XAFAAAR
- Xiiqaayow Bir xawaare jartay, Xiin laguma gaadha'e.
- Xabadiyo gumuc dhacay, Xodxodasho ma lahayne.
- Cir xuub dhacsaday Xareed, Laga ma sugo'e
- Naf xawl mariidka dhaaftay, Xanaano ma lahayne
- Suugaantuna xagxagshiyo xarbi, Laguma xaadiye.
- Adiguna xaraf laguu dhiibay baad, La xarakaadaysaaye.
- Abris soo xankaakubay baad, Xerediisi timiye.
- Kuwii hoyga xikmadiyo fadhiyey, Xaruntii murtida.
- Adigoon xa'da gabay xardhi karayn, Baad xuruuf ula timiye.
- Xisidnimadiyo xisti fogaaday Baa, Laabta ku xoodaye.
- Xafaarna waad u ahayd kuwii, Xamasta leenaayey'e
- Xayn libaaxyo ah baad dalbanaysaa, Xarbigoodiiye
- Xadkaaga xidho yaanan, Xogta gaadhsiine.
No comments:
Post a Comment