeyey  barbaar qodobka koowaad ee ceelka taagnaa ahaana wiilka dhamasta la biya geliyey salka kasoo kicinayey, ee sidii cawaweertii gunta ceelka loo dhigay aan iftiinka iyo banaanka arag. 

Waxay ahayd su'aashiisu "war maxaad eegaysaan", waxaa loogu jawaab celiyey "waxaanu eegayna gabadh awr soo jiidanayo". Waaa nin gu'gaas hami guur ku jiro oo hablaha hanaqaaday ee jookha lulaya ay ishiisu ku maqan tahay. Ninkuna markuu dayday ama guurdoon yahay waxaa gabdhohoo dhan laabtiisa iyo wadnihiisa gurdamaaya ugu beeran naxariisiyo kalgacal baaxad leh oo ay soo hirayaan dano........

Lasoco Qaybta Labaad Ee Sheekadan Hadduu Eebe Idmo.................

WQ: Hal-abuur Maanmaal Buureed Gurxan

Copyright: Maanmaal Buureed And Maskaxmaal.com