Gabaygan uu tiriyey Saahid Qamaan mar laga gar helay buu saahid mariyey gabay aad u dheer oo uu ku amanayo gabadh kuna raali gelinayo xaaskiisa oo u denbi ka galay gabaygii wuxu ahaa sidan.....
- Afka Adari reer Ugunji iyo, nimanka Eedoole
- Isahaaq irdaha Maalinguur, Edega Ceel Dhiinle
- Ilig iyo Awaare iyo Jeed, aradka Buuhoodle
- Oodweyne reeraha ku jira, nimanka Iidoor ah
- Afarta beynujaho uumiyaha yaal, odayga Daarood ah
- Intaasaan ilaalo u dhexmaray, dumarna eegaayey
- Asli midabkii leeyeey haddaan, adiga kaa doortay
- Oon wada anfiyey naago kale, odayna kuuraacay
- Arday iyo siddii macallin baan, kuu af-barayaaye
- Naahooy aan eray kuu dhigee, qaado odhaahdayda
- Ma udgoona naag ina-gumeed, uudna shidan mayne
- Kol haddii ay ubad yeelatana, lagaba aanyuus ye
- Afka iyo ilkaha cadayga mari, oo indha kuulo
- Usgag naag leh waan necebnahaye, yuusan kugu oolin
- Haddii aro la guursado tolkay, waw abtiriyaaye
- Abjad iyo waxay kuula iman, agabo naagoode
- Afarta inqadood iyo murriyad, aqalka kuu taala
- Aradbaxa asliga kuusha iyo, xidho alaabtaada
- Adigoon ilwaad quruxsanayn, yaanay kuu imanin
- Amin galab ah aaskoo dam' yidhi, niman aguugaaya
- Adduunyadu halkay soo martiyo, adhiga raadkiisa
- Arwaaxooda way uga ba'aan, Reer Ugaas Magane
- U tag oo il garo inay yihiin, awrta Bah Xawaadle
- Dadka uma ekee yaan la odhan, lama aqoonaynin
- Anoo maqan islaan idin martiyey, niman i aanaystay
- Ha ku odhan Ilaah baa jiroo, aabahood ma hayo
- Anigoon ogayn yey anfaco, igaga eed sheegan
- Ul haddii aan kula dhaco adigoo, meelo ka ilduufay
- Hana ooyin aaboow ha odhan, hana ugaadhoobin
- Adoo uubatayn reero kale, yaanay ku ogaanin
- Haddii Eebaheey kugu anfici, waa kitaab idile
- Haddii aadan aqbalin waanadaa, lagu ogaysiiyey
- Midkaloo Ilaah kuu idmaba, kalaba eedoownay.
No comments:
Post a Comment