Hooyo Waa Midaan Xaqeeda La Gudi Karin, Waxayna Mudan Tahay Qadarin Iyo Maamuus Aad U Weyn, Wax Kasta Oo Ay Diidan Tahayna Iyada Daraadeed Ayaa Looga Tagaa Aan Ka Ahayn Diinta..
Runtii Lama hayo taariikhda diin ama nidaam kale oo u tix-geliyay hooyada sida ay diinta Islaamku u tix-gelisay, iyadoo u aqoonsan inay tahay xubinta ugu mudan in loo sama-falo, isla markaana leh xaqa ugu badan ee aan qofna gudi karin. maxaa yeelay, hooyadu waxay soo martaa dhibaatooyin badan oo ay kala kulanto calool-ku-qaadida, sidista, hawsha iyo xanuunka dhigitaanka ama foosha iyo barbaarinta ilmo kasta.
Abwaanka weyn ee Maxamed Ibraahin Warsame-Hadraawi- oo in badan ka gabyay hooyada iyo doorkeeda ayaa tixdiisa “Anuun baa hooyadaa ah” waxa uu ku soo qaataa siday ugu dhabar-adaygaan hooyooyinku dhibta hooyanimada iyo hawleheeda, wax uu yidhi isagoo ku hal-qabsanaya hooyo la hadlaysa wiilkii ay dhashay:
¤Calooshu intay ku hoysey
¤Hiyigu ku baxnaaninaayey
¤Horraadka intaad jaqsiisay
¤Dhabtaydu intay ku haysey
¤Intaad huwanayd taftayda
¤Hobeeya hobey hobeyda
¤Intaan dusha kuugu heesay
¤Intaan hanad kuugu yeedhay
¤Hawraaraha kugu ammaanay
¤Intaan hubin kuu xambaaray
¤Dartaa u hoggaansanaaday
¤Hadhuubada aan ku siiyey
¤Habniin adigoo ku diidey
¤Intaan hambo kuu daboolay
¤Hammuun iyo gaajo qaatay
¤Adoo haqab-beel ku seexday
¤Intaan hurdo kuu illaaway
¤Ilaashay hareerahaaga Diinta
Islaamku waxay aad u adkeysay isla markaana ku dardaaarantay, xaqdhawrida iyo u sama-falida waalidka gaar ahaan hooyada, iyadoo aayado badani ka hadleen xaqa waalidka iyo dhibaatooyinka ay la kulanto hooyadu, sidaa darteed xaqa hooyada ayaa aad looga adkeeyay ka aabaha, sida ku cad suuratu Luqmaan-aayada 14aad- iyo suuratul Axqaaf-aayada 15aad- u sama-falka waalidku waxa uu ku derajo xigaa caabudida Ilaahay.
Xadiisyada ku soo arooray xaqa hooyadu aad bay u badan yihiin, waxanse ka soo qaadanaynaa dhawr ay ka mid yihiin: Nin ayaa u yimid Nebiga-csw- isaga oo weydiinaya," yaa iigu mudan dadka inaan u sama-falo?" Nebigu-csw- waxa uu ugu jawaabay," Hooyadaa", ninkii waxa uu hadana weydiiyay "yaa ku xiga?" Nebigu-csw- waxa uu ku jawaabay "Hooyadaa", ninkii waxa uu mar labaad ku celiyay "yaa ku xiga?" Nebiguna waxa uu ugu jawaabay,"Hooyadaa", ninkii mar sadexaad ayuu ku celiyay " yaa ku xiga?" markaas ayuu Nebigu ugu jawaabay "Aaabahaa".
Nin ayaa ku dawaafayay Kacbada isagoo dusha ku sida hooyadii oo uu dawaafsiinayo, markaas ayuu Nebiga weydiiyay "Rasuulkii Ilaahayow, ma guday xaqeedii?", Nebigu waxa uu ugu jawaabay " maya, xataa maad gudin mid ka mid aha hinqashooyinkeedii". xadiiskanina waxa uu cadeynayaa in inta waalid loo sama-falaa aanay marna waxba ka gudayn xaqa uu kaa mudan yahay, ee aynu ka garan karayno culayskisa inta aayado iyo axaadiis ka hadlay.
Sidoo kale ayaa Abwaan Careys Ciise gabaygiisii “Hooyadu waa lama huraan”, uu ku lahaa”
¤Hantida aad leedihiyo
¤Wixii aad haabataa
¤Haddii loo siiyo hibo
¤Abaalkood lama helee
¤Hooyadu waa lama huraan
Nin ayaa isna u yimid Nebiga isagoo ku yidhi, "Rasuul Allow, waxaan rabaa inaan ka qayb qaato duulimaadyada Islaamka, markaa waxaan u socdaa inaad ila taliso". Nebigu waxa uu ninkii weydiiyay inay nooshahay hooyadii, ninkii waxa uu ku jawaabay, "haa", dabadeed Nebigu waxa uu ku yidhi, "u sama fal hooyadaa, Jannadu waxay hoos taalaa lugaheeda. U sama falka hooyada waxaan uga jeednaa wanaajinta la dhaqankeeda, xaq-dharkeeda, u furfurnaanta iyo u debecsananaanteeda, ku adeecideeda wixii aan ahayn macsiyo- ama denbi- iyo la socodsiinta iyo weydiisashada ogolaansheheeda dhamaan hawlaha aad ku kacayso, xataa hadii aad u baxayso Jihaad, waa inaad ogolaansho ka heshaa.
Waxyaabaha aadka u layaabka leh waxa ka mid ah, in diinteenu Islaamku ay ina farayso in loo sma-falo hooyada, xataa hadoo hooyadu tahay mid aan haysan diinta Islaamka, isagoo Nebigu-csw- faray Asmaa Bint Abubakar inayu sama-fasho isla markaana si fiican u xudhiidhiso hooyadeed oo aan ahayn Msuslimad. Islaamku si uu u ilaaliyo hooyannimada xaqeeda iyo dareenkeedaba, waxa uu cadeeyay in hooyada la furay ay xaq u leedahay haynta iyo xananaynta ilmeheeda, ayna ka mudan tahay iyadu aaabaha dhalay ilnahaasi, sida ay dhigayaan qisooyinkani: Sida uu werinayo Cabdilahi bin Cumar bin Caas-rc- gabadh ayaa u timid Nebiga-csw- iyadoo ku doodaysa in inankeedii ay dhashay, ee ay caloosha ku qaaday, ee naas nuujisay, uu aabihii oo iyada furay rabo inuu ka qaato. Nebigu-csw- waxa uu ugu jawaabay,”adigaa ku xaq leh inta aanad guursan”. Sidoo kalea ayaa Cumar Bin Khadaab-rc- waxa uu furay xaaskisii Ansaariyadda ahayd ee u dhashay wiilkiisii Caasim.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Cumar uu kula kulmay suuq ku yaala meel u dhaxaysa Madiina iyo Quba, iyadoo wadata inankeediina. Cumar waxa uu isku dayay inuu ka qaato wiilkiisa, waanu ka qaatay, kadib wiilkii yaraa waa uu ooyay, waxaanu ku yidhi,”Aniga ayaa kaa mudan wilkayga”. Markii ay ku murmeen ayaa waxa la iskula tagay Abuubakar, si uu ukala xukumo. Abuubakar waxa uu go’aamiyay in wiilka ay xaq u leedahay hooyadii, waxaanu u sheegay Cumar in gurigeeda iyo gogosheeduba ay uga fican yihiin wiilka, inta uu korayo ee u gaadhayo heer uu kala dooran karo.
Hooyadu waxa ay leedahay xaqa ugu badan ee qof leeyahay, mana banaana in lagu kaco fal aanay raali ka ahayn, xataa hadii uu qofku dan u arkayo falkaa. Tusaale ahaan, hadii ay hooyo ka dalbato wiilkeeda inuu furo xaaskiisa oo uu jeclaa, waaa inuu furaa isagoo tix-gelinaya hooyadii, door-bidayana raali-ahaanteeda. Xadiis uu werinayay Abu Dardaa’ ayaa waxa ka hadlaya nin weydinaya waxa la gudboon, kadib markii hooyadii weydiisatay inuu furo gabadhiisa oo uu aad u jeclaa. Waxa uu kula taliyay inuu iska furo, madaama ay adeecidda hooyadu ka horeyso wax walba, uuna Nebiga ka maqlay isagoo ka hadlaya xaqa waalidka.
Hooyo Allow Dhawr, Qormadan Waxaan Ku Soo Af-meerayna maanso aad u cuddoon oo kuna saabsan hooyada waxaa maansadan tiriyey abwaan Faysal Goohe. Maansadani waxay koobsatay midho milgole, Farshaxanimo, iyo Xeeldheeri suugaan curinimo. Waa maanso ma.akubyadeedu yihiin tusmayn xaqa hooyadu leedahay iyo uducayn hooyo. wuxuu yiri abwaan Goohe
Hooyooy aduunkaba
Hadaadan hortaydiyo
Hareertayda taagnayn
Haqab beelli maayoo
Hibashaan ku nooloo
Waan kuu haamiyaa
Kugu soo hiilloobaa....
Sida geed hadhacaan
Hadhka loga dootaan
Hooyo kugu hirtaayo
Higilkaaga doonaaye
Hawlaha aduunyada
Halistiyo dhibaatada
Hareer eebe kaamari.....
Hadii maal aduunyaad
Laygu hoorsho galaboo
Hanti laygu guud furoo
Lay hirabsho waxa yaal
Haqab beelli maayoo
Hibashada adun baan
Hadal kaaga doonaa....
Hooyoo ababintaydii
Habistaydii hooyooy
Hawshiyo dhibkaygii
Hadaaqiyo bantaydii
Han-jaleeladayduna
Ka halaysay maradoo
Hohna aadan odhanoo
Hadba hees walwaled
Hoobay sabaalo ah
Igu haysay hanaqana
Ma hilmaami karayee
Halistiyo dhibaatada
Hareer eebe kaa mari
Sida hogol hilaacdoo
Lagu wada hayaamoo
Hilaad loogu kacayoo
Dadku haybso leeyad
Hooyo iiga dhigantee
Halistiyo dhibaatada
Hareer eebe kaa mari......
Hadii aanan hooyooy
Horsedkayga noqono
Soo hagin naftaydoo
Hadal-bare usonoqon
Hal-abuurka maansiyo
Hindisa farshaxankiyo
Hobolnimo mashegten
Higaadana ma kiciyeen
Hawlaha aduunkiyo
Halistiyo dhibaatada
Hareer eebe kaa mari.....
Hareeraha aduunyada
Inta hebel ku noolee
Hanad wada ordaaye
Halyay loogu yeedhe
Hanaqaad kufaaniyo
Hablo wada quraysho
Hobaan lamoodooo
Hidahana kucaanoo
Haashaarka loobogay
Laguwada hiraayana
Haybadaada weeyoo
Adigaa habeeyeee
Hawlaha arlada iyo
Halistiyo dhibatada
Hareer eebe kaa mari......
Hooyooy geeridaduna
Hoogayga weeeyoo
Wadka lama huraayee
Hadaad iga horaysoo
U huleesho aakhirana
Duco aan hadhayn ban
Hooyo kuu hibeeyoon
Hanti kaaga dhigayaa.....
Ilahay hoggaaga iyo
Kuu hagaaji aakhiro
Hilibkaaga naar iyo
Holloc kaama leefoo
Hallistiyo dhibaataa
Hareer eebe kaamari
Inta hoyga raaxada
Hagaag logu hooyee
Ka hirqata naciimada
Illaahay hakaa dhigo....
AAMIIIN AAMIIN