Wednesday, 31 December 2014
Maanso---(Cishqigu Maaha Sahal)---Maanmaal Buureed Gurxan
"Caynkuu yahay jacayl...
"Cilmiyo lagu waa maal
"Caawimiyo lagu waa itaal....
"Catowiyo lagu waa calaacal
"Cishqiguna maaha sahal.....
"Cudooneey gacaloy imaqal
"Cawiyo ayaankeeno idil
"Culimoy ada hayee imaqal
"Caashaqeena abaabul........
"Canaaniyo ka ilaali dhaliil
"Cadhiyo ku beeraya ciil.....
"Cadceediyo ka hoy dabayl
"Cunaya unugyadiisa nugul..
"Cadawiyo ka ogow ardaal
"Cashiiro xun uga yeela ehel......
"Coliyo yanu arag bahal
"Ceeliyo ku ridaya bohol...
"Cadceediyo ka ilaali dabayl
"Cidliyo ku waabaya jeel.........
"Codka taladaydana maqal
"Caynkaan kuu idhina aqbal
"Caamkan aynu ku caweyne nugaal
Sunday, 28 December 2014
Gabay---( Saxarla )--- Abwaan Sadiiq Xaaji Yaasiin
**Sa'da gabayga suugaanta waa, lagu safaadaaye
**Sawdhe waliba wuu soohayaa, oo sabsaab ahiye
**Salsaloolad baa lala bartiyo, seeregoysnimo-e
**Ninkastina sed buu moodayaa, saas anaa iriye
**Waxaa jira abwaan loo sakhiray, hibona loo siiyey
**Isna aan ku saqajaaminoo, saydhin weligiise
**Sohduu dhigayo jeeruu wax badan, sahanku qiimeeyo
**Surmo seegto ka ilaasha iyo, saalax-weetada-e
**Weligeedna odayaal sidoo, saacidaa jiraye
**Nimankii sidkaw tirin jiroo, saanan jirey waayo
**Saaxiiba-deedii horiyo, socoy dadkeediiye
**Seyidkii siciid muuse iyo, saahid iyo raage
**Sikhigii Ismaaciil Miriyo, saajac Cali Aadan
**Cilmi Carab, Qamaan iyo Salaan, iyo safkoodiiba
**Yamyam iyo suldaankii Khaliif, sumuclihii Aadan
**Cabdilaahigii suubin jirey, iyo Saleebaanba
**Saraakiishi maamuli jirtaan, dunida saarnayne
**Hadday saaka joogaan diciif, kama sinaysteene
**Suuqyada ma gorgooriyeen, mana salaaxeene
**Anna qaar saldanadoodi baa, qoorta ii sudhane
**Xilkii ay sideen bay badhkood, igaga siibteene
**Sinji baan u leeyahay Biddena, waygu soo simaye
**Indhaweydna saluug bayga galay, oo ma suuradine
**Ma sawirin sanado maansadii, saafiga ahayde
**Markii sooma-oodmiyo sakhraan, koray salaankeeda
**Qofkastina sidaha laacayoo, saymo kula ciiray
**Oo loo sinaadoo tixgelin, meesha laga saaray
**Sumcadiina laga dhaawacoo, soor la wada moodey
**Dadka qaar sariigtana mudaba, suurto geli weydey
**Samir baan ka qaatoo inaan, suuriyaan rabaye
**Sakatuuro goortaan ku xidho oo, ka yare seexdo
**wax aan nin ragi siisan baa, nacas sameeyaaye
**Sun la cunayo goortaan arkiyo, biyo saraw jeeda
**Ama sacabadoo lays ba yiri, timo ka soosaara
**Salcaal baan noqdaa oo cadhay, iiga suruqdaaye
**Soomaali silicii ku dhacay waa, la saadsadaye
**Waana kii dhamaanteen simoo, gooyey seedaha-e
**Kama samata-bixin wiilashii, siidhigaw ridaye
**Saxalkiyo dhibaatada haddii, laga safaynaayo
**Intii siifanlaha raacdayoo, socotay yeelkeede
**Inta kale samaan inay rabaan, waa sidaan qabaye
**Siyaasadaha goortaan sawiray, saxala moodaayo
**Intuu xalay sariirtii hurdada, sabar ku iidiidey
**Intaan seexan kari waayey oo, samada jeedaashey
**Ayuun buu saqdii dhexe caqligu, furay sanduuqiiye
**Murtidii salkaw taaley oo, selesheyoo toostay
**Sasaboo sabaalshee markay, samir lahaan waydey
**Oo seetadii goosataan, qoray salaadiiye
**Suruqyona hamoodina ee waa, sababo awgeede
**Kolba waa samaawiye markaan, saxarla soosaaro
**Goortaan sitaaca u xidhoo, siinka ka higaadsho
**Surmo-seegto ma lahee markaan, mariyo soonkeeda
**Lama seego saydhkaan la rabo, waan ku sugayaaye
**Sarbeeb kuma hadlaayee markaan, saafo ula jeedka
**Anigoo sameecadaha iyo, sawdka kor u qaaday
**Tiifiiyadaan siinayaa, saacadaha dhawo-e
**Suuqyadoo dhan haw kala direen, suxufiyiintiiye
**Soomaalina siqiir iyo kabiir bay, ku socotaaye
**Sacsacyo aanan rabin baa jiriyo, reero saxariire
**Saaqidkii siyaasad u suntanee, sixir la leefsiiyey
**Iyo nacas qabyaaladi sirtoo, suniyo waabay ah
**Iyagiyo safkoodaba ma rabo, mana salaamaayo
**Intii suuban oo suluxa jecel, saatirku amaanay
**Sayn cadaaga sooyaalka iyo, saxaya taariikhda
**Samadoon sidaydaa abwaan saafiyaa badane
**Safarkaygu goortuu u tago, ereyadaan saantay
**Sumad lagu gartay leedihiyo, sawrac gooniyahe
**Markay sahamiyaan oo arkaan, saliyo baarkeeda
**Inay saxarla tahay iyo inaan, kaga saqlaysiiyey
**Jawaabtay ka soo saarayaan, waan ka sugayaaye
**Afartaa anaan sogordahayn, lama saluugaan dheh
**Subag sixina caanaha samaad, daylo sararteeda
**Iyagaan martida siin jiree, sooryo qiimo leh dheh
**Ergo samirtayoo suruqda neceb, saajac gabaygii dheh
**Sirgax iyo sokeeye is dulmiyey, sixitin koodii dheh
**Su'aalaana ii hadhay talona, way la socotaaye
**Marka horena soomaaliyeey, dhaafnay saxalkiiye
**Samcadeeni iyo baawarkii, saatir soo celiye
**Seegseega ka ilaasha iyo, saawa-saawahaba
**Suntii dumisey qarankeeni hore, suuriyoo quba-e
**U saldhiga xornimo yay mar kale, siiban oo lumine
**Waa Ina Siciid oo haday, silicdo way hooge
**Seben horena waatii kufrigu, nagu sikiimeene
**Soomaalina badhkood kula socdeen, ways ka saamaxaye
**Sumuciyo bamkay nala dheceen, seeda nala gooyey
**Sirqo iyo siqiir iyo waxaan, sawjad nala dhaafin
**Sarac soogan baa nooga hadhay, sababa heediiye
**Indhaweydna sool iyo sanaag, sabada buuhoodle
**Jabhadaaba lagu soo saliday, aan samaan rabine
**Xinkaygay u saaxiib noqdeen, labada suuraafe
**Soomaalinimo waa mid bay, nagu sadheeyeene
**Subax yoomey suugiyo baroon, na gama saaraane
**Iyagoo sidaas noo silsilay, cadawna saaciido
**Anna aan midnimodeena sidoo, saydho ka ilaashey
**Anoo hiil siyaada ah mudnaa, xiliyo sooryaynba
**Safka hore anoo dawladaba, xaqu ii siinaayo
**Samigaan lahaa baa dad kale, lagu sabaalshaaye
**Inii aniga lay sejiyoo sahalo, lay dhaafsho
**Kuwaas baa hilbaha qaarka sare, loo sed buriyaaye
**Balse calanka iilama sinnoo, waw saburayaaye
**Lama siibayoo geedku waa, sararahaygiiye
**Gobanimona kama seexanee wayna sababtaaye
**Sooyaalka wacan inaan, gaawaha u sidaye
**Anigoo daraadeed surmiyey, soona ugu raagey
**Sirna aan ka gelin oo intaa, saxayey uun hawsha
**Soomaalidana kala saarinoo, jecel sinaanteeda
**Inta kale saf weeyee waxaa, lay silsiladeeyey
**Sokeeye iyo saaxiib waxaan, suuqa uga waayey
**Oo seef midkii igu dhuftaba, loogu sacabeeyo
**Oo sahalka loo moodayaa, sararo goyntayda
**Oo soogey keligay cidlada, sidani waa yaabe
**Sadqo li,i waxaan ugu dhintee, saxarahay taagey
**Ka siteeya soomaaliyeey waa, su'aal furane
WQ: Maanmaal Buureed Gurxan
Tuesday, 2 December 2014
Sheeko Qaybtii Kowaad---(Jacaylkii Maalmihii Adkaa Iyo Midhuhu Dhalay)- WQ: Maanmaal Buureed Gurxan
Lasoco Qaybta Labaad Ee Sheekadan Hadduu Eebe Idmo.................
WQ: Hal-abuur Maanmaal Buureed Gurxan
Copyright: Maanmaal Buureed And Maskaxmaal.com
Sunday, 30 November 2014
Gabay--( Wedkaa Galiye!! )-- Abwaan Bootaan
**Waqay iyo waqay baan yartaay, kaa war sugayaaye
**Rajo wacan ayaan kaa lahaa, taniyo waagiiye
**Jacaylkaan i wiiqee haddeer, weheey igaga siiyey
**Wiigag badan ayaan mooganaa, wadar ayaamoode
**Iminkuuse warankiyo hubkii, igu wafiifaaye
**Weji adag haddii aan lahaa, oo wadnaha giijay
**Wadhaf iyo jigraa ila tagiyo, danabyo waawayne
**Dagaal weerarkii cishqigu, igu wareemaayey
**Adigaaba taakulo u waday, waysar iyo maale
**Marna miyaad ka waantoobaysa, axdiga inaad waxyeelayso!!
**Walaahowga aan soo tirshiyo, wey'da iga yeedhay
**Waydiimahaygii Fiqigu weer, u bixin waaye
**Wadaadadii ka quustoo anay, igu wareereene!!
**Wallihiyo billaha aan maree, kuu waddaxay qawlka
**Wixii jira iyo waxaan jirin, adaan kuu waramaaye
**Meel ku sheeg waxaad wacad gasheed, beenta warinaysay!!
**Wacadalla jacayl waaxid galay waa, wis iyo hooge
**Keligay wadeecada maxaa, iga dhigay waabta?!
**Haddaad weedha hadalkayga, iyo diido waanadaba
**Iga wallee waxa ku xiga naftaba, inaad ku waydaaye
**Oo waran wadnaha kaa geshaa, oo wedkaa galiye!!
12/09/2013 WQ: Maanmaal Buureed Gurxan
Thursday, 27 November 2014
Hal-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman. Qormada 12aad( Suugaanta Fardaha)-- WQ: Hal-abuur Maanmaal Buureed Gurxan
- 1- Faras Suunaari:- Faras suunaariga waa faras nugaaleed, waxaana kaloo loo yaqaana oo loogu yeedhaa Qoob-yar.
- 2- Faras Wajeer: Faras wajeerku waa midkaan faraciisu raad ku lahayn gamaanka nugaaleed, waxaana loo yaqaana oo loogu yeedha Qoob-weyn.
Tuesday, 25 November 2014
Gabay---( Fooska Maansada )---- Abwaan Salwe
Abwaan Farxaan Salwe in ka badan malaha lix jeer buu arkay rag suugaantiisi ay wejibuuga ka jilaabteen intay wax yar ka badaleen ku soo heesaya,.
Waxaan hayaa Abwaan Salwe dhawr tixood oo uu kaga cabanayo budhcad suugaaneed. Tixdanina waxay ka mid tahay tii ugu dambaysay ee abwaanku kaga cabanayo tuugadaas.
(Faasaxay inaan fac ka dhigo fooska maansada)
**Inkastoon farshaxan dheeriyiyo, Faalo qoray waayo
**Inkastoon ku foognaa murtida, Faylna ka diyaarshay
**Falanqayn waxaan faaqidoo, Fiiro wax usheego
**Ama aan falkii sookordhaba, Fayska hore keeno
**Ficil iyo waxaan foojignaan, Faalo curiyaaba
**Faasaxay inaan fac ka dhigo, Fooska maansada e
**Fikirkiyo markii aan murtida, Feedha kala raacay
**Fiidkiyo aroortii sidaan, Ugu faalaadaayay
**Suugaan facwaynayd sidaan ugu fasaadaayay
**Miyay faraq ku qaateen dadaan, Maalin falanqaynin
**Fal faliidh miyaa loo jabsaday, Faana lagu sheegtay
**Inta ila fadwootee murtida, Fiican lagu daabay
**Waxaan uga fariindirahayaa, Fawda daa badane
**Inta filinku saa uu yahee, Faashle ka qadhaabto
**Ha furfurina fiid meertu, Way faashtaa abide
**Farahana kadhiga Faasil baa, looga faa idaye!!
WQ: Maanmaal
Friday, 21 November 2014
Maqaal: Hiddo Jiidashaa Lagu Dhaxlaa, Gabayga Jaallowe-- WQ: Maanmaal Buureed Gurxan
- Mid dheer ama mid gaaban.
- Mid midabkiisu yahay mariin ama madow ama cad.
- Mid awooda garaadkiisu sarayso ama mid ay yar tahay.
- Mid Aftahana oo weedhiisa deeqsiin kara kumaan kun ruux amase mid afgarooca oo aan hal qof waxba u sheegi karayn.
- Mid hal-abuura oo ay hawraartuba dibnaha ka saran tahay amase mid aan labo erey isu duwi Karin.
- Barootiinnada (proteins) sidaas ah ee xataa ay adag tahay in lagu fiiriyo indhaha qaawan (naked-eyes) ama weyneyso la'aan, waxay mas'uul ka yihiin wax kasta oo noole jira ah oo dhirta iyo xawawaanku noocay doonaanba ha noqdeene ay ka mid yihiin.
- Barootiinnadani (proteins) ma aha wax la burburin karo ama la abuuri karo oo waxay khaas ku yihiin noolaha.
- Haddii qof kasta oo inaga mida hiddesidihiisa (Gene) la kala fiilo, wuxuu 300 oo goor gaadheyaa oo ay halabsanaysa dayaxa oo haddana ka soo noqonaysaa sida silsiladda taxa ah oo kale!
1-Maanso an deelqaaf lahayn.
2-Maanso aan meerisyadeedu Kala dheerayn.
3-Maanso habdhaca maansooyinka kale leeyihiin laga dareemi karo.
Waxaa aan aad ula anfariiray in meerisyada abwaan Bulxan ay uga marag kacayaan kuwan aan idiin ku jalbeebi doono ee ku jiray tix abwaan Jaamac Kediye tiriyey. Abwaan jaamac wuxuu tuducyadan cudoon ku tibaaxaya inaanay sinay ruuxa hanaan raaca ku bartay iyo qofka hiddaha u leh ee ah murtiyahanka ay dhiigisa ku talaalan. Abwaan jaamac waxaa kaloo ku tibaaxaya meerisyadan in macnihii gabaygu lahaa uu dilay mid dhawr uu xafiday iyo qaar kaloo fadhataystay intuu isku soo ragcay markuu meel ka akhriyaba la odhanayo waa gabyaa. Wuxuu yiri abwaan Kediye:-
Maansoyahanka Hibada hiddeed uleh tiisu waa ay isku xidhan tahay oo ujeedada ay Xambaarsan tahay si buuxda ayuu ugu soo bandhigi karaa. Hayeeshee mida barashada lala laashadaa wey kala daloolshaa oo si bey u xangabisan tahay waana mid dhacroorsan tahay, inkastoo la dheereeyona haddana aaybaheedu ujeedadii loo mariyey ma koobaan.
Maansoyahanka hidaha u leh ee ay ku ladhan tahay meerisyo tiro yar oo markiiba la qaybi karo ayuu mucda ujeedadiisa u xambaariyaa waxaana tixihiisa laga la soo dhex bixi karaa tuducyo cuddoonoo lagu halqabsadoo murti miidhan ah. Hayeeshe qofka barashada awgeed wax ku curiyaa tix gaaban kuma dan bogan karo, wixiisuna shiiqsi dambe ma yeeshaan.
Maansada barashada lagu dhaliyo waa lagu dhibtoodaayoo inuu ebyo maalmo badan ayeey ninkiiba ku qaadataa halka midka ku dhashay ay debnaha Ka saarsaaran tahay oo markii la weydiiyo goobtii lagu haybiyaba uu Sidii Sayid Maxamed, Faarax Nuur, Qamaan Bulxan, Ismaaciil Mire, Salaan Carabey, Cal Dhuux, Timo cade iyo kuwa sebenkan inoo maansooda sida Singub uu dadka kaga haqab tiri karo.
Sidaa daraadeed anigoo niyad jebinayn cida gulufka ugu jirta inay hanaan raac wax ku curiyaan ama kuba doodaya in barashada ta lagu keeno iyo hiddo keentayda ta ahi ay isku tayo yihiin waxaan leeyahay inkasto farsamo ahaan aad wax badan ka ogaataan barashada sida maansada loo hidiyo oo la isugu duwo iyo xeerarkeeda, haddana adiga iyo maansoyahanka Eebe hibada hideed usiiyey cirka iyo dhulku intay isu jiraan ayaad isu jirtaan marka lays barbar dhigo midkiin waliba tixaha uu curiyo..
Tixraac(Reference)
1- Qoraa Abwaan Axmed Faarax Idaajaa
2- Hal-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman
WQ: Hal-abuur Maanmaal Buureed Gurxan
Thursday, 20 November 2014
Maanso Labo Qaafiyadley--( Munaay Jacaylkeena Hag )--Hal-abuur Maanmaal Buureed Gurxan
MUNAAY JACAYLKEENA HAG
**Muniiriyo la moodyeey tiriig
**Maanso aan lahayn saluug
**Murti cuddooniyo leh mug
**Maantaan kugu qori bogag-e
**Maandeeqeey u yeelo dhug
**Munaay Jacaylkeena rogrog
**Maaliniyo habeenba hag
**Maskaxdiyo qalbiga halbeeg
**Midkii quman waliga ku beeg
**Meeshu leeyahayna u sheeg......
**Munaay jacaylka adigu hag
**Muraniyo ka dhawr murug
**Maangaabna waliga uga dig
**Maankaga jiidhsinaya shaag
**Mugdi iyo ka ilaalina hoog
**Mool iyo ku ridaya hog......
**Munaay jacaylkeena hag
**Muxubada u hidi hagaag
**Madal xun waliga ka caag
**Musbaaxiyo qaado tiriig
**Macaanow ka dheh salag
**Muuqaygoo maylal kaa fog
**Milicsiga indhaha ku dhaag
**Maanmaalow dheh isoo durug...
**Marwooy midaasi waa xog
**Maansadana uyeelo dhug
**Macaycsiyo maaha maag
**Maroorsiyo maaha tororog
**Miimiyo waa ga'ley le udug
**Murti weeye leh muciyo mug
**Munay Jacaylku maaha xoog
**Mucashiqiintu dhahaan malag
**Iyo Mawd loo galay shebeg
**Macaneey midaasina waa shirig....
**Musbaxiyo la moodyeey tiriig
**Maansadana ku idhi dhig
**Madal qurxoonoo leh doog
**Maqaamkeedu yaalo roog
**Munaay jacaylkeena hag
**Muxubo weeye le duug
**Maangiyo ka macan farsuug
**Maydhiyo ka baxa sanaag
**Munay hays odhan ka tag,
**Marna hays odhan ka raag
**Malabkeedana usoo degdeg
**Muxubooy aad tiraahdide dug!!!......
WT: Maanmaal Buureed Gurxan
Tuesday, 18 November 2014
Gabay--( Guurdoon )--- Abwaan Jaamac Murtisame
1:Cabdilaahiyoow gabay hadaan galabta maansoodo
2:Geraar hadaan kuu tirshoo gobo yar kuu sheego
3:Guurdoon hadaad tahay asaad gacalo doonayso
4:Guri lagu negaadiyo hadaad ubad u guuxayso
5:Iga gunud garaadow nin ragay taladu gaadhaaye
6:Marka hore geyaan baad ka timi guda nugaaleede
7:Marka xigana gees Iyo ka gees gabiba soomaali
8:Gabdheheenu waxay leeyihiin haybad gooniya e
9:Gobanimaa dhamaan lagu galaday laguna gaataaye
10:Midab gaara qurux lagu guntiyo gaarinimo buuxda
11:Garashiyo aqoon baysitaan gabi ahaan toode
12:Gefka Iyo ma yeelaan hadana gacan togaalayne
13:Hadii geela qaadoo dagaal laysku galalaaso
14:Ama guuto weerara saq dhexe la,isku goob yaalo
15:Girinoof higoodiyo haduu gumuc wax naafeeyo
16:Galaa yuuska qaylada hadii galowgu dhiilaabo
17:Gartu laba nin uma wada sinee adiga oo goolman
18:Gabal dhacay go,doon Iyo adoo goob cidlaa jooga
19:Gacal Iyo tolnimo maalin ay gabi ka lalaado
20:Gurmad adiga oo waayey Iyo garabku taageera
21:Gucle orod waxay kugu iman saacad gudeheede
22:Waa geesiyiin aan aqoon galowda baashow e,
23:Midkaloo u garaana hadaan gacale kuu sheego
24:Hadaad goosatoo sebena badan galaba meel aado
25:Guyaal Iyo guyaal adiga oo galina soo booqan
26:Dadkoo gamasan laylkii adoo gaar u soconaya
27:Adigaan gasiin Iyo u sidin gini waxaad siiso
28:Gabaydhiyo adoo dhaxan qaboo gaajo socon waayey
29:Hadaad guriga soo gaadho oo hadalka goo goyso
30:Ku guhaadin maysee dhakhsay kuugu gogoshaaye
31:Hadal aad ka gubatiyo Canaan ama giriif toona
32:Waxaad gocato abid kuma dhahdoo waa gob inanteede
33:Galax Iyo nimcay kugu habtaa gurada kuu yaale
34:Mid kaloo u gaara jirtee gacal aan kuu sheego
35:Talo kaa guracantiyo adoo xaajo kugu giigtay
36:Guuyiyo adaan maal lahayn ama gamaan toona
37:Gaadiid adaan haysan Iyo gaadhi Iyo daaro
38:Oo caydh la gaban gaabayey kugu gelay saaye
39:Sida reer galbeed Iyo halqigan dunida guud saaran
40:Oo qaarba gaarka u yihiin waa kawada gooni
41:Ma gunuunu caysee aday samir ku gaadhsiine
42:Inuu guule bixiyey ogtahay goortu doonaba e
43:Inuu geed hadhkii yahay aduun gelinba meel jooga
44:Oo geedi laga yahay ogtahay guule suuyidhiye
45:Midkaloo u gaara jirtee gacal aan kuu sheego
46:Hidde aan gu,dhayn Iyo waxaan abid gaboobaynin
47:Dhaqan guuna iyo waxay sitaan godol awoowaade
48:Waa lagu gardaadshoo xishood baa u gooniya
49:Gobaad hooyadii korisey Iyo garashadii diinta
50:Garaad aabihii dhalay huddiyo gola wanaag geeda
51:Iyo gibil qarsoon aan rag kale gaadhin aragiisu
52:Iyadaan gu,jirin baa la baray xaajo gudideede
53:Garkas taad ka eegtaba qof aan gocasho reebeynin
54:Oo aan gabood falin naftana raali gelinaaya
55:Guri nabadi taaliyo dhalaan edeb ku qaan gaadha
56:Gurbood baari kuu wada noqdiyo guusha noloshaada
57:Guur sharafle go,a shaalka Iyo gumaro reer yeesha
58:Gunti aan furmayn Iyo aroos aqal gu,waynaada
59:Gaari dhaba hadaad doonaysiyo gabadh xigaal kaaya
60:Waxa guudka loo feedhiyo timahan gaydhaysan
61:Hadal gobi ku hasawdo gabi wanaag oo dhan
62:Geeska Africa laga helaa geeya shaaximane
63:Gacma daalis weeyoo qurbaha laga geyoon waaye
64:Goobaar ragbaa guursadoo gaalo aaminaye
65:Gugumiyo abaas kama duwana shaadhka kuu galaye
66:Gocondhiyo xajiin bay noqdeen soo galootiguye
67:Goblan weeye aan gudin inaad gacanta saar taaye
68:God daloola weeyaad xareed ku garbinaysaaye
69:Geediyo nabaad kama baxaan gubadka jiilaale
70:Aji nabi ninkii goobayaa wuusan garanayne
71:Isagaan gugiisii dhawan buu gabaw yahaye
72:Nin gol dooxam weeyaan ogayn maalintuu go,aye
73:Gabay laguma soo koobi karo gololo soomaale
74:Waa gaar waxay mudan yihiin gabi ahaan toode
75:Gaadh soonihii baad ka helin taad gool dhabiye
76:Duco gaamur taan kaaga dhigin sahay ma guuraane
77:Galbi guusha nololeed adaan gaar mid faraye
WQ: Maanmaal Buureed Gurxan
Monday, 17 November 2014
Gabay---( Xamar )---- Abwaan Ismaaciil Cali Boobe
Tuesday, 11 November 2014
Hal-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman. Qormadii 10aad(Halxiraalaha Suugaanta)
Bismilaahi Raxmaani Raxiim, ilaahay baa leh Mahad dhammaanteed iyo shukriba ilaaha swt ku gaar yeela cidduu doono ee adoomihiisa ka mida Hibooyinka sare & Deeqaha waawayn ee siiya qofkuu doono Asraar Qarsoon & tu muuqataba ee Awliyadiisa u arooriya ilaha Deeqda & sharafta Badan,naxariiis & nabad gelyona kor kiisa ha ahaato khalqiga Ilaahay oo dhan kii u khayrka badnaa sayidkeenii Muxammad csw isaga & Ehelkiisii & Asxaabtiisii Suubanayd ba.
Hordhaca
**Suugaantu waa dhaxalfac
**Salka ku haysa hiddoraac
**Sooyaaliyo leh tixraac
**Soohayow oo jiray dhawrfac...(Maanmaal)
Qormadan 10aad waxaan maanta ku soo qaadanaya oo an ku lafo-guri gabaygii 2aad kaasoo ah mid furaya xujooyinkii hal-xiraale suugaaneedka ahaa ee tixdii culuum ee uu tiriyey Abwaan Ismaaciil Cali Boobe.
Qormadii 4aad ee ahayd halxiraalaha suugaanta waatan hordhaceedii idiin ku manqaxay waxa uu yahay hal-xiraaluhu, mucda iyo gunda-degeeda qormadana wataan idiin ku jalbeebay Tixdii halxiraalaha ahayd taasoo jafeefaysay afar xujooyin oo ku guntunaa cilmiga xiddigiska, faalka iyo hab-orodiska isbedelka debeecada deegaanka.
Xujooyinkii ku mooraysnaa tixdii culuum waxay ahaayeen mid abwaanku si guud ugu xujeenayey dhammaan hal-abuurada sebenkan kacaye bulshada soomaaliyeed u maansooda. Inkastoo tixdu ahayd mid ujeedkeedu is xifaalayn iyo xujeyn ku qotontay, haddana waxaa abwaan ismaaciil u hal-celiyey xujooyinkiisi furay labo abwaan.
Halabuurkii u horeeyey ee xujooyinkii Ismaaciil fura, wuxuu ahaa Abwaan Xasan Bulxan Cali kaasoo aan idiinku soo ku tebiyey qormadii 5aad tixdiisi jawaabta ahayd ee Cooshash Faaruqa.
Maantana waxaa qormadan 10 idiinku soo gudbin doonaa tixdii 2aad ee furaysa gabaygii halxiraalaha ahaa. Waxaa tixdan tiriyey Abwaan Faysal Ismaaciil Maxamed(Goohe).
Manqaxida Macnaha Guud Ee Jawaabaha Tixda Cilmi Ee Abwaan Faysal Goohe
Dhalinyarada soomaaliiyeed ee magaalada ku barbaartay ee haatan kacday marka loo qaybiyo saddex qaybood, malahayga saan filayo hal meel mooyaane, labada qaybood ee kale waa kuwo ka duflaalay inay ilaaliyaan oo ay adeegsadaan ereyada mucda leh ee afkooda hooyo. Waa furo-ku-tiris dhalinta magaalada ku hanaqaaday inta fahmi karta suugaanta mutaxan ama hawraarta lagu taashay halxiraale.
Haddaba intaan idiin ku jalbeebin jawaabaha furaya xujooyinkii tixdii culuum ee Abwaan Ismaaciil Cali Boobe, waxaa ila foolaadsan inaan idiin manqaxo sharax guudna ka bixiyo macnaha iyo ujeedka midho suuggaaneedka maldahan ee jafeefayaan jawaabaha furaya halxiraalihii tixdii culuum.
Markaad dhab udhugato dhaabada tuducyada liishaaman ee ereyba ereyga kale sii qooranayo, kolkaad si feejigan u dhuuxdid siduu hal-abuurku jawaabaha midba tay ka dambeyso isugu hidinayo; mar waxaa maankaaga ku soo dhacaysa talow gabaygan ma kuwii ay tirin jireen baa hal-abuuradii sebenkii hore ee aynu weli ku dhaadano murtiday inooga tageen. Marna waxaa garaadkaaga ku gabaxleenaya weydiimooyin badan kuwaas oo ka imanaya dareen hore leh kaaso ah mid awalba laabtada ku ijbaarnaa oo aad qabtay, talow dareenkaasi muxuu yahay? Anaa ku sheegaye waa dareen mar walba ku odhanayey "Maanta ma jiro hal-abuur u maansoon kara sidii ay u maansoon jireen raggii hore ee noolaa sebenkii Ina Cabdula Xasan. Haseyeeshe waxaa kuu soo baxaysa inay jiraan Abwaaniin qaarkood curdin yihiin qaarna kuwa gaamuray oo bulshada u maansoon kara, taasina waxay afkaaga ka keenaysa weedh dareen leh oo aad ku jalalabayso oo aad odhanayso "Halabuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman". Haa waa runtaayo weli ma dhiman waxaana taas kaga marag-kacaysa tixdan hal-abuur Goohe tiriyey iyo suugaan kaloo badan oo ay intaa madiixayaan hal-abuuro badan oo daafaha dunida kala jooga.
Haddaba tixdan la yiraaho Cilmi oo uu tiriyey Abwaan Faysal Goohe, oo saan kor ku soo xusayna furaysa hal-xiraalihii gabaygii Culuum, waxay xambaarsan tahay Afar jawaabood. Haddaba Afarta jawaabood ee tixda anoo mid kasta idiin manqaxi doona bal aan idiin ku shabaaxo ta ugu horeysa.
Ararta Tixda
Ararta waa astaan ka mida astaamaha gabayga, waa hirar sida dareen maan-xad ah kuwaas oo uu hal-abuurku ku hananayo maskaxaha dadka dhagaysanaya. Arartu waxay huwan tahay ujeedooyinka kala duwan, amaba arrimo aad u qiimo badan oo siyaalo badan loo adeegsado oo ay ka mid yihiin tilmaamidda iyo hababka dareenka la isugu gudbiyo, hayeeshee waayahan hal-abuurada badankoodu aanay agtooda qiimo weyn ka laheyn oo markiiba tixda ujeedkeeda hore ba ka bilaaba.
Abwaan Faysal Ismaaciil Maxamed(Goohe) dhawrkan tuduc ee ararta wuxuu inoogu tibaaxaya aqoonta Eebe dadka baray inay tahay mid kala duwan, oo ay midi tahay mid lagu kasbado in caalim laga daalacdo haday doonto ha ahaate mid diiniya ama mid maadiye, halka ta kalena ay tahay mid aan bare(macalin) laga baran, laakiin ay tahay cilmi aan dugsi(school) loo galin buugna aan lagu qornin, walow ay tahay mid caaddo dhaqan soo jireen ah laga dhaxlay taaso ah idimka eebe mid dadku ka bartay geediga socodka waayaha nolosha, taasina dadka badankoodu waa mid maanta ay ka daman yihiin. Wuxuu yiri Abwaan Faysal Goohe:-
★Cilmiyada aduunyada ka jira ee, Midiba cayn joogo
★Casharada la qaatiyo wixii, Caaddo laga dheehdo
★Caalimadu waxay tabshen ama, Culimo so sheegtey
★Cirroolaha dhamaadiyo wixii, Coomir laga reebay
★Nin kastiba wuxuu camal yaqaan, Caymadeed garaye
Hadaynu intaa kaga gudubno ararta tixda, Oo aan u daadago sharaxa labada jawaabood ee ugu horeeya tixda.
Furitaanka Labada Xujooyin Ee Ugu Horeeye Hal-xiraalaha
Meerisyada jawaabtan koowaadi waxay furaysaa labo xujo oo Abwaan Ismaaciil ku hal-xiraaleeyey hal-abuurada Soomaaliyeed si guud.
Xujada kowaadi waxay ahayd mid ku saabsan xidiga-aqoonta, kaaso ah cilmi reer guuraagu u adeegsadan inay isbedelka xilliyada kaga sahmiyaan suu xaal noqon doono timaadada soo socota.
Si ay dhalinta Soomaaliyeed bal waxuun uga fahmaan murtida gabaygani xambaarsan yahay waxaan soo qaadan doona tusaaleyaal irmaan kuwaas oo u ibo-furiya jawaabaha tixda ee ka hadlaya adeegsiga aqoonta-xiddigiska.
Haddaba bulshada Soomaaliyeed si ay uga badbaadaan ama ay u yaraato saameynta dhibaatooyinka ka yimaadda roob-yaraanta iyo xaaladaha kale ee la soo dersa xilliyada adag, waxa ay bulshada Soomaaliyeed habeysatay aqoon hodon ah oo la kala dhaxley ka-ab-ka-ab oo ay ku go’aan qaadan jireen. Tusaale ahaan, saadaasha roobka ayaa ahayd aqoon aad u horumarsan; aqoontan oo ka dhalatay isku-dhafka xiddiginta dadkii reer Beershiya (Iiraan), Carab iyo mid Afrikaan ah. Xiddigiyaha Soomaaliga ahi waxa kale oo loo yaqaannay Xidaar, kaas oo oddorosi jiray xaaladaha cimilo ee yimaaddada. Inkastoo maanta ayba inagu yar yihiin dadka jaadkan oo kale ah haddan waxa ay bulshada dhexdeeda ku lahaayeen maamuus xooggan; saadaashooduna badi waxa ay ahaan jirtay mid u dhawaata wax dhaca ama la arko – taas oo ay xoolo-dhaqatadu ku go’aan qaadan jireen si ay ugu maareeyaan howl maalmeedkooda arrimaha la xidhiidha cimilada (roobka, abaaraha, dabaylaha), hayaanka, dirirta (dagaallada), guurka iwm.
Haddaan si tusmaysan idiinku sii manqaxo adeegsiga falaga si bal waxuun idiin ka bidhaamo jawaabahan furaya xujooyin ku saabsan falaga bal aan tusaale irmaano kale soo qaato. Tusaale ahaan doorsoon ku yimid xilligii sumalka idaha lagu sii deyn jiray Dhaqan-ahaan, xoolo-dhaqatadu, si joogto ah sumalka uguma darto idaha, xilli go’an mooyee. Waxana ay sidaas u yeelaan in aaney iduhu dhalin xilli adag (Jiilaalkii oo kale), oo aaney isugu darsamin caatonimo iyo dhalid, ka dibna laga yaabo in ay ka soo doogi waayaan xilligaas adag.
Habeenka la yidhaahdo “Dambasame” ayaa ah amminta ay xoolo-dhaqatadu sumalka idaha ku sii daayaan si ay u rimaan. Habeenkaasi waxa uu ka horreeyaa 150 maalmood xilliga uu roobka gu’gu bilaabmo. Sidoo kale, Dambasamuhu waxa uu ku dhacaa ama galaa 120 cisho ka dib habeenka Dab-tuurka (Dab-shidka ama Nayruuska) oo Soomaalidu ku suntato habeenka 1aad ee Sannadka Soomaalida. Habeenkaas (Dambasame) waxa uu ku beegmaa badhtamaha Deyrta (bisha Nofembar), kolkaas oo (sida ay Soomaalidu u taqaan) dayaxu la jiro xiddigaha ‘Urur-ka” oo ay Soomaalidu u taqaanno “Laxo”. Sidaas bey iduhu 150 cisho ka dib dhalaan oo ugu beegmi jireen xilli uu roobku si fi ican u da’ay (hilaaddii 15ka Abril). Odhaah soo-jireen ah oo ay Soomaalidu leedahay ayaa u dhigan sidan: “marka ay laxo dhacaan, ayey laxo dhalaan”.
Xilliyada iyo Taranta Idaha Is-beddelladaas awgood, waxa ay xoolo-dhaqatadu gar-waaqsadeen in aanay habboonayn in habeenka Dambasame sumalka idaha lagu sii daayo, maxaa yeelay lama hubo in ay iduhu dhalin doonaan xilligii ku habboonaan jiray ee roobku di’i jiray. Waxaana sababay roobabkii oo aan isku halleyn lahayn. Saas daraadeed bulshadeena oo ah mid aqoonta-xidigiska eebe ku ilhaameeyay iyagoo aqoonta adeegsanaya waxa ay reerguuraagu door-bidaan in ay 30 habeen dib uga dhigaan habeenka Dambasamaha, si ay xooluhu u dhalaan badhtamaha bisha Mey.
Halkaas waxa innooga muuqan karta sida ay reer-guuraagu aqoon xidigiska u yaqaan(astronomy), iyagoo cimilada kaga sahminaya sida ay isugu habeeyeen ama ula jaan-qaadeen saamaynta doorsoonka cimilada ee ta taaganta.
Somaalidu iyadoon waxbarasho lahayn ayay hadana waxay aad ugu horeeyaan habka cilmi felega iyo saadaasha oo ay waxka sheegaan waxa soo socda ama dhici doona iyagoo ka mooraynaya dayaxa, cadceeda, xidigaha iyo dabayshu xagay usocoto iyo weliba gebi ahaan saadaasha jawiga laakiin waa ragii hore inkastoo raga maanta iyagu ay yihiin rag waxbarashada ku horeeya waxaana laga yaabaa inaanay xiisaynba cilmi felegii ay ragii hore adeegsan jireen.
Hal-abuurka maanta yaqaana aqoonta-xidigiska waxay inoo cadaynaysaa in cidda la cado-cadaysan karta ama xujooyinkiisa furi karta ay tahay cid aqoon u leh cilmiga xidigiska(astronomy). Walow ay jiraan hal-abuuro cilmiga xiddigiska yaqaana sida Abwaan Axmed Hayow iyo Abwaan Xasan Bulxan. Haddana taasina waa sababta keentay saan filahaayo in Abwaan Ismaciil ay u jawaabeen labada hal-abuur ee kala ah Abwaan Xasan Bulxan Iyo Abwaan Faysal Goohe.
Faysal jawaabta uu ka bixinayo waxuu inoo sheegayaa; kalguurka ku dhacay xidigaha sida awr-cirka, dirirtiyo naafka wada fadhiistay, Cirjeexda dalandooshay iyo weliba dabaylahan koonfur u dhacaya, aqoonta ku laabani inay tahay in abaari soo socoto ee waa in laga sii gaanshaada.
Aan Idiin yara xasuusiyee Abwaan Ismaaciil Cali Boobe waatuu inagu halxiraaleyey oo uu yiri:-
☆xiddigaha calaankii hor kacay, Saxala cawlaaday
☆Ee dirirkii cidhiidhiga galoo, Naafka la caweeyey
☆Ee cirjeexdii suurtayee, Cag dhigi weyday
☆Ee awrkii cirku indhaha iyo, Caasha kor u taagey
☆Ee ururtii cishaha foorortee, Ceelka lagu guuley
☆Ciriqeeda yaa garanayoo, Cara e Noo sheega?
☆Dabaylaha cartamayee, Calan walaynaaya
☆Ee ciiriyo habaas dunidu, La Cawlaatay
☆Ee Jahada koonfureed cugtee, Galab caraabaaya
☆Ee aan cawayskii go’ayn, Cuudka laga maalin
☆Ciriqeeda yaa garanayoo, Cara e Noo sheega?
Waa kan Abwaan Faysal Goohe oo furaya xujooyinkaas wuxuuna yiri:-
★Ismaaciil calaamaad na tidhi, Cugga jawaabteeda
★Carwasaadka adigaa tirshiyo, Gabay collaadeede
★Afarteed cibaaraad na tadhi aan, Cod ka idhaahdo
★Curaafaysi buuu moodayaa, Kaan caqli lahayne!!!
★Xidigahan calaanki horkacay, Saxalkan cawladay
★Dirirkaa cidhiidhiga gallee, Naafka la caweeeyay
★Cirjexdaa suurtayee soo, Cag-dhigi weydey
★Awrkaa cirkee indhaha, Iyo caasha sare taagi
★Ururtaa cishaha foorartiyo, Ceelkan lagu guulay
★Iyo dabayhaaa cartamayee, Callan-walleynaaya
★Ee jahada konfureed cuggatayee, Galab carabaysa
★Ciiradiyo habaaskaa is xidhay, Dunidan cawlaatay
★Adigaa carayaye hadaan, Caynka ka higaadsho
★Labadu callaamadey sidaan, Waa ciriq abaareede!!!!
★Xooloho cuslaadiyo dhulko, Cawska laga waayay
★Cirkoon daruur lagu arkayn, Caadna laga dhaarshay
★Cayayaankoo naaftiyo wax bey, Ku cayimayaaane
★Calooshuu ka diidaa ninkii, Camal yaqaanaaye......
★Buurraha u caraar intaan, Cuudku kaa madhanin
Furitaanka Xujada Saddexaad Ee Halxiraalaha
Jawaabtan saddexaad oo ah mid kakan oo sarbeeban taasoo aanay fahmin karin dhalinta badankoodu waxaan bal in yar ka bixin doona sharax guud si ay ula jaanqaadaan fahamka jawaabta.
Reer-guuraga Soomaaliyeed waxaa Eebe siiyey aqoon ay ka barteen dabeecada deegaanka ay ku nool yihiin. Waxay aad u yaqaanan dhaqmada noolaha kula nool degaanka, kuwaas oo ay kaga sahansadaan isbedelka ku yimaada hanaanka geedi socodka nolosha.
Bal aan idiin yara xasuusiyee Halxiraalihii Abwaan Ismaaciil Waatuu yiri:-
☆Cooflaha libaaxiyo shabeel, Caydigu eryoodo
☆Casarkii waraabaha ciyiyo, Ciyowga naaq daayey
☆Duhurka guumays cabatiyo, Haad cishaha duulay
☆Coomade hilib diiday, Iyo galaw Cataabaaya
☆Baqalyohoo waxaro casumay oo, Cunada daayey
☆Cawa weerta subixii tukaha, Ceelka laga waayey
☆Ciriqeeda yaa garanayoo, Cara e Noo sheega???
Maadaama qofka reer-guuraaga ahi uu yaqaano dabeecadaha xayawaanka kula nool deegaanka, Haddii qofkaasi uu arka Coofle aar oo ka baqay caydi , Dhurwaag casarka orbeenaya iyo ciyow yulqan gabay, Guumeys gadiidka qabdhamaysa iyo Haada fiidka duulaysa, Coomaade coodiyo jiidhka daayey iyo galaw geydhanayoo cataabaya, Baqalyihii la odhan jiray baqalye buureedow babo oo waxaro la ciyaaraya iyo tukihii markuu waaga galalacleeyo ceelka cidna uga soo horayn jirin oo subaxaa la ba waayey, waa maanka qofka reer-guuraaga ah ku soo dhacaysa xaalku inaanu caadi ahayn ka dibna wuxuu ka dabqaadanaya astaamahan horta leh ee uu ku arkay xayawaanaadkan.
Iyadoo arrintu sarbeeb tahay oo aan si fidud loo fasiri karin, hayeeshee anoo ka dabqaadanaya dhaqanka reer-guuraageena iyo jawaabihii Abwaan Xasan Bulxan Cali iyo Tan Abwaan Faysal Goohe Aan idiin ku jalbeebi doona, waxaa weeye:-
- 1- Libaaxiyo Shabeelku waxay ka mid yihiin dugaaga kuwo burjiga leh laga sahmiyo saadaashaa waayaha waxa xiddigoo jiifo ama taagan yahay sebenkaa isaga ah. Ragii hore ee soomaaliyee ee col u jooga ahaa adeegsana jiray faalka, xiddigaha iyo dabaylaha iwm. Xiliga ay arkaan libaaxa iyo shabeelka oo kale oo waxaan hawaysan jirin ka cabsoonaya waxay ku sifayn jireen xiddiga raggu inuu jiifo iyagoo aamisanaa inay raga iyo libaaxa ay isku buruud yihiin.
- Markaa col-wada ama Col ujooga galshooyinka u kaga dhaqan yahay geyigaa gaarkana u ah kooxdiisa ay iska horjeedaan kooxda kale ee gacan qaadku u dhaxeeyo. Qaybtooda markay kala kulmaan calaamadahaas la soo darsay geylamaagaa ay aamisanaayeen inay isku burji ahaayeen walaac iyo walbahaar fara badan baa soo food saari jiray guluf-wadeenka. Wuxuu aad ugu mashquuli jiray iskuna hawli jiray iskuna shaandhayn jiray horjoogayaasha hurimahaa ee uu hore ugu hantiyey guusha faraha badanle ee ah mida lagu dabo-joogo. Sidaa darteeda buu liibaaxu u soo galay waana burji jiifsaday.
- 2- Duhurkii waraabaha ciya labo wax buu midkii og yahay. Dhulkaymeed uu ku noolahay oo laga garanayo inay dad iyo duunyo toona ku dhaqneen, horweyn goay oo ugu soo galay halkaas oo uu hilbihiisa ku wadhay waxna fiigo kaga maqan yhn oo kaynta ugu jiraan oo uu isugu ciidan diranayo. Arinta labaadna waa goob geylan dirireed oo ba'ani ka dhacay oo shalay oo kale rag isku arkay oo u yaalo meydkii aanu cidna gurin, maalintaana isagu aanu cidna ka martiyeynin. Labadaas buu mid uun og yahay.
- 3- Isbedelka ku yimi dabeecada lagu yiqiinay ciyowgana maxaa laga saadaalin karaa? Ciyowgan yulqan gabay wuxuu goobjoog ka yahay belo dhacday waqti aan fogeyn ioo raqda iyo raadka geylanku meesha yaalo isagoo ka naxsan ama la dhiilaysan wixii hortiisa ka dhacay ama yaala fuushana geed aan meesha ka dheerayn, una muuqda mid isaga kol dhaw la qaban doono afkiisana u doobshaday hoog iyo ba'a uu indhihiisa ku arkay cabsina iyo argagax kula naban sakal yar oo ka mida mid laamaha geedka ugu sareeya amuurta uu la naaqdaayeyna ay tahay mucjisooyinka ka dhacay goobtuu ku sugnaa.
- 4- Guumaysta duhurka ciday iyo haada caweyska duushay waxay ka mid waxyalaha ay ka dabqaadan jireen xeel dheerayaashi hore, waxayna ku sifayn jirayn colaad layslama gafaana jabiyo khasaare badan laga dhaxlo.
- 5- Sida caadada aha Haadu habeenkii ma duulo wuxuuna la duula waa cabsi ka kicisa baradiisa.
- 6- Coomadaha iyo baqalyaha waa sida dhurwaaga waxayna ka haageen hilib aanay cidna marti uga ahayn.
- 7- Galowgan cataabaya waa dhiilo ka warqab oo wax dhacaya ama soo socda bay ka dabqaadan jireen
- 8- Tukuhu waa noolaha marka laga reebo ku dhexnoolaha biyaha sida raha iyo lulumada soo arooraha waa shayga ugu soo horeeya biyaha xili waagu baryo goobaha biyaha. Falfaliidhka waa bariga isagoo dultaagan meelahii qoyaan biyoodle goobta goobta u xigtana waa mershii raq ka dhawdahay subaxaa, subaxaa wuxuu kaga baaqan karaa goobta uu ku soo horayn isagu oo wuxuu feedha kaga taagan yahay tulud ha la cuno ama si kale ha u bakhtidee oo isaguna cidna marti uga ahayn amase meyd banaan gorofsan.Waa kan Abwaan Faysal Ismaaciil Maxamed Goohe oo meerisyo laaxiboon inoogu tidcaya jawaabtii furaysa isagoo inoo sheegaya inay colaad birta la iska aslay tahay saansaanta jawiga muuqda iyo degel cooshash faaruqa. Wuxuuna yiri:-
★Afartaa intaan cayn ka dayey, Caadi ma usheegay
★Afar kalena coflaha libaxiyo shabel, Caydigu eryooday
★Nabsiba cidadaha ka dhigay oo, Caasha soo jaraye
★Isagaa ciyaaallkiyo u kaday, Caydigaa hellaye
★Labadaa cadeyaye hadaan, Camal kalle uleexdo
★Casarkii warabahan ciyey iyo, Ciyawgan naaqdayey
★Guumaysta duhurka cabatiyo, Haad cishaha duulay
★Coomaahadan hilibka daayey, Iyo galawga ciishoday
★Baqalyahan waxaraha casumay, Lana ciyaaraaya
★Cawaweeerta subaxii tukahan, Ceelka laga waayey
★Intaasuba colaad bay arkeen, Lagama ceeshaane!!!!!
★Meel caqiibo beeshiyo balay, Caasha ku hayaane
★Guutooyin ceeqdiyo hillbay, Ka cokanadeen dheh!!
Furintaanka Xujada Afaraad Ee Hal-xiraalaha
Furitaanka xujadadan afaraad iyana waa mid sahalka ku haysa saadaasha iyo odoriska timaaddada waxayna ku arooraysa Faalka iyo habka u shaqeeyo waana mid aad u kakan qof yaqaanaya mooyaane ruux kale wuu faaganayaa. Waxse hore u furay abwaan Xasan Bulxan. Maantana Abwaan Faysal Goohe baa furaya. Bal aan idiin yara xasuusiyo xujadii ismaaciil intaan idiinku jalbeebin jawaabta. Wuxuu yiri abwaan Ismacil Cali Boobe:-
☆Dheregsane ku cashaqay, Ximraha caasha soo geliyey
☆Caynsane afyuubkii la degey, Lana caweynaaya
☆Garba-raar ku caasiyey tukaalaha, Kugu cilaalaaday
☆Cuqle kugu rakaatiyo bayaad, Ciiro kaa qarisay
☆Cabdada mugdiga jiifsatee, Cayn ubixi waayey
☆Moorada cidhiidhiga gashiyo. Dunida cawlaatay
☆Ciriqeeda yaa garanayoo, Cara-e Noo sheega??.
Waa kan Abwaan Goohe oo Xujadaas furay wuxuuna yiri:-
★Afartaa cadeeyaye hadaan, Ciida kula aaado
★Casarkiiyo adoo dhigay haduu, Hadal cadayn wayo!
★Canlabeeb ma fiicnee haduu, Caan ubixi waayo!
★Markhaatiga cadeeyiyo hadduu, Ciirro tire waayo!
★Dharagsane ku cashaqa ximruhu, Caasha so galiyo!
★Cisho kale inaad dhigato bey, Caadadii tahaye!!
---------------******---------------
★Caynsanaha afyuubkaa la dagay, Cawda kula jiifa!
★Garbo-raar ku caasiyey tukahan, Kugu cilaalaadey!
★Cuqle kugu rakaatiyo bayaad, Caad ku kaa qariyey!
★Cabdadan mugdiga jiifsatay ee, Cayn u bixi waayey!
★Caarifnimo anan sheganayn aan, Cod ka idhaahdo
----------------★★★-------------
★Mooradan cadhiidhiga gashe, Caga gubyoonaysa
★Cill-qabeen ku dooniyo ballay, Soo carbinaysaaye
★Cishrin guyo tagay waxad gaysta, Coonka ku yimiye
★Guluf kugu cabaadiyo intaan, Cadaw ku soo gadhin
★Cishahaba inaan geedidaa, Ku cawo adduun ahe!!
Lasoco qormada 11aad hadduu Eebe Idmo
WQ: Hal-abuur Maanmaal Buureed Gurxan
Contacts: Maanmaalbured@gmail.com
Copyright: Maanmaal Buureed And MaskaxMaal.com
Saturday, 1 November 2014
Taleex Baa Dalkan Ugu Mudane, Talada Noo Geeya
--Taleex Baa Dalkan Ugu Mudane, Talada Noo Geeya!!---
^^Suugaantu waa dhaxalfac
^^Salka ku haysa hiddoraac
^^Sooyaal iyo leh tixraac
^^Soo jirey dhawr farac..(Maanmaal)
Ayaan kastoo dhalata cajabta waayaheediyo camalkeeda leh, dhacdo kastana xiiseheediyo xamaasadeeda leh, waxaa maanta abwaanad culimo cumar jaamac(luul) ay isoo gaadhsiisay tix cuddoon oo ka soo maaxatay kana soo fooftay maskax dihaniyo laab u culan curinta maansada eebe ku ilhaameeyey.
Tixdan laaxiboon oo la magac baxday Taleex waxaa tiriyey abwaan Fiqi Faatax. Abwaan fiqi faatax oo ahaa halabuurkii bishii 9aad ee sanadkan hoyga dooda halabuurka lagu gudoonsiiyey bilada buuniga halabuurada hoyga taasoo uu siiyey abwaan ismaaciil cali boobe ayaan waxaan jeclaystay intaan tixda taleex u galin inaan bal wax yar idiinka xasuusiyo tixdii laaxiboonayd ee abwaan fiqi faatax uu ku gudoomay tixdii bilad ee loogu caleemasaray buuniga halabuurada hoyga.
Hordhac
-----------
Taniyo amintii dareenkaygu sidii falaadho il tamreed ka yimi uu usoo dabtay gabayadii toolmaanaa ee silsiladii Bilad, marnaba dareenkayga kamaysan bixin xikmadii iyo murtidii looshaneed ee tixdii qurrux badnayd ee Bigil tasoo ahayd mid abwaan fiqi faatax isagoo faras baroora fuusha uu wadanka intiisa badan wada marayo, tixdan oo ahayd tuu ku gudoomay biladuu ismaaciil siiyey wuxuu yiri:-
❀Biladdaadii helay ina caloow, baabkii maansada'e
❀Baalaha casaankii ku xiray, buurta le'ekaaye
❀Baroorkii gudoomiyo sangaha, buunigii wadaye
❀Buskaa roox balida ceel-cad, iyo balanbaliyo miirta
❀Buuhoodle bookh iyo galdogob, bayra agaheeda
❀Buurtinliyo bacaad-weyn ilaa, boocamiyo laaska
❀Bilaadada nugaaleed taleex, bixin dulefkeeda
❀Buura-wadal bananada xalxalis, bide halkuu sheegay
❀Karamaan bidhaanteeda iyo, bariga reexaanle
❀Buuraha sanaag ceeri iyo, badhanta eegaysa
❀Barimada jidbaaliyo qabriga, boqoradii taalo
❀Buraan iyo hadaaftimo qardhiyo, bayla iyo eylba
❀Boosaasiyo caluuliyo qandala, badaha sii jeeda
❀Bareediyo wareegsame halku, odaygu soo beegay
❀Bandarada intaan soo tirshiyo, boqol kaloo laaban
❀Baashaa galbeediyo wardheer, ciid bartamaheeda
❀Beenalay halkuu beegsadiyo, janan bataaxeeda
❀Baxdawgii anoo saaran iyo boodkii laga maagay
❀Baqoolaha dhulkaan soo maree, socod ku baandheeyay
❀Booboow tixdaad marisay baa, lagu bulsheeyaaye
❀Inaad boqorka maansada tahaa, budul ku heesaaye
❀Bigilba ha noqdee xarafkux waa, guluf bilowgiise
❀Bootaanba waa kaa ku maqan, baydadkii hore'e
❀Butuluu ma dhaho goohe oo, waa isagaa baqaye
❀Bilaawihii cadceed waa qarsaday, baal-xaafkii warane
❀Cabdul iyo biriir kuma dhacaan, bila-daygoodiiye
❀Qaasin baan badheedhaha ku dhicin, bayd inuu dhaho'e
❀Hurfe lama bulxamo maansadii, baaca kululaye
❀Bilan caasha luul iyo hadaan, birimdii joogin,
❀Ama aan buntukha geenyo iyo, baasku nagu daadan
❀Bushimaha cidii kala furtaba, waan u baxayaaye
❀Baalaha ka eeg ina-adeer way bakadayaane.
--Abwaan Fiqi Faatax Iyo Tixdii Taleex--
Tixdan taleex anigoo u kala qaadaya saddex qaybood, ayaan waxaan ku horeenaya qaybta hore oo ka kooban 29 meeris.
Qaybtan hore waa ararta tixda taasoo ka mida astaamaha maansada. Abwaan fiqi wuxuu arartan inoogu sheegay in manaam ama an dhehee riyo loogu yimi taasoo ahayd riyo ka toosisay hurdadii oo kulmisay isaga iyo abwaankii weynaa ee Bide Faarax Gaas(AHUN).
Sida arartu inoo tebinayso Abwaan Bide wuxuu marka hore Abwaan leeyahay fariinta iga qaad igana gaadhsiiya dadka dunida jooga, wuxuuna fiqi horta u sheegayaa inuu isaga iyo duub-cadii daraawiisheeba eebe janada galiyey darisna ay la yihiin asxaabihii nebigeeni(scw) udgoonaa.
Abwaan Bide wuxuu kaloo u sheegaya sababta janada eebe u galiyey inay tahay inuu ahaa mid cibaadada eebe faray raacay maantana uu midhaheedii cunayo, sidaa daradeed wuxuu farayaa in uu cibaadada ku dadaalo, dadkana usheego inay cibaadada iyo alle ka cabsiga badiyaan.
Fiqina wuu ka gudoomaya, waa kan abwaan fiqi faatax oo murti cuddoon inoogu soo tebinaya wuxuuna yiri:-
**Indhawayd ta’dii gabay Ina Caloow, waa anigaan tirin
**Tee’leeyay maansooyinkaan, teeb-garayn jiraye
**Taraafiik markuu waayay baan, joojay tabihiise
**Tebinkiisa aan xiray hadaan, idiin tusaaleeyo
**Talaamiidda yaan uga hariyo, tuduc la soo roore
**Anoo tiiriayaa xalay saqdii, taarkan ii yimide
**Tawal baa hurdada iga galloo ,toosay kaligaye
**Taleefoon aan qabo damcee, tararag-laynaayay
**Tusmadii abwaankuu ahaa, Bidihii toosanaan jiraye
**Ina Faarax Gaas kama tegine, waw tawaawacaye
**Eebaan u tuugiyo Allahii, taagay dunidaane
**In fardawsa lagu tiimbiyaan, tooyadkeed galaye
**Waxuu yiri jannadii waan tagnoo, nala ku tuuryeeye
**Waxuu yiri tubtaan qaadnay, baa ahayd TII anbiyadiiye
**Waxuu yiri toolmoonahaa, taako noo jira-e
**Waxuu yiri turaabtaa ka badan, xuural-cayn tubane
**Waxuu yiri Tacaal nagu dhahoo, toganay khayrkiiye
**Tafiirtii darwiishkuna dhammaan, taabte raaxada-e
**Waxuu yiri tartiib iiga qaad fiqow, tiraabtayda
**Tawxiidka waxa lagu tagaa, togag naciimaade
**Waxuu yiri tasbiixdiyo hadayn, toobada Illaahe
**Tukashada sallaadaha ha goyn, iyo takbiirtooda
**Waxuu yiri turxaan lama hadlee, taxane suugana
**Ina Adeer tixdaan iga gudoon, tirina inshaaleeye
**Waxaan iri tilmaantada iyo, qaatay taladiiye
**Taageeradaan Biddow, tamana’aayaaye
**Tanaduhu salaan bay dhammaan, kuu tabinayaane
**Tolnimadaadi way garanayaan, taabac-nimadiiye
**Toogtaadi soo hiilisaye, tacab jannaad miiso
**Afartaasi tahliil weeye iyo, tiixa roob da'aye
Abwaan fiqi faatax markuu intaa uga tibixsiiyo ayuu hadana isagoo wali hadalka sii wata oo uu riyo kula hadlayo Abwaan Bide Faarax Gaas(AHUN), wuxuu abwaan Fiqi uga waramaya baabi'ii iyo inkaarihii ka dambeeyey dal, dad iyo duunyadii soomaaliyeed ku habsaday.
Wuxuu meerisyada cuddoon ee tixda ugu manqaxayaa sida maanta soomaali birta isaga aslayso iyadoon loo kala eegayn kana waa birmageydo iyo kana birmad toona ah.
In qolyooyin soo baxeen masiibo baraysatay oo dad aan waxba galabsan bambooyin ku asqaysiinaya sidoo kalena iyaguna nafahooda qarxinaya.
Wuxuu tuducyada laaxiboon ugu laaqibayaa sida maanta badaha soomaaliya qashinka kiimikada loogu aaso ee biyaha wadanka loo sumeeyey.
In barxadii gaashaysnayd ee roomtii afrika waa muqdishowe taxtaxaashiyaan afrikaan aad u liita kuwaaso mar daaraha madfaca ku bardaamiya marna ku raaxaysta degelada ugu bilicsan ee xamar cadey.
Wuxuu heego ugu maraya sida laysu wada nacay ee soomaalidu isu wada haaraamayso ee midba midka kale u reebayo rubadana u goonayo. Fiqi faatax waa kan isagoo mar kale inagu jalbeebaya, wuxuuna yiri:-
**Takhasuskayga weeyo ereyga, waan tukubiyaaye
**Tuduc kaloon abwaankii ku iri, toobkaha u qaata
**Toogashada markay kugu dileen, nimanka tuug taahi
**Tareenkii bulshadu fuushayee, turunturoonaayey
**Taajir iyo faqiir waa simoo, dhigayay tuurtiiye
**Tuhun baa dadkii kala galoo, toorey lays galiye
**Tukaa feenta soomaalidii, tuulo iyo belede
**Tubtaa qaraxa la isugu xiraa, tiinka Miinada-e
**Taajkii boqorka may daynin iyo, boqor tilmaana-e
**Culimadii tusbaxa eersatiyo, tebeintii diintiiye
**Tamootidu ma laysiyo xanuun, tiibijo qoone
**Toora-toorahaa laayay iyo, turuurux Aaka-e(AK47)
**Al Qaacido tiikaal ku timi, toomihii gala-e
**Afrikaanka tawguu lahaa, tiigsay dhaxalkiiye
**Taangigooda yaa lagu arkaa, toonka curubaade
**Mar-marsiiyo taageerahay, tacadi maalaane
**Taraaqadii badaha laga jiriif, tabadin keeniiye
**Tangarkaa ku quba kiimikada, timmo la haadiiye
**Tiriliyan qaxoontigu ku dhaw, calaamka tegeye
**Tahartooda baa lagu qoraa, tuugsigaa korine
**Tacliintii bartee nolosha adag, lagu tacaaleeye
**Taminaad markii laga rabee, waalidku u tiico
**Tahriibtu badaha ugu dilaa, xuudka taagsadaye
**Tamaniin ka badan shekadan, taxayo saaxiibe
**Tabad weeye arimaha dalkuye, toobinka aan eegno
**Afartaas tahliil weeye iyo, tiixa roob da’aye
**Takhasuskayga weeyo ereyga, wan tukubiyaaye
**Tuduc kaloon abwaankii Ku iri, toobkaha u qaata
Qabtan saddex waa qaybta mucdiyo miidda murtiyeed ee u jeedka tixdan wadaniga ahi ay ku dhaaban tahay, markaynu iska dhaafno ararhudhka yare qurxisiyo maanxadka ah waxay u iishanaysaa guntiyo ujeedkeedu dhawr arimood oo kala ah:-
1- In dadka soomaaliyeed is cafiyaan, wixii turxaan lehna layska shaafiyo lana wada tashado
2- In aan ololaha midnimo tasawin oo tubta toosan la qaado
3- Abwaanku isagoo si cilmiyeysan dadka u tusaalaynaya una laaqibaya sooyaalka, hodontinimada iyo hoodada dhulka hooyo leh in lagu shiro taleex oo gogosha la dhigto halkuu halgaamigii soomaaliyeed u taalay waa geedka gedefta leh. Waayo taleex waa caasimadii umada soomaaliyeed, waa ubucda ay fadhido nimcada dooxada taasoo ah mid baadiyo biyo, duunyo la dhaqdo nooc kastooy tahay, iyo jawi macaan oo laadiifoonba leh. Waana halku ka soo bilaabmay gaylankii gobonimo diinki umada soomaaliyeed ee duub-cadii daraawiish.
Abwaan Fiqi Faatax waan kaan isagoo feenanaya intii igu dambaysay ku tiiqtiiqsanaya murtida ka timi fahmada looshanee eebe ku galadaystay. Wuxuuna abwaan Fiqi yiri:-
**Tiintiinka soomalidaan, cunaysa tiilkiisa
**Tiigaalka nimankaan rabee, tooxan qodax toolka
**Timir hadii aad siisana kuwan, dacar u taahaya
**Tiihiyo xanuunkiyo halkii, tuluxda daawaynin
**Turkaan iyo dhulaan lagu arkayn, tiifna gadanaaya
**Turxaamaha dhexdeena intaan, tuubo ku afuufno
**Taleex baa dalkan ugu mudane, talada noo geeya
**Taariikh runa hadaan eegno, iyo, taxanahii raadka
**Talaabadii dunida soo martiyo, toobiyaha muuqda
**Tamaaaniin ka badan aragtidaan, taabo leeyahaye
**Toorihii aan khaladnaan rabaa, inaan ku toosaaye
**Taleex baa dalkaan ugu mudane, talada noo geeya
**Tisca iyo tisciin sano horteed, tira ka dheeraada
**Tixraaci halgamayaasha iyo, taabka calankeena
**Tisqaadkii daraawiishta iyo, tabar- galkeeniiba
**Teendhadii ustaadkiyo halkay, gogoshu noo tiilay
**Taleex baa dalkaan ugu mudane, talada noo geeya
**Taniyo nuux(cs) aduunyada mar kale, taran bilawgeedi
**Tacbiirti anbiyadaad jaleelo, ugu tegeysaaye
**Gumburiga tilman kuugu filan, taam haddaad tahaye
**Tuuraha iyo dooxooyinkaa, taaj laguu dhigiye
**Taleex baa dalkan ugu mudane, talada noo geeya
**Taalooyin caanoo dunidu wada tibaaxayso
**Tuur dhagax leh didib tooxaniyo, taro macaankeeda
**Tamashlaha dalxiis oo fardaha, lagu taxaashaayo
**Baroor tiici qaaje taxadarliyo, takhal cilaan wiira
**Boodkaa tartamayiyo sengaha, turuqu waynaaday
**Tagoogada cawiifaaga iyo, toomaha ilwaada
**Taraxadda udgoon tiirigiyo, xmashta taal muuqa
**Tiigaal cagaarliyo dhirtaa, tobon kun oo geedda
**Tufaaxa Iyo toonka ka baxa,tabacca beereede
**Taleex Baa dalkaan ugu mudane, talada noogeeya
**Torog iyo tixaash oo dhaloo, ubadku tiicaayo
**Tabiskiyo tiftii qaar rimoo, gaanigu u tookhin
**Taakulada sacaa laga helaa, tacabkii dayreede
**Tabadaha camiran maakhirig, weelka Lagu eedshay
**Tixo iyo orgiga qaylinee, taxarka miideeyey
**Nimcoolaydu way tuuran tahay, nooc kastay tahaye
**Anigu tororog maan hadline Waa , ta’wiil fiqiye
**Tiiranyo ma leh Horumar kaan, tiigso leeyahaye
**Taminaad hadaan doonayno iyo, taamka nolosheena
**Caasumad tilmaan iyo barakolaan, toosh idin suraye
**Taleexbaa dalkaan ugu mudane, talada noo geeya...
Murtidan toolmoon ee tilmaan, tusaale, taliyo xikmada ku gaashaysan waxaa hubaala maskaxday ka soo maaxatay inay tahay mid fahmad looshan leh oo eebe garasho sare iyo xikmadba ku manaystay. Abwaan Fiqi Fatax alle ha ku barakeeyo maankiyo garashadaba baan leeyahay..
WQ: Maanmaal Buureed Gurxan