√Lagdaniyo loolanka aduunyo waa,
Lahaan jirine.
√Waa luriyo dhibaato maaliniyo,
Leyl taagane
√Waa laylisiyo imtaxaan aan,
Laga dhamaanayne.
√Waa laqdiyo laqwi ibleyso aan,
Luuq daynayne.
√Waa doodiyo laacdan gole aan,
Lagu heshiinayne.
√Waa ladnaaniyo dharag aan,
Lagu waarayne.
√Waa leexo dirireediyo dagaalaan,
Laga lib keenayne.
Continue.....>>>>>>
By: Maanmaal Buureed
No comments:
Post a Comment